Wadaadada Iyo Qadiyadda Dumarka
=============================
1- Dumarku waa mujtamaca badhkii, waxaaba runa inay xaaladaha qaarkod ka tiro badan yihiin raga. Haddii aan la falqayn, la tiraabin, lagana faalloon amuuraha iyo shu’uunta khusaysa dumarka, ha noqoto xuquuqdooda, kocbinta xaaladooda dhaqaale amaba ha noqto masuuliydda dumarka Muslinka saarane waxaa hubaala in la dayacayo bulshada badhkeed.
2- Haddii ehlu diinka iyo culimadu ku fashlimaan inay baylah tiraan maslaxada iyo danaha baaxadda weyn ee dumarka waxa dhacaysa in kooxo diinta necabi u hagar baxaan siday uga faa’iidaysan lahaayeen arinkaasi, xaqiiqadani waa mid daahira oo marag madoonta ah, waxase madhaafaanka runtu tahay, inay kooxahaasi yihiin kuwo hoosta ku wata ajendayaal iyo mashaariic qarsoon oo lid ku ah diinta, Islaanimada iyo caqiidada dumarka Muslimiinta iyo maslaxadoodaba. Hadaba in la fadeexadeeyo kooxahan, oo daaha laga faydo fitnada iyo ibtilada ay la maagan yihiin dumarka ayaa ah waajib in laga baxsadaa ay adagtahay.
3- Baaxad waynida ilaha warfaafinta ee ku wajahan hallaynta, baadiyeenta iyo leexinta garaadka iyo caqliga dumarka Muslinka ayaa ah mid xad dhaafa, taa awgeed waxa Muslimiinta la gudboon inay u xaytaan, waxbana iskula hadhin siday uga hortagi lahaayeen daadkan ku soo jabay dagaladooda.
Ha noqoto buug la qoro, ha noqto duruus la duubo, ha noqto shirar iyo kulano layskugu yimaado oo lagu falan qeeyo arimaha dumarka, ama ha ahaato in laga faa’idaysto technoolajiga casriga ah ee shabakadda inter natka iwm, xalku waxa uu yahay inaynu ku dadaalno sidii ayna guuldaro inooga raaci lahayn duulaanka lagu soo qaaday dumarka, hooyada, inanta, xaaska iyo walaasha Muslinka ah.
4- Danaynta iyo fiirada gaarka ah ee Galbeedku ku eegayo dumarka ayaa keentay in la alkumo shirar lagu falanqeeyo axwaasha iyo shu’uunta dumarka oo lagu meel marinayo aragti-dumareed ku salaysan dhaqanka, qiyamka iyo taariikhda Galbeedka sidii shirarkii lagu qabatay magaalo madaxda dalka Shiinaha ee Bikiin, Qaahira iyo New York. Waxase runa in shirarkaasi laga lahaa ujeedooyin khariban oon sinaba ula jaanqaadi karayn danta, maslaxada iyo waxyaabah ay higsanayaan dumarka Muslimiintu.
5- Barnaamijyada Galbeedka ee ku aadan dimuqraadiyeenta dunida Islaamka, ayaa iyaguna ka madhnayn waji-gadi iyo bedelid la doonayo in lagu sameeyo shakhsiyadda dumarka Muslimiinta. Isbedalka iyo taqyiirka lala maagan yahay in lagu sameeyo dumarka Muslinki waa mid ku wajahan inay xaqiijiso laba ujeedo oo loo baahan yahay inaynaan gees marin amba hilmaamin, waxayna kala yihiin:
(a) Mijoxaabinta, xayuubinta iyo tirtirka astaan- diimeedka dumarka Muslinka, iyadoo tuhun iyo shaki lagu furayo axkaanta shareecadu u dhigtay dumarka, sida akhlaaqda, siyaasasada, xijaabka , guurka , furniinka iwm.
(b) In lagu qasbo ama lagu qanciyo dumarka Muslinka ah caadooyin, dhaqan iyo hab- nololeed lid ku ah diintooda iyo caqiidadooda.
6- Qeexidda, macnaynta iyo falanqaynta ereybixinta iyo fikradaha loo adeegsanayo sidii loogu marin habaabin lahaa garaadka iyo caqliga dumarka Muslinka ah ayaa loo baahan yaha in laga hortago, waana in daaha laga feydo xaqiiqada iyo macnaha ay xambaarsanyihiin. Eraybixintan iyo fikradahan waxa ugu khatarsan seddex fikradood oo sun iyo waabey ka buuxdo, waxayna yihiin sida hoos ku tibaaxan:
(1) Xoraynta Dumarka (libration of woman).
(2) Xuquuqda Dumarka (women’s rights).
(3) Sinaanta Labka iyo Dhediga (gender equality).
7- In si Islaamnimo iyo geesinimo leh ay culimada iyo cid walba oo danaynaysa hagaaga iyo wanaaga bulshooyinka Muslinku ay uga hor tagaan caadooyinka iyo dhaqanada xun ee raga qaarkood u isticmaalaan inay dumarka kaga xayuubiyaan xuquuqda ay shareecada Islaamku u sugtay dumarka (oon ahayn xuquuqda ay dejisay Qaramda Midoobay iyo ururada reer Galbeedka ee ay gacanta ku dhigeen dumarka femeniiska iyo khaniisiintu sida lagu sheegay daraasaad cilmiyaysan).
Dr.Maxamed Sh.Cabdirxamaan Kaariye
Ka dhiibo ra'yigaaga.

Comments