Qisasal Ambiyaa| Nabi Muuse (Caleyhi Salaam)
Qisadii: Nabi Muuse (cs)
Waxa si wada jir ah u diyaariyay:
C/fataax Xasan aadan iyo Axmed Ismacil Xasan (Bucul)
Qisadii: Nabi Muuse (cs)
Waxa si wada jir ah u diyaariyay:
C/fataax Xasan aadan iyo Axmed Ismacil Xasan (Bucul)
Qisadii| Nabi Muuse (cs)
Mudadii xukunka masar uu haystay Nabi Yuusuf (cs) dadka reer masar waxa ay noqdeen dad illaahay (swt) kalinimadiisa rumeyey, waana waxa loo soo diray anbiyada oo dhan, dhimashadii Nabi Yuusuf ka dib Reer masar waxa ay ku noqdeen halow iyo shirki, reer binu israa’ilna waxa ay dhex gelaan mushtamicii masar, badhbaa halaabay oo diinta ka baxay badh kalena waxa ay ku soo hadheen tawxiidkii wayna farabateen reer binu Israa’iil waxana korodhayn tiradooda.
Masar waxa xukumi jiray boqor madax adag oo reer masar ay caabudi jireen boqorkani waxa uu u arkayey in reer Binu Israa’il sii faro badanayaan oo boqortooyadiisana ay qabsanayaan, waxana uu maqli jirey sheekooyin odhanaya inan reer binu israa’il ah ayaa dumin doona Fircoon boqortooyadiisa masar ka dhisan, Fircoon waxa uu soo saaray go’aan amraya in la dilo inankii reer binu israa’il ah ee dhashaba waxana la bilaabay nidamkaa sii loo hirgelin lahaa, waxana uu yidhi la taliyihii Fircoon kuwa gaboobay ee reer binu israa’il wey dhimanayaan kuwa yaryarna waa la qawracayaa sidaas ayeyna ku dhamaanayaan reer binu Israa’il.
Dadka reer masar waxa ay noqdeen umad taagdaran maamulkuna waxa uu doorbiday in la dilo inankasta oo dhasha, Inamada yar yar ee dhasha sanadna waa la dili jiray sanadna waa la deyn jiray, Fircoon waxa uu moodayay marka uu arinkaa samaynayay in uu xalkan ku nabad gelayo, Nabi Haaruun (cs) waxa uu dhashay sanadkii aan caruurta la dilayn hooyadii waxa ay dhashay iyadoo rumeysan in uu u nabad gelayo inankeedu, Sanadkii ku xigeyay ee inamada la laynayey waxa dhashay Nabi Muuse (cs) Muuse hooyadii waxa ku dhacay cabsi iyo argagax weyn iyadoo ka baqaysa in la dilo wayna la dhuumatay iyadoo ku naas nuujunaysay si qarsoodi ah, waxa la soo gaadhay habeenkii barakaysnaa ee illaahay u soo waxyooday Nabi Muuse hooyadii illaahay (swt).
“Waxanu ugu waxyoonayn Nabi Muuse hooyadii in ay naas nuujiso marka ay u baqatana in ay ku tuurto biyaha dhexdooda iyadoo cabsi iyo murogo midna ayna ku jirin, waanu u soo celin doona xagaaga waxana uu ka mid noqon doona kuwa rasuusha” Waxa la amray in ay Nabi Muuse hooyadii ay sameyso Sanduuq yar muusana ay ku dhex rido ayna la tagto wabiga dhinaciisa oo ay raaciso wabiga biyaha, waxa ay la hayd nabi muuse hooyadii qalbiga hooyooyinka oo kale waa qalbiga ugu raxmada badan aduunyada.
Waxana ka buuxsamay qalbigeeda warwar iyo murugo iyadoo weliba ilmaheeda raacinaysa biyaha wabiga laakiin way ogayd in illaahay uga naxariis badan yahay iyada oo illaahay yahay rabiga muuse iyo wabiga niilkaba, inkastoo markii hore biyaha niilku fara badnaayeen illaahay (swt) waxa uu ku amray moojadihii biya niilka in ay si degan u socdaan inta ay sidaan ilmaha yar ee nabiga noqon doona sidii uu illaahay (swt) u amray naartii lagu riday nabi Ibraahim (cs) in ay noqoto Qabow iyo nabad gelyo sidaas oo kale illaahay waxa u faray wabiga niilka in uu qaado muuse si degana u wado ilaa inta uu gaadhayo qasriga furcoon, Biyihii niilka ayaa qaaday sanduuqan cisiga leh ee uu ku jiro muuse geeyeyna qasrigii fircoon halkaas oo mowjadihii siday ay ku wareejiyeen.
Markii uu waagu baryey waxa soo baxday gabadhii fircoon oo ku socoto beertii qasriga, gabadha fircoon aad ayey uga duwaneyd fircoon isagu waxa uu ahaa kaafir iyaduna waxa ay ahayd muuminad isagu waxa uu ahaa mid naxariis daran iyaduna waxa ayad mid naxariis badan mar labaad waxa ay ahayd gabadh aad u murugaysan wax caruur ahna u may dhalin fircoon wana ay jecleed in ay mar uun agteeda ay ku aragto ubad.
Markii ay ku dhowaatay biyihii niilka ayey heshay Sanduuqi wayna soo qaaday waana la furay sanduuqi waxana ay aragtay muuse oo ku jira sanduuqa oo inan yar ah markiiba waxa ay qalbigeeda ka dareentay jaceyl illaahaybaana qalbigeeda ku tuuray kalgacal waxana ay soo qaaday sanduuqi, muuse waa uu soo baraarugay waxana uu bilaabay in uu ooyo waxana uu u baahnaa naaskii uu jaqi jiray subaxnimada.
Fircoon ayey gabadhiisi ula timi iyadoo sidata ilma yar waxana uu weydiyay naa halkee ayaad ka keentay ilmaha yar waxana ay uga warantay sanduuqi waxana uu ku yidhi hadal ka soo go’aya qalbi aan raxmad lahayn kolay waa inan yar oo reer binu israa’il ah oo sanadkani mayna ahayn sanadkii la leyn jiray? gabadhii fircoon inta ay ilmihii yaraa halkaa laaabteeda ay ku qabtay ayey qaylisay illaahay (swt) isagoo nooga waramaya waxa ay tidhi gabadhii fircoon waxa uu inoogu sheega ayaad quraan ah “Waxa ay tidhi gabadhii fircoon waxa uu ii yahay aniga mid indhuhu ay ku qaboobaan ee hadilina waxa laga yaaba in uu ina anfaco oo aanu inan ka dhigano”
Fircoon waxa uu xasuustay yaraanta awooda gabadhiisa waana uu ka aqbalay waxii ay doonaysay waxana uu u ogalaaday inankan yar in lagu koriyo qasrigiisa, muuse waxa uu bilaabay oohintii waxana la amray in loo yeedho gabadh naas nuujisa waxana la keenay gabadh muuse naaska nuujinaysa qasriga fircoon way qadan laakiin wuu diiday in uu naaskeeda jaqo waxana la keenay ku labaad iyo su sadexaad iyo ku tobnaad intaba waa uu diiday muuse in uu jaqo naaska isagoo welibana oogaya.
Gabadhii fircoon way ku ag warwareegtay iyadoo garan la wax ay samayso, gabadha fircoon oo kaliya may murugaysnayn oo may oogeeyn laakiin waxa ka darnayd oo iyana meel kale ku murugaysnayd muuse hooyadii, muuse hooyadii kumay dhowaan marka ay ku tuuraysay wabiga niilka ilaa ay mooday in ay qalbigeedi ku tuuraysay biyaha, biyihii niilkuna way ka qariyeen sanduuqi wax war oo danbena kamay helin.
Waagi danbe ayaa baryey iyadoo qalbigeeda ay ku wareegayso murugadii ilmaheedu waxana ay ku dhowaatayba in ay tagto qasrigii fircoon oo ay ku sheegto in uu yahay inankeedi wixii dhacayaaba ay dhacaan illaahay ayaa soo qabtay qalbigeeda oo ka buuxiyey nabad wayna iska degtay oo ay sugnaatay, arintii oo dhamina waxa ay noqotay in ay tiraahdo walaashii waxa aan tagayaa qasriga fircoon agtiisa si aan u soo ogaado muuse xaalkiisa.
Waxayna ay tagtay muuse walaashi qasriga fircoon agtiisa waxa ay meel durugsan ay ka maqashay oohintii muuse waxana ay aragtay iyagoo garanla si ay yidhaahdaan waxana ay maqashay in uu diiday in uu dumarka naaskooga jaqo, waxa ay ku tidhi shaqaalihii fircoon ma idin tusaa qoys naas nuujinaya oo kafaala qaadanaya oo u adeegaya laguna halaynayo hawsha inankan yar, gabadhii fircoona aad iyo aad ayey ugu faraxday arintan waxana ay muuse walaashi ay u sheegtay in ay u yeedho gabadhan muuse walaashiina way noqotay waxana ay keentay hooyadeed.
Hooyadii ayaana naas nuujisay waxana ay tidhi gabadhii fircoon qaad ilaa inta uu naas jaqida uu dhamaysanayo oo nagu soo celi marka naasku ka gudho waxana aanu ku siin doonaa abaal marin weyn sidaas buuna illaahay Nabi Muuse ugu soo celiyay hooyadii si indhahedu ugu qabooban oona ay u murugoon si ay u ogaato in balan qaadka illaahay uu xaq yahay.
Illaahay (swt) waxa uu ku yidhi suuratul Qasas “Wuxuu noqday qalbigii muuse hooyadii mid madhan markii ay ku dhowaatay ka dib” “Waxa aan ka manciney dumarkii kale naaskoogi mar kii hore waxay tidhi walaashii ma idin tusaa qoys kafaala qaadanaya oo nasteex idin ah” “Waxanu ku soo celiney hooyadii si ay indhaheedu ugu qabowsadaan oona ay u murugoonin una ogaato in uu balan qaadka illaahay yahay xaq laakiin dadka badankoogu ma garanayaan”
Markii ay muusa hooyadii ay ka gudhisay waxa ay ku celisay gurigii fircoon waxana jeclaaday dadkii oo dhan illaahay (swt) waxa uu ku yidhi suuratul Daah “Waxa aan ku geliyey kalgacal xagayga ah”
Muuse waxa uu noqday ilma yar oo cid kasta oo aragtaaba ay jeclanayso wakhtigaa waxa uu ku suganaa mid ka mid ah qasriyada aduunka kuwa ugu waaweyn, isagoo lagu tarbiyadeenayo ilaalin xaga illaahay ah, tarbiyada muuse waxa ay ka bilaabmatay guriga fircoon gurigaas oo ay ku sugnaayeen kuwa ugu waaweynaa murabiyiinta iyo macalimiintii xiligaa, wakhtigaana masar waxa ay ahayd dowlada ugu weyn aduunka.
Fircoona waxa uu ahaa boqorka ugu quwada badan aduunka, sidaa darteedna waxa uu awood u lahaa in uu soo kaxaysto macalimiinta iyo mufakiriinta ugu cilmiga badan aduunka sidaas ayuu illaahay kula doonay xigmadiisa in uu muuse ku tarbiyadeeyo tarbiyada ugu weyn uguna balan qaaday macalinka ugu weyn in tacliintiisana uu ku dhamaysto isagoo ku sugan guriga cadowgiisa kana faa’iidaysanaya fursada ah doonista illaahay.
Muuse waxa uu ku wey naaday guriga fircoon waana uu is ogaa in aanu ahayn ina fircoon ee uu yahay reer binu israa’il waxana uu arki jirey sida ay u hatigayaan askarta fircoon iyo kuwa la socdaa reer binu israa’il, markii uu gaadhay muuse afartan jir ayuu soo gelay magalada goor aan dadku ogeyn isagoo magalada dhex socda ayuu arkay nin ka mid ah kuwa fircoon raacay oo garaacaya nin reer binu israa’il ah ninkii daciifka ahaa waxa uu kaalma ka dalbaday Nabi Muuse (cs), muuse ninkii waa uu dilay.
Muuse waxa uu ahaa nin xoog badan ninkana muu dooneyn in uu dilo ee waxa uu doonayey in uu garaaco oo kaliya laakiin markii ugu horeysay ee uu gacantiisa ku fidiyeyba ninkii waa uu ku dhintay, muuse naftiisi waxa uu is yidhi waxa aad samaysay waa camal shaydaan, shaydaankuna waa cadow dadka haleeya intaa ka dib muuse rabigiisa ayuu baryey waxana uu yidhi:-Rabiyow waxa aan dulmiyey nafteydi ee ii denbi dhaaf, illaahayna uu u denbi dhaafay.
Illaahay (swt) waxa uu kaga waramay Suuratul Qasas
“Markii uu gaadhay heer uu adkaaday oo uu sugnaaday waxanu siinay xukun iyo cilmi sidaas ayaana ku abaal marinaa dadka wanaagsan.”
“Waxa uu soo galay magaladii goor aan cidi ogeyn wax uu arkay laba nin oo is dilaaya oo midi yahay qoladooda midna uu yahay qolo ay col yihiin ninkii qoladooda ahaa ayaa gargaar ka dalbaday si uu uga hiiliyo kan cadowgooga ah muuse gacan ayuu ula tagay ninkii waana uu dhintay ninkii, waxa uu yidhi waxaasi waa camal shaydaan, shaydaankuna waa cadow dadka haleeya oo cad (15) waxa uu yidhi illaahayow nafteydi ayaan dulmiyayee ii denbi dhaaf illaahayna waa uu u denbi dhaafay, illaahay isagaa denbi dhaaf leh oo naxariis badan (16) waxa uu yidhi rabiyow wixii nimco ah ee aad I siisay noqon maayo mid ugu gargaara mujrimiinta.”
Muuse waxa uu noqday nin magalada godob ka gelay oo ka baqaya lana baadi goobayo xaalkii Nabi muuse (cs) mudo ayuu sidaa uu ahaa iskana ilaalinayey in uu shargalo isagoo la baadi goobayo oo dhan walba iska eegaya ayuu is qarin jiray.
Muuse waxa uu illaahay balan kula galay in aanu u gargaari kuwa mujrimiinta ah manuu dhex geli jirin kuwa u doodaya mujriminta iyo kuwa rabshado wadayaasha ah marka ay is qabsadaan kuwa qoomkiisa ah, muuse waxa uu la kulmay ninkii uu maalintii hore wax ka celiyey oo meel ka qaylinaya oo isku madhan yihiin mid ka mid ah qoladii masriyiinta ahayd muuse waxa uu gartay in uu yahay rabshadwade reer binu israa’il ah, markii uu muuse ka qabo is yidhi ayuu ku qayliyey waxana uu ku yidhi:
“Waxa aad tahay nin aad u xoog weyn” muusena waxa uu ku yidhi kalmad la mid ah oo uu ugu hanjabay ninkii, ninkii reer binu israa’il waxa uu u qaaday in uu ninkan dilayo waxana uu xasuusiyey ninkii uu muuse dilay muusena waa uu ka joogsaday, Muuse waa uu ka aamusay isagoo ka cadhaysan waxan uu soo xasuusiyey sidii loogu denbi dhafay iyo toobadii iyo balankii uu illaahay kula gelay in aanu u gargaarin mushrakiinta ayaa ku dhex wareeqay qalbiga muuse, muuse waa uu iskaga dhaqaaqay isagoo illaahay denbi dhaaf waydiisanaya.
Masrigii rabshadwadaha ahaa waxa uu ogaaday in uu muusa dilay ninkii masriga ahaa ee shalay ee aasayeen cidina mey ogeyn in uu dilay muuse isla markiina ninkii waxa uu ku baahiyey warkii magaladii oo dhan waxana uu ka shifay sirtii muuse waxana uu cadeeyey arinkiisi, waxa muuse u yimid nin masri ah oo muumin ah oo cararaya waxana uu Nabi Muuse (swt) kula taliyey in uu magalada iskaga baxo.
“Muuse waxa uu waa bariistay in uu magalada dhex deedi ku cabsado lana deydayo waxana uu la kulmay ninkii uu shalay u hiilinayey oo qaylinaya waxana uu ku yidhi muusow waxa aad tahay nin xoogweyn markii uu muuse doonay in uu dilo ninkii cadowgooga ahaa ayuu ku yidhi muusow ma waxaad doonaysaa in aad I disho sidii kii aad shalay dishay oo kale waxa aad doonaysaa uun in aad dhulka ku kibirto ma doonaysid in aad noqoto kuwa wax hagaajinaya (19) waxa u yimid nin cararaya oo ka yimid dhinaca magalada waxana uu ku yidhi muusow madaxdii way ku shirqoolayaan si ay kuu dilaan ee iskaga bax magalada waxa aan ku ahay nasteex”
Ninkii Nabi Muuse u Digay…!
Illaahay (swt) waa uu inaga qariyey ninkaa muuse u digay magaciisa, waxana aynu halkaa ka garanaynaa in uu ahaa ninku nin mudakar ah marka laga eego sida uu u soo ogaaday shirqoolka muuse lagu waday ee ay wadeen dadka madaxda ah hadii uu yahay shaqsi caadi ah muu ogaadeen shirqoolkan ninkun waxa uu garanayey muuse in aanu mutaysan in la dilo marka loo eego denbigii uu shalay gelay waayo ninku waxa uu ku dhintay khalad, xeer ciqaabeedka qadiimka ah ee masar waxa uu ahaa in lagu xukumo xadhig ee maxaa keenay in la dilo?
Halkan waxa ka muuqata cibarada ah in uu ninkan masriga ihi muuse nasteex u yahay, jawaabteeda ayaan soo dhigayaa horteena waxa ay ila tahay “Madaxdii wey ku shirqoolayaan” xogaamiyaashu waa madaxda qoom u saraysa ee hogaamisa waxa ay diyaariyeen mu aamarad denbiga caadiga ah iyadoo loo soo bandhigin maxkamad iyo qaadi toona in la geeyo jeel maxaa soo geliyey meesha madaxda ee ku kalifay in ay noqdaan darafka mid ah shaqsiyaadka doonaya si loo dilo muuse, waxa ay ku bilaabmatay in aanu qofna muuse jeclayn waanu uu ogaa in uu yahay reer binu israa’il waanu ogaa sanduuqi hooyadii ay ku soo riday markii ay biyuhu keeneyn qasriga fircoon.
Khiyaamadii ay soo diyaariyeen kuwa damacsanaa mansabkiisa si uu ugu soo beegmay inan yar oo israa’ili ihi waxana la gudboonayn in aanu ku soo beegmin, mar labaad ayuu helay fursad kale markii la ogaaday ninkii uu dilay.
Arintan waxa ku farxay wixii joogay qasriga oo dhan waxana ay go’aansadeen in ay dilaan illaahayna muuse waxa uu u soo diray nin masri ah oo caqli badan oo uga diga nasteexna uga ah si uu uga baxsado wajiga daalibiinta.
Muuqaalka qaybta labaad ee qisada waxa inooga muuqanaysa ninkii muuse oo ka baxsaday magalada go’aana ku gaadhay in uu ka baxo cabsi darteedna hareera iska eegaya shanqadhana dhaqaysanaya qalbigana illaahay ka baryaaya:
“Rabiyow iga nabad geli qoomka daalibiinta ah”
Runtii waxa ay ahaayeen qoom daalimiin ah waxana ay doonayeen in ay danbigiisa ku dabaqan dil aanu u badheedhin waxa uu geestayna waxa uu ahaa nin uu gacanta ku fidiyey oo dhintay isagoo u badheedhin muuse masar waxa uu uga baxay si deg deg ah manuu tagin qasrigii fircoon manuu badalan dharkiisi wax sahayna muu qaadan go’aanka safarkiisana kumey jirin in uu soo noqdo manuu wadnin wax gaadiid ah oo uu fuulo cidkalena lamay socon, markii uu ninkii muuminka ahaa uu u digay ayuu baxay, waxana uu doortay dariiq aan ahayn dariiqi la marayey waxana uu gelay lama dagaan saxara ah waxana uu waajahay goor illaahay u qadaray isagoo ilaalinaya, safarkan muuse may jirin meel u xadidan uu tago waana markii ugu horeysay ee uu saxaraha kaligii u baxo.
Muuse kaligii ayuu lugeeyey saxaraha waxana uu soo gaadhay meesha la yidhaa Madyan waxana uu ag fadhiistay ceel weyn oo biyaha laga cabo si uu ugu nasto, intii uu soo socday Nabi Muuse (cs) waxa uu ka baqayay in furcoon col ka soo daba diro oo la qabto, muuse markii uu ku soo dhowaaday magalada Madyan waxa uu hoos jiifsaday geed isagoo haraad iyo gaajo bastii ah waxa ka dhacday ka bihiisi mid ka mid ah daalka iyo dhibaatada saxaraha darteed, muu haysan lacag uu ku iibsado kabo iyo cunto iyo wax uu cabo toona.
Muuse isagoo oo dhibaatadan adagi haysato ayuu ku soo baxay dad adhi waraabsanaya dadkaas oo ay ka mid ahaayeen laba hablood oo adhigoogi celinaya si uuna adhiga dadka kale ugu darsanin isla markiina muuse waxa uu dareemay in ay labadaan hablood ay u baahan yihiin cid kaalmaysa waxana uu u dhaqaaqay dhinacoogi waxana uu weydiyay in uu caawin karo, Mufasiriinta badhkood waxa ay yidhaadeen sababta habluhu adhiga u waraabin kari weyeen waxa ay ahayd in ceelka dhusha uu ka saarna dhagax weyn dhagaxaas oo ayna qaadi jirin tobon qof wax ka yari muuse ayaa u yimid ka dibna dhagaxii ka qaaday oo waraabiyay adhigoogi.
Cumar Binu Khadaab (RC) waxa uu yidhi:
‘’Dhagaxaa toban qof wax ka yari may qaadi jirin.’’
Muuse intaa ka bacdi geed ayuu iska hoos fadhiistay waxana uu yidhi erayadan ducada ah ee illaahay (swt) quraanka inooga waramay “Waxa uu yidhi rabiyow anigu wixii aad I siiso ee khayr ah waxa aan ahay mid u baahan.”
Ibnu cabaas (RC) waxa uu ku fasilyay aayadan isagoo leh:
‘’Muuse waxa uu lugeeyey masar ilaa Madyan waxa uu cunayayna waxa uu ahaa baqalka iyo dhirta caleemaheeda isagoo muuse cagaha jiidaya ayay labadii kabood ee uu xidhnaa kab ka mid ah ay ciidu ka qabsatay isagoo aad u daalan ayuu geed hoos fadhiistay, ninka sidan ihi waxa uu ka mid ahaa kuwii uu illaahay ka doortay khalqigiisa.’’
Illaahay (swt) waxa uu noogu sheegay aayadan qisa dhex martay labadii hablood ee adhiga u waraabiyay “Waxa u timid mid ka mid ah oo socota waxa ay ku tidhi iyadoo xishoonaysa aabahay ayaa ku yeedhaya si uu ku abaal mariyo sidii aad xoolaha noogu warabisay, muuse markii uu u yimid uu uga waramay qisaskii waxa uu ku yidhi ha cabsanin waad ka nabad gashay qoomkii dalimiinta ahaaye.
Waxa ay tidhi mid ka mid ah hablihii aabo abaal marin sii isagaa ugu khayr badan mid abaal marin la siiye waa mid quwad leh oo aamin ah, wuxuu yidhi waxa aan doonayaa in aan ku guuriyo labadeyda hablood mid ahaan sideed sanadoodna aad ii shaqayso hadii aad toban ka dhiganayso adiga ayay ku jirtaa ma doonayo in aan ku dhibaateeyo waxana aad ogaan doontaa hadii alle yidhaado in aan ka mid ahay kuwa wanaagsan sidaas ayaana isku og nahay wax cadoowad ihina dushayda ma aha waxa aan leeyahayna illaahay ayaan u wakiilanayaa”
Aayadahani waxa ay ka waramayaan markii muuse soo warabiyay adhigii hablihiina soo raacen oo loo yimid hablaha aabahood iyo reerkoogi ayay habluhu aabahood uga warameen wanaaga muuse u sameyey iyo sida uu u mudan yahay in loo abaal gudho.
Markii uu muuse hoos fadhiistay geedka uu yidhi:
“Rabiyow wixii aad I siisay ee khayr ah waan u baahanahay.”
Waxa maqashay mid ka mid ah hablihii waxayna u tagtay aabaheed waxayna uga warantay muuse odaygii waxa uu amray mid ka mid ah hablihiisi in ay u yeedho:
“Way u timid midkood iyadoo u socota si xishood leh.”
Cumar Binu Khadaab (RC) waxa uu yidhi:
Isagoo tilmamaya xishoodkan kan illaahay (swt) ku tilmaamay aayadan markii ay muuse u imanaysay gacanteeda ayay wajigeeda ku asturtay, “Aabahay ayaa ku yeedhaya si uu kaaga abaal mariyo sidii aad noogu warabisay” kalmadan kor ayay u tidhi si aan ribo u gelin hadalkii ay is yidhaadeen taasina waa dhamaystirkii xishoodkeeda “Markii uu yimid ee uu ga waramay qisaskii” wixii arinkiisu ahaa siduu kaga soo baxay masar iyo fircoonkii uu ka soo baxsaday waxa uu ku yidhi “Ha baqanin waad ka soo badbaadaye qomkii daalimiinta ahaa” waad ka soo baxday dhulkii ay maamulayeen dawladoodina lama joogtid.
Waa la isku khilaafay odaygaan uu muuse u yimid waa kuma? Waxa la yidhi waa shacayb (cs) isaga ayaana caan ah sida ay dad badani u haystaan dadka sidaa leh wax ka mid ah Xasan Al basri iyo Maalik Binu anis laakiin dad faro badani wax ay yidhaaden shuceyb waxa uu noola mudo dheer intii qoomkiisa la halaagay ka dib ilaa uu muuse soo gaadhay oo hablihiisi mid ka mid ahna u guuriyay Xasan Al Basri waxa uu leeyahay ninkan ay muuse kulmayn waa shucayb waxana uu ahaa ninkii lahaa biyaha magalada laakiin muu ahayn Nabi ninkan reer Madyan shucaybna inaadeerkii ayuu ahaa waxana la yidhi waxa uu ahaa nin muumin ah oo qoomkii shucayb ah.
Waxa kale oo la yidhi waxa uu ahaa nin la yidhaa Yasruun kitaabada ehlu kitaabadana waxa ku qoran yasruun in uu ahaa faaliye reer madyana ah oo ah nin weyn oo aad u cilmi badan, Ibnu Cabaas iyo Abu Cubayda waxa ay yidhaadeen magaciisu waa yasruun abu cubayda waxa uu ku daray in uu ahaa shucayb inaadeerkii ibnu cabaasna waxa uu ku daray in uu ahaa ninkaa rer madyan.
U jeedada waxa looga jeeda markii la marti geliyay si wanaagsana loo qaabilay kana sheekeyay wixii uu soo maray waxa loogu bishaareyey in uu soo nabad galay, markay arin halkaa marayso ayay labadii hablood mid ka mid ihi tidhi:
“Aabo abaal marin sii” adhigana ha inoo raaco waxana ay ku amaantay in uu leeyahay quwada iyo aaminimo.
Cumar, Ibnu Cabaas, Shureex, Abu maalik, Qataada, Maxamed Binu Isaxaaq iyo kuwa kale waxa ay yidhaadeen:
Marka ay inantu aabaheed u sheegtay in uu aamin yahay awoodna leeyahay waxa uu ku yidhi aabaheed maxaa ku ogaysiyay?
Waxayna ku jawaabtay aabo waxa uu ka qaaday ceelkii dhagax aan toban qof ayna qaadi Karin markii aan u imid ee aan soo hor galayna waxa uu ugu yidhi iga danbee hadii aan dariiqa ka lumana I tilmaam.
Ibnu Cabaas (RC) waxa uu yidhi:
Dadka sadex ayaa ugu fiicnaa Ninkii Nabi yuusuf yidhi meel wanaagsan dejiya iyo inantan ku tidhi aabaheed aabo muuse abaal gud wanaagsan sii iyo abu bokor sidiiq markii uu iska danbaysiyay cumar.
“Waxa uu yidhi waxa aan doonayaa in aan ku guuriyo mid ka mid ah hablahayga iina shaqayso sideed sanadood hadii aad toban ka dhiganaysana adiga ayay ku jirtaa mana doonayo in aan ku culaysiyo waxana iga heli doontaa hadii alle yidhaa in aan ka mid ahay kuwa wanaagsan”
Qisadan Nabi muuse (cs): Waxa ay noogu joogtay markii Shacayb muuse ku yidhi ma sagaal sannadood ayaad ii shaqayn doonta mise toban sannadood, labada mudo mida uu la joogay iyo halkay ku denbaysay qisadoodi ayaan ka sii wadi doona.
Shucayb Ayaa Ku Yidhi Muuse
“Arinkaa ayaa adiga iyo aniga naga dhexeeya labadan mudo mida aad ii shaqaynayso xumaana igama aha xagayga waxanu leenahayna illaahay baan tala saaranayna” muuse waxa uu ku yidhi sodogii arin waa sidaa aad sheegtay aniguna waxa aan ku leeyahay cadaawad igama aha illaahaybaana labadeena inaga wakiil ah sidaa ayuu muuse kula joogay toban sannadood oo uu ku dhamaystay mudadii.
Bukhaari (Raximahu laah) waxa uu yidhi:
Waxa iiga waramay Maxamed Binu C/raxiim, Saciid Binu Salaaban, Marwaan Binu Shujaac, Saalim Binu Afdas, ragaasi in ay ka soo wariyeen sidiid binu jubeer in uu yidhi:
Waxa I weydiiyay nin yuhuudi ah muuse labadan mudo mida uu shucayb la joogay waxana aan ugu jawaabay garan maayo ilaa uu inoo yimidd oday arab ah oo aan waydiiyay, waxa aan isna weydiiyay Ibnu Cabaas.
Ibnu Cabaas waxa uu yidhi:
‘’Waxa uu la joogay mudadii badnayd ee wanaagsanayd.’’
Ibnu Cabaas (RC) waxa uu rasuulka (CSW) ka soo weriyay in uu yidhi: waxa aan weydiiyay Malaku Jibriil labada mudo midka uu muuse la joogay? Waxa uu yidhi waxa uu la joogay mudada ugu dhamayska tiran ee ugu kaamilsan, waxa aan halkaa ka garanaynaa in uu la joogay muuse shacayb mudadii dheerayd ee ahayd tobanka sannadood.
Hadii lagu weydiiyo labadii hablood ee shacayb midkee ayuu muuse guursaday? Jawaabtu waxay tahay in uu guursaday labadii hablood tii yarayd, muuse intii uu la joogay shucayb muu qaadan jirin wax ka badan daruuriga.
Hadaba markii uu muuse damcay in uu ka guuro guriga shucayb wuxuu ku yidhi gabadhii uu qabay aabahaa inoo soo weydii in uu na siiyo adhi aanu dhaqano shucaybna wuu siiyay adhi badan oo sannadkaa dhashay, adhigaasi waxa uu laaha madmadow faro badan, muuse adhigii la siiyay wuu soo kaxaystay wuxuuna keenay ceel uu ka waaribiyo markii uu adhigii biyihii cabay mid kastana marka ay soo cabto ayuu ku dhufanayay ushiisha laxda uu ushiisa ku dhuftaa marka ay ugu yartahay laba ayay dhalaysay oo ah midabkii adhiga shucayb oo madmadowga lahaa.
Nabi Maxamed (CSW) waxa uu yidhi:
‘’Hadii aad shaam ka dhex baadhan waxa aad ka helaysan baaqiga ka sii jooga tafiirtii adhigii Nabi muuse.’’
Nabi Muuse oo soo dhamaystay mudadii uu la joogay shucayb.
Illaahay (swt) waxa uu aayadan quranka noogu sheegay “Markii muuse uu dhamaystay mudadii ehelkiisina isagoo la socdo ayuu duurusina ku arkay dab ka iftiimaya wuxuuna ku yidhi ehelkiisi isiisuga waxa aan inooga soo qaadaya dab ama war ee isuga, markii uu yimidd togii dankiisa midig boqcadii barakaysnayd halkii geedka:
‘’MUUSOW ANIGU WAXA AAN AHAY RABIGA CAALIMIINTA TUUR USHAADA’’
Dabadeedna waxa uu arkay u shii oo rafanaysa, waxa lagu yidhi muusow ha baqanin waxa aad ka mid tahay kuwa nabad gelayee gacantaadana geli jeebka waxa ay ka soo bixi doontaa iyadoo widhwidhaysa oo xumaan lahayn, gacantaada hoos geli kilkiladaada taas waa mucjiso kaaga timid xaga rabigaa”
Markii uu muuse uu dhamaystay mudadii ninka la yidhaado Mujaahid waxa uu leeyahay waxa ay ahayd toban sannadood wuxuuna gaxaystay muuse ehelkiisi, mufasiliintu waxa ay yidhaaden waxa uu doonayay in uu la tago masar waxana la socday laba wiil uu dhalay iyo adhi uu dhaqday mudadii uu la joogay shucayb waxana soo guura galeen habeen qudcur ah qabow fara badanina dhacayo waxayna ka lumeen dariiqi.
Waxayna ku asqoobeen siigadii saxaraha qabowgiina wuu sii kordhay iyagoo xaalada ku sugan ayuu arkay dab ka holcaya buurta dhinaceeda buurtuna waxa ay ka xigtay dhinaca galbeed oo ku beegan dhinaciisa midig, muuse markii uu ka soo dhaqaaqay ehelkiisi wuxuu ogaaday in iftiinkani yahay nuurkii xaqiiqada ahaa nuurka xaqiiqada ihina maaha mid cid kastaaba aragto, muusana waxa uu doonayay in uu soo helo wado ama war in ay aad u madobeedna waxa aan ku garanayna sida ay u asqooben ugana lumeen dariiqi.
Hadaba markii uu muuse ku soo noqday ehelkiisi waxa uu u keenay war laakiin warku muxuu yahay? Wuxuu soo helay hanuun, hanuunku muxuu yahay? Si aynu nuur uga helnay nuurku muxuu yahay?
Illaahay (swt) oo inooga waramaya hanuunka uu nabi muuse siiyay iyo nuurka iimaanka ayuu waxa uu inoogu tilmamay ayaadka quraanka wuxuuna yidhi:
“Markii uu yimid waa looga dhawaaqay dhinaca toga ee midig ka xiga ee baqcada barakaysan geedka agtiisi;
MUUSOW ANIGU WAXA AAN AHAY RABIGA CAALIMIINTA”
“Markii uu yimid muuse waa loo dhawaaqay MUUSOW ANIGU WAXA AAN AHAY RABIGAA ee iska bixi kabaha waxa aad joogta togii barakaysnaa ee duwa aniga ayaana ku doortee maqal wixii aan ku waxyooday anigu waxa aan ahay alle aniga mooye illaah kale ma jiro aniga I caabud, salaadana tuko xuskayga qiyaamu wuu iman doona waana qariyay, si loogu abaal mariyo nafkasta wixii aan hor marsatay xaqa yaanay kaa jeedinin cida aan rumaynin ee raacda hawadooda”
In ka badan mid iyo laba oo mufasiliinta ihi kuwa hore iyo kuwa denbaba waxa ay yidhaadeen muuse markii uu arkay iftiinkii waxa uu arkay geed holcaya oo geedka cagaarkiisuna sii siyaadayo waana uu la yaabay geedkaas oo ku yaalay buurta dhinaceeda galbeed sida illaahay (swt) ku tilmaamay quraanka:
“Maad joogin dhinaceeda galbeed markii aanu nabi muuse aanu farnay amarka kuwii goobjooga ahaana ka mid maad ahayn” muuse waxa uu joogay toga la yidhaado duwa waxana uu jooday dhinaca qiblada geedkuna waxa uu ka xigay dhinaca midig rabigii ayaa u dhawaaqay waxana la amray in uu iska bixiyo kabaha weynayn iyo ikraamid baqcadan barakaysan.
Ehlu kitaabku waxa ay yidhaaden muuse waxa uu wajigiisa saaray gacmaha si aan iftiinka faraha badan uuna u indha tirin.
Illaahay (swt) waxa uu adoomadiisa ula hadlaa sida uu doono “Anigu waxa aan ahay rabiga caaliminta” “Anigu waxa aan ahay illaaha aniga mooye illaah kale ma jiro aniga I caabud salaadana tuko xuskayga” illaahay waxa uu uga waramay Nabi Muuse (cs) in aan illaah kale oo cibaado iyo salaad ka aqbalaya aanu jirin waxa kale oo illaahay uga waramay in aan aduunyadan lagu waareyn ee meesha lagu waaraya ee la tagaya ay tahay daarta aakhiro si qof kastaba looga abaal mariyo shar iyo khayr wixii uu sameeyay, illaahay (swt) waxa kale ee uu uga waramay in uu wax kasta awood u leeyahay.
Illaahay (swt) waxa uu ku yidhi Nabi Muuse (cs) “Waa maxay waxan aad midigtaada ku haystaa” waxa uu yidhi muuse “Waa u shaydi waana ku tukubaa adhigana waan ku raaca hawla kalena waan ku qabsadaa” illaahay (swt) ayaa ku yidhi hadana “Muusow tuur waana uu tuuray waaba abeeso socota” taasina waa mucjiso weyn sidaas ayuu illaahay u tusay muuse in uu wax kasta isagu awood u leeyahay.
Ehlu kitaabku waxa ay yidhaaden mucjisadan waxa loo siiyay si ay u rumeeyan kuwii beeniyay ee masar ka dibna illaahay ayaa ku yidhi “Waa maxay waxan gacantaada ku jira” wuxuuna yidhi waa u shaydi waxana lagu yidhi tuur “Wuu tuuray waaba abeeso socota” muuse waa uu ka cararay illaahayna waxa uu ku amray in uu gacantiisa ku qabto markii uu qabtayna waxa ay noqotay ushiisi.
Illaahay (swt) waxa uu aayad kale inoogu sheegay “Qabo hana baqan waxa aan ku celin doona sideedi hore” waxa la yidhi wuxuu ku qabtay gacantiisa dhexdeeda gacantiisa kelena afkeeda ka dibna illaahay waxa uu amray in uu gacantiisa jeebka geliyo oo hadana ka soo saaro waxana uu arkay iyadoo widhwidhaysa sida dayax shan iyo toban ah, illaahay waxa uu hadana ku yidhi gacantaad waxa aad gelisa kilkiladaada hoosteeda meel ku beegan wadnaha dushiisa taasina waxa ay barako u tahay cidii ku dayata anbiyada.
Illaahay (swt) waxa uu suuratul Namal ku yidhi “Gacantaada waxa aad gelisaa jeebkaaga waxa ay ka soo bixi iyadoo widhwidhaysa oo xumaan lahayn tani waxa ay ka mid tahay sagaal aayadood oo wax loogu sheegayo fircoon iyo qoomkiisa waxa ay ahaayen qoom faasiqiin ah”
Hadaba labadan aayadood ee ahaa usha iyo gacanta waxa ay ahaayeen laba mucjiso oo ku socda fircoon iyo qoomkiisi sida illaahay quraanka ku tilmaamay “Taasi waa mucjiso ka timi xaga rabigaa oo ku socota fircoon iyo madaxdiisa waxa ay ahaayeen qoom faasiqiin ah” waxa jiray todoba aayadood oo kale marka labadan lagu darana waa sagaal waxana lagu sheegay aayada kale illaahay (swt) waxa uu yidhi:
“Waxa aan muuse siinay sagaal aayadood oo cadcad weydii reer binu israa’il markii uu u yimidd ee fircoon ku yidhi anigu waxa aan ku malaynayaa uun in aad tahay muusow misixir muusane ku yidhi anigu waan ogahay wixi la igu soo dajiyay xaga samada iyo arlada ee iiman ah anigu waxa aan ku malaynayaa fircoonow in aad tahay mid been abuur badan” iyadoo faahfaahsan arintani illaahay waxa uu kaga waramay suuratul Acraaf:
“Waxa aan ku salidnay fircoon iyo qoladiisi mudo sannada ah in ay ka yaraadan midhihu si ay wax ugu qaatan marka ay wanaag helaan waxa ay odhanayeen xagayaga ayuu ka yimid marka ay xumaan arkaana waxa ay dusha ka saarayeen muuse iyo cidii la socota ka deerintoodanina waa wax xaga illaahay kaga yimid laakiin badankoogu ma garanayaan, waxa ay yidhaadeen marka kasta oo aad noola timaado aayad waa nagu sirxaysa kumana rumaysan mayno, waxa aan ku salidnay duufan iyo ayax iyo xasharad (Qumil) iyo rah iyo dhiig ayaad cadcad waana ay iska weynaysiiyen waxa ay ahaayen qoom musjiriim ah”
Mawduucyada sideeda ayaan wax uga sheegi doona waa sagaalka mucjiso ee la siiyay nabi muuse (cs) iyo tobanka kalmadood ee sharciga ah si aynu u kala saarno tobanka aayadood ee sharciga ah iyo sagaalka aayadood ee mucjisyoonka ah kala cadeen tooduna waxa ay ku jirtaa dhamaadka suuratul Israa.
Diritaankii Nabi Muuse ee |Fircoon
Ujeedaduna waxa ay tahay markii uu illaahay muuse ku amray in uu fircoon u tago waxa uu “yidhi rabiyow waxa aan ka dilay naf waxana aan ka baqaya in ay I dilaan walaalkay haarun ayaa iga faseexsan xaga hadalka illaahayow isagana I raaci si ay ii rumaystaan waxa aan ka baqayaa in ay I beeniyaan waxa aan ku adkayn doona cududaada walaalkaa waxana aan idin siin quwad marka ay idin soo gadhani maayan aayadka yagu labadiina iyo wixii idin raaca ayaa guulaysanaya”
Illaahay (swt) waxa uu yidhi isaga oo u waramaya adoonkiisi oo ahaa rasuulkiisi kii uu la hadli jiray ee Nabi Muuse (cs) isagoo uga jawaabay amarkiisi ahaa in uu u tago fircoon, fircoon oo ahaa cadowgii nabi muuse ka soo saaray deegankiisi masar ugana soo cararay dilmigiisi iyo cadaadintii wakhtiga oo uu ahaa arinkiisu dilkii uu u geystay ninka (Qibdiga ahaa) sidaa darted ayuu u yidhi kalmadaha aayadan ku jira:
“Rabiyow waxa aan ka dilay naf waxana aan ka baqaya in ay I dilaan walaalkay haarun ayaa iga safexsan igana cod karsan illaahayow I raaci si aan u kaashado iina rumaystaan waxa aan ka baqayaa in ay I beeniyaane” aayadani waxa ay ina tusinaysaa sidii uu nabi muuse u baryay in uu illaahay (swt) iyo u jeedada uu kalahaa oo ahayd illaahay waxa aad I soo raacisa walaalkay haarun si uu igu gargaaro igana kaalmayo gudashada waajibaadka risaalada wuu iga hadal aqoonsan yahay waana uu iga gaarsin og yahay bayaanka, illaahay (swt) waxa uu yidhi isaga oo ka jawaabay baryadan Nabi Muuse (cs).
“Waxa aan kugu adkayn doona cudida walaalka waxana idin yeeli doona quwad.” quwadaas oo ah mucjiso “Idin soo gaadhi maayan idinka marka aayadkayaga” illaahay (swt) isaga oo kalsuuni ku siinaya adoonkiisi Nabi muuse (cs) risaalada uu sido in aan wax dhibaata iyo wax uu karaahiyaysto midna aanu kala kulmi doonin ayuu illaahay (swt) ku yidhi “Idinka iyo cidii idin raacda ayaa guulaysanaysa.”
Illaahay (swt) waxa uu ku yidh Suuratul Daah “Utaga fircoon isagu waa mid xadgudbayee” “ wuxuu yidhi rabiyow ii waasici laabtayda arinkaygana ii fududee guntinta carabkayga iiga fur si ay qawlkayga u fahmaan.”
Nabi Muuse (swt) waxa uu lahaa carab jalanqo sababtuna waxay ahayd markuu yaraa ee uu joogay guriga fircoon ayuu dhibiil dhab ah carabkiisa saaray dhibiisha waxa u dhiibay fircoon si uu wax uga ogaada caqligiisa markii isagoo yar uu qabtay gadhka fircoon gabadhiisina ay ka baqaday fircoon in uu dilo inankan yar ayay ku tidhi waa inan yar oo caqliba lahayn ee bal mid timir ah iyo dhibiil dab ah hortiisa soo dhig mida uu qaato, waxana uu damcay in uu qaato timirtii fircoon ayaa ka qabtay oo u diibay dhibiishi ka dibna afka ayuu geliyay sidaa darteed ayuu ku carab beelay, waa la weydiyay badhkood wixii ay ka fahmayn hadalkiisi.
Xasan Al basri (Rahimahu laah) waxa uu yidhi Rashuusha waxa la weydiiya uun waxa looga baahan yahay sidaa darteed ayay carabkiisi badh ka mid ihi ugu soo hadhay sidaa darteed ayuu fircoona yidhi illaahay ha qaribee isagoo ku doodayay in uu muuse ku ceebeyo hadalka “Kani kuma dhowa mid wax cadaynaya” u jeedada fircoon waxa ay ahayd in aanu muuse waxa damiirkiisa ku jira iyo muraadkiisa midna uuna ku soo bandhigi Karin hadalkiisa.
Nabi Muuse (cs) illaahay ayuu beryahay waxana uu yidhi “iiga yeel wasiir mid ehelkayga ah walaalkay haarun si aan isku kaashano oo arintaydana wax iila qabto si aan in badan kuugu tasbiixsano in badana aan ku xusno adigu waxa aad tahay mid na arkayee” “waxa lagu yidhi xaqiiqdii waa lagu siiyay wixii aad I weydiisatay muusow” taas oo macnahayeedu yahay in laga caqbalay wixii illaahay uu weydiistay
Nabi Muuse Iyo Haaruun
Waxanu wadnay qisadii nabi muuse (cs) waxayna ay noogu joogtay markii nabi muuse illaahay (swt) uu weydiistay in uu walaalkii haarun uga dhigi mid raaca si ay iskugu kaashadan risaalada, waxana aan ka sii wadi doona intii ku xigtay.
Illaahay (swt) waa uu ka aqbalay ducadii nabi muuse waxana uu illaahay ku yidhi (swt) “Waxanu ku siinay raxmadaya in walaalkii haarun uu noqdo Nabi” illaahay (swt) waxa uu aayad kale ku yidhi [Suuratul-shucara] “Wakhtiga uu rabigaa u dhawaqay muuse in uu u tago qoomka daalimiinta ah qoomka fircoon si ay alle uga cabsadan, oo uu yidhi waxa aan ka baqayaa in ay I beeniyaan qalbigana aad ayaan uga warwarsanahay carabkayguna codkar malaha ee illaahayow haarun I soo raaci, waxa aan ka gelay godob waxana aan ka baqaya in ay I dilaan.
Waxa lagu yidhi iska daayo ula taga aayadkayaga anaga ayaa idin maqlayna u taga fircon kuna dhaha waxanu nahay rasuulo rabiga caalimintu soo diray oo loo soo diray rabiga caalimiinta ah oo loo soo diray reer binu israa’il, waxayna ku yidhaahden miyaanan ku korin oo nad xagayaga ka iman lalana joogin sannado badan oo cimrigaaga ah waadsamaysay oo waadsamaysay wixii aad samaysay waxana ka mid tahay kuwa kaafirinta ah”
Arintu imika waxay maraysaa in ay ula tagaan qowl kaas oo ah in ay gaarsiyad dadka wixii illaahay u soo diray oo ah:
‘’IN AAN ILLAAHAY MOOYE CID KALE AAN LOO SHARIIK YEELIN’’
Si ay meesha uga baxdo hayshashada reer binu israa’il ee xooga lagu haysto rabigoodna ugu caabidan meesha ay doonan.
Markii ay u tageen nabi muuse iyo nabi haarun (cs) arinkaa wuu ka madax adeegay waxana uu eegay muuse waxana uu yidhi hadal yasid ku jirto “miyaanan ku korin oo nad xagayaga ka iman lalana joogin sannado badan” waar waxa aad tahay kii aanu gurigayaga ku korinay ee aanu mudada dheer soo xanaaninaynay?
Taasi waxa ay ku tusaysaa fircoonkan loo soo diray nabi muuse in uu yahay kii uu ka cararay arintaasina waxa ay khilaafsan tahay figrada ehlu kitaabka (YUHUUD IYO NASAARO) ee ah in fircoonkii ka baxsaday uu yahay kii ku dhintay MADYAN.
Waxa uu illaahay aayadan noogu tilmaamay “waadsamaysay oo waadsamaysay wixii aad samaysay waxana ka mid tahay kuwa kaafirinta ah” arinkan ay Nabi muuse ku eedaynayaa waa in uu dilay nin Qibdi ah ka dibna baxsaday barwaaqadina ka cararay.
Markale waxa uu illaahay inoo cadeeyay jawaabtii Nabi Muuse (cs) arinka ka bixiyay “Waxa uu yidhi waan sameeyay wakhtigana waxa aan ka mid ahaa kuwa daalibinta ah” wakhtiga oo ah intii nabi muuse ku soo degin waxyigu markan denbe se “Waa ka soo baxsaday markii aan ka baqay illaahayow waxa aad I siisaa xukun waxana aad iga dhigtaa mid ka mid ah Rasuusha.”
Isla wakhtiga mana sheegadkii fircoon tarbiyadii iyo wanaag falkii uu u samayay muuse “Nimcadan aad iigu mana sheeganayso ma in ay reer binu israa’il ku caabudanbaa” nimcada aad sheegtay iyo wanaaga aad ii samaysay anigu waxa aan ahay shaqsi ka mid ah reer binu israa’il, waxa ku adeegaya umada balaadhan oo dhan waxana aad u adoonsatay shaqadadi hawlahaagana way ku mashquulsan yihiin.
Intaa ka dib waxa uu illaahay (swt) halkan uu inoogu cadaynayaa jawaabihii fircoon ka soo yeedhay “Waxa uu yidhi fircoon waa maxay rabiga caaliminta waxa lagu yidhi waa rabiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhaxeeyaba hadii aad rumaysanaysaan, waxa uu ku yidhi kuwii hareero joogay miyaydan maqlay waxa uu yidhi rabigiin waa rabigii aabayaashini hore, waxa uu yidhi rasuulkan la idin soo dirayna waa nin waalan, waxana lagu yidhi rabiga cadceedkasoo baxa iyo cadceedka dhaca iyo waxa u dhexeeyaba hadii hadii aad caqi leedihiin”
Illaahay SW waxa uu xusay doodi dhex martay fircoon iyo muuse iyo hadaladii uu muuse kula dooday daalinkii fircoon si caqliyan ah, intaa ka dib fircoon illaahay meel xun hageeye waxa uu cadeestay sida uu u diidan yahay rabigii abuuray SW waxana uu ku dooday in uu isagu yahay illaah “Wuu soo aruuriyay waana uu dhawaaqay wuxuu yidhi anigu waxa aan ahay rabigiiina idinka sareya” fircoon waxa uu intaa raaciyay “Hogaamiyaal yahow idinma ogi illaah aan aniga ahayn” kuwaasi waa kalmadihii canaadnimada ahaa iyo madax adeegi fircoon isagoo og in uu yahay adoon illaahay.
Illaahay Sw waxa uu yidhi “Way diideen iyagoo rumaysan nafahoogu in ay dulmi galeen waana ay xadgudbeen, eeg cidhibtoodu sida ay ku denbayso kuwa dhulka fasaahidinaya”
Markii uu diiday fircoon risaaladi Nabi muuse (cs) waxa uu yidhi “Waa Maxay Rabiga Caalimiintu” markaas uu Nabi muuse ku yidhi “Waxanu nahay Rasuul uu soo diray rabiga caalimiinta” waxa aad mooda in uu fircoon leeyahay waa maxay rabiga caalimiinta ee aad ku doodaysaan in uu idin soo diray, Nabi Muuse (cs) isagoo ka jawaabaya hadalka fircoon waxa uu yidhi “Rabiga Samaawadka iyo arlada iyo waxa u dhaxeeya hadii aad I rumaysanaysaan”
Illaahay (swt) waa ka abuuray Samooyinka iyo Arlada iyo waxa ku sugan ee makh-luuqad ah sida dabeelaha iyo daruuraha, Roobka, Dirta iyo Xawayaanka kuwaas oo dhamaantood og in illaahay abuuray.
Fircoon waxa uu ku yidhi kuwii hareera taagnaa oo ay ka mid ahayd gabadhiisi iyo wasiiradiisi isagoo aad u hanjabaya muuse iyo arinkiisana xaqiraya Miyaydaan Maqlayn waxan uu muuse leeyahay? “Rabigiinu waa rabigii aabayaashin”, waa ka abuuray idinka iyo kuwii idinka horeyayba ee Awaw-yaashin iyo Qarniyadii hore ee baaba’ay mid kasta uu og yahay in aanu naftiisa abuurin aabihii iyo hooyadii toona ee cidkasta waxa abuuray rabiga caalimiinta.
Illaahay (swt) isagoo inoo bayaaminaya sida uu cidkasta xaqa uu ugu cadeeyay waxa uu yidhi “Waxa aanu ka tusnay aayadkayaga hareerahooga iyo nafahooga ilaa ay u cadaato xaqu” Kalmadahan may an ficin fircoon kumanuu waantoobin isagoo ka soo noqon halowsanidii uu ku jiray ayuu ku sii adkaystay xadgudubkii iyo dhago adeegi iyo gaalnimadiisi.
Illaahay (swt) waxa uu quraanka inoogu cadeeyay sida uu fircoon iyo kuwii kale ee mujriniimta ihi xaqa ay ugu dago adeegan waxana uu yidhi “Waxa uu yidhi Rasuulkan la idin soo diray wuu waalan yahay waxa uu leeyahay rabiga cadceed kazoo baxa iyo cadceed ka dhaca, hadii aad caqli leedihiin”
Fircoon waxa uu wadaa sidii uu xaqa u beeni lahaa waxana uu diidan yahay in xidigaha iftiimaya iyo falagyada wareegaya habeenka mugdiga noqonaya iyo dharaarta iftimaysa illaahay waxas oo dhan kala wadaa in uu yahay Rabiga Caalimiinta, Illaahay (swt) in uu yahay ka abuuray cadceeda iyo dayaxa iyo kowkobyada kale ee leh kuwa sugan iyo kuwa wareegaba dhamaantoodna illaahay u tasbiixsadan illaahayna khalqigiisa ugu tasarufayo.
Markii ay dhamaadeen xujooyinkii fircoon iyo dhamaan wixii uu ugu talo galay inuu ku difaaco xaqdarada iyo baadilka waxa uu bilaabay canaad iyo dago adeeg iyo in uu xoog ku maquuniyo xaqa, waxa uu yidhi fircoon sida uu illaahay quraanka uu inoogu tilmaamay:
“Hadii cid aan aniga ahayn illaah aad ka dhigataan waxa aan idinka dhigi maxaabis, Waxa ay yidhaadeen oo hadii aanu kula nimaadno shay cadaan ahna waxa uu yidhi la kaalaya hadii aad run sheegaysaan, waxa uu tuuray u shiisii waaba abeeso weyn gacantiisina wuu soo saaray iyadana waxay noqotay iftiin lagu indha cadaado.”
Labadan mucjiso waxa ahayeen laba birhaamood oo illaahay (swt) ku gargaaray Nabi muuse (cs) waa ushii iyo gacantii gaabtaas ayayna ka cadaatay wax caqliyadu la yaaben indhuhuna ay u qaadan waayen, markuu muuse ushii tuuray waxay noqotay abeenso weyn oo argagax leh fircoon markii uu arkay waxa ku dhacay argagax weyn iyo cabsi badan.
Nabi Muuse (cs) markii uu gacantiisa jeebka geliyay inta uu ka soo saaray ayay noqotay dayax shan iyo tobnaad oo kale markii uu ku celiyayna waxay noqoto sideedi hore, fircoon waxano mucjisa ah waxba kumuu qaadan cadho alle haku dhacdee laakiin waxa uu sii adkaystay dulmigii iyo dariiqi xaqdarada ahaa waxana uu leeyahay waxan oo dhami waa sixir.
Fircoon waxa uu go’aansaday in uu Nabi Muuse ka hore geeyo misixiriin waxana uu iskugu yeedhay misixiriintii oo dhan inta ay boqortooyadiisu maamusho ee dawladiisan dulmiga ah hoos joogta sida noogu iman doonta iyo faahfaahsan iyo cadeenteedu mawduuceda iyo sida bayaanka ah ee illaahay u cadeeyay xaqa waxa kale oo iyana jirta xujadii iyo xaqiiqadii biyo kama dhibcaanka ahayd ee fircoon iyo hogaamiyaashi si kale iyo dawladiisiba illaahay uu uga dhigay kuwa la qaraqay illaahay ayaana mahadleh.
Illaahay (swt) waxa uu yidhi isaga oo Nabi Muuse la hadlaya “Waxa aad la joogtay reer madyan sannado ka dibna waxa aan qadaray in aad ka tagto muusow aniga ayaa ku doortay ula taga adiga iyo walaalkaa ayaadkayga hana ka beer abuuranina digrigayga, utaga fircoon isagu waa mid xadgudbayee waxana aad ku tidhaahdaan hadal dabacsan waxa laga yaaba in uu wax ku qaato ama cabsado, waxa ay yidhaahdeen rabiyow waxa aan ka baqanaynaa in uu dhibaato noo geysto ama nagu xadgudbo, ha cabsanina aniga ayaa maciina ah idinmaqlaya oo idin arkaya”
Illaahay SW isagoo la hadlaya Nabi Muuse (cs) habeenkii uu u soo waxyooday kuna galaday nimcada nebinimada muuse waxa uu joogay gurigii fircoon isagoo illaahay (swt) raxmadiisa ku ilaalinaya illaahayna wuu ka soo saaray Masar waxana uu yimid Madyan illaahaybaana ogaa xigmada uu kalahaa, halkaa markii uu mudo ku sugnaa ayuu illahaay (swt) u doortay in uu noqdo Nabi risalada loo diibayna waxay ahayd in uu xaqa gaadhisiyo fircoon iyo qoomkiisaba.
Illaahay (swt) isaga oo u tilmaamaya akhlaaqda iyo dhaqanka suuban waxa uu ku yidhi (muuse) haka beer abuurinina risaalada aan idin dhiibay taasi waxa ay idinka caawin doontaa la hadalka iyo jawaabaha wixii sulaalo ah ee la idin weydiiyo iyo ku hanuunida nasteexada idinka oo ku sugan xujo iyo daliil cad.
Illaahay (swt) waxa uu yidhi “Kuwa muuminiinta ahow marka aad la kulantaan koox ku sugnaada khayr, illaahayna xusa in faro badan waydun liibaniye”
Illaahay (swt) dulqaadkiisa iyo raxmadiisa uu u naxariisnayo khalqigiisa isagoo og in uu fircoon yahay kaafir madax adag ayuu u soo diray adoon kuwii ugu khayrka badnaa wakhtigaa ayuu illaahay faray in ay gaadhsiyaan xaqa si wanaagsana ula dhaqmaan hadal wanaagsana ku yidhaahdaan sida illaahay (swt) ku yidhi Nabi Maxamed (N.N.K.H) “Ugu yeedh jidka rabigaa xigmad iyo wacdi wanaagsan kulana dood ta wanaagsan” “Hakula doodina ehlu kitaabka wax aan ahayn wanaaga”
Xigmada ay aayadahani ina tusayaan ayaa ah sida dadka xaqa loogu sheegayo xitaa hadii uu kufaar yahay waayo Illaahay (swt) waxa uu balan kula galay adoomadiisa in Jano iyo Naar qof waliba mida uu mutaysto uu gali doono.
Waxa uu yidhi Yasiid Al Raqaashi illaahay ha u naxariistee, Ka sida wanaagsan ula hadla ka necbaystayow sidee ka yeeli mid ku xidhiidhiyay oo ku baryaya, aynu ku soo noqono shaqsiyadii fircoon waxa uu ahaa qof madax adag, Shaydaan dhego xidhan waxana uu xoog ku haystay masar mudo dheer waxa uu cadaadin iyo dhibaato weyn u geystay umada reer masar sidaa darteed ayay muuse iyo haarun u yidhaadeen waxa aan ka baqaynaa in ay dhibaato noo geeysto, Illaahay (swt) waxa uu u sheegay (muuse) in uu u gargaari doono iyaga iyo cidii xaqa ku socota.
Muuse markii uu ka yimid madyan waxa uu u soo galay Walaalkii iyo hooyadii oo cunaya raashin wuuna la cashayay waxana uu u sheegay walaalkii haarun in uu Illaahay (swt) amray labadoodaba in ay u tagaan fircoon una sheegan in uu illaahay caabudo, waxana uu ku yidhi ina keen waxa aan u tagaynaa fircoone waxayna u kaceen dhinicii fircoon, waxa ay la kulmeen albaabki gurigii fircoon oo xidhan muuse waxa uu ku yidhi nimankii albaabka ilaalinayay u sheega in uu Rasuulkii illaahay albaabka taagan yahay ciidankii fircoona way ku dheel dheelayn badhkoodna waxay go’aansadeen in aan loo ogalaanba in uu galo guriga ilaa mudo dheer ka dib.
Maxamed Binu Isaxaaq illaahay ha u naxariistee waxa uu yidhi Laba Sano ka bacdi ayaa loo ogaladay, waxana meesha nooga muuqatay in ayna jirin cid u fududaysa gelitaanka guriga fircoon Illaahay baa og.
Muuse waxa uu yimid Albaabka waxana uu ku garaacay ushiishi waxa argagaxay fircoon waxana uu amar ku bixiyay in loo yeedho muuse waa uu isasoo hortagay fircoon waxana u soo qadimay arrinkii illaahay (swt) u soo diray.
Illaahay (swt) waxa uu inooga waramay sidii uu fircoon u diidanay yahay in uu illaahay kaamkan abuuray, fircoon su’aalaha uu muuse waydiiyay waxa ka mid ahaa Rabigiinu waa kuma? Waxa ay ugu jawaabeen Waa ka abuuray koomkan ee u qadaray acmaasha iyo arsaaqda iyo ajasha kuna sugay loox maxfuudka, intaa ka dib waxa uu fircoon ku yidhi bal ka warama qarniyadii hore waxa ay ugu jawaabeen qarniyadii hore cilmigoogu rabi ayaa og illaahayna waxba ma illaabo.
Qarniyada hore hadii ay caabudi lahaayeen cid aan illaahay ahayn xujo umayn noqoteen muuse mana khilaafsana waxa aan idhi waxa ay ahaayen jaahiliin adiga oo kale ah wax kasta oo ay faleena wuu qoran yahay illaahaybaana ka abaal marin doona, illaahay qofna kama dulmiyo wax uu la yimid, illaahay (swt) waa uu og yahay qof kasta waxa uu shar iyo khayr uu sameeyo.
Muuse waxa uu ka waramay waynida illaahay iyo khudradiisa, dhulka illaahay sida uu u fididyay samadana u xafiday, daruuraha uu adoomada u sikhiray ee daya roobka ee uu ku arsaaqo khalqigiisa iyo waxyaabo badan oo cidii caqli wanaagsani wax ku qaadan karto.
Illaahay (swt) waxa uu ka waramay xumihii fircoon iyo faro badnidii jaahilnimadiisa iyo caqli yaraantiisi iyo beenintii uu beeniyay aayadka illaahay, fircoon oo is weynaynaya ayaa ku yidhi Nabi muuse (cs) muusow waxa aad tahay misixi anaguna sixirkaaga oo kale ayaan kula iman doona waxana uu muuse la balamay wakhti goob la isla garanayo taasina waxay ahayd u jeedada muuse in uu soo bandhigo aayad illaahay iyo mucjisooyinka illaahay si bayaan ahna dadku u arkaan.
Maalintaas oo ahayd maalin ka mid ah ciidahooga waxayna ahayn gelin hore cadceeduna aad u iftiimaysay laakiin xaqa ayaa ka iftiin badnaa lama dooran in ay noqoto habeen si aan arintu madmadow u gelin in duhur cad la isku badheedho taana muuse illaahay ayaa waafajiyay waxana uu rumaysnaa in uu xaqu cadaan doono iyo diintiisu halkaana ay ku fashilmi doonan khulaafadka qimdiyinta.
Fircoon waxa uu u yeedhay musuxiriinti wadankiisa, masar waxa wakhtigaa ka buuxay musuxiriin badan oo u kala aqoon badan sixirka wadanka oo dhan ayaa la isgaga yeedhay waxa iyana loo yeedhay dad faro badan oo gaadhay kumanaan, fircoon waxa uu hore ugu diray waxbarasho dhinaca sixirka ah ilaa 40 nin oo reer binu israa’il ah.
Fircoon iyo madaxtiisi kale iyo dadkii wadanka dhamaan waxa la isku yimid goobti, dadku waxa ay lahaayeen waxa aanu raaci musuxiriinta hadii ay guulaystaan, waxa yimid muuse waxa uu la hadlay musuxiriintii waxa uu u sheegay in sixirka iyo waxan ay wataan uu yahay baadil lagu hor joogsanayo xaqa, waxana uu ku yidhi:
“Hoog ayaa idin sugnaaday ha ka been abuuranina idinka oo illaahay beeninaya waxa la idinku abaal marin cadaab waxa hoogay ka been abuur la yimid waana ka dooden arintaa gudahooga” way isku khilaafeen arrintaa badhkood waxa ay yidhaadeen hadalkaasi waa kii nabiyada ee maaha musixir badhkoodna waxa ay yidhaadeen waa musixir, dooda illaahay baa og.
Illaahay waxa uu aayad kale ku cadeeyay “Waxa ay yidhaadeen labadani waa musixiriin waxayna doonayaan in ay dhulkiina sixir idinka saran” labadani waa muuse iyo walaalkii waxana lagu tilmaamaya laba musuxir oo waaweyn oo isku waafaqay in ay sidan yeelan muraadkooguna yahay in ay dadka soo aruursadaan si ay mulkiga wadanka u qabsadan.
Illaahay (swt) waxa uu Quraanka inoogu cadeeyay arintu in ayna ahayn sida ay moodayan oo ay ka duwan tahay “Isku keena khiyamadiina, dabadeedna way yimaadeen iyagoo safan maalintaa waxa guulaystay ninkii gacan sareeyay”
Hadalka hore waxa ay u yidhaadeen si ay wax ugu fiirsadan oo ay iskula dardaarmaan ka dibna ay isku keenan wixi ay khiyaamo iyo sixir iyo been abuur wixii ay hayeen waana ay beenowday wixii ay malaysanayeen, aragtidiina way khaldantay been abuurka iyo sixirka ku dhisnayd waxana dumisay mucjisadii iyo aayadkii adoonkii Rasuulkii illaahay ee muuse ee lagu ayiday mujisooyinka dadka ku noqotay indha daraandarka.
”Wixii meesha ka dhacay iyo sidii illaahay u fasilay kaafirki fircoon iyo misixiriintiisi markii banaanka la iskula soo baxay.”
Illaahay (swt) isaga oo nooga waramaya waxa uu yidhi “Waxa ay yidhaadeen muusow ama adigu tuur ama aanu noqono anagu kuwa tuura wuxuu yidhi tuura waaba xadhkahoogi iyo ulahoogi oo ula eegaday sixirkoogi in uu socday, muuse waxa uu dareemay cabsi waxa aan ku nidhi ha cabsanin adiga ayaa gacan sareeye tuur waxa ana gacanta ku haysato waaba ay midho midhaysanaysaa wixii ay sameeyen wax kale maahe waxa ay sameeyeen khiyaamo sixir, mana aflaxo saaxirku marka uu xaqu yimaado” ayaadahani waxa ay si bayaan ah uga waramayaan wixii gaabtaa ka dhacay
Markii ay isasoo safeen musixiriintii goobta kalena ay isasoo taagen Muuse iyo Haarun (cs) waxa ay yidhaadeen ma anaga ayaa ku horayna mise idinka qolaba mar ayay soo bandhigaysa waxa ay dadka ku gancinayaan muuse iyo haarun waxa ay yidhaahdeen idinku naga horeya, misixiriintu waxay ay siteen ulo xadhko ku duuban yihiin waxana ay tumanayeen aalado shanqadaya oo sababaya in lagu sirxo indhaha dadka si ay wax ay akhtiyaarkooga ku dhag dhaqaayaan sidaa dartee ayay indhii dadkii sixreen markii ay xadhka iyo ulaha dhulka ku daadinayeen waxa ay lahaayeen sida illaahay (swt) quraanka uu inoogu tilmaamay. “
Isiga fircoon ayaan ku dhaaranee anaga ayaa guulaysanayna” markii ay soo bandhigeen wixii ay hayeen dadkii goobtaa joogayna wada argagaxay ayuu muusena ka baqay in dadku ku fidmoobo sixirkan oo cidiba ayna sugin waxan uu soo wado, muuse wax talaabo ah muu qaadin ilaa illaaahay (swt) amar siiyay isla markiiba illaahay waxa uu ku amray arintan.
“Ha cabsanin adiga ayaa sareeya tuur waxa aad midigta ku hayso.”
Muuse waxa uu tuuray ushiisi, muuse markii uu tuuray ushiisi waxa ay noqoto abeenso weyn oo laga argagaxo dadkiina way ka yaaceen meeshi ay joogena dib ayay uga kaceen wixii ula iyo xadhka ahaa ee misixiriintu tuurena midh midh ayay u qabatay iyagaa dadku si bayaan ah u arkayaan.
“Waxa yimid xaqii waxa fashilmay wixii ay sameeyen meeshana waa lagaga guulaystay waxa ay noqdeen iyagoo dulaysan, misixiriintina illaahay ayay u sujuudeen waxana ay yidhaadeen waxa aan rumaynay rabiga caalimiinta rabiga muuse iyo haarun”
Mucjisada Ushii Nabi Muuse
Markii muuse uu tuuray ushiisi ay noqotay abeeynso weyn sida ay ku tilmaamayn culumadu, abeesadaasi waxay ahayd mid cuno buuran muuqalkeeduna argagax leeyahay taas ayaana keentay in dadku si deg deg ah uga yaacan iyagoo ka durkaya goobtii ay ku sugnayd, abeesadaas oo qaabishay goobtii xadhkaha iyo ulaha misixiriintu ay ku daadiyeen mid midna u guranaysa dhaq dhaqaaqeduna uu yahay mid aad u deg deg badan dadkuna ay xageeda soo eegayaan iyagoo la yaaban, misixiriintiina waxay arkeen arin fashilay iyo wixii ay sameeyay oo waxba ayna ka oolin.
Cilmigii iyo aqoontii ay lahaayena waxay ku garteen in ayna ahayn misixir ama waxyaabo kale oo la mid ah waxan uu muuse la yimid waxayna xaqiiqsadeen in anay arintani tahay mucjiso cid kale ayna samayn Karin illaahay mooyne illaaha u hiiliyay xaqa, Illaahay (swt) waxa uu quluubtooda ka qaaday qafladii iyo daboolkii xaqa ka saarnaa waxana u iftiimay xaqii si ay ugu hanuunan sidaas ayayna illaahay ugu toobadkeenay uguna sujuudeen, waxayna misixiriintii u soo bandhigeen dadkii goobjooga ahaa iyagoo cidna aan ka cabsanayn waxay yidhaadeen waxanu rumaynay Rabiga Muuse iyo Haarun.
Siciid Binu Jubeer illaahay ha unaxariistee waxa uu yidhi markii ay sujuudeen waxay arkeen guryihii iyo fooqyadii ay kulahaayeen jannada oo la sii qurxiyay taas ayaana keentay in ay dhagaha ka furaystaan canaanta iyo hanjabaada fircoon oo xaqa ay ku adkaysteaan.
Fircoon markii uu arkay misixiriintii oo muslimay oo iyagoo muuse iyo haarun xusaya dadka hortooda ka cadeeyeen talaabadaas oo ahayn mid geesinimo ah fircoon wuu ka argagaxay arinkaa, fircoon aad ayuu arintee uga cadhoodhay waxana uu ugu hanjabay in uu lugaha iyo gacmahaba u jari doono si talan taali ah kuna xidhi doono geedaha timirta ah jiridooda, fircoon oo hadalkiisi sii wataa waxa uu yidhi ma waxaad rumaynaysaa aniga oo idin ogalaan idinkoo igalatashanin in aad maamulkayga ka baxaysaan.
Waxa uu yidhi Fircoon muuse waa kii idin baray sixirka tanina waa khiyaamo aad khiyaamayseen magalada waana idinka saari doona waanad ogaan doontaan, dadkuna way ogaayeen qof kasta oo caqli lihi in muuse iyo misixiriintu maalin kaliya oo sannadka ka mid ah aanay kulmin, markaa sidee ayuu u noqon karaa kii sixirka baray? Manuu ahayn kii iskugu yeedhay ee fircoon ayaa miyi iyo magaaloba ka soo aruursaday misixiriintii.
Dadku marka ay xaqiiqsato qiimaha iimaanka hanjabaab kasta oo kuwa xadgudbay ula yimaadaan waxka kama tarto waxayna gargaarsadaan caqiidada iyagoo nolosha aduunyadan laga tagayo ka doorbida aakhirada lagu waarayo, waxay u yidhaadeen si aan argagax lahayn anagu rabigay ayaan u tooban keenaynaa, waxayna ku dhawaaqeen xaqiiqadii dagaalka oo ah in aanay cafis iyo denbi dhaaf ayna ka doonayn fircoon laakiin aay illaahay ka doonayaan denbi dhaaf iyo xaqa ay ku sugnaadan iyo samir waxayna yidhaadeen “Illaahayow na sii samir oo na oofso anagoo muslim ah” wuu talax gabay kii xadgudbay, waxana imika taagan in ay laba kala doortaan, in ay ka noqdaan xaqa iyo xanuunka iyo in lagu xidho jiridaha timirta.
Waxa bilaabmay wareegi labaad ee hirdanka xaqa iyo baadilka:
Iyagoo kuwii madaxda ahaa ay leeyihiin lana hadlaya muuse “Waxay yidhaadeen Madaxdii qoomka fircoon ma garateen muuse iyo qoomkiisu in ay arlada fasahaadinayaan isagoo garanaya illaahyadiini, wuxuu yidhi waxa aad laynayseen inamada waxana aad daynayseen hablaha waana idinka awood badnayn”
Halkaa waxa inooga muuqata in ay masriyiintu tira yaraayeen sidaa darteena ay ku hoos jireen maamulka fircoon iyagoo iska ilaalinaya muuse iyo cida rumaysay, waxayna ka baqanayeen dhibaato uu u geeysto fircoon sidee darteen ayayna u arkayeen dacwadan xaqa ah in ay arlada fasahaadinayso si ayna meeshana uga bixin fircoon iyo maamulkiisu, fircoon maamulkiisa waxa uu u kaashanayay diinta baadilka ah waxana uu sheeganayay in uu yahay mid ay dhaleen illaahyadan baadilka ah.
Fircoon markii ay taladu farahiisa ka baxday isagoo doonaya si uu ku ilaaliyo maamulkiisa kana badbaadiyo khatarta dhabta ah ee ku soo began waxa uu yidhi “Waxanu leyn doona inamadiina waxana deyn doona hablihiina anagu waan idinka awood saraynaa”
Hanjabaadani maaha markii ugu horeysay reer binu israa’il laakiin waa mid jirtay wakhtigii Nabi Muuse dhashayba, muuse waxa uu bilaabay in uu qoomkiisa kula dardaarmo sidii ay samir u yeelan lahaayeen iyo adkaysi illaahayna u gargaarsan lahaayeen waxana uu u sheegay in illaahay (swt) dhulka cidii uu doono dhaxalsiiyo cidhibta wanaagsana ay leeyihiin kuwa illaahay ka cabsada oo aanay ka baqan illaahay mooyane cidkale, “Muuse waxa uu ku yidhi koomkiisi gargaarsada illaahay oo samra dhulka illaahay waxa uu dhaxalsiiya cida uu doono ee adoomihiisa ah waxana cidhib wanaagsan kuwa illaahay ka cabsada”
Qoomkii Nabi Muuse (cs) waxay ay bilaabeen in ay ka cawdaan dhibaatadii lagu hayay “Waxayna yidhaahdeen waanala dhibaayay intii ka horeysay intaanad noo iman iyo marka aad noo timiba” kalmadahani waxay la xidhiidhan sida qoomkiisu u moodayeen in ay dhibaatada ay kaga baxayaan iyo marxalada adag, muuse waxa uu ugu bishaareyay in xaqu guulaysanayo fircoon iyo qoomkiisana la halaagayo dhulkana iyagu ay dhaxli doonaan.
Waxana uu uga digay in ay fidmada iska ilaaliyaan isagoo u sheegaya in dhulka la dhaxalsiinayaa ay tahay imtixaan iyaga lagu imtixaamayo “Waxa uu yidhi waxa laga yaaba in illaahay halaago cadowgiina idinkana idin dhaxalsiiyo dhulka ka dibna la eego waxa aad samaysaan”.
Waxaynu ka soo gudubnay marxalada waxana u gudbaynaa mid kale inagoo quraanku ina hogaaminayo, waxaynu arkaynaa sidii ay iskaga hor yimaadeen xaqa iyo baadilku iyo fircoon oo kala tashanaya madaxdiisi kale sidii muuse loo dili lahaa.
“Waxa uu yidhi fircoon ka warama hadii aan dilo muuse oo isaguna rabigii u yeedho waxan ka baqayaa in uu idinka badalo diintiina dhulkana fasahaad gaadhsiyo.
Imika Nabi Muuse (swt) waxa uu galay difaac iyo qalcad adag, goobta ay ku badbaadan kuwa la dhibaa iyo cida nabad gelyada doonaysa “Waxa uu yidhi muuse waxa aan ka magan galay rabigayga iyo rabigiina midkasta oo isla weyn oo aan rumaynin maalinta qiyaamaha”
Waxay ku dhowaatay figradii fircoon in ay rumowdo hadii aanu nin ehelka fircoon ihi oo ka tirsan madaxda fircoon illaahay (swt) quranka ninkaa magaciisa uuna noogu sheegi inkastoo magacagu mihiim uuna ahayn muuqalkiisana aan la sheegin laakiin illaahay (swt) waxa uu quraanka inoogu sheegay ninkaasi in uu ahaa muunin.
Waxa uu ka waramay ninkan muuminka ihi isagoo (Imaamkiisa qarinaya) in uu ka qayb galay shir lagu garfaynayay sidii muuse loo dili lahaa, markii la isla qaatay taladan ayuu isna soo bandhigay waxa uu muuse yidhi in uu yahay kalmad kaliya oo ah in illaahay yahay kaligii cadayna uu keenay in uu yahay Rasuul hadaba laba arimood mid ayaan inala gudboon oo aan lahayn mid sadexaad in uu yahay muuse beenale iyo in uu run sheegayo, hadii uu beenale yahay (Beentaasi waa dushiisa) manuu mutaysan manuu odhan wax lagu dilo, hadii uu run sheegayo oo aynu dilno yaa inaga badbaadinaya cadaabka uu inoo sheegayo?
Waxa uu ka waramay ninkan muuminka ihi ee iimaankiisa qarinayay in uu ku yidhi goomkiisi inagu maanta waxaynu gacanta ku haynaa xukunkii iyo quwadii yaa inaga badbaadinaya cadaabka illaahay hadii uu inoo yimaado? Yaa inaga badbaadinaya iqaabka illaahay hadii ay dhacdo? Madax adeegteen iyo beenteenu inaga ayay na dayacaysaa,
Waxay ku bilaabeen kalmadihiisi lagu gancayay in aanu ahayn nin lagu tuhmo maamulka fircoon manuu ahayn kuwa muuse raacay mana aha in la yidhaado waxa uu u hadlayay si uu u difaaco maamulka fircoon, maamulkan waxa baabinayayna waxa uu ahaa beenta iyo maamul xumada iyo dulka loo geysanayo dadka aan waxba galabsan, mawduucan ayaana loo daliilsanayaa kalimaadka ninkaasi in ay noqdaan kuwa quwada leh marka loo geeyo fircon iyo madaxdiisa, fircoona waxa uu helay in figradiisa ah in muuse la dilo isagoo ku cabsi gelinaya ninkaan muuminka laftiisa.
Waxa uu ku dhawaaqay fircoon kalmadii taariikhiga ahayd taas oo tusaale u ah mid kasta oo xadgudba oo ka denbeeya isaga “Waxa uu yidhi fircoon rayigeygu wax kale maaha ee waxa aan arkaa uun arin aan idinku hadaynayo dariiqa toosan” kalmadan weligoodba way adeegsadaan kuwa xadgudbay marka ay la hadlaya shacabkooga iyagoo leh taasi waa aragtiyadayada gaar ka ah waana mid inoo horseedaysa hanuunka, arinkasta oo khalad ahayna waxa waaji ah in cidkasta oo ka hortimaado laga difaaco, doodu kumay joogsanin intaa fircoon wuu yidhi kalmadiisi laakiin kumii gancin ninkii muuminka ahaa.
Hadalkii ayuu qabsaday waxana uu yidhi ninkaas muuminka ihi waxa uu dabada ka gelay taariikh isagoo soo hor dhigay fircoon iyo qoomkiisiba cadaymo ku filan runta muuse isagoo uga digaya dhibaatada ay la kulmeen umadiihii iyaga ka horeeyay ee ka beeniyay rasuushi loo soo diray ka dibna illaahay halaagay, waxa ka mid ahaa umadahaa qoomkii Nuux, Qoomkii Caad iyo Qoomkii Samuud, maxayba meel fog ka eegi taariikhda masar ayaa ka markhaati ah in qoolkiisu saxan yahay.
Runtii Nabi Yuusuf (cs) waxa uu la yimid cadeemo dadkuna way ka shakiyeen ka dib hadana way rumeeyeen markii uu ka badbaadiyay duruufihii adkaa iyo abaarihii soo maray, maxaa iskaga dhowdhow soo dirida illaahay soo diray Nabiyada?
Taariikhda gabowday waa in ay lahaataa meelo dhaxal gal ah, run ahaantiina tirayar oo muuminiin ah ayaa guulo soo hooyay oo jabiyay kufaar badan illaahayna halaagay kuwa duufan lagu qaraqay kuwa qaylo lagu khasifay, Maxaynu hadaa ka eegaynaa?
Si aynaan u halaagsamin dhamaanteen waa in aynu wax ku qaadano waxa aanu ka ogaano qoomamka inaga horeeyay sida ninkan muuminka ihiba uu doodi fircoon ugu soo bandhigay in hadii muuse la dilo ay dhibaato la kulmi doonto, dooda ninkan muuminka ah waxa ku jiray dhow digniinood oo uu ka bilaabay isagoo u sheegayay kuwii goobjooga ahaa in figradan ah in la dilo muuse ay tahay mid aan cidhibteeda denbe lagu nabad gelayn
Illaahay (swt) waxa uu inooga waramay in aayadkii illaahay ee fircon uu kaga hor yimid isweyneen iyo dulmi “Waxa uu yidhi fircoon haamaanow ii dhis meel dheer waxa laga yaaba in aan gaadho sababo samadana aan ka eego illaahan muuse waxan u malaynayaa in uu yahay beenale sidaas ayaa loogu qurxiyay xumaantii camalkiisa oo uu xaqa isku hortaagay may ahayn khiyaamadi fircoon wax aan ahayn mid liidata”
Mar labaad waxa uu isku dayay fircoon in fogaado si aan u waajihi xaqa si cadaan ah isagoo aqoonsan dacwada kalinimada illaahay ee geligishay maamulkiisa taas oo ka fog heerka qarashada fircoon taas oo ka fog in uu ahaado mid ku dadaala baadhitaanka illaaha muuse.
Wakhtigaa faraacinadu waxay gaadheen aqoon ka xeer dheer muuqalka garasha fircoon waana ta keentay in ay ku kala qayb-samaan laba qaybood qayb muuse, Qayb Nabi muuse rumaysay iyo qayb beenisay oo xaqa ka hortimi.
Marlabaad ninkii muuminkaa ahaa waxa uu si cad u yidhi:- kalmado geesinimo leh sida illaahay (swt) quraanka inoogu tilmaamay “Waxa uu yidhi kii muuminka ahaa qoomyahow raaca ka idinku hanuuninaya dariiqa toosan, qoomyahow noloshan aduunyadu waa raaxo yar ee aakhiro ayaa ah daarta lagu waarayo, qofka camal xun sameeya lagu abaal marin maayo wax aan ahayn wuxuu sameeyay oo kale.
Qofka wanaagsameeya rag iyo dumar isagoo muumin ah kuwaasi waxay gelayaa janada waxana loogu arsaaqayaa si aan xisaab lahayn, qoomkaygiyow waxa aan idinku yeedhayaa nabadgelyo idina waxa aad iigu yeedhaysaan naar, waxa aad iigu yeedhaysaan in aan cid aan illaahay ahayn caabudo aqoona aan u lahayn, aniguna waxa aan idinku yeedhayaa illaaha cisiga badan ee denbi dhaafka badan”.
Waxa uu ka nahiyay ninkan muuminka ihi isagoo ku hadlaya erayo geesinimo leh ka dib markii ay ka tageen kuwii hereero fadhiyay iyagoo u arkaya in uu muuse raacay, waxayna bilaabeen in ay khiyaameeyan iyagoo hadal haya erayadii ka soo fulay, shirqoolkaa ay u digeena illaahay ayaa isaga ka badbaadiyay.
Hadii aynu u soo noqono xaalka masar ee wakhtigaa waxa uu gaadhay heer dhibaatada fircoon in uu inamada yar yar laayo hablahana uu daayo, muuse iyo qoomkiisina waxa soo foodsaray ciqaab adag in kastoo ay rajaynayeen in illaahay u gargaaro kuna samreen dhibaatadan.
Fircoon wuu sii waday xadgudubkiisi iyo dulmigii, waxa la soo gaadhay wakhtigii quwada illaahay ay qaban lahayd fircoon illaahaybaana cid walba ka quwad badan “Waxanu qabanay muddo sannada ah reer fircoon waxa laga yareeyay midhihii si ay wax ugu qaataan, marka ay wanaag-helaan waxay odhan jireen anagaa samaysanay marka ay xubaani timaadana waxay dusha ka saarayeen muuse iyo cidii raacday”.
Illaahay (swt) ayaa la damcay in uu nolosha ku adkeeyo oo uu ibtileeyo camsina uu geliyo si ay uga joogsadan khiyamada muuse iyo cidii raacday oo ay u sugnaato Nabinimada muuse iyo runtiisuba isla wakhtigaa, Illaahay (swt) waxa uu masar ku saliday abooro waxana engagay dhulkii waxana gudhay wabigii niilka waxana yaraaday midhihii soo baxayay dadkiina aad ayuu u gaajooday.
Waxana badatay isnecbaashihii laakiin reer fircoon may garanayn dhibaatadan xidhiidhka ay la leedahay dulmiga ay sameeyeen waxana soo qaateen sababo kale marka ay helaan wanaag iyaga ayaa sheeganayay marka ay xumaani timaadana Nabi muuse ayay dusha ka saarayeen, cisigii ayay u qaateen xumaan waxana rumaysanayeen sixirnimada muuse ay masuul ka tahay balaayadan asiibtay, axmaq-nimadooduna waxay tustay in abaartan ku dhacday ay tahay aayada kaga timid xaga muuse si uu u sixro laakiin waa aayad aanayn rumaynayn.
Illaahay (swt) arinkaa wuu ku sii adkeeyay si ay uga soo noqdaan xumaanta waxana lagu saliday Duufan, Ayax iyo waxyaabo kale oo faro badan oo illaahay quraanka inoogu sheegay, mihiimaduna waxay ahayd in reer fircoon Nabi Muuse (cs) u yimaadan oo uu rabigood u baryo si balaayadan looga dulqaado, waxayna yidhaahdeen “Waxay yidhaadeen muusow noo bari rabigaa waxa uu kuu balan qaaday hadii uu dhibaatadan naga dulqaado waanu ku rumaynaynaa waana ku raacaynaa hadii aanu reer binu israa’il aanu nahay”.
Nabi Muuse (cs) illaahay (swt) ayuu u baryay dhibaatadina waa laga dulqaaday, Maxaase ka danbeeyay? Markii dhibaatadii laga dulqaaday balankii way ka baxeen mayna hanuunin dadkii reer masar balankiina may oofin, fircoona waxaba uu ku dhawaaqay in uu isagu masar leeyahay iyo wabiyada durduraya muusena yahay musixir beenale ah iyo nin fiqiir ah oo heli karayn fargal yar oo dahab ah.
“Run ahaantii waanu dirnay muuse iyo aayadkayagiba waxana u dirnay fircoon iyo madaxdiisi waxana uu ku yidhi waxa aan ahayn rasuul uu soo diray rabiga caalimiinta, markii uu ila yimid aayadkii waaba ay ku qoslayn, markasta oo aayad aanu tusnana iyadoo ka waynba ta kale, waxanu ku salidnay cadaab si ay illaahay ugu soo noqdaan.
Waxay yidhaahdeen misixiryahow noo bari rabigaa wixii uu ku balan qaaday waanu hanuuniyee, marka laga dulqaado dhibaatadana waxay ku sii nagaanayeen xumaanta, fircoon waxa uu u dhowaaqay qoomkiisi waxa uu yidhi qoomyahow anigu miyaanan lahayn milkiga masar iyo wabiyadan hoostayda durduraya miyaydaan wax arkeen ama aniga ayaa ka khayr badan kan fiqiirka ah ee ku dhowayn mid wax cadeeya”.
Bal hada eeg cajaayibka quraanka caqligoogi liitay iyo xoriyadoodi liitaday iyo mistaqbalkoogi liitay iyo bila’aadanimadoodi liitadayba waxay adeeceen fircoon waa adeecid la yaab leh taa ayaanu ku garanaynaa in ay ahaayeen qoom faasaqiin ah waayo faasaqnimadu dadka waxay seejisaa jiheenta mustaqbalkooga iyo toosinta arinkooga waxana ku tuurtaa halaag sadan qoomkan fircoon oo kale.
Waxa inoo cadaatay in aanu fircoon rumaynin Nabi Muuse (cs) isla markaana aanu joojinin dhibaatadii uu ku yahay reer binu israa’il, Nabi muuse (cs) waxa uu beryay illaahay (swt) laakiin arin waxay ku soo dhamaatay illaahay (swt) in uu muuse u waxyooday in uu ka baxo masar goor habeenimo ah, markii ay u diyaar garoobeen in ay baxaan ayay ku warheleen in ay ka daba yimaadeen fircoon iyo ciidankiisi iyagoo doonayay in ay dadkan ka soo reecaban goobtuna waxay ahayd Kanalka Suways meesha imika la yidhaa Buxayraad.
Waxa soo gaadhay fircoon warkii in uu muuse baxay iyo qoomkiisiba waxa uu u dirayay amaradiisi dhamaan magaalooyinka si ay u soo diyaariyaan ciidan badan si loo soo qobto muuse iyo qoomkiisi oo looga qaribo arinkii ay diyaarsadeen iyo mabda oogaba, fircoon imika waxa uu bixinayaa amaro guud ujeedadiisuna waxay tahay in uu muuqal u sameeyo dadka muuse iyo qoomkiisina ay yihiin kuwa khatar ku ah fircoon iyo boqortooyadiisa, sidee ayuu illaah u noqon karaa mid ka cabsanayaa koox yar oo illaah kale caabudaysa?
Si kastaba ha ahaateen waxa uu bilaabay fircoon in uu ka taxadiro kana diyaag garoobo sidii uu arinta hogaankeeda u sii hayn lahaa, waxa soo baxeen iyagoo raacaya raadkii nabi muuse iyo qoomkiisi.
Bixitaankani waxa uu ahaa mid mihiim ah waxay ka yimaadeen wixii ay mulki lahaayeen oo dhan Bustaanadii, Durduradii iyo Qasnadii iyo Wixii ay mulki lahaayeen oo dhan dibna ugumay soo noqon, muuqalkani waxa uu ina tusayaa in cidhibtii soo bixitaankoogu ay ku raadgoobayeen muuminiinta in ay ahayd iyagoo u deg degaya abaal marintii uu lahaa dulmiga iyo xadgudubku.
Waxa dhawaaqay kuwa ka mid ah qoomkii Nabi Muuse (swt) waxayan yidhaahdeen waxa na soo gaadhay ciidan kii fircoon, Nabi muuse (swt) muu hayn talo uu ku badbaadiyo laakiin qalbiga muuse waxa ka buuxay kalsoonida rabigii waxana uu rumaysnaa in uu illaahay u gargaari doono, daqiiqadii ugu denbaysay ayaaba uu illaahay (swt) u waxyooday.
“Waxanu u waxyoonay muuse in uu ushiisa ku dhufto badan” wuu ku dhuftay waxana dhacday mucjiso waxana xaqiiqowday wixii dadku afka soo marin la’aayeen amarkii illaahay doonay ayaa ahaaday, fircoon ayaa soo gaadhay badii waxana uu arkay mucjisadii waxana uu arkay badii uu laba u qaybsantay oo yeelatay dariiq engegen, fircoon waxa uu u yeedhay ciidankiisi waxana uu amray in ay ka horeeyaan oo ay bada dhex galaan.
Markii muuse iyo qoomkiisi ay bada ka gudbeen mar labaad ayaa illaahay muuse u soo waxyooday in uu ka gudbo bada, illaahay (swt) waxa uu doonay in uu inuu qaraqo fircoon iyo ciidankiisi markii fircoon iyo ciidankiisi ay ku dhamaadeen badii ayuu illaahay (swt) soo fuliyay amaradiisi waxa dulmaray fircoon iyo ciidankiisi moojadihii bada waxan qaraqmay fircoon iyo ciidankiisi waxa qaraqmay canaadkii madaxa adkaa waxana badbaaday kii illaahay rumeeyay.
Markii ay u cadaatay fircoon in uu qaraqmay oo ayna badbaado u oolin “Waxa uu yidhi waxa aan rumeeyay in aanu illaah jirin illaaha reer binu israa’il rumeeyeen mooyane waxana ka mid ahay kuwa mislimiinta ah”
Waxana qancay ninkasto oo xumaan lahaa oo liitay kumuu joogin in uu ku dhowaaqo iimaan oo kaliyee waxa uu ku daray in uu is dhiibo laakiin waxba kamuu faa’iidin imikana maaha wakhtigii doorashada waxa ka horeysay caasinimo iyo isla weynaan sida illaahayba quraanka inoogu sheegay “Imika horteed ayaad caasiyooday oo aad ka mi dahay kuwa wax fasahaadinaya.”
Way dhamaatay wakhtigii toobada ee laguu xadiday waana halaagsantay arinkiina wuu dhamaaday badbaadana kuumay sugnaan waxa badbaadayaa jidkaaga oo kaliya si aanu kaluunku u cunin ragqaadana dadka lagama fogaynayo si ay dadku wax u qaatan waxana badbaadaya jidkaaga si ay kuwa kaa denbeeya wax ugu qaatan “Maanta waxa aanu badbaadinaynaa jidhkaaga si ay ugu noqoto kuwa kaa denbeeya aayad in badan oo dadka ka mid ihina aayaadkayaga way ka jeedan”.
Waxa la feeday daahi asturayay xadgudubka fircoon mowjadaha ayaa ku soo tuuray raqdiisi xeebaha, intaa ka dib asturaadi waxay u soo hadhay dadkii masar, inoogamuu waramin quraanku wixii ay sameeyeen markii uu nidaamkii fircoon uu baaba’ay ee lana qaraqay fircoon iyo ciidankiisi, nagamuu waramin waxyaabihii kale ay sameeyeen markii uu illaahay dumiyay wixii fircoon sameeyay iyo qoomkiisi, waxa aad uga waramay qisaska iyo taariikhda.
Reer binu israa’il waxa hogaaminahay Nabi muuse (cs) iyo walaalkii haaruun. Laakiin maxay ku sameeyeen Nabi muuse?
Markii la halaagay fircoon iyo qoomkiisi iyagoo arkaya isla markaa waxa saamayn ku yeelatay sannadihii faraha badnaa ee cadaadiska iyo gumaysiga uu ku hayay, waxay noqdeen dad liita oo dulaysan, fircoon waxa uu ku sameeyay reer binu israa’il waxyaabo faro badan oo quraan ku inooga waramay, isla markaana waxa ducfi weyni ku dhacay ruuxdooda waxana la yaabeen awoodan intan leeg ee jabisay fircoon, fircoonkii fasahaadiyay toosnaantoodi.
Hadana jaahilnimo iyo dhago adeeg ayay kala hor yimaadeen Nabi muuse (cs) iyagoo dagahooga ay ka sii guuxaysto mucjisadii bada lagu jeexay ayay soo mareen qolo sanam caabudaya wayna dareensanayee in ay kuwaas liitan, waxayna hayd in ay illaahay ku mahadiyaan laakiin waxay muuse ka delbadeen in uu u sameeyo illaah ay caabudaan sida qoladan oo kale, markaa waxba isma dhaaman kuwaa sanamka caabudaya iyo iyagu markaas oo u muuqaday in ay u doonayeen in ay ku noqdaan gaalnimadii ay ayaamihii fircoon ay ku sugnayeen.
Way dhamaatay marxaladii kowaad ee mihiimada Nabi muuse (cs) taas oo ahayd in uu meesha uu ka saaro noloshan-dulaysan iyo dhibaatada reer binu israa’il ay ku hayeen fircoon iyo ciidankiisi si ay ugu sugnaadan guryo sharaf leh, laakiin qoomkani diyaar umay ahayn mihiimada weyn ee ah in ay dulka ku qabsadan diinta illaahay waayo ka hore ee ay doorteen ayaaba ah arintan markhatideeda, waxanu soo sheegnay in ay arkeen qoom sanam caabudaya ka dibna ay gilgilantay tawxiidkoogi oo muuse ay ka delbadeen illaah ay caabudaan.
Waxa lagama maarmaan noqotay in la helo risaalad kala saarta tarbiyada umadan iyo diyaar gareenta sida ay u qaabili lahaayeen, risaaladan darteed waxa uu illaahay (swt) Nabi muuse u balan qaaday in uu la kulmi doono balan qaadkanina waxa uu ahaa in muuse loo diyaargareeyo sidii uu u qaadi lahaa risaalada mudada muuse uu diyaar garoobayay waxay ahayd Sodon habeen, Toban iyo afartanba waa lagu sheegay.
Muuse waxa uu soomay Afartan cisho si uu in badan illaahay ugu dhowaado, muuse la hadalka illaahay waxa uu u siyaadin jiray kalgacal faro badan inaguna ma qiyaasi karno dareenka muuse sida uu ahaa marka uu illaahay waydiisto in uu arko, inta badan jacaylka dadku waxa uu diida ama uu ka hor-joogsadaa araga indha ay jecel yihiin, Maxaad u malayn Jacaylka Illaahay (swt)?
Markii uu dareenkii muuse uu ka buuxsamay jacalkii illaahay iyo la kulankiisa wuu kari wayay in uu barbar dhig ku sameeyo shaqsiyadiisa naftiisana uu ka horjoogsado in uu illaahay waydiisto aragiisa.
“Markii uu muuse uu yimid goomtii balanta ayuu la hadlay rabigii waxa uu yidhi rabiyow iskaytus” muuse waxa soo gaadhay raxmada illaahay waxana uu gartay in aanu rabigii arkayn waayo mid ka mid ah abuurkiisa ma qaadi karo nuurka illaahay waxana la amray in uu eego buurta hadii ay ku sugnaato halkeeda in uu heli doono wixii uu illaahay waydiistay, illaahay waxa uu ku yidhi muuse:
“Laakiin eeg buurta hadii ay ku sugnaato halkeeda waad I arkaysaa ka dibna buurtii way burburtay muusena illaahay ayuu u sujuuday iskagoo argagaxsan” qofna ma qaadi karo nuurka illaahay buurtiina way burburtay waxana la simantay dhulka muusena wuu dhacay isagoo is kala garanayn “Markii uu soo kacay waxa uu yidhi adaa xumaan ka nasahan waana tooban keenay aniguna waxa aan noqonayaa ka kugu hor rumeeya.”
Mar labaad muuse waxa uu la kulmay raxmadii illaahay waxana loogu bishaareyay in uu ka mid yahay kuwa illaahay ka doortay adoomadiisa illaahay (swt) waxa uu ku yidhi “ Waxa uu ku yidhi muusow anigu waxa aan kaa doortay dadka risaaladaydi iyo hadalkaygina qaado wixii aan ku siiyay kana mid noqo kuwa igu mahadiya”
Doorashadani maaha mid uu kaga fadli badan yahay nabiyada kuwii ka horeyay iyo kuwii ka denbeeyay toona laakiin waxan jacalahay in aanu iska dhaafno dooda waayo waxa aanu rumaysan nahay in ay nabiyada oo dhami isku mid yihiin illaahaybaana inooga waramay in ay kala fadli badan yihiin darajadooduna ay kala sarayso si ayna anagu u kala saari Karin ka hadal keeduna waa inaga xaaran, waxana aynu ka taaganahay heerka iimaanka ee ah in aynu rumayno dhamaatood oo aynu gudano ixtiraamkooda inalama gudboona inaynu dhex gelin derajada macsuuminta illaahay doortay waana in aynu rumayno nabiyadii oo dhan.
Illaahay (swt) waxa uu u cadeeyay Nabi muuse (cs) damanada risaaladiisa “Waxanu ku qornay alwaaxdan shay kasta wacdi iyo kala saarid shaykasta ku qaado kuwad qoomkaagana amar in ay qaatan wanaageeda waana ku tusi daarta kuwa faasihiinta”
Waxa ku sugnaa shaykasta mawduuc khaas ah oo ka waramaya, u jeedaduna waxay ahayd in uu illaahay u cadeeyo qawaamiintiisa iyo tawjihiidka la doonayo in umada xaalkeeda lagu wanaajiyo lana toosiyo dabeecadeeda horena waanagii u soo aragnay in ay ahaayeen umada fasahaaday oo dulaysantay, wuu dhamaaday balankii uu muuse la galay rabigii, wuu noqday isagoo cadhaysan kana cadhaysan qoomkiisi koomkaana manuu jirin cid raali gelin karta Nabi muuse (cs) laakiin wuu garanayay in uu rabigii og yahay in uu ku noqonayo qoomkiisa isagoo cadhaysan.
Fidnadii Saamiri
Nabi muuse (cs) waxa uu u dhaqaaqay dhinaca buurta isagoo sita alwaaxdii Tawraad ku qornayd, qalbigiisana waxa ku jirtay cadho laakiin ma garan karno heerka ay taagnayd caadifadiisu iyo dareenkiisa, muuse umuu iman qoomkiisi ilaa ay dhacdo fidnadii Samiri faahfaahinta fidnadanidaa, markii ay reer binu israa’il ay ka soo baxeen masar waxay soo qaateen dahab iyo alaab badan oo ay lahaayeen reer masar waxana la sheegay dumarka reer binu israa’il in ay dahabka ka soo qaadan jireen si ay iskugu qurxiyaan.
Markii la amray in ay baxaan ayay soo qaateen hadana waxay is yidhaadeen waa xaaran oo way daadiyeen waxa soo aruuriyay Samiri wuuna isku dhalaaliyay waxana uu ka sameeyay wax dibi u eeg, Samiri waxa uu ahaa farsamo yaqaan tumaal ah dibigaa uu samayayna gudihiisu wuu madhnaa waxana uu ku jeediyay dabeesha dhinaca hawadu ka soo dhacayso, hawo ayaana dhinaca denbe ka soo galaysay afkana ka soo baxaysay waxana uu samaynayay cod aad moodo codka dibiyada oo kale.
Waxay yidhaahdeen sirtani waa mid aan hore loo arag, Samiri waxa uu ka soo qaatay xantoobo ciid ah halkii uu maray malaku jibriil markii uu u soo daadayay mucjisadii bada kala jeexideeda, Samiri waxa uu arkay waxana hore uu u arag xantoobadii ciida ahayna waxa uu ku daray dahabkii uu ka samaynayay dibiga, Malaku Jibriilna meel kasta oo uu istaago naf ayaa gasha wayna dhac-dhaqaaqdaa, Samiri markii uu isku daray dahabkii iyo ciidi ka dibna uu ka sameyay dibi uu u ciyay sidii kuwii caadiga ahaa ayuu soo bandhigay. waxa uu u soon bandhigay reer binu israa’il wixii uu sameeyay.
- Waxay weydiyeen:
- Kani waa maxay Saamiriyow?
Waxa uu yidhi kani waa illaahiini waana illaahi muuse waxayna yidhaadeen laakiin muuse wuu tagay oo illaahay ayuu la balansanaa waxa uu yidhi Samiri muuse wuu iloobayee halkan ayay ahayd in ay ku kulmaan.
Waxana soo dhacday dabeel dibigii ayay dabada ay ka gashay afkiisana way ka soo baxday ka dibna wuu ciyay reer binu israa’ilna dibiga ayay caabudeen.
Qisadan fidnadan waxa laga yaaba in uu la yaabo qofka akhriya liidashada qoomkan darajadooda laakiin waxa is weydiin leh sida ay marka ay mucjisada arkeen aanay wax ugu qaadan ee sanamada ay u raadsadeen, waxana layaabkan kaa biinaysa marka aad eegto qoomka laftooda in ay dibiga caabudi jireen oo lagu tarbiyadeeyay masar.
Maalmahaa masar waxa lagu caabudi jiray sanamyo waxana ay weynayn jireen dibi la yidhaa Abays waana lagu soo tarbiyadeeyay duli sidaas ayayna naftoodu isku badashay oo mucjiso kasta oo soo marta waxba ugu qaadan wayeen iska daa wax qof sameeyayee waxa ay wax ku qaadan waayeen hadalkii illaahay (swt).
Mucjisada la taaban karana sida ay ugu qanci waayeen ayay hadalkii runta ahaana waxba ugu tari wayay sidaas ayayna ku halaabeen waxana gudaha u galeen caabudida sanamyada waxay ahaayeen dad aan diin lahayn sidii kuwii xukumi jiray masar taas ayaana sabab u ahayd in ay dibi caabudan.
Haaruun way ku adkaatay in ay maalin reer binu israa’il ay caabudi doonaan dibi in yar oo ka mid ihi dhinaca ayay uga joogsadeen oo waxay noqdeen muuminiin laakiin intii badnayn way galobeen, haaruun waxa uu is dhex-taagay qoomkiisi waxana uu ku lahaa isagoo waaninaya waad ku fidnowdeen samiri ayaana idinku mashquuliyay jahligiini ee dibigani maaha rabigiini iyo rabigii muuse toona.
Way diideen kuwii dibiga caabudayay waanadii haarun wuu ku soo noqday isagoo wacdinaya waxa uu xasuusinayay mucjisooyinkii illaahay iyo sida uu illaahay u soo badbadiyay iyo sidii uu u illaalinayay waxaas oo hadal ah dagaha ayay ka furaysteen wana yaresteen waxana ay dooneenba in ay dilaan isagoo diidan in mowducan laga hadlo ilaa inta uu muuse soo noqonayo.
Waana iska cadeed in uu haarun ahaa nin ka dabacsan muuse laakiin qoomka dabacsanaantii haarun waxba umay tarin, haaruuna waa uu ka baqay in uu quwad isticmalo uu sanamka jabiyo waxana uu ka baqay in qoomki iska hor yimaado fidnana ay ka dhacdo arintana dib ayuu u dhiga ilaa inta uu muuse imanayo, waana uu garnayay muuse in uu yahay qof quwad badan oo fidnada xalin kara iyadoo aan dhiig daadan.
Dadku waxay bilaabeen in ay ka dul ciyaaraan dibigii waxana ku soo baxay nabi muuse (cs) markii uu maqlay buux iyo sawaxankii isla markii uu goobtii muuse soo gaadhay waxay joojiyeen ciyaartii waana ay aamuseen, muuse isagoo kor u dhowaaqaya ayuu ku yidhi dabaday wax xun ayaad samayseen hadana muuse waxa uu u dhaqaaqay dhinicii haaruun, muuse waxa uu tuuray dhulka ku tuuray looxaantii towraad uu gacanta ku hayay.
Muuse waxa uu aad uga cadhoodhay wixii ay sameeyeen waxana uu qabtay madaxii haaruun labadiisi gacmood ayuu midna timaha ku qabtay mina gadhka, muuse waxa uu waydiyay haaruun in uu caasiyay amarkiisi sida uu uga aamusay fidnadan sidii uu sisii dhex joogay dadka waxan aadka u foosha xun sameeyay waxana uu ku canaantay sida uu uga aamusay haaruun.
Haaruun inta uu xooga ka aamusay cadhadii muuse ayuu la hadlay muuse isagoo rajaynaya in uu siidayo gadhka iyo madaxa kuna halqabsanaya sida ay isku hooyo kaliya uga soo jeedan xusayana in ay hooyo wada dhashay aabohoona aan soo hadal qaadin halkaana waxa inooga muuqata in labada hooyo wada dhashaa ay cidkasta iskaga dhow yihiin dhinaca wada tashiga.
Waxa uu yidhi:- Haaruun “Kay hooyaday dhashayow isii daa gadhka iyo madaxa” haaruun waxa uu fahansiyay in aanu arinku ahayn caasinimo xagiisa ka timid raalina aanu ka ahayn waxan ay la yimaadeen waxana uu u sheegay in uu ka baqay hadii uu ficil la yimaado in ay dadka ka tagaan ama ay dilaan, waxana uu waydiyay muuse sidee ayaana ula joogayn waaba aad igaga tagtee oo masuul ayaan ka sii ahaayee waxana uu u sheegay hadii uu wax talaabo uu qaadi lahaa in uu ka baqay in dagaal ka dhaqo maasha ka bacdina aad tidhaahdo maxaad aniga ii sugi wayday, haaruun waxa uu fahmay walaalkiisi muuse in ay tahay in si dabacsan dadka ula hadlo.
Muuse waxa uu gartay in uu ku gafay haaruun cadhadiisuna ay ahayd mid uu xaqa ku difaacayo waxana uu gartay in talaabadan haaruun uu qaaday ay ahayd mid wakhtigaa ku wanaagsanayd, waxana uu siidayay gadhki iyo madaxii uu hayay Muuse naftiisi iyo walaalkiiba illaahay ayuu denbi dhaaf u waydiyay waxana uu u soo jeestay dhinacii qoomkiisa isagoo adeegsanaya erayo kulkulul oo cadho ka muuqato.
“Qoomkaygiyow miyaanu illaahay idin balanqaadin balan ma waxa idinku dheeraday balantii mise waxa aad doonteen in ay idinku dhacdo cadho illaahay oo dib aad uga dhacdaan balanka” muuse waxa uu ka hadlay xumaanta ay sameeyeen waxana uu mar labaad yidhi isagoo aad u cadhaysan “Kuwii dibiga samaytay waxa ku dhici doonta cadho xaga rabi iyo dulinimo aduunyo iyo aakhiriba sidaas ayaana ku abaal marinaa kuwa been abuurayaasha ah.”
Buuraha ayaa isku gudbiyay sawaxankii iyo dhawaaqii muuse cadho daraadeed uu kor u hadlayay ilaa inta ay dhamaantoo qoomkii ay madaxa hoos u fooririnayeen wana ay garteen khaladkoogi iyo been abuurkii ay sameeyeen waxana cadaaday in waxan muuse uu wadaa xaq yahay, maqnaasha muuse ka maqnaana maaha muu ahayn mid kalifayay in dibi la sii caabudo, goomka muuse waxa uu illaahay (swt) balan kula qalay hadii ay isaga (Illaahay) u hogaansanaaday arlada la dhaxalsiin doono.
Hadana muuse waxa uu u soo jeestay Samiri, samiri oo ahaa ninkii dibiga ay caabudeen sameyay, muuse waxa uu la hadlay samiri waxana uu ku yidhi arinkaagu muxuu yahay isagoo doonaya in uu ogaado waxa ku kalifay arintan saamiri waxa uu ku jawaabay waxa aan arkay wax aan weligayba arag, waxa aan arkay ayuu yidhi Malaku Jibriil oo fuushan faras meel kasta oo farasku qoobka uu saarona ciida taala ay samaynaysay dhaqdhaqaaq raadkii jibriil waxana ka soo qaatay xantoobo ciid ah waxana ku daray dahabkii aan dibiga ka sameeyay nafteyda ayaana ii qurxisay in aad waxan sameeyo.
Muuse arintii waxba muu sii baadhbaadhin ee waxa uu ku qaaday xukunkii xaqa ahaa, mihimna may ahayn in uu samiri arkay Malaku Jibriil, ciida uu ka soo qaatay iyo dibigan uu samayay waa denbi uu galay samiri laakiin mihiimadu waxay tahay denbigan uu galay iyo fidnadan uu galayay qoomkii nabi muuse ee dhaqankoogi hore uu ahaa in ay sanamo caabudaan, muuse waxa uu ku xukumay in aanu qoomka muuse wax xidhiidh ah la yeelan oo kaligii uu noolado.
Waxana aynu rumaysanahay arinkaasi in uu ka khatarsan yahay in badan aragtida deg dega ah saamiri waxa uu fidnayay reer binu israa’il waxana uu ku soo aruuriyay dibiga dushiisa maadama uu dadkaa meel uu iskugu keenay xumaan xukunkiisuna waxa uu noqday in umada laga fogeeyo.
Miyuu bukooday samiri? Oo dadku waxay kaga yaaceen xanuunkan ku dhacay in kastoo la garanayn ninki samiri halkuu ku denbeyay iyo dhimashadiisi hadana intii uu noola ee uuna dhiman waxa uu ku jiray nolol adag oo uu ku ciqaabay nabi muuse oo dilku ka sahlan yahay, samiri waxa uu noola isagoo nool oo dulaysan cidina u soo dhowaan taasi waa ciqaabtii aduunyada, mar labaad maalinta qiyaamaha ciqaab kale ayaa sugaysa oo xaqa illaahay ah, Muuse waxa uu ka soo noqday saamiri dibigii uu samayayna waxa uu ku dhex tuuray dab iyagoo eegaya.
Intii Dibiga Caabuday
Muuse waxa uu u soo jeestay qoomkiisi imikana waxa uu xukumayaa intii dibiga caabuday waxana uu fahansiyay in ay nafahoogi dulmiyeen waxana dhan loo saaray intii dibiga caabuday waxana u banana tooban toobadaas oo ah in kuwii aan dibiga caabudin ay dilaan kuwii dibiga caabuday, xukunkan nabi muuse gaadhay waxay ahayd mid ku haboon kuwan dibiga caabuday waayo dadka sanamyada soo caabudaa waxay saamayn ku yeelataaa noloshooda iyo caqligooga waayo garashada dadku waa ka uu kaga duwan yahay xawayaanka, dadkuna hadii ayna caqli lahayn noloshoodu macno ma samayso.
Muuse waa uu soo noqday waxana uu u akhriyay qoomkiisi alwaaxdii tawraad amarkeedina waxa uu ka bilaabmayay in ay ku qaatan xukumadeeda quwad iyo go’aan waxana la yaab noqotay in qoomkiisu xaqa ay ka warwareegeen waxana ay ku yidhaadeen na tus alwaada waxa nala amrayo iyo wax naga reebayo hadii ay sahlan yihiin waanu qaadanaynaa, muuse waxa uu ku yidhi dhamaantood wada qaata marar badan ayay soo cel celiyeen hadal.
Marka ay halkaa ay marayso ayuu illaahay (swt) amar ku siiyay Malaa’igta in ay buur soo qaadan soona dul dhigaan sida daruuraha oo kale waxana lagu yidhi hadii aad aqbali waydaan xaqa buurta ayaa dusha idinka soo dhici doonta waana ay aqbaleen waxana la amray in ay sujuudan waana ay sujuudeen, waxana ay saareen gacmaha dhulkii wana ay socdeen iyagoo dhana ka eegaya buurta cabsi iyo argagax qaba halkaana waxa ka muuqata in ayna wajigooda illaahay si toos ah iskugu dhiibin ilaa ay qasab ay ku noqotay in ay sujuudan taasina waa garashada daciifka ah marka uu maqan yahay caqliga toosan ee garashadu gancinayso waa laga yaba in qoomka muuse qisadan oo kale soo marto.
Markii ugu horeysay waxa lagu ganciyay quwad xaga garashada ah iyo mucjisooyin cadcad waayo waxay ku soo noolayeen kuna soo berbaareen gumaysi iyo dulinimo waxana diciiftay dad-nimadoodi manay noqon kuwa sugnaada markay duligii ka baxeen waxana qasab noqotay in quwad lagu meel mariyo sidii kuwii hore ee maamuli jiray.
Hogaanka cusub ee imika hoos yimaadana uu yahay iimanka waxana ay noqotay si looga badbaadiyo halaag iyo quwad lagu hanuuniyo denbigii ay geleen ee dibi caabusta ahaana waxa uu kaga tagay raad, muuse waxa uu ku amray reer binu israa’il in ay illaahay denbi dhaaf waydiistaan.
Muuse waxa uu doortay totobaatan (70) nin waxana uu yidhi u kaca xaga illaahay oo ka tooban keena wixii aad samayseen idinka iyo kuwii aad ka tagteen ee qoomkiini ahaaba waxana lagu amray in ay sooman mar yahoogana daahiriyan iyaguna is daahiriyaan, muuse iyo totobaantankii (70) doortayba way isasoo raaceen waxayna yimaadeen wakhtigii illaahay u xadiday.
Muuse waxa uu ku dhowaaday buurtii waxana la hadlay illaahay (swt) totobaatankii (70) markii ay maqleen muuse oo la hadlaya rabigii waxa laga yaaba in ay tani noqotay mucjiso kale oo ku filan qaadashada iimaanka ay quluubtoodana ku sidanayan ilaa inta ay nool yihiin, totobaatankii kumay joogsanin maqalkii hadalkii illaahay oo kaliya ee hadana waxay ka dalbadeen in ay illaahay (swt) arkaan waxana ay muuse si cadaan ah ugu yidhaadeen:
“Muusow ku rumaysan mayno ilaa aan illaahay si cadaan ah u aragno.”
Tani waa mashaqo aad u la yaab leh oo qalbigana saamayn weyn ku yeelaynaysa, marka kuwa foyow ay dalbadana ciqaabta ah argagax ee ay ku dhacdo gariir iyo dumid alwaaxdooda iyo jidkoogu ay argaxaan isla markiiba, muuse waxa uu gartay waxan ku dhacay totobaantankii (70) uu soo doortay waana uu ka muragooday waxana uu illaahay u beryay in uu u denbi dhaafo una naxariisto oo aanu ku qaadin denbiga ay sameeyan kuwa liita manay doonayn in ay arkaan rabigood iyagoo ku sugan sida dadku yahay ee naaqusnimo iyo qalbi engaga ah maan gaabnimadana wax aan dhimasho ahayn ma ganciso.
Hadaba aanu eegno xidhiidhka ka dhexeeya wakhtigan xaadirka ah iyo wakhtigaa hore illaahay (swt) waxa uu is barbar dhigay isagoo la hadlaya Nabigeen Maxamed (N.N.K.H) labadii wakhti ee ka horeyay oo ah wakhtigii ay soo degtay Towraad iyo wakhtigii ay soo degtay Injiil labadaaba waxa loogu bishareyay in uu soo bixi doono Nabi maxamed (CSW), waxaynu rumaysanahay arinta lala doonayay dadkan maalintii nebi muuse (cs) uu soo kaxaystay totobatanka (70) nin in ay ahaayeen kuwii ugu fadliga badnaa maalintan uu la balamayna ay ahayd maalin khatar ah oo mucjiso wayn, waxana lala doonay dadka Nabigii ugu denbeeyay anbiyada illaahay.
Ibnu Khasiir waxa uu yidhi Kitaabka Qisas Al Anbiyaa qoom uu ka soo qaatay Qataada, Muuse ayaa ku yidhi rabigii rabiyow waxa aan ku arkay alwaaxda umad, umadaas oo ah umada dadka ugu khayrka badan wanaagana is faraya xumaantana iska nahinaya rabiyow umadaa ka dhig umadayda.
Illaahay (swt) waxa uu ugu jawaabay umadaasi in ay tahay Umada Nabi Maxamed (CSW) waxa uu yidhi hadana muuse rabiyow waxa aan ku arkay alwaaxda umada kutubtoodu ugu qorantahay laabta oo halkaa ka akhrisanaya kuwii ka horeyayna waxay ka akhrisanayeen kutubtooda waxana laga qaadayay iyagoo waxba aan ka xafidsanay waxbana aan ka garanayn illaahay waxa uu siiyay xiftiga shay aan la siin qof ka mid ah umadaha rabiyow ka dhig umadayda, waxa illaahay (swt) ku yidhi waa umada Nabi Maxamed (CSW).
Waxa uu hadana muuse yidhi waxa aan alwaada ku arkay umad rumaynaysa kitaabkii hore iyo kii ugu denbeyay lana dagaalamaya xumaanta illaahayow ka dhig umadayda, waxa lagu yidhi waa umada Nabi maxamed (CSW) muuse waxa uu hadana yidhi waxa aan rabiyow ku arkay alwaaxda umad sanaqada ay cunaan ajar looga qorayo umadihii horena marka ay qof sadaqad bixinayo illaahay waxa uu u soo diri jiray naar cunta hadii ay naartaasi ka tagtana ay cunayaan xawayaanku umadaas oo kooga qaniga ah sadaqada looga qaadayo lana siinayo ka fiqiirka ah illaahayow kuwaa ka dhig umadayda.
Waxa loogu jawaabay waa umada nabi maxamed (CSW) waxa uu yidhi hadana muuse waxa aan ku arkay alwaaxda umad marka uu mid iyaga ka mid ihi uu ku hamiyo in uu wanaag sameeyo ka dibna uu ku camal falo loo qorayo toban laabkeed ilaa totobaatan laab illaahayow ka dhig umadayda, waxa lagu yidhi waa umada Nabi maxamed (CSW).
Muuse waa uu soo raacay qoomkiisi waxana uu keenay meesha la yidhaado Siinay, Siinay waa saxaro aan lahayn geed la hadhsado cadceeduna aad u kulushahay mana laha cunto iyo biyo illaahay (swt) waxa uu u galaday raxmadiisa waxa loogu hadheeyay daruuro waxa samada looga soo dejiyay cunto.
Mar ay u baahdeen biyo Nabi muuse (cs) ayaa ushiisi ku dhuftay dhagax waxayna noqotay laba iyo toban ilood (12) oo biyo ah reer binu israa’ilna waxay u qayb sanaayeen laba iyo toban (12) qabil, ikramidan iyo nimacadan lagu taladay waxay nafahoogi ku dhaqaajisay in uu ku laba kacleeyo cudurkii ku duuboobay waxana ay nafahoogu jeclaysateen in ay heleen Basal iyo waxyaabo kale oo dhulka ka soo baxa, sidaa darteed reer binu israa’il waxay waydiisteen nabi muuse in uu illaahay u beryo in uu dhulka laga soo saaro cuntooyinka ay dalbadeen, illaahayna (swt) waa uu ka aqbalay.
Halkan waxanu ku dhamayn doona Qisadii nabi muuse (cs), qisadaas oo aanu ka soo qaadanay websiteka ku qoran af carabiga ee ah
Comments