Si Aanad u Calaacalin Saacada Geerida
=============================
Geerida ayaa waano ugu filan qofkii caqli leh, laakiin dad baa ilaabay geerida iyo hoyga aakhiro , maxaa badan kuwo ku sakhraamay jacaylka aduunka! maxaa badan kuwo ku habsaamay dhaantada iyo heelada shahawaadka! maxaa badan kuwo dhagaha ka furaystay qaylo dhaanka qabriga! maxaa badan kuwo iska indho tiraya maydka maalin walba la sii hor wado! maxaa badan kuwo ka dhoohan geerida kala kaxaysay caruur iyo hooyadood, aabo iyo ubad kiisii iyo kuwo is jeclaa oo badan! maxaa badan kuwo aan waxba ku qaadanayn quruumahan badan ee carada lagu rogay, xabaalahana ku hoyday!
Walaalow maalintay taada noqto dib laguu celin maayo, calaacal ku anfici maayo, qoomama iyo tiiraanayna kuu soo celin maayaan waqtigii kaa tagay iyo noloshaada dhamaatay, baroor iyo oohina ka baajinmaayaan ajashaada, kaana joojin maayaan xabaasha laguu qoday.

Walaalow, cimrigaagu waa is gurayaa, subax ku dhaafay kuu soo noqon maayo, galin kaa galbaday gaadhi maysid, waayihii kaa tagayna way kaa caraabeen, guyaashaad soo jirtayna kaa ambade.
Hadaba, intaanu mowdku ku goyn hanaqa iyo halbowlaha, inta aan laguu maaro waayin, inta dawo iyo dabiib lagaala daalin, inta aanad odhan dib ii celiya, inta aan laguu qaylo dhaan dirin, inta aan lagu gunaanadin, inta ayna geeridu ku saarin heeryadeeda, inta aan laguugu barooran hayaay hebel way ka baxday, inta aydaan dhaqasho iyo dhereg kala irdhoobin, intaan lagu odhan dedejiya maydka, inta aan darmadii diirnayd iyo daartii laga dhex jiidin, inta aan maradii cadayd iyo kafankii lagugu duuduubin, inta aan iilka lagu dhigin, inta aan carada lagugu rogin, inta aan xabaasha lagaaga soo dareerin, inta aanad godka kali ku noqon.
Intaanad odhan: Hoheey haddaan aakhiro xasuusan lahaa, hoheey haddaan is xisaabi lahaa, hoheey haddaan is canaanan lahaa, hoheey haddaan nafta xakamayn lahaa, hoheey haddaanan shaydaan adeeci lahayn, hoheey haddaanan xaraanta qulaamin lahayn, hoheey haddaan macsida iska dayn lahaa, hoheey haddaan dambiga dhaafi lahaa, hoheey haddaan samaca iyo basarka dayri lahaa, hoheey haddaan diinta xurmayn lahaa, hoheey haddaan furqaanta xishmayn lahaa, hoheey haddaan salaadda iyo soonka xejin lahaa, hoheey haddaan ducada iyo towbada adkayn lahaa, hoheey haddaan cibaadada ku dadaali lahaa, hoheey haddaan is daahirin lahaa, hoheey haddaan camalka suuban badsan lahaa, hoheey haddaan khayr shaqaysan lahaa, hoheey iyo hoheey haddaan xadhiga Rabi qabsan lahaa.
Intaa iyo in kalaba si aanad ugu calaacalin, walaalow ka ambabar mooganaanta, ka toos hurdada qaflada, ka hinqo fadhiga baashaalka, ka ruqaanso goobaha macsida, ka hillaabo saaxiibada xun, ha jaleecin indho sarcaadka aduunyada, Waayuhu galinba waa cayne hays dhigan, u howshoow maalinta aad la kumi doonto geeridaada, ha ka ilduufin qabriga iyo axwaashiisa, ha ledin hurdada habeenkii adigoon is xisaabin, ha ku deeqo Qur'aanku, dugso digriga iyo xuska Ilaahay عزّ وجلّ, ku farax oo ku qabowso salaada, dadaal baa laysku dhaafee, Ilaahay raxmaddiisa iyo janadiisa ayaan lagaaga dheerayn.

Ibnu Jawzi رحمه الله ayaa si cajiiba isku hor keenay saacada geerida, kana bixiyay sharax waafiya dareenka qofka ay geeridu ku soo xaadirtay isagoo aan diyaar u ahayn, isagoo ku sawiraya kamarada khayaalka ayuu tafatiryaa qoomamada iyo tiiraanyada ku shaqlan dareenka qofka ay geeridu miciyaheeda daf siisay isagoo wali dhex hawaara goobaha mooganaanta, kana fog goobaha cibaadad iyo daacada Rabi, wuxuu yidhi رحمه الله :
“Arimaha cajiibka ah waxa ka mida,ambabarka qofka ay geeridu kusoo xaadirtay, waayo wuxuu baraarugaa baraarug aan la sifayn karayn, wuxuu war warayaa warar aan xad lahayn, wuxuuna tiigsanayaa waqtigiisii ka tagay, wuxuuna jecel yahay in la daayo si uu wax uga qabto wixii dhaafay (isku dabo qabto), kuna run sheego towbadiisa siduu u yaqiinsaday geerida, wuxuu ku dhow yahay inuu naftiisa geerideeda ka hor ku dilo tiiraanyo.
Haddii wax yar oo ka mida axwaashan la heli lahaa xiliga la caafimaad qabo, wax walba oo camal iyo taqwo ahba waa la heli lahaa, qofka caqliga lihina waa midka saacaddan is hor keena, siday tahayna ugu shaqaysta”
من أظرف الأشياء إفاقة المحتضر عند موته، فإنه ينتبه انتباهاً لا يوصف، ويقلق قلقاً لا يحد، ويتلهف على زمانه الماضي. ويود لو ترك كي يتدارك ما فاته ويصدق في توبته على مقدار يقينه بالموت، ويكاد يقتل نفسه قبل موتها بالأسف. ولو وجدت ذرة من تلك الأحوال في أوان العافية حصل كل مقصود من العمل بالتقوى. فالعاقل من مثل تلك الساعة وعمل بمقتضى ذلك.
Dr.Maxamed Sh.Cabdiraxmaan Kaariye

Comments