Salafiyada Iyo Boqortooyada Sucuudiga
================================
Wadaad ka mida kuwa aad ugu xamaasadaysan manhajka “dimuqraadiyeenta Islaamka” iyo fikirka “libiraaliyeenta diinta” ayaa ku qornaa nadwo ka mid ahayd barnaamijka mu’tamar ay qabanqaabisay jimciyad la odhan jiray “ رابطة الشباب المسلم العربي” “Raabidada dhalinyarada Muslimiinta Carabta” , waxqtigu wuxuu ahaa bisha Diicember sanadkii 1988 kii wuxuuna ka qabsoomay magaalada Oklahoma City ee wadanka Maraykanka. Hoolka ay ka socotay nadwadu waxa fadhiyay dhowr kun oo ka mida ardayda af-carabiga ku hadsha ee wax ka baranaysay jaamicadaha Waqooyiga Ameerika.
================================
Wadaad ka mida kuwa aad ugu xamaasadaysan manhajka “dimuqraadiyeenta Islaamka” iyo fikirka “libiraaliyeenta diinta” ayaa ku qornaa nadwo ka mid ahayd barnaamijka mu’tamar ay qabanqaabisay jimciyad la odhan jiray “ رابطة الشباب المسلم العربي” “Raabidada dhalinyarada Muslimiinta Carabta” , waxqtigu wuxuu ahaa bisha Diicember sanadkii 1988 kii wuxuuna ka qabsoomay magaalada Oklahoma City ee wadanka Maraykanka. Hoolka ay ka socotay nadwadu waxa fadhiyay dhowr kun oo ka mida ardayda af-carabiga ku hadsha ee wax ka baranaysay jaamicadaha Waqooyiga Ameerika.
Sheekhan oo ay wadaado kale la wadaageyeen nadwada ayaa qaybtiisii kaga hadlay “xoriyada” iyo muhimada ay u leedahay dowlda Islaamiga ah, wuxuuna ku andacooday in Islaamku meel marinayo xoriyad siyaasiya oo baaxad weyn , oo xataa ogolaanaysa in Shuuciyiintu xor u leeyihiin inay xizbi Mucaarida furtaan hadday jiri lahayd dowlad Islaamiya oo saxi .
Sh Cabdullaahi Cazaam oo ka mid ahaa jamhuurkii nadwada dhagaysanayey ayaa ka codsaday xidhiidhiyaha nadwada oo ahaa Dr. kamaal Halbaawi ahaana afhayeenka rasmiga ah ee Ikhwaanu Muslimiinka ee dalalka Galbeedka mudadii u dhaxaysay 1995-1997 ( laakiin waayahan dambe ula kala baxay inuu dhaleeceeyo saaaxibadiisii hore, ka dib markay is khilaafeen amaba uu isagu khilaafay xiliyadii ka dambeeyay inqilaabkii mujirmka As-Siisi ku afgambiyey madaxweynihii khayrka lahaa ee Maxamed Mursi). Dr. Halbaawi wuxuu sheekh Cazaam ku yidhi waxaan ku siinayaa dhowr daqiiqo inaad dhiibato faalladaada, Sh Cazaam ayaa wuxuu yidhi dhowr daqiiqo kuma dhiiban karo waxaan doonayo inaan idhaahdo , isagoo sheekhu doonaya inuu dib ugu noqdo kursigiisii , ayaa jamhuurkii hoolka fadhiyey mar kaliye ka dalbeen Halbaawi inuu fursad siiyo Sh.Cazaam, markiiba Halbaawi ayaa sheekh u yeedhay, sheekhu intuu qabsaday maykrafoonka ayuu hilfaha u qaaday ra’yiga khalkhalsan ee mufakirka casraanigi rabay inuu suuq geliyo, kana iibiyo kumanaan dhalinyaro arday jaamicadeed oo xula, qaab cilmiyaysan ayuu u muujiyey inxiraafka iyo qallooca ku shaqlan xoriyada uu ku baaqay muxaadirku.
Waxa kale oo naqdiyay wadaadka Dr.Jacfar Idriis (Suudaani) oo nadwada kula jiray, waxa kale oo isna radiyay Sheekh Sucuudiya oon ilaabay magaciisa. Wadaadkii intuu ku soo noqday maykrafoonka ayuu ka daba qaatay Dr.Cazaam, Dr.Idriis iyo sheekhii Sucuudiga ahaa, wuxuu yidhi hadal wax badan ka sheegaya hujuumka curyaanka ah ee ay maanta atbaacda madrasada “dimuqraadiyeenta Islaamku” is isleeyihiin waad ku legdi kartaan, kuna wax yeeli kartaan dacwada salafiga ah, iyagoo gabood ka dhiganaya daalaa-haca dowlada Sacuudiga iyo siyaasadeeda fashilantay , kana dhigaya salafiyada iyo Aalu-Sucuud ul iyo diirkeed, isla markaana burburka dowladdaasi yahay burburka salafiyada!!!
Mufakirkii wuxuu yidhi hadal macnihiisu yahay: waxaynu kala nahay laba qolo oo kala matalaya laba madrasadood, indinku waxaad matalaysaan madrasadii ehlu xadiiska , anaguna waxaan matalaynaa madrasadii Muctasilada , wuxuu intaa ku daray in xarakadiisu doorbiday inay u iilato fahamka madrasada Dr. Xasan Turaabi .
Buug uu qoray wadaadkan aan ka hadlayo ayaa ka mida buugaagta atbaacda manhajka “dimuqraadiyeenta Islaamka” uga dhigan tahay sidii “The Communist Manifesto “ ee ay wada qoreen Karl Marx iyo Friedrich Engels u ahaa shuuciyiinta qarniyadii 19 naad iyo 20 naad.
Waxaan la ilaabi karayn Dr.Xasan Al-Turaabi-, Ilaahay ha u naxariistee uu macalin iyo imaam ka ahaa fikirka casraaniga ee ku dhex biqlay beelo ka tirsan kooxaha islaamiga ah, ayna si muuqata iyo si dadbanba ugu qanacsan yihiin mufakiriin madax banaan oo wax ka qora arimaha iyo xaaladaha Islaamka iyo Muslimiinta. Waxana la odhan karaa Turaabi wuxuu ku talax tagay fikirkiisii munxarifka ahaa ee ay dhacdayba inuu meel khatara gaadhsiiyay, kaasi oo keenay inuu marar badan la soo ban baxay hadalo mukhaalifu sunaha ah iyo ra’yiyo faquuqan “آراء شاذة”, in kastoo xertiisa iyo atbaacdiisu u arkeen “af gambi uu ku sameeyay fikrado gaboobay”, inuu ka hor yimid “fatwooyin dibu socoda” oo carqaladaynaya horu socodka iyo horu marinta nolosha Muslimiinta, iyo inuu si geesinimo ah uga hor yimid “fiqi badawiya oo baaliyoobay” oo u baahan in laga tirtiro diiwanada aqoonta Islaamka.
Kuwa rumaysan manhajka qalooca ee “dimuqraadiyeenta islaamka” , kuna maqiiqan inay albaabada u furaan in dhaqanka iyo qaab-fikirka umadaha adkaaday “ الأمم الغالبة” ku soo qulqulaan dunida Islaamka kuna maman dhisida buundooyinka cawlamada “building Globalization bridges” ee keenaya doorinta astaan umadeedka Muslimiinta iyo in lagu dhooqeeyo dhaqanka Galbeedka, ayaa u arka in dacwada salafigu tahay caqabad hor taagan manhajkooda sida mara boobta ugu dhagan mafhuumka “Xoriyada Galbeedka” oo ay u arkaan in xal u yahay kobcinta xaaldaha siyaasadeed ee liita ee ka taagan dunida Islaamka dhexdeeda.
Si dharaarta cad ay u muuqataa in qabqablayaasha manhajka “Dimuqraadiyeenta Islaamka” iyo xerta fikirka “ libiraaliyeenta Diintu” ay safka hore kaga jiraan hujaamka curyaansan ee maalmahan lagu bilaabay “manhajka iyo dacwada salafiga ah”, hujuumkan oo la kowdsaday isbadalada siyaasiga ah ee waayahan dambe ka dhex aloosmay dowlada Sacuudiga, kuwaasi oo ku shaqlan xaalado adag, jaho wareer iyo xasilooni la’aan siyaasiya, shaqo la’aan, khatar amni oo ka soo food saartay isbalaadhiska dowlada shiicada Iiraan ee gaadhay inay gacanta ku dhigaan Ciraaq, Siiriya, Xawsiyiintuna ay cagta dhigeen Yaman kuna hanjamayaan inay u jeedaaan Maka iyo Madiina, intaa waxa dheer isbahaysiga calmaaniyiinta iyo libiraaliyiinta oo gudaha u galay qasriyada reer Aalu Sucuud, gacantana ku dhigay goloyaaasha samaynta go’aanka siyaasiga, kaasi oo laga dhex arkayo go’aanada caqliga daran ee ay ku talaabsatay xukuumada Aalu Sucuud, sheegayna inay saameyn laxaad leh ku yeesheen go’aanka siyaasadeed ee boqrtooyada gabowday.
Hujuumkan siloon ee ay qaalibka ka tahay xikmad la’aantu, ku hafanaya tacasub kooxaysiga, la daalaa dhacaya xanuunka iscajabinta, la miyir beelay nacaybka dacwada salafiga ahi wuxuu ka anbo qaadayaa arimo dhowra oon cuskanayn daliil sharciya iyo xujo caqliya midna, sidaa awgeedna saadaashiisa ku wajahan in la gunaanaday dacwada salafiga ah oo kafankeedii la tolay ay tahay saadaal la mida qorshaha uu dhiso muqayilka ku jira saacadaha ugu dambeeya mirqaankiisa, een marnaba yeelan aayo la tiigsado iyo barnaamij la hirgeliyo midna, laakiin ku idlaada kuna basbeela majiliska qayilaada.
Waxa cajiiba, balse waa wax keenaya in lagu qoslo sida nin sheeganaya inuu yahay mufakir wax akhriyey, aadna u diraaseeyey isbedelada xaaldaha aduunka, waxna ka og soo baxa iyo koboca muuqalada diinigi uu ugu dhiirado inuu ku hadaaqo in maalmaha dacwada saalfigi tirsan yihiin, isagoo og inuu yahay mad-hab ku xididaystay arlada Islaamka, si baaxad weyna ugu baahsan daafaha aduunayada, waxaan ku leeyahay nimankan waad riyoonaysaane bal dib u soo noqda oo dhab ahaan u eego sadaashiina mirqaansan.
Ilaa seddex maqaal oo taxane ah ayaan kaga faaloon doona arinkani oon ku falan qayn doono arimaha hoos ku tibaaxan oo ah:
1-Doodaha ay ku hadaaqayaan nimankani.
2- Sababaha nagu qancinaya in caqiidada salafigi tahay caqiidadad saxa ah ee ay qof walba oo Muslina waajib ku tahay inuu rumeeyo.
3- Waxaan iftiimin doonaa in Salafiyadu tahay qaab-fahanka diineed iyo caqiidada saxa ah ee maanta hor taagan dufaanada cawlamada ee ku dhabanaya dunida Islaamka , kuna saydhaya dhaqano iyo qiyam shisheeya oo gumaysiga ajnabigi doonayo inuu ku talaalo arladeena.
4- Waxaanu shaaca ka qaadi doonaa in salafiyadu aanay ahayn fikir xizbi ama ay jamaaco gaar u leedahay, balse uu matalayo caqiido u dhex ah ummada Islaamka, leeyahay asalo iyo arkaan qofkii aamina ee rumeeyaa yahay salafi, xarako ahaan ha ku xidhnaado jamaacaduu doono , ama dhinaca fiqiga furuucda ha raaco Axnaafta, Maalikiyada, Shaaficiyada, Xanaabilada amaba imaam kale oo ka mida imaamyada mujtahidiinta ah.
5- Waxa muhima inaan dul istaagi doono arinka ah in caqiidada iyo dacwada salafiga ah dusha laga saarin gafafka iyo akhrinta qaldan ee ay ku dhacaan dad iyagu sheegta ama is moodsiiya inay iyagu qandaraas ku haystaan salafiyada, albaabkooda qofkii aan ka soo gelina dibada ka joogo salafiyad iyo waxay u taagan tahay ee ah caqiido iyo qaab-fahan diimeed.
6- Waxaan bayaamin doonaa in ayna Salafiyada iyo xukuumada reer Aalu Sucuud ahayn ul iyo diirkeed, jirtaanka Salafiyaduna ku xidhnayn boqortooyada gabowday ee daala dhaca ah, balse ay tahay qaab-fahamka diimeed iyo caqiidada saxa ah ee laga dhaxlay saxaabadi iyo culimadii qarniyadii wanaagsanaa, leedahayna culimadeeda ku kala firidhsan daafaha aduunayada, islamarkaana ayana qool ugu xidhnayn dowlada rerre Aalu Sucuud, una madax banaan yihiin inay sheegaan xaqa wax walba ha ku kaliftee.
7- Waxaan daaha ka feydi doonaa in xarakaadka ay ku abtirsadaan nimanka maanta ku eedaynaya inay culimo Sucuudiyi tiir ka dhigteen dowlada Sucuudiga, ay iyagaba xarakadoodu ay kontonkii sano ee ugu dambeeyay ay dowlada reer Aalu Sacuud la laahyeen isbahaysi istaartiijiya, balse ay ka heleen xataa dhaqaale laxaad leh oo ay ku fuliyeen mashaariic badan oo ay xarakadoodu howl galiyeen.
8- Waxaan diirada saari doonaa in siyaabaha ay atbaacda manhajka “dimuqraadiyeenta Islaamka” iyo fkirka “libiraaliyeenta diintu” u adeegsadaan masalooyinka dhinaca caqiidada la xidhiidha ee ay culimada Ashaacirada iyo Maaturiitiyadu ku khilaafeen culimadii salalfku aanu ahayn mid badbaadin kara, waayo dhaxalka fiqiga ee culimadii hore ee Ashaacirada, Maturiidiyada iyo xataa Suufiyada aan falsafadaysneyn wuxuu diidayaa inuu taageero faham-diineedka casraaniyiinta ee ku asytasan fudaydsiga axkaamta xalaasha iyo xaaranta oo ah manhaj aan hore loogu arag culimadii hore ee Islaamka Slafkoodii iyo Ashaaciradooda midna, waa manhaj ku hareeraysan “تساهل فقهي” tsaahul fiqiya oo ka hor imanaya waricii iyo xeerintii xuduuda shareecada ee lagu yaqaanay culimadii Islaamka.
9- Waxaan si gaari uga hadli doonaa laba caalim oo waaweynaa ka hore waa Sh.Ibnu Baaz imaamka Ehlu sunaha waqtigiisii “إمام أهل السنة في عصره” siduu ku magacaabay ardaygiisii caalimkii weynaa ee ikhwaaniga ahaa kana mid ahaa raggii unkay xarakada Xamaas Dr.Cumar Al-Ashqar. Ka labaadna waa Sh. Ibnu Cusaymiin رحمهم الله.
Sababtuna waxay tahay in af-lagaadada hujuumayaasha dacwada salafigu gaadhay inay duraan culimada dhalosho ahaan ka soo jeeda dalka Sucuudiga, waxabana u kala reebin, ama si toosa ha u duraan ama si dadbanbe.
10- Waxaan dul mari doonaa waxa ka dhexeeyaa hujuumkan ku wajahan salafiyada iyo dagaal diimeedka Galbeedku la beegsanayo xiligan dacwada salafiga ah oo ay ka midaysan yihiin mufakiriinta, suxufiyiinta, golayaasha cilmi baadhista iyo jaamicadaha reer Galbeedku.
11 - Ugu dambayn waxaan wax ka sheegi doonaa manhajka bedelka u ah salafiyada ee ay ku bushaaraynayaan ducaada manhajka “ Dimuqraadiyeenta Islaamka” iyo xerta fikirka “Libiraaliyeenta Diintu”.
Dr.Maxamed Sh. Cabdiraxmaan Kaariye
Ka dhiibo ra'yigaaga fadlan.
Comments