Skip to main content

BILASHADA BISHA

Dayax – Waa xiddigta ugu sokeysa xiddiga samada sare ee aadanuhu arko, waa na midda ugu dhow dhulkan aan ku nool nahay. Khuburada xiddigiska Soomaalidu dayaxu waxa uu u leeyahay muhiimada gaar ah, taas oo saameyn toos ah ku leh cimilo-gooreedda. Waxaa jira aragtiyo la qabo, oo laga hilaadiyo bilashada dayaxa cusub, taas oo leh tix gelin gaar ah.
  1. MAALINTA UU BISHAY – Tan waxaa lagaga taammilo qaataa siyaalaha iyo is-rogrogga sannad in uu noqonayo mid aadnaha u roon iyo mid ka aguuga ujeeddooyinkooda. Tusaale; Haddii bishu ku dhammaato maalin arbaco ah waxaa la aamminsan yahay in ay tahay maalin shar buuxiyey, tan waxaa la mid ah sannadka dabshidku haddii uu bisho maalin Arbacaad, waxaa la dhahaa sannad aan aadanaha u wacnayn! Ma maqashay “Hebel waxa uu dhashay Arbaco bil u dambaysa?!” – taasi midda aan hadda kula wadaagayo ee ah in la aamminsan yahay haddii bishu dhammaato Arbaco in ay tahay maalin shareed. Sidoo kale, waxyaalaha lagu xisaabsado bilaha keliya ma ahan roobka iyo saadaal guud e, waxaa ka mid ah, soonka, sidoo kale waxaa lagu xisaabsadaa bisha Sabbuux oo cimilo-gooreedda ku leh saameyn ballaaran.
  2. JANJEERKA BISHA – Sida oo kale muuqaalka bishu keliya laguma jamaado e, waxaa la eegaa booska ay dhacday, ma waqooyi bay u janjeertaa mise koonfur marka laga eego dhabbaha dayaxa – hadba dhankii uu u janjeero ayaa hela roobab badan. Tusaale; haddii ay bishu waqooyi u janjeerto waxaa bishaas roobab badan helaya dhanka waqooyi, tan kale na sidoo kale, tanina waxa ay hilaad iyo saadaal ka bixinaysaa meesha laga heli doono baad iyo biyo. Laakiin haddii dhexda taagan tahay oo ay toosan tahay taasi waxa ay la mid tahay in roobka iyo barwaaqadu booskaaga kuugu imaanayaan, oo aadan dhanna u guurin.
  3. GODADKA DAYAXA – Haddii bisha cusubi la kodosho god ka mid godadka dayaxa midkii uu doono ha ahaadee, waxaa iyana jirta hilaadin kale. Tusaale; Haddii dayaxa cusub uu la kulmo dirirka xilliyada 7:00 pm u dhow, waxaa la hilaadsadaa in ay jiri doonaan dagaallo lagu hoobta, taasina waa sababta loo dhaho “Dayaxii cusbaa caawa gal dhiig ah buu ku jiraa oo waa gal dad”. Haddii uu dayaxa cusubi la fariisto dirirka xilliyada u dhow 11:00 pm, waxaa la seegaa in dayaxu ku jiro gal daad, oo la fisho roobab iyo barwaaqo ood kasta gaarta, ugu dambaynna wixii ka dambeeya saqda haddii ay simmaan waa waa barwaaqadii oo sii korortay. Xilliyada wanaagsani waa kan ay dirirku dayaxa ka dambeeyo habeenka gelinkiisa hore, habeenka gelinkiisa dambena ay simmaan.
“Gu’ga ama sannadka wanaagsani, waa kan dirirku dayaxa habeenka gelinkiisa hore oo dhan danbeeyo, habeynka gelinkii sa dambena dayaxa iyo dirirki simmaan” ~ qaacido xiddigis.
FG: Wanaag = roobab iyo barwaaqo.
Wixii saxan eebbe oo qur ah ayaa og.

XG: XIGAHA, XILLIYADA IYO CIMILO-GOOREEDDA, RAACATADA SOOMAALIYEED 
"Muuse Ismaaciil Galaal".