Madaxweyne mid la mid ahi aanu ifka Abid u soo marin oo ay Dunidu Nasiib u heshay inuu Hal mar soo maro waa Amiirul Mu'miniinta Cumar Binu Khadaab RC, Runtii maalin isaga iyo Rag kale oo Muslimiita ka mid ah oo wada socda, aadna u Dheereynaaya oo si Kedis ah Arin loogu soo sheegay u Degdegaaya oo Magaalada Dhexdeeda maraaya ayaa Islaan aad Waayeel u ah oo Ul ku Tukubeysa baa Cumar hadalka la soo Tiigsatay oo u yeertay, Qacdii uu arkayba Xageedii buu u Dhaqaajiyey Raggii kale oo la taagan, siduu u socday ayuu Jilbo jabsaday, Asxaabtiisii markeey eegeen waxeyba arkweb Cumar oo jilbaha ku taagan oo ay islaantii marna Madaxa u Salaaxeyso, marna ay Dhegta ka Gujineyso oo ay ku leedahay waxaan ku Xusuustaa Cumar adigoo yar oo Feera Qaawan oo Caruurta aad is eryaneysaan Suuqa Dhexdiisa oo Qalqaali ah, hadana waaba isagii oo intuu aad u Dheeraaday Amiirkii Muslimiinta weli ma Qalqaali baad tahay waa maxay Ad-adayga aad ku Ad adag tahay Dadka aad talada u heyso noqo mid Naxariis badan oo u Dabacsan, Walaalahiisa kale ee uu Talada u hayo. Raggii wey Degdegsanayaan Cumar weyna yaaban yihiin, Cumarna Madaxa ayuu Ruxayaa muddo ayey Islaantii Cumar la hadleysay iyadoo ku Waanineysay Alla ka Cabsiga iyo inuu jidkii Rasuuulka ku Toosnaado iyo isaga keligii inaanu Talada goosan ee uu Muslimiita la wadaago, ka dibna wey u Ducaysay, wuuna soo baxay Raggii ayaa ku yiraahdeen:- Yaa Amiirul Mu'miniiin Arin Culus beynu u soconay waa maxay Islaantan aad hadalkeeda u Dheg raaricineysay?. Cumar baa ku yiri:- Islaaantan Allaah baa Hadalkeeda iyo Dacwadeeda ka maqlay Fawqa Sabca Samaawaat oo Waxyi ka soo Dejiyey sidee baanan Anigoo Cumar ah oo Adoon yar oo Daciif ah Hadalkeeda u maqleyn, Cimrigeyga inta ka Dhiman haddey ila hadli laheyd waan Hoos fadhiyi lahaa oo waan Dhageysan lahaa, ka dib Raggii baa ku yiraahdeen:- Oo waa ayo?, wuxuu ku yiri:- waa Khawla Bintu Thaclaba oo uu ilaahey Qisadeeda Quraanka kaga Waramay, ka dibna wey baxeen. hadaba Suurada uu Allah kaga Waramayna waa Suurada Mujaadalah (Qadsamicallaah) iyo Qisadii dhex martay iyada iyo Rasuulka CSW.
(ilaahoow Dembigeena noo Dhaaf, yaa Rabbi).
Comments