Qaylo Dhaanka Beenta Ah Ee Shiicada iyo Qadiyada Baytul Maqdis
==================================================
==================================================
Ka dib markuu Madaxweynaha Maraykanaka ee Trum uu soo saaray go’aankiisii u ku aqoonsaday inay Qudus tahay magaalo madaxda dowladda Yuhuuda, ayey markiiba ku degdegeen dowlada Iiraan iyo Xisbul Shaydaanka Lubnaan inay dhaleeceeyaan go’aanka Maraykanak. Khadiibka Jumacaha ee Tahraan ayaa khudbaddii jimcaha ku soo qaatay arinkan, uguna baaqay Muslimiinta caalamka inay u istaagaan qadiyada Qudus, sidoo kale hogaamiyaha Xisbul Shaydaanka Lubnaan ayaa soo saaray baaq kani la mida, xisbigiisuna wuxuu sameeyey banaanbax ay sheegeen inay ku taageerayaan qadiyada Qudus.
Waxa marag ma doonto ah in Shiicadu ilaa maalintii Khumeyni dhisay dowladda Raafidada ee IIraan (1979) ay u isticmaali jireen qadiyda Qudus iyo Filastiin hanaan siyaasiya , si ay ugu beer laxowsadaan shucuubta Muslinka ah ee mar walba laabta ku haya Qudus, ogna maqaamka sare ee ay leedahay, rumaysna inuu Ilaahay caza wajala barakeeyey, kuna yaalo Masjid Al-aqsaa oo ah qibladu Nabigeenu (SCW) u tukaday lix iyo toban ama todoba iyo toban bilood sida lagu sheegay xadiiska uu soo weriyey Baraa bin Al-Caazib ee saxiixa ah.
Siyaasadda Isbahaysiga Shiicda ee Iiraan madaxada ka tahay ee ku wajahan Qudus waa siyaasad ay awrkooda ku kacsanayaan, iyagoo isla markaa u shaqaynaya ujeedadooda dhabta ah oo ah inay caqiidadooda baadilka ah ku dhex faafiyaan dunida Islaamka , una gogol xaadhaan mahdigooda beenta ah ee ay is leeyihiin godkii uu qarniyo badan ka hor galay ayuu ka soo bixi doonaa.
Waar ilowsho dhawaa dadkeenu, waar aqoon daranaa dhasheenu, waar siday wax inaga yihiin, waar soota la inoo sheegay inay shiicadu beenta iyo masabidka ka dhigtaan diin, miyuuna Imaam Shaafici odhan sida As-Suyuudi iyo Al-Khadiib ka soo weriyeen: “Ma arag kuwa hawo-raaca ah cid Shiicada ka been badan”
لم أر أحداً من أهل الأهواء أشهد بالزور من الرافضة!
Bal haddiiba laga yimaado taariikhdoodii hore iyo siday mar walba daba-dhilifka ugu ahaayeen cadowga Islaamka, oo aynu ognahay in taariiklhda baal xun kaga qoran tahay ficiladoodii ku astaysnaa khayaanadu, waar miyeynu durbaba ilownay siday u galeen Muslimiinta Suuriya iyo Ciraaq, siday u xasuuqeen daweyne iskugu jiray caruur, dumar iyo haween aan waxba galabsan.
Waxa horteena yaala, taariikhdana galey xasuuqii ay geysteen maleeshiyaadka dowladda Shiicada Iiraan ee uu hogaaminayo mujrimka gacan ku dhiiglaha ah ee Qaasim Sulaymaani, waxa aan marnaba ka bixi doonin xusuusta caruurta Ehlusunha ee reer Ciraaq gumaadkii budhcadda Xashdul-Shacbi kula kaceen dadkooda.
Kuwa maanta u dhago nugul sasabaada Shiicada, kuwa u hanqal taagay qaylo dhaanka beenta ah ee Xisbul Shaydaanka Lubnaan iyo isbahaysiga Raafidada ee Iiraan ka tahay hormoodka, iyo kuwa calanka u sida soo-dhaweysiga Shiicadu waxay gacmaha kula jiraan dambi weyn iyo khayaano umadeed.
Mashruuca Isbahaysiga Shiicadu ka hirgelineyo dunida Islaamku waa mid khatar ku ah jiritaanka Muslimiinta, Seddex magaalo madax oo dunida Carabta ku yaala ayaa maanta gacanta ugu jira (Baqdaad, Dimishiq iyo Sanca) lubnaana xoog badan ayey ku leeyihiin, Waxay isha ku hayaan Maka iyo Madiina iyagoo adeegsanaya Xuusiyiinta Yamen. Isla markaa waxaynu ognahay in boqortooyada gabowday ee tukubaysa ee Aalu Sucuud ayna iska caabiyi karayn hanjabaada sii kordhaysa ee ay Shiicadu ku hayso, inagoo og siday ay ugu faslintay weerarkii ay ku qaaday Xuusiyiinta oo ay ilaa maanta la itaal la’yihiin.
Waxaan intaaba ugala jeedaa, in Shiicada oo la soo dhaweysto, wax lala qabsado, la moodo inay difaacayaan qadiyadaha Muslimiinta iyo in la rumaysto inay dan iyo muraad ka leeyihiin baytul Maqdis iyo Masjid Al-Aqsaa uu yahay fahan ku salaysan aqoon yari diiniya, caqli gaabnimo, wacyi siyaasiya oo hooseeya iyo jahli taariikhiya.
Waa musiibo weyn iyo ayaan daro in Muslimiinta kuwo ka midi sacabada u tumaan, soona dhaweystaan nimankaa hororka ah ee dharaarta cad gowracay Muslimiinta Suuriya iyo Ciraaq.
Dr.Maxamed Sh.Cabdiraxmaan Kaariye
Comments