Naftu Inay xajiday doonaysaa: Xiisaha iyo Muraaqada Qalbiga
============================================
Naftu inay xajiday doonaysaa
Xaramkii Makkay doonaysaa
Safarkii xajkay doonaysaa
Mariyihii ixraamkay doonaysaa
Ku-xiiqii talbiyaday doonaysaa
Xayiraada inay ka baxday doonaysaa
Xadhkaha inay goosatay doonaysaa
Xoriyad iyo socdaal bay doonaysaa
Xaruntii khayrkay doonaysaa
Xurmadii kacbaday doonaysaa
Xajarul Aswdkii bay doonaysaa
Xawaarihii sacyigay doonaysaa
Xijrigii Ismaaciil bay doonaysaa
Xareedii samsamkay doonaysaa
Xaruntii dawaafkay doonaysaa
Xijaaziyo dulxulayfay doonaysaa
Xifdiga Ilaahay bay doonaysaa
Xajkii iyo cumray doonaysaa
Weedhahan ku suntan xiisaha, muraaqada, jacaylka iyo boholyowgu waxay ka tarjumayaan baafinta uu qalbigu hogaaminayo ee sidii mawjadda daf siinaysa kashka iyo laabta qof walba oo si daacada ugu hamuun qaba araga Baytka Ilaahay iyo gudshada cibaadada xajka.
Waa hoorinta hadalka nin u heelan xaramkii Ilaahay, waa maaxa dareen fikradeedka soo burqanaaya, waa marxabaynta hiyi kaca boholyow garba duuban, waa samirsiinta qiirada dareen seetaysan, waa dhawaqa qof ay dani ka reebtay socotada xujaajta, waa milicsiga doonista ruux naftiisu ka dheeraysay jidhkiisa, waa howraarta damaca qof qalbiga iyo uurka ka xajiyaya, waa hibo huwinta hilowga hayaanka ruuxda xorowday, waa habaq tirka muxubada iyo olol jacayl muraaqaysan, waa hamiga laabta ee halacsanaya arladii Xijaaz, waa xiisaha aan go’ayn ee quluubta loo geliyay Baytka Ilaahay.
Baytka Ilaahay waa goobta lagu qubo ilmada murugada
Waa goobta lagu hoobiyo dunuubta ina cuslaysay
Waa goobta layskaga maydho macaasida ina hafisay
Waaa goobta lagu raadsado cafiska Ilaahay
Waa goobta ducada iyo baryada lagu ajiibo
Waa baytkii xurmada lahaa iyo kacbadii sharfanayd
Ilaahay ha u kordhiyo qurux , cizi iyo haybad, hana ku xayn daabo amni iyo salaamad, hana ka badbaadiyo ciddii la doonta shar iyo fasaad iyo fitno.
Imisaa hanti lagu bixiyay, imisaa nafta lagula tacaalay, imisaa tacab iyo dadaal lagu idleeyay, imisaa khatar loogu badheedhay.
imisa iyo imisa ayay awliyada Ilaahay jiho walba kaga soo qamaameen
Imisa iyo imisa ayay saalixiintu uga soo qasdeen daafaha aduunka.
Imisa iyo imisa ayuu xaaji tog ka soo talaabay,
Imisa iyo imisa ayuu buuro iyo taag soo fantay
Imisa iyo imisa ayuu geri go’an iyo cidlo soo jibaaxay
Imisa iyo imisa ayuu badweyn soo shiraacday,
Imisa iyo imisa ayuu hawada sare soo duulay.
Imisa iyo imisa ayuu gaajo iyo haraad la hoyday
Imisa iyo imisa ayaa akhyaari ku naf wayday
Imisa iyo imisa ayuu xaaji jeeni qaarani kacbada dawaafay.
Imisa iyo imisa ayuu gucleeyay Safa iyo Marwa dhexdooda
Imisa iyo imisa ayuu talbiyada iyo takbiirta qaaday
Imisa iyo imisa ayuu banka carafa bacad is taagay
Imisa iyo imisa ayuu maqaariibta ka soo dhaqaaqay
Imisa iyo imisa ayuu Muzdalifa habeen ku hoyday
Imisa iyo imisa ayuu caqaba iyo jamaraadka tuuray
Imisa iyo imisa ayuu timaha xiiray ama quseeyay
Imisa iyo imisa ayuu nicmoolayda xoolaha hadyeeyay.
Al-xaafid Ibnu Kasiir ayaa yidhi isagoo fasiraya hadalka Ilaahay ee ah:
}فَاجْعَلْ أَفْئِدَةً مِّنَ النَّاسِ تَهْوِي إِلَيْهِمْ{
"فليْس أحدٌ من أهل الإسلام إلا وهو يَحِنُّ إلى رؤية الكعبة والطَّواف، فالنَّاس يقصدونَها من سائر الجهات والأقْطار"، ويتُوقون إلى أداء المناسِك على اختِلاف أصْقاعهم وأمصارهم"
“Ma jiro ruux muslima oon u xiisoonayn inuu arko kacbada kuna dawaafo, dadkuna waxay uga soo qasdiyaan jihooyinka iyo daafaha aduunyada , waxayna u hiloobaan gudashada camalada xajka iyo cumrada haba kala duwanaato dhinacyadooda iyo magaalooyinkoodu”.
Gabayo iyo ashcaar ay ka dareerayso ilamada xiisaha iyo boholyowga qalbiyada muslimiintu u qabto Baytka Ilaahay caza wa jalla ayaa la tiriyay, waxa la dawinay laguna sheekaystay qisooyin canbar iyo cuud leh oo ifinaya hiyi kaca iyo qiirada maan qaaday dad saalixiina oo u hiloobay Baytka Ilaahay caza wa jalla, kuwo ka midani ay ku geeriyoodeen safarakay ugu jireen xagaa iyo arlada Xijaas.
Culimada Islaamkuna waxay qoreen buugaag ay tibaaxeen xiisaha, jacaylka iyo hiloyga ay muslimiintu waligoodba u qabeen Baytka ilaahay, waxa jira buugaag ku qoran af carabi oo ay ka mid yihiin kuwani haddii aad daalacan karto:
Ibnu Jawzi ayaa ku sheegay buuggiisa صفة الصفوة qisadan wax badan inooga sheegaysa xaaladaha adoomaha Ilaahay ee saalixiinta ah ee ay quluubtooda saaqday dabeelaha neecawda ah ee xambaarsan maxabada iyo showqa loo qabo Baytka Ilaahay, wuxuu yidhi:
“Qolo xujaaja oo ay la socoto haweenay ayaa markay soo galeen ayay ku tidhi: Mee Baytkii Rabigay? Markaasay ku yidhaahdeen imikaad arki doontaa. Markay Kacbadii u muuqatay ayay ku yidhaahdeen waa kani baytkii Rabigaa , maanad arkayn? Markaasay ku dhaqaaqday iyadoo leh Baytkii Rabigay! Baytkii Rabigay! Markaasay jabhadeeda dul saartay Kacbada, wallaahi waxa laga soo qaaday iyadoo mayda (halkii ayay ku geeriyootay)”.
Ilaahow na sug, Ilaahow adaa Qaadiree na tus arimahaha dhabta ah, Ilaahow adaa Raxiimee naga kici qaflada, Ilaahow na raacsii geediga saalixiinta ee hayaamay, Ilaahow ha naga dhigin kuwa ku sakhraamay khamriga aduunyo jacaylka, Ilaahow u fur quluubtayada jacaylkaaga, daacadaada iyo cibaadadaada.
Dr.Maxamed Sh.CabdiRaxmaan Kaariye

Comments