Nabi Muxammad صلى الله عليه وسلم Waan Jecelahay Laakiin Ma Ixtifaalo Mowlidka
=============
Nabi Muxammad صلى الله عليه وسلم ninba afkii ku ammaan, laakiin Xasaan bin Saabit ayaa runta abaaray markuu tixdan gabay ka yidhi sifada iyo tilmaanta Nabiga صلى الله عليه وسلم :
=============
Nabi Muxammad صلى الله عليه وسلم ninba afkii ku ammaan, laakiin Xasaan bin Saabit ayaa runta abaaray markuu tixdan gabay ka yidhi sifada iyo tilmaanta Nabiga صلى الله عليه وسلم :
وَأجْمَلُ منك لم تر قط عيني *** وأَحسنُ منك لم تلد النساء
خلقت مبرءًا من كل عيـب *** كأنك قد خلقت كما تشاء
خلقت مبرءًا من كل عيـب *** كأنك قد خلقت كما تشاء
Qof adiga kaa qurux badan ishaydu waligeed ma arag,
Qof adiga kaa wanaagsana hooyo ma dhalin,
Waxa lagu abuuray adigoo saafi ka ah ceeb walba,
Waxaba la moodaa in laguu abuuray sidaad rabtay.
Qof adiga kaa wanaagsana hooyo ma dhalin,
Waxa lagu abuuray adigoo saafi ka ah ceeb walba,
Waxaba la moodaa in laguu abuuray sidaad rabtay.
Wuxuu ahaa صلى الله عليه وسلم "khayru khalqillaahi", "Xabiibullaahi", "khaliillulaah", "Rasuulkii iyo Nabigii Ilaahay", Waa "sayidka banii aadanka".
Xiddiga Nabi Muxammad صلى الله عليه وسلم wuu siraadan yahay, qiimo iyo qaayaba Ilaahay ayaa u dhammeeyey, diintiisu waa mansuur oo guluf iyo colaad lagu gilgili mayo, darajadiisu way saraysaa oo la hawaysan maayo, sumcadiisu waa daahir oo wax la yeeli maayo, xujadiisu waa adagtahay oo la qalloocin maayo. Nabi Muxammad Alle ayaa ammaaan u dhameeyay, Isagaana khalqiga oo dhan ka faddilay, magaciisa iyo xuskiisana Rabi ayaa kor yeelay.
Isir gobonimo, saansaan raganimo, geesinimo halyeey, dulqaad saamaxeed, sawrac saahidnimo, suubanaan nabinimo, dhaqan iyo asluub, faxalnimo aan gudhin, qurux aan saluug lahayn, hadal murti soocana, intuba waxay ahaayeen sifooyin iyo tilmaamo uu udgoonow Rasuulkii صلى الله عليه وسلم u helay sad iyo saami.
Sooyaalka taariikhda Nabiga waxa ku xardhan casharo maguuraana oo si qoto dheer oo cilmiyeysan u ifinaya shakhsiyadiisa suubanayd, dhacdooyinkii noloshiisa waxa ku dheehan tusaalooyin dhaxal-gala oo daaha ka feydaya inuu naxariis u ahaa caalamiinta, inuu cadli kula dhaqmay saaxiibka iyo cadowga, inuu sutida u qabtay dulmiga iyo xadgudubka, inuu asaaska u dhigay bulsho daahira oon weli wax la mida sheekana lagu maqal shaahidna lagu arag, inuu mujtamac ku asqaysnaa mugdiyada jaahilyada ku arooriyey jidka towxiidka iyo tubta garashada Rabi, inuu ababiyay rag iyo dumar horseed u noqday hanuunka iyo samafalka.
Jacaylka Nabi Muxammad صلى الله عليه وسلم:
================================
In Nabiga صلى الله عليه وسلم la jeclaadaa waa faral sharciya , waajib diiniya iyo caqiido Islaamiya. Jacaylkiisu waa shardiga iimaanka, la'aatiina iimaan iyo Islaamnimo la heli maayo. Imaam Bukhaari ayaa isagoo tilmaamaya xaqiiqadan ku sheegay utub ka mida cutubyada Kitaabkiisa Saxiixa "Jacaaylka Rasuulku Iimaanka ayuu ka mid yahay",dabeetana wuxuu sheegay laba xadiis oo uu midna soo wariyey Abuu Hurayra midna Anas bin Maalik Ilaahay raali ha ka noqdee. Labada xadiisna waxay kala yihiin sidan:
================================
In Nabiga صلى الله عليه وسلم la jeclaadaa waa faral sharciya , waajib diiniya iyo caqiido Islaamiya. Jacaylkiisu waa shardiga iimaanka, la'aatiina iimaan iyo Islaamnimo la heli maayo. Imaam Bukhaari ayaa isagoo tilmaamaya xaqiiqadan ku sheegay utub ka mida cutubyada Kitaabkiisa Saxiixa "Jacaaylka Rasuulku Iimaanka ayuu ka mid yahay",dabeetana wuxuu sheegay laba xadiis oo uu midna soo wariyey Abuu Hurayra midna Anas bin Maalik Ilaahay raali ha ka noqdee. Labada xadiisna waxay kala yihiin sidan:
عن أبي هريرة رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: فوالذي نفسي بيده لا يؤمن أحدكم حتى أكون أحبَّ إليه من والده وولده.
(( Waxaan ku dhaartay Ilaaha ay naftaydu gacantiisa ku jirtee, midkeena iimaan yeelan maayo illaa aan ahaado mid xaggiisa looga jacayl badan yahay waalidkiisa iyo waladkiisaba)).
عن أنس عن النبي صلى الله عليه وسلم قال:لا يؤمن أحدكم حتى أكونَ أحبَّ إليه من والده وولده والناس أجمعين.
((Qofna iimaan yeelan maayo illaa aan ahaado mid xaggiisa looga jecely badan yahay waalidkiisa, waladkiisa iyo dadka oo dhan)).
Waan jecelahay Nabi Muxammad صلى الله عليه وسلم, oo aad iyo aad baan u jecelahay, qalbigaan ka jecelahay, laabtaan ka jecelahay, waalidkay, waldkayga iyo dadkoo dhan ayaan ka jecelahay.
Waan jecelahay Nabi Muxammad صلى الله عليه وسلم, oo aad iyo aad baan u jecelahay, qalbigaan ka jecelahay, laabtaan ka jecelahay, waalidkay, waldkayga iyo dadkoo dhan ayaan ka jecelahay.
Ilaahay caza wajallah ayaan ugu xamdi naqayaa inuu iga yeelay ummadda Nabi Muxammad صلى الله عليه وسلم ,Ilaahay ayaan ka baryaa inuu igu soo arooriyo maalinta qiyaamaha xawdkiisa, kana cabo kabasho aanan dib u oomin, waxaan Ilaahay caza wajalla ka baryaa inuu igu arsaaqo shafaacada Nabigiisaصلى الله عليه وسلم, iguna kulmiyo janooyinkiisa dhexdeeda.
Si loo xaqiijiyo jacaylka Nabig صلى الله عليه وسلم waxaan aaminsanahay in ay Muslimiintu nooleeyaan sunihiisa, dalalkoodana ka hirgeliyaan shareecadiisa, diintiisana ku dhaqaan qaybaha kala duwan ee noloshooda ee ay ka midka yihiin siyaasadda, dhaqaalaha, waxbarashada, bulshada, warbaahinta.
Mowlidka Ma Ixtifaalo Mana Aqoonsani:
===========================
Anigoo sidaa u jecel Al-Xabiib Al-Mustafaa صلى الله عليه وسلم haddana ma ixtifaalo kamana qayb qaato xafladaha mowlidka, sabatuna waxa weeyi:
===========================
Anigoo sidaa u jecel Al-Xabiib Al-Mustafaa صلى الله عليه وسلم haddana ma ixtifaalo kamana qayb qaato xafladaha mowlidka, sabatuna waxa weeyi:
1. Lagama soo werin Nabiga صلى الله عليه وسلم inuu ixtifaalay mowlidkiisa, lagamana soo werin inuu ummaddiisa ku yidhi Ilaahay ugu dhawaada mowlidka, waana ognahay inuu Nabigu صلى الله عليه وسلم la jeclaa ummaddiisa wax walba oo khayra ama cibaado ah oo loogu dhawaado Ilaahay caza wajalla.
2. Lagama hayo Saxaabadiisii رضي الله عنهم iyagana inay ixtifaaleen mowlidka, balse lama aqoon mowlidka seddexdii qarni ee ugu horeeyay oo ah seddexda qarni ee Nabigu صلى الله عليه وسلم uga markhaati kacay khayrka iyo wanaaga. Xataa Al-Xaafid Ibnu Xajar oo ka mida culimada banaysay mowlidka kuna xidhay shuruudo adag ooy ka dul talaabsadeen dadka maanta ixtifaala mowlidku wuxuu qiray in aan mowlidka la aqoon seddexdii qarine ee ugu horeeyay taariikhda ummaddan.
Al-Xaafid Ibnu Xajar رحمه الله ayaa yidhi:
أصل عمل المولد بدعة ، لم تنقل عن أحد من السلف الصالح من القرون الثلاثة
"Asalka camalka mowlidku waa bidco, lagama soo werin qof ka mida salafkii saalixa ahaa ee seddexdii qarni”. [Al-xaawii Lilfataawii: 1/229].
3- Waxa ii soo baxay inay culimadu iskuba khilaafeen maalinta iyo bishuu Nabigu صلى الله عليه وسلم dhashay .
4- Waxaan ogahay in mowlidka ay bilaabeen shiicadii Faadimiyiinta oo ahayd koox maariqada oo halowsan, Sheekh Cali Maxfuud oo xubin ka ahaa Gudida Sare ee Culimda Azharka ayaa yidhi:
أول من أحدثها بالقاهرة : الخلفاء الفاطميون في القرن الرابع ، فابتدعوا ستة موالد : المولد النبوي ، ومولد الإمام علي رضي الله عنه ، ومولد فاطمة الزهراء رضي الله عنها ، ومولد الحسن والحسين رضي الله عنهما ، ومولد الخليفة الحاضر
"Ciddii ugu horaysay ee Qaahira ka bilowday waxay ahaayeen khulafadii Faadimiyiinta qarnigii afraad, waxay bilaabeen bidcada lix mowliid: Mowlidka Nabiga, mowlidka imaam Cali Ilaahay ha ka raali noqdee , mowlidka Faadimatu Zahraa Ilaahay ha ka raali noqdee, iyo mowlidka Xasan iyo Xuseen Ilaahay ha ka raali noqdee, iyo mowlidaka khaliifkii xilagaasi" [Al-ibdaac fii Madaar Al-ibtidaac:251].
5- Waxaan ogahay in mowlid la'aantu ayna waxba u dhimayn jacaylka uu qofku u hayo Nabi Muxammad صلى الله عليه وسلم, balse aanu shardi u ahayn maxabadiisa. Waayo haddii la yidhaa mowlidku waa la laazim, waxa ka dhalanaya xukun khatara oon qofna ku dhiiran karin, wuxuuna yahay in jacaylkii saxaabadu u hayeen Nabiga صلى الله عليه وسلم uu nuqsaan lahaa oonu dhammayn, waayo waxa hubaala in ayna saxaabadii رضي الله عنه ixtifaalin mowlidka.
6-Waan ogahay in culimo waaweyn oon aad u jecelahay kuna intifaacsanay cilmigooda sida Al-Xaafid bin Xajar رحمهم الله ay baneeyeen mowlidka(iyagoo waliba ku xidhay shuruud adag oon maanta la fulin), laakiin waxaan doortay inaan raaco dariiqii saxaabada, Afartii khaliif ee Abuu Bakar, Cumar, Cusmaan iyo Cali midna lagama hayo inay ixtifaaleen, waana kuwa Nabigu صلى الله عليه وسلم inagu dardaaray inaynu raacno sunadooda sida ku timid xadiiska Cirbaad bin Saariya.
7- Culimadu way ijtihaadaan, ijtihaadkooduna maaha muqadas oo sax iyo qaladba waa yeelan karaa, laakiin waa in aan marnaba wax loo dhimin makaanadooda oo la ixtiraamo, mowqifkaasi ayaan ka taaganahay culimada banaysay mowlidka.
8- Waan ogohay in dadka mowlidka ixtifaala badankooda ay ujeedadooda iyo qasdigoodu wanaagsan yahay, kana tahay jacayl iyo maxabo ay Nabiga صلى الله عليه وسلم u hayaan, laakiin niyada iyo qasdiga wanaagsani waxba kama bedelayaan in mowlidku yahay camal aan ka sugnayn Rasuulkii Ilaahay, isla markaana aan la aqoon qarniyadii fadliga badnaa ee Nabig uga marag kacay khayrka.
8- Waan ogohay in dadka mowlidka ixtifaala badankooda ay ujeedadooda iyo qasdigoodu wanaagsan yahay, kana tahay jacayl iyo maxabo ay Nabiga صلى الله عليه وسلم u hayaan, laakiin niyada iyo qasdiga wanaagsani waxba kama bedelayaan in mowlidku yahay camal aan ka sugnayn Rasuulkii Ilaahay, isla markaana aan la aqoon qarniyadii fadliga badnaa ee Nabig uga marag kacay khayrka.
9- Ugu dambayn waan la socdaa in jihooyin caalamiya iyo kuwo goboleedba ay rabaan inay mowlidka ku kala qaybiyaan Muslimiinta, dhaliyaana jawi cadhaysan oo cabudhsan oo lagu abuuro qayb ka mida bulshada Muslimiinta, iyadoo la gaadhsiinayo heer ay kooxaha ku maman ixtifaalka mowlidku iska ilaabaan cadow walba oo Islaamka iyo Muslimiinta u gabanaya oo dhufayska ugu jira, loona sawiro in cadowgooda kowaad yahay mowlid-diidka sida loogu sheekeeyay, kuna mashquulaan qadiyada mowlidka iyagoo iska ilaabaya ama is ilowsiinaya qadiyadaha waaweyn ee maanta hor yaala Muslimiinta oo ah kuwo ayna isku khilaafin salafkii iyo khalifku waajibnimadooda, hana ugu horayso qadiyada hirgelinta shareecada Islaamka iyo in Muslimiinta lagu xukumo Kitaabka Iyo Sunaha.
Sidaa awgeed, waa in aan fursad la siin kooxaha doonaya inay mowlidka u adeegsadaan arimo aan xeerinayn danaha Muslimiinta ee masiiriga ah, kooxahaasi oo ay safka hore kaga jiraan suufiyada siyaasadaysan iyo kuwooga hubaysanba.
Iyadoo la inkirayo ixtifaalka mowlidka, caamada Muslimiintana loo bayaaminayo xaqiiqadiisa iyo meeshuu ka yimid, ayaa hadana loo baahan yahay in laga taxadiro in qadiyada mowlidku fitno iyo colaad ka dhex abuurto Muslimiinta diidan iyo kuwo ogol dhexdooda.
Ilaahay hayna waafajiyo xaqa.
Dr.Maxamed Sh.Cabdiraxmaan Kaariye.
Comments