Markaan Aakhiro Tago Allow Halkii Roon
==============================
==============================
Geeri la baajin maayo oo gooray ahaataba marbay daarada iman, ee markaan galbado een ka hadaafo aduunyada, markay gabaabsi tahay noloshu een ka hayaamo guriga iyo daarta, markay ayaamuhu iga idlaadaan ee layga yeedho aakhiro, markay tayda noqto een ka huleelo teena , markaan ehel iyo waladba kala dhaqaaqno, marka dawo iyo dhakhtar laygala daalo, markuu sadkay go’o ee ajashu dhamaato, marka mowdku igu habsado ee sakaraadku i saaqo.
Allow towxiidka igu sug hayna seejiin shahaadada, allow adaa qaadiree ku adkee caqliga iyo carabkayba, Allow iga fogee waswaaska shaydaanka iyo hamamtiisa, Allow Mucaad bin Jabal ayaa noo soo weriyay in Nabigaagii yidhi: “Qofka hadalkiisa uga dambeeya aduunyadu yahay Laa Ilaaha Ilalaah wuxuu galaa janada” ee Allow khaatumo wanaagsan igu manayso oo aakhiru kalaamkayga ka yeel Laa Ilaaha Ilalaah, hadhowna markay naftu iga haado Allow siddiiqiinta iyo shuhadada agtooda iyo maqaam sare i gaadhsii.
Hoyga aakhiro waa lama huraane marka iilka lay dhigo ee laygu rogo camuuda, marka laygaga tago godka iyo xabaasha, marka xigto iyo kuwii dad iigu dhawaa iga dareeraan, shidooyinka qabriga iyo Rabow iga salim cadaabkiisa, Allow shib yaanan noqone i waafaji jawaabta, Adigaan ku aaminee Rabow i garansii towxiidka, Xabiibkii aan jeclaa Rabow aan qiraa xaqiisa, diini waa Islaame Rabow igu hanuuni towfiiqda. Xadiiskii Cusmaan bin Cafaan baan hayaaye Rabow beer jano iiga yeel xabaasha, Qabrigu waa mugdiye ii nuuri, waa kaliye wehel ii yeel, waa cidhiidhiye ii waasici, waan rumeeyay nacimka iyo cadaabka qabriga labadaba siday salafkii sugeene Allow naciim iyo barwaaqo iiga yeel iilka.
Maalintay suurtu dhawaaqdo ee makhluuq intuu tiro lahaa banka qiyaamaha la soo taxana, maalinta waalid iyo walad kala irdhoobaan, maalinta qoraxda uunka la soo dul joojiyo, ifka wixii la galay iyo wixii la gudayba maalinta miisaanka xisaabta la saaro, maalinta mudh iyo gacan la yahay ee la qaawan yahay, hor Ilaahay bay wax jiraane maalinta la baahan yahay, waxaan danbi galabsady iyo waxaan gaf galyba Allow iga saamax, Allow maqfiro iyo cafis igu dalaalimi, Allow ceebtayda astur oo xumaantyada qari, Allow hay hoojin oo hay fogeen, Allow hayga qadin naxariistaada iyo raxmadaada, Allow kitaabkayga midigta iiga dhiib, Allow jidka siraad kuwa dhakhso sida hilaaca kaga gudba iga yeel, Allow sahal amuurahayga.
Allow kuwa hoogay halkooda hay marin, jahanamo iyo holoca naareed intaad ka xoraysay Allow iga yeel, cadhadaada iyo ciqaabtaadu intayna u waajibin Allow iga yeel.
Hadhowna Allow fadhigii Fardowsa iyo halkii roon i gee, Allow janada gogoshayda ka yeel, hablo qurxoon iyo xuural cayn badan Allow i sii, hoobaan bislaatay iyo durduradii naciima allow i sii, canab iyo nakhiil iyo faakiho kala nooca Allow i sii, khamri aan sakhrad lahayn iyo caano iyo malab saafiya Allow i sii, biyo macaan iyo salsabiil Allow i sii, dhar xariira iyo sundus iyo dahab iyo luulna Allow i siil, cuud iyo cadar udgoon Allow i sii, sariiro lagu dakeeyo iyo daaro farshaxan leh Allow i sii, farxad iyo barwaaqo lagu waaro Allow i siil, waxay naftu tamanido iyo liibaan Allow i sii, waxayna ili arag oo dhagi maqal oon ku soo dhicin caqliga Allow i sii, wax wanaagsan oo wacan iyo waxay naftu ku istareexdo Allow i sii, raalidaada iyo raxmadaada Allow i sii.
Allow waxaan xafiday oon hayaa xadiiska uu soo weriyay jariir bin Cabdullaahi Al-Bajali iyo asxaab kaleba ee Nabigaagu noo sheegay inay mu’miniintu aakhiro ku arkayaan, Ilaahow waxaan kaloo maqlay in Imaam Shaafici ka daliishaday aayadda Qur’aanka ah ee suuratul Al-Mudfifuun in adoomahaaga mu’miniintu wajiaga kariimka ah arkayaan, Ilaahow iigu deeq oo igu arsaaq araga wajigaaga kariimka ah, Ilaahow aanan ka qadin oonan ka maqnaan golaha maamuuska iyo sharafta leh eed mu’miniinta ku kulmin doonto si ay u arkaan wajigaaga wanaagsan.
Allow fadhi maamuus leh iyo maqaam sharaf iyo cizi leh nagu wada kulmi dhammaan waalidiintyada, ubadkayga, ehelkayga, qaraabadayda, saaxiibaday , cid walba oon adiga dartaa ku jeclaaday, cid walba oo adiga dartaa igu jeclaatay, mu’miniinta iyo mu’minaadka, muslimiinta iyo muslimaadka dhammaan.
Allow sidii roon iyo meel fiican, Allow falaax iyo liibaan, Allow fadhiyadii Fardowsa iyo beero raaxo...aamiin..aamiin..aamiin
Dr.Maxamed Sh.Cabdiraxmaan Kaariye
Comments