Islaamku Waa Diinta Kaliya ee Xaqa Ah
==============================
Siyaabaha ugu halista badan ee la doonayo in lagu wareemo ummadda Islaamka waxa ugu weyn in tuhun la galiyo xaqnimada diinta Islaamka iyo in dood laga keeno in risaaladda Islaamka ku wajahantahy aadanaha oo idil, dhamaantoodna ay ku waajib tahay inay rumeeyaan oo raacaan.
Ilaahay caza wajalla wuxuu yidhi:
﴿وَمَنْ يَبْتَغِ غَيْرَ الْإِسْلامِ دِينًا فَلَنْ يُقْبَلَ مِنْهُ وَهُوَ فِي الْآخِرَةِ مِنَ الْخَاسِرِينَ﴾
{Qofkii doona diin aan Islaamka ahyn laga aqbali maayo, aakhirana wuxuu ka mid noqon doonaa kuwa khasaaray} [Suurat Aal-Cimraan: 85].
In la qawado oo la aqbali waayo xaqiiqadan ama laga falaagoobo rumaynteedu waa gaalnimo cad oo lagaga baxayo diinta iyo Islaamnimada.
Islaamku waa diinta kaliya ee xaqa ah, laguna helayo raalida Allaah, diimaha maanta aduunka lagaga dhaqmo oo idili waa diimo baadila, oo Alle,caza wajalle, aanu qofna ka aqbaleynin.
Qofkii gaalooba isagoo ay risaalada Islaamku gaadhay oo ay xujadu ku oogantay qofkaasi janadu waa ka xaaraan, wuxuuna mutaystay ciqaabta Alle iyo naarta jahanama. Qofkiise ayna risaalada Islaamku gaadhin isaga arinkiisa Alle ayaa xukumaya, sida saxa ahina waa in la imtixaami doona maalinta qiyaamaha oo haddii uu ajiibo waxa laga doonay janada ayuu gali, haddii uu caasiyo oo diido waxa laga dalbayna naarta ayuu galyaa. Sheekh Cabdul Caziiz bin Baaz ayaa sidaasi rajaxay, ibnul Qayimna waxa uu arinkan ku faafaahiyey isagoo tibaaxaya adilada masaladan iyo waxa laga yidhiba buugiisa la yidhaahdo "طريق الهجرتين", cutubka la yidhaaddo "طبقات المكلفين".
Culimada Islaamukuna waxay isku waafaqeen oo ijmaac ka taaganyahay in diin walba oo khilaafsan diinta Alle ku soo diray Nabi Muxammad ay tahay diin baadila. Imaam Shaafici ayaa ka mida culimada daaha ka fayday arinkan ay qof walba ku waajibka tahay inuu ictiqaado oo aamino, si uu uga magan galo kufri iyo gaalnimo , ardaygiisii Rabiic ibnu Sulaymaan ayaa soo wariyay inuu Imaam Shaafici yidhi :
"قد أظهر الله دينه الذي بعث به رسوله صلى الله عليه وسلم على الأديان بأن أبان لكل من سمعه أنه الحق وما خالفه من الأديان باطل."
الإعتقاد على مذهب السلف أهل السنة والجماعة/ للحافظ البيهقيي: 134
"Alle diinta uu ku soo diray Rasuulkiisa wuu ka sareesiiyey diimaha kale, waayo wuxuu caddeeyey inay tahay diinta xaqa ah, diimaha iyada khilaafsana ay yihiin baadil".
Imaam Daxaawi ayaa iasaguna ku yidhi caqiidadiisa caanka ah ee loo yaqaano "العقيدة الطحاوية" :
ودين الله في الأرض والسماء واحد وهو دين الإسلام"
"Diinta Ilaahay samada iyo arlada dhexdooda waa diin kaliya waana diinta Islaamko. "
Waa xaqiiqo sugan oo ka mida asalada diinta iyo arimaha sugan ee caqiidada in ay gaalnimo badheedha tahay in la yidhaa diin kale oon diinta islaamka ahayn ayaa xaqa ama saxa, Sheekhul Islaam ayaa yidhi isagoo sharxaya arinkan uu baahan in si hufan loo fahmo:
ومعلوم بالاضطرار من دين الإسلام وباتفاق جميع المسلمين أن من سّوغ إتباع غير دين الإسلام أو إتباع شريعة غير شريعة محمد -صلى الله عليه وسلم- فهو كافر.
"Arimaha garshadoodu qasabka tahay ee la xidhiidha diinta Islaamka oo ay Muslimiinta oo dhammina isku wada waafaqeen waxa ka mida in qofkii banneeya in la raaci karo diin aan ahayn diinta Islaamka ama shareeco aan ahayn shareecada Muxammad uu yahay gaal."
Arinkan waxa la xidhiidha laba masalo oo muhima oo u baahan in iyagana la bayaamiyo si aan loo leexin lana qaldin waxayna yihiin:
Kow: Qofkii Muslina ee ictiqaada ama saxaba ama yidhaa wa la ictiqaadi karaa diin iyo caqiido iyo shareeco aan ahayn diinta iyo caqiidada iyo shareecada Islaamkua, qofkaasi wuu ridoobay wuuna gaaloobay.
Laba: Inkastoo aynaan safaad iyo ciyaar marnaba galinayn arinkan ka mida asalada caqiidada , waxaynu islamarkaa sheegaynaa in tacaaliimta diinta iyo taariikhda Muslimiintu ka markhaati yihiin in Islaamku aanu dadka aan Muslinka ahayn ku qasbin inay soo galaan Islaamnimada, taariikhda xukunkii Muslimiinta ee Andalus, cahdigii ay Muslimiintu la galeen Nasarada Masar, siday Muslimiintu u ilaaliyeen Nasaarada iyo Yuhuuda Falastiin ayaa daaha ka faydaya in Muslimiintu ay ilaaliyeen balamaha ku sar go'an sharecada ee la xidhiidha xuquuqda Nasaarada iyo Yuhuuda ku dhex noolaa xukunka dowlada Islaamka.
Ilaahay caza wajalla hayan garan siiyo xaqa.
Dr.Maxamed Sh.Cabdiraxmaan Kaariye.

Comments