Nin Dhalinyaro ah ayaa la weydiiyey:- Maxaad u Guursan weysay?, asaagaaga dhan wey Guursadeen ?. Wuxuu yiri:- Waxaan Maqlay Haweenka Dhagartooda iney ka weyntahay Dhagarta Shaydaanka, Sidaa Darteeed Waxaan Rabaa Inaan wax ka Ogaado Haweenka Dhagartooda oo aan iska Ilaaliyo Markaan Guursado.
Ninkii Dhalinyarada ahaa wuxuu ku Dhaqaaqay Baaritaan iyo Daraasad weyn si uu u Ogaado waxa ay tahay Dhagarta Haweenka. Qof walba oo uu la kulmo wuxuu weydiyaa su’aasha ah:- waa maxay Dhagarta Haweenka? Jawaabtii wuu ka waayey Magaaladiisii, wuxuuna Go’aansaday Inuu u Safro Magaaloyin kale si uu u Helo Jawabtan uu Baadi goobka ugu jiro.
Wuxuu Rartay Gaadiidkiisii, Sahaydiisana wuu Qaatay, Safarkiisii ayuu Bilaabay isagoo ku jira Socdaalkiisii ayuu Wadada kula Kulmay Haweeney taagan meel Ceel ah. Haweeyneydii ayuu u Dhowaaday Ayadoo ka Cabsaneysa ayuu weydiiyey Su’aashiisii aheyd Maxay Tahay Dhagarta Haweenka ?
Intey Ceelka Dhinac istaagtay ayey Oohin iyo Qeylo ku dhufatay iyadoo Kor u Qeylineysa si ay u Maqlaan Dadka Tuulada deggen.
Haddaba wuxuu ku yiri Naagtii Maxaad kawadaa Qeylada aad Codka aad ka u Dheereneysid?. Waxey ku tiri:- Waxaan Rabaa In ay yimaadaaan Reer Tuuladeyda oo ay ku Dilaaan. Wuxuu ku yiri Walaaley Halkaan uma Imaan In aan ku dhibo, Balse waxaan kuu Arkay In aad tahay Gabar Caqli Badan Sidaa ayaana kugu soo Leexday oo aan Su’aashaa kuu weydiyey, mana ahayn Dooniddeyda Sheeko Xumeeyn iyo Fuduulin ee Noqo Gabar Fiican.
Markuu Intaa ku yiri ayey Wadaanatii Ceelka ku Riday Biyo ayey ku soo Shubatay Markaas ayet Korkeedii ku Shubatay Ninkan aad ayey uga yaabisay Haweeynaydan, wuxuu ku yiri Maxaad Waxaan u Sameeneysaa oo aad ulajeedaa Walaaleey.
Asagoo Markaa la hadlaaya ayaa Waxaa yimid Dadkeedii oo ku soo Orday Qayladeedii Ninkii wuxuu Bilaabay Inuu Nafsadiisa la Hadlo, isagoo is leh:- Toloow Maxey Sheegi Doontaa ? wuxuuna Nafsadiisa ku Canaantay Safarkaan maxaan u soo aaday malaha waa Dhimashadaadii, War Maxaa igu soo Leexiyey Haweeney Kaligeed ah?.
Isgoo Sidaad isula Hadlaaya ayaa Gabdhii waxey tiri:- Ninkan Waa Ninkii I Badbaadiyay Markaan ku Dhacay Ceelka. Ninkii aad ayuu u Farxay, Allaah ayuuna ku Shukriyey Dadkii Ayaa u Mahad Celiyey, aad Ayeynaugu Farxeen, weyna Abaal Mariyeen Markaas ayuu Gabadhii ku yiri:- Gabaryahey waxaad tahay Gabar aad u Caqli badan, maxay tahay Ulajeedada aad ka laheyd Ficilkaan?. waxay ugu jawaabtay:- Haweenka waa sidaa Hafdii aad Dhibto wey ku Dileysaa, Haddii ay kaa Raali Noqatana wey kaa Farxin.
(ilaahoow Iimaan Sugan na sii, yaa Rabbi).
Comments