Hadalo Dhaxal Gala (Qaybta:8)
(Iimaanka, xaqiiqada nolosha, geerida, dambiga, camalka suuban, baraaruga qalbiga iyo waxyaabo kale oo u baahan in la xusuusto)
(Iimaanka, xaqiiqada nolosha, geerida, dambiga, camalka suuban, baraaruga qalbiga iyo waxyaabo kale oo u baahan in la xusuusto)
(44) Ibnu Qayim رحمه الله ayaa yidhi:
من رفق بعباد الله رفق الله به، ومن رحمهم رحمه، ومن أحسن إليهم أحسن إليه، ومن جاد عليهم جاد عليه، ومن نفعهم نفعه، ومن سترهم ستره، ومن منعهم خيره منعه خيره، ومن عامل خلقه بصفة عامله الله بتلك الصفة بعينها في الدنيا والآخرة، فالله لعبده حسب ما يكون العبد لخلقه
“Qofkii u tudha adoomaha Ilaahay Ilaahay ayaa isagana u tudha, kii wanaajiyana Ilaahay ayaa wanaajiya, kii wax siiyana Ilaahay ayaa wax siiya, kii wax tarana Ilaahay ayaa wax tara, kii asturana Ilaahay ayaa astura, kii wax u diidana Ilaahay ayaa wax u diida, qofkana kolbii sidii uu ula dhaqmo makhluuqa isagana sidaa lafteeda ayuu Ilaahay ula macaamilaa aduun iyo aakhiraba, Ilaahay wuxuu adoonka u yahay siduu adoonku u yahay khalqigiisa”.
(45) Xamaad bin Salama رحمه الله ayaa yidhi:
والله لو خيرت أن يحاسبني أبواي أو الله لأخترت الله فالله أرحم بي من أبوي
"Wallaahi , haddii lay kala dooransiiyo inay labadayda waalid i xisaabiyaan iyo in Ilaahay i xisaabiyo waxaan dooran lahaa Ilaahay, waayo Isagaa iiga naxariis badan labadayda waalid".
(46) Xasan Al-Basri رحمه الله ayaa yidhi:
لا أظن أن الله يعذب رجلاً استغفر فقيل لماذا؟ قال من الذي ألهمه الاستغفار؟ فقيل الله فقال كيف يلهمه الاستغفار ويريد به أذى
"U malayn maayo inuu Ilaahay cadibi qof dambi dhaaf weydiistay (istiqfaarsaday), waxa lagu yidhi: Waayo? Wuxuu yidhi: ayaa ku ilhaamiyey istiqfaarta? waxa la yidhi Ilaahay, wuxuu yidhi: Siduu ugu ilhaaminayaa istiqfaarta oo hadana dhib ula doonayaaa".
(47) Imaam Axamed رحمه الله ayaa ku dardaaray inankiis aoo ydihi:
يا بني، انوِ الخيرَ؛ فإنك لا تزال بخيرٍ ما نويتَ الخير
"Inankaygow niyayso khayrka, khayr ayaad ku sugnaan intaad khayr niyaysanayside".
(48) Ibnu Jawsi رحمه الله ayaa yidhi:
أسفًا لعبد كلما كثرت أوزاره قلّ استغفاره، وكلما قرب من القبور قوي عنده الفتور
"Murugtiisa adoon mar walba ooy dunuubtiisu badataba ay yaraato istiqfaartiisu, mar walba oo u dhawaado qubuurahana uu ka tan bato wahsigu".
Dr.Maxamed Sh.Cabdiraxmaan Kaariye
Comments