Hadalo Dhaxal Gala (Qaybta: 5)
(Iimaanka, xaqiiqada nolosha, geerida, dambiga, camalka suuban, baraaruga qalbiga iyo waxyaabo kale oo u baahan in la xusuusto)
**Qormooyinkani waxay ka mid yihiin buug soo bixi doona**
(26) Ibnu Qayim رحمه الله ayaa yidhi:
(Qofka naftiisa gartaa, hagaajinteeda ayuu kaga mashquulaa ceebaha dadka).
من عرف نفسه اشتغل بإصلاحها عن عيوب الناس
(27) Ibnu Rajab رحمه الله ayaa yidhi:
(Khaatumada wanaagsan waxa uun hela qofka waxa u qarsoonaa wanaagsanaa, waayo iska yeel yeel suura gal maaha xiliga geerida, waxana soo baxa oo kaliya wixii qalbiga ku qarsoonaa).

الخاتمة الحسنة لا تقع إلا لمن كانت سريرته حسنة , لأن لحظة الموت لا يمكن تصّنعها ، فلا يخرج إلا مكنون القلب
(28) Al-laalakaai' رحمه الله ayaa yidhi:
Qofka salaada ka taga (dayaca) waxa ceeb ugu filan inay culimadu isku khilaafeen inuu muslin yahay iyo inuu gaal yahay).
يكفي تارك الصلاة عاراً أنَّ أهل العلم اختلفوا فيه هل هو مسلم أو كافر
(29) Maymuun bin Mehraan رحمه الله ayaa yidhi:
(Camaladiinu way yar yihiin, ee intaa yar u badhax tidha Ilaahay).
إن أعمالكم قليلة ، فأخلصوا هذا القليل
(30) Maalik bin Diinaar رحمه الله ayaa yidhi:
(Inuu qofku ka tago dirham xaaraana, ayaa uga khayr badan inuu sadaqaysto boqol kun oo dirham).
لأن يترك الرجل درهما حراما خير له من أن يتصدق بمئة ألف درهم

Comments