Arkaanta Iimaanka
أركان الإيمان
Rukniga | 6aad
Rumeenta Qaddarka
Rukniga | 6aad
Duruus Muhiim u ah Ummada
أركان الإيمان في الإسلام ستة هي الإيمان بالله
وملائكته وكتبه ورسله واليوم الآخر والقدر خيره وشره
Arkaanta Iimaanka Waa 6
Waxeyna ka kooban tahay:
1 | Rumeynta Alle (swt) | الإيمان بالله عز وجل | ١ |
2 | Malaaiktiisa | الإيمان بالملائكة | ٢ |
3 | Kutubtiisa | الإيمان بالكتب السماوية | ٣ |
4 | Rusushiisa | الإيمان بالأنبياء و الرسل | ٤ |
5 | Maalinta Aakhiro | الإيمان باليوم الآخر | ٥ |
6 | Qaddarka Kheer kiisa iyo Shartiisa | الإيمان بالقدر خيره وشره | ٦ |
Rumeynta Qaddarka
1. Caddeynta qadarka iyo ahammiyadda ay rumeyntiisa leedahay…
Qaddarka waa: Qaddaridda Alle wax yaabaha jooga koonka, kuna qaddariyay sida cilmigiisu ahaay, xikmadiisuna yeeshay, qaddarkuna wuxuu u noqonayaa awoodda Alle, iyo in uu asagu wax walba awoodo samaynayana wuxuu doono. Rumeynta qaddarkana waxey ka tirsantahay rumeynta rabbinnimada Alle, waana mid kamid ah arkaanta iimaanka, mana dhameystirmayo iimaanka addoonka asaga la’aantii.
إِنَّا كُلَّ شَيْءٍ خَلَقْنَاهُ بِقَدَرٍ
سورة القمر، الآية: ٤٩
Macnaha aayadda waxaa waaye:
“Annagaa wax walba ku abuurnay qaddar iyo qiyaas…”
وقال صلى الله عليه وسلم:” كل شيء بقدر حتى العجز والكيس و أو الكيس والعجز“. رواه مسلم
Nabigana wuxuu yiri:
“Wax walba waa qadar xataa caajisnimada (wehsida, iyo layyicidda) iyo caqli badnida, ama caqli badnida iyo caajisnimada.” [Muslim baa weriyay]
2. Darajooyinka qadarka
Rumeynta qadarka ma dhammeystirmeyso haddii aan la xaqiijin afar martabo, oo kala ah:
(1) – Rumeynta cilmiga Alle oo waligii jiray oo koobayna wax walba.
أَلَمْ تَعْلَمْ أَنَّ اللَّهَ يَعْلَمُ مَا فِي السَّمَاء وَالأَرْضِ إِنَّ ذَلِكَ فِي كِتَابٍ إِنَّ ذَلِكَ عَلَى اللَّهِ يَسِيرٌ
[قال تعالى [سورة الحج، الآية: ٧٠
Macnaha aayadda waxaa waaye:
“Miyaadan ogaan Alle in uu ogyahay waxa samada ahaaday iyo dhulka, kaasna kitaab ayuu dhex ahaaday, kaasina Alle waa u fudud yahay.”
(2) – Rumeynta in lagu qoray “looxul maxfuudka” waxa uu Alle ogaaday oo ah qadarka,
مَّا فَرَّطْنَا فِي الْكِتَابِ مِن شَيْءٍ
.[ سورة الأنعام، الآية: ٣٨ ]
:Macnaha aayadda waxaa waaye:
“Kagama tegin waxba kitaabka.”
.وقال صلى الله عليه وسلم: ” كتب الله مقادير الخلائق قبل أن يخلق السموات والأرض بخمسين ألف سنة ” رواه مسلم
Nabiga wuxuu yiri:
“Wuu qoray Alle waxa uu Alle u qaddaray khalqiga inta uusan abuurin samooyinka iyo dhulka ka hor konton kun oo sano.” [Waxaana weriyay Muslim]
(3) – In la rumeeyo doonidda Alle oo fushada ah, iyo awoodda Alle oo wax walba soo hoos gelayaan.
وَمَا تَشَاؤُونَ إِلاَّ أَن يَشَاء اللَّهُ رَبُّ الْعَالَمِينَ
[سورة » 29) ) : قال تعالى .[ التكوير، الآية: ٢٩
Macnaha aayadda waxaa waaye:
“Ma dooneysaan, in Alle uu doono mooyaane, rabbiga caalamka.”
وقال صلى الله عليه وسلم لمن قال له ماشاء لله وشئت:” أجعلتني لله ندًا بل ماشاء الله وحده ” رواه أحمد
Nabiga wuxuu ku yiri ruuxi ku dhahay: waxuu Alle doono adigana doontid:
“Ma waxaad iga yeeshay mid Alle la mid ah, iskaba dhaafe waa waxa uu Alle kaliya doono.” [Axmad ayaa weriyay].
(4) – Rumeynta Alle abuurihi wax walba in uu yahay.
اللَّهُ خَالِقُ كُلِّ شَيْءٍ وَهُوَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ وَكِيلٌ
: قال تعالى .[ [سورة الزمر، الآية: ٦٢ »
Macnaha aayadda waxaa waaye:
“Alle waa abuurihi wax walba, asagaa wax walbana wakiil ka ah “.
وَاللَّهُ خَلَقَكُمْ وَمَا تَعْمَلُونَ
.[ [سورة الصافات، الآية: ٩٦ » 96): قال تعالى
Macnaha aayadda waxaa waaye:
“Allaa idin abuuray iyo waxaad sameyneysaan.”
وقال صلى الله عليه وسلم:”إن الله يصنع كل صانع وصنعته”رواه البخاري
Macnaha xadiithkana waxaa waaye:
“Alle waxuu abuuraa kan wax sameeya iyo waxa uu sameeyay.” [Bukhaari ayaa weriyay]
3. Qeybaha qaddarka
(A) – Qaddarka guud ee waxa koonka joogo oo dhan uu u qaddaray, waana waxa Alle ku qoray (اللوح المحفوظ) “looxul maxfuudka” inta uusan abuurin samooyinka iyo dhulka ka hor konton kun oo sano.
(B) – Qaddarka ku saabsan cumriga, waana waxa ku dhacayo addoonka laga billaabo marki lagu afuufay ruuxda illaa iyo ajashiisa inta ay ka dhammaanayso.
(T) – Qaddaridda sanadlaha ah, waana dhacdada dheceyso sanad walba, waxaana la qadariyaa dhacdadaas habeenka”laylatu qadri” layiraahdo.
فِيهَا يُفْرَقُ كُلُّ أَمْرٍ حَكِيمٍ
.[ [سورة الدخان، الآية: ٤ » 4): قال تعالى
Alle wuxuu yiri asaga oo ka hadlaya habeenkaa:
“Dhexdeedaa lagu kala bixiyaa amar walba oo xikmad badan.”
(J) – Qaddaridda maalin walba ah, waana dhacdada socoto maalin walba oo cizeyn iyo dulleyn iyo siin iyo u diidid iyo nooleyn iyo dilid iyo wixi la mida.
يَسْأَلُهُ مَن فِي السَّمَاوَاتِ وَالأَرْضِ كُلَّ يَوْمٍ هُوَ فِي شَأْنٍ
: قال تعالى .[ [سورة الرحمن، الآية: ٢٩ » 29) )
Macnaha aayadda waxaa waaye:
“Waxaa weydiinayo waxa ahaaday samooyinka iyo dhulka, maalin kastana asagu sha’ni ayuu ku sugan yahay”.
4. Caqiidada salafka ee ku saabsan qaddarka:
ALLAH asaga ayaa uumay wax walba rabbina u ah, iskana leh, waxaana xaqiiqa ah inuu qoray qadarka khalqiga inta uusan ayaga abuurin ka hor, wuxuu qoray waqtiga ay dhimanayaan iyo risqigooda iyo camalkooda iyo waxa ay ku danbeyn doonaan oo liibaan ama hoog ah, wax walbana waxuu ku koobay kitaab cad, waxa uu Alla doonanana wey ahaadaan, waxa uusan dooninna ma ahaadaan, wuuna og yahay waxa horay u ahaay iyo waxa ahaanayo iyo waxaan ahaannin haduu ahaan lahaa siduu ahaan lahaa, wuuna awoodaa wax walba, wuxuuna hanuuniyaa ruuxuu doono, baadiyeeyaana kuu dono, addoomankuna waxey leeyihin doonid iyo awood ay ku sameynayaan waxa Alle awoodsiiyo, waxayna ictiqaadsan yihiin addomanku ineyan doonayn Alle in uu doono maahane.
وَالَّذِينَ جَاهَدُوا فِينَا لَنَهْدِيَنَّهُمْ سُبُلَنَا وَإِنَّ اللَّهَ لَمَعَ الْمُحْسِنِينَ
سورة العنكبوت، ]: قال تعالى .[ الآية: ٦٩
Macnaha aayadda waxaa waaye:
“Kuwa nagu dadaalay waxaan ku hanuuninaynaa jidadkeenna”.
Allana asaga ayaa abuuray addoomanka iyo ficilladooda ayaga ayaana sameynayo si xaqiiqa ah, xujana uguma sugnaannin Alle dushiisa waajib uu kategay ama xaaraan uu sameeyay, isakaba dhaafe Alle asaga ayay ugu sugnaatay addoomanka dushooda xujo weyn.
Waxaana bannaan inaad xujo uga dhigatid qadarka musiibooyinka, laakiin ma bannaano in xujo looga dhigto danbiyada, waxana arrinkaas daliil u ah xadiithkaan:” Muse iyo aadan ayaa dooday, markaa buu Muuse yiri: adiga aadamki danbigiisu ka soo bixiyay jannada ayaa tahay.
Aadamna wuxuu yiri: adigana muusihii Alle u dooratay risaaladiisa iyo la hadalkiisa ayaa tahay markaa baad igu eedeyneysaa amar Alle igu qadaray inta uusan khalqiga uumin, aadam ayaana muuse xujadi ka helay. [Muslim aya weriyay]
5. Falalka addoomanka
Afcaasha Alle koon kaan ku uumay labo ayay u kala qey samaan:
(A) – kuwa Alle ku socod siinayo khalqi giisa, ruuxna taas doonid iyo doorasho kuma laha, doonidda Alle uun baa iska leh, sida noolleynta iyo dillidda, iyo cudurka iyo caafimaadka.
وَاللَّهُ خَلَقَكُمْ وَمَا تَعْمَلُونَ
.[ [سورة الصافات، الآية: ٩٦ » 96): قال تعالى
Macnaha aayadda waxaa waaye:
“Allaa idin abuuray iyo waxaad sameyneysaan.”
الَّذِي خَلَقَ الْمَوْتَ وَالْحَيَاةَ لِيَبْلُوَكُمْ أَيُّكُمْ أَحْسَنُ عَمَلا
: قال تعالى .[ [سورة الملك، الآية: ٢
Macnaha aayadda waxaa waaye:
“Kii abuuray dhimashada iyo nolosha si uu idiin imtixaano: kiinnee baa camal wanaagsan”
(B) – Waxa ay sameeyaan khalqiga oo doonida, waxey ku ahaatay dooniddooda iyo doorashadooda, maxaa yeelay Alle taas ayaga ayuu siiyay wuxuuna yiri:
Macnaha aayadda waxaa waaye:
“Ki doono oo adinka idinka mid ah ha toosnaado”.
Macnaha aayadda waxaa waaye:
“Ruuxi doono ha rumeeyo ruuxi doonana ha gaaloobo (waana handadaad ee in ay gaaloobaan looma ogola)”.
Iyagana waa lagu mahdin wixi waagsan, wixii xunna waa lagu eedeeyaa, Allana kuma ciqaabayo addoomanka amar ayna doorasho ku laheyn.
وَمَا أَنَا بِظَلاَّمٍ لِّلْعَبِيدِ
.[ [سورة ق، الآية: ٢٩ » 29): قال تعالى
Macnaha aayadda waxaa waaye:
“Ma ihi aniga mid dulmin badan addoomanka.”
Insaankuna waa garanayaa farqiga u dhexeeyo doorashada iyo qasabka, tusaale ahaan: qof uga soo degay guri dushii jaranjaro, iyo qof laga soo tuuray guriga dushiisa isma lahan, oo kan hore doorasho ayuu ku sameeyay falkaas kan danbana waa lagu qasbay.
6. Iswaafajinta uumidda Alle iyo falka addoonka:
Alle ayaa uumay addoonka iyo falalkiisa, wuxuuna u yeelay doonid iyo awood, addoonkuna asaga ayaa sameynayo falkiisa si xaqiiqa ah, hadduu rumeeyana waxuu ku rumeeyay dooniddiisa, hadduu gaaloobana wuxuu gaaloobay khiyaarkiisa, tusaalo ahaan haddaan dhahno: mirahaan geedkan ayay kasoo bexeen, abuurkaanna dhulkaan ayuu ka yimid, macneheedu waxaa waaye ayada ayuu ka sameysmay kana soo baxay, haddii aan dhahnase xag Alle ayuu ka ahaaday macnaheedu waxaa waaye Alle ayaa uumay, labadaa hadalna iskama hor imaanayaan, sidaas ayayna isku waafaqayaan sharciga iyo qaddarka.
وَاللَّهُ خَلَقَكُمْ وَمَا تَعْمَلُونَ
.[ [سورة الصافات، الآية: ٩٦ » 96: قال تعالى
Macnaha aayadda waxaa waaye:
“Allaa idin abuuray iyo waxaad sameyneysaan.”
فَأَمَّا مَن أَعْطَى وَاتَّقَى، وَصَدَّقَ بِالْحُسْنَى، فَسَنُيَسِّرُهُ لِلْيُسْرَى، وَأَمَّا مَن بَخِلَ وَاسْتَغْنَى، وَكَذَّبَ بِالْحُسْنَى، فَسَنُيَسِّرُهُ لِلْعُسْرَى
(6) : قال تعالى (8) (7) [١٠[سورة الليل، الآيات: ٥ » 10) )
Macnaha aayadda waxaa waaye:
“Kiise wax baxsha, cabsadana, rumeeyana tii wanaagsaneyd, waan u fududeyneynaa tan fudud, kiise bakhiilo iskuna filnaado beeniyana tii wanaagsaneyd waxaan u fududeyneynaa tii adkeed.”
7. Waajibka addoonka dushiisa ahaaday xagga qaddarka
Waxaa waajib uga ah addoonka dhinacaa laba arrimood:
(1) – In uu Alle u kaalmeysto sameynta waxa uu karo iyo ka fogaanshaha waxa laga digay, Allana weydiisto inuu u fududeeyo kan fudud kana fogeeyo tan adag, talana saarto, magan galyeesto, ahaadana mid u baahan markuu kheyr samaynayo iyo markuu shar ka fogaanayo.
قال صلى الله عليه وسلم:” احرص على ما ينفعك واستعن بالله ولا تعجز وإن أصابك شيء فلا تقل لو أني فعلت كذا لكان كذا ولكن قل قدر الله وماشاء فعل ، فإن لو تفتح عمل الشيطان “.
Nabiga wuxuu yiri:
“Ku dadaal waxa ku anfacaayo, Allana kaalmeyso hana cajisin, haddii ay wax ku asiibaanna ha dhihin haddaan saas sameyn lahaay sidaa bey ahaan laheyd, laakiin dheh: Alle ayaa qaddaray waxa uu doonayna sameeyay, haddiina (dhihidda haddii aan saas…) waxey furtaa camalka sheydaanka.”
(2) – Waxaa ku waajiba inuu ku sabro qadarka murugooninna, ogaadana taasi in ay xag Alle ka ahaatay kuna raalli noqdo, ogaadana waxa asiibay ma gefi laheyn, waxa gefayna ma asiibi laheyn, Nabiga wuxuu yiri:
.” واعلم أن ما أصابك لم يكن ليخطئك وما أخطأك لم يكن ليصيبك”
Macnihiisuna yahay:
“Ogow waxa ku asiibay ma ahayn kuwa ku gefaya, waxa ku gefayna ma ahayn kuwa ku asiibo”.
8. Ku raalli noqoshada xukunka iyo qadarka
Waxaa loo baahan yahay qadarka in lagu raalli noqdo, maxaa yeelay waxey ka mid tahay ku raalli noqoshada rabbinnimada Alle, waxaana looga baahan yahay muumin walba in uu raalli ku noqdo waxa uu Alle qaddaray, maxa yeelay wax walba oo uu Alle qaddaray waa kheyr waana caddaalad iyo xikmad, qofki naftiisa ku degganaato waxii asiibay in aysan dhaafi laheyn wixi dhaafayna inaysan ku dhici laheyn.
Waxaa naftiisa ka baaba’ay wareer iyo noqnoqosho, waxaana noloshiisa ka dhammaaday cabsi iyo murug, oo kama murugoonayo wixi dhaafay, kamana cabsanayo mustaqbalka, sidaa ayuuna ku noqonayaa dadka kan ugu xaalad wanaagsan uguna naf wanaagsan, uguna qalbi deggan, qofki ogaadana in waqtigiisa kooban yahay risiqigiisana tirsanyahay cabsi waqtigiisa masiyaadineyso bakhiiltinnimana ma badineyso risiqiisa, wax walbana waa qoran yihiin, qofki ku samro wixi asiibo Allana denbi dhaaf u weydiisto wixi danbi ah oo uu geystay, raallina ku noqdo wixi Alle dushiisa ku qoray oo musiibaa, wuxuu kulminayaa adeecid Alle iyo ku samirka masaa’ibta.
مَا أَصَابَ مِن مُّصِيبَةٍ إِلاَّ بِإِذْنِ اللَّهِ وَمَن يُؤْمِن بِاللَّهِ يَهْدِ قَلْبَهُ وَاللَّهُ بِكُلِّ شَيْءٍ عَلِيمٌ
.[ [سورة التغابن، الآية: ١١ » 1) )
Macnaha aayadda waxaa waaye:
“Ma asiibin musiibo idan Alle maahane , ruuxi rumeeyo Alle wuu hanuuninayaa qalbigisa, Alllena wax walba ogaal buu u leeyahay”.
فَاصْبِرْ إِنَّ وَعْدَ اللَّهِ حَقٌّ وَاسْتَغْفِرْ لِذَنبِكَ وَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ بِالْعَشِيِّ وَالإِبْكَارِ
: قال تعالى .[ غافر، الآية: ٥٥
Macnaha aayadda waxaa waaye:
“Sabar, balanta Alle waa xaqe, dhaafIDna u weydiiso danbigaada.”
9. Hanuunku waa labo
(1) Hanuun tusid xaq ah iyo ku toosin, taasina khalqiga oo dhan ayay u sugnaatay, waana tey awoodaan rususha iyo dadka raaco.
وَإِنَّكَ لَتَهْدِي إِلَى صِرَاطٍ مُّسْتَقِيمٍ
.[ [سورة الشورى، الآية: ٥٢ » 52) ) : قال تعالى
Macnaha aayadda waxaa waaye:
“Adiga waxaad u hanuunisaa jidka toosan.”
(2) Hanuunin waafajin iyo ku sugid xaqa ah, waana fadli uu ku galladeysanayo Alle addoomankiisa ka baqay, cidaan Alle aheyna ma awooddo.
إِنَّكَ لا تَهْدِي مَنْ أَحْبَبْتَ وَلَكِنَّ اللَّهَ يَهْدِي مَن يَشَاء
: قال تعالى .[ [سورة القصص، الآية: ٥٦
Macnaha aayadda waxaa waaye:
“Adiga ma hanunisid ruuxi aad doonto, laakiin Alle baa hanuuniyo ciduu doono”.
10 Iraadada (doonidda) ku jirta kitaabka Alle waa labo
(1) – Doonid kowni ah oo Alle qaddaray, waana doonid saameyneysa dhammaan waxyaabaha jooga, waxuu Alle doono way ahaadan, wuxuu dooninna ma ahaannin, waxayna laasimsanaysaa wixii Alle doonay inay dhacaan, laazimsanmayso inuu Alle jecelyahay in ay doonidda sharciga ah ku xariirsanaato mooyaane.
فَمَن يُرِدِ اللَّهُ أَن يَهْدِيَهُ يَشْرَحْ صَدْرَهُ لِلإِسْلامِ
:قال تعالى .[ [سورة الأنعام، الآية: ١٢٥
Macnaha aayadda waxaa waaye:
“Ruuxi uu doono Alle in uu hanuuniyo wuxuu u ballaariyaa labtiisa Islaamka.”
(2) – Doonidda sharciga ah, waana tan Alle jecelyahay raallina ka yahay, laazimna maaha inay dhacdo in ay la xariirsanaato tan kowniga ah mooyaane.
يُرِيدُ اللَّهُ بِكُمُ الْيُسْرَ وَلاَ يُرِيدُ بِكُمُ الْعُسْرَ
سورة ] ¼. : قال تعالى .[ البقرة، الآية: ١٨٥
Macnaha aayadda waxaa waaye:
“Wuxuu idinla doonayaa Alle fudeydka, idinlama doonayo culeyska”.
Doonidda kowniga ah ayaa ka guudsan midda sharciga ah maxaa yeelay mid walba oo sharci ah waa kowni, mid walba kown ahaan u dhacayna ma aha sharci, iimaanka abu baker –tusaala ahaan– waxa ku taxaquqay labada iraaddo.
Gaalnimada abuu jahalna waxaa laga helay tan kowniga ah bes, maxaa yeelay Alle gaalnimada raalli kama aha, mana jecla mana amrayo, iskaba dhaafe wuu necebyahay wuuna xarrimay, wixi daacada ama iimaana Alle wuu jecelyahay wuuna amrayaa qofki sameeyana wuxuu u ballan qaadayaa ajir iyo xasanaat iyo abaal marin, Allana laguma caasiyo doonid la’aantiisa, mana dhacayaan waxuusan doonin,
وَلا يَرْضَى لِعِبَادِهِ الْكُفْرَ
.[ سورة الزمر، الآية: ٧ ]: قال تعالى
Macnaha aayadda waxaa waaye:
“Raalli ugama ahan addooman kiisa gaalnimada.”
وَاللَّهُ لاَ يُحِبُّ الْفَسَادَ
.[ [سورة البقرة، الآية: ٢٠٥ » 205 ) ): قال تعالى
Macnaha aayadda waxaa waaye:
“Alle ma jeclo fasaadka.”
11. Asbaabta celiso Qadarta
Alle wuxuu u yeelay qaddara asbaab celiso sida:
- Ducada,
- Sadaqada,
- Dawada,
- Qaadashada digtoonaanta.
Dhammaantoodna waa qadar iyo xukun Alle.
12. Qaddarka waa sirta Alle ee khalqigiisa
Dhihidda qadarku waa sirta Alle ee khalqigiisa waxey ku kooban tahay dhinaca qarsoon ee qadarka, arrimahana xaqiiqadooda sida ay tahayna Alle maahane cid kale ma oga, basharkana ma daalacan karo, sida baadiyeynta, hauuninta, dilidda, nooleynt, hoojinta, siinta.
“.كما قال صلى الله عليه وسلم:” إذا ذكر القدر فأمسكوا”
Siduu Nabigaﷺ yiriba:
“Haddii qaddarka la sheego ka aamusa”. [Muslim baa weriyay].
Laakiin dhinacyada kale ee qaddarka iyo xikamooyinka laga leeyahay iyo darajaadkiisa way bannaan tahay in dadka loo caddeeyo lana ogeysiiyo sida uu nabiga yiri oo kale marki uu jibriil arkaanta iimaanka waydiiyay:
“هذا جبريل أتاكم يعلمكم دينكم ” رواه مسلم
Wuxuu yiri: “Kani waa jibriil oo idiin yimid si uu idin baro diintiina”.
13. Xujo ka dhigashada qadarka
Ogaanshihi Alle ee horreeyay ee uu ogaa waxa dhici doona waa arrin naga qarsoon oo Alle mooyee qof kale usan ogeyn, waana ka qarson yahay mukallafiinta, qofna xujo kama dhigan karo, mana bannaano in looga tago acmaasha isku halleyn leysku halleynayo wixii uu Alle qaddaray, qaddarkuna xujo kuma ahan Alle dushiisa iyo khalqigiisaba, haddii ay baannaanaan laheyd in xujo looga dhigto qaddarka waxa la sameynayo oo ah danbiyo lama ciqaabeen ruux daalim ah, gaalna lama dileen, xadna lama oogeen, ruxna dulmi lagama qabteen, taasina waa fasaad duunyo iyo diin, oo dhibkiisu muuqdo, waxaana ku leennahay qofka xujo ka dhiganaya qadarka: ma ogid in aad ahlu janno tahay iyo in aad ahlu naar tahay, haddii aad ogaan laheydna waxba laguma amreen waxna lagaama reebeen, laakiin shaqey, Allana wuxuu u dhawyahay inuu ku waafajiyo in aad noqoto ahlu janno, saxaabada qaar ayaa waxey dheheen marki ay maqleen axaadiithta ku saabsan qadarka:” ma aheyn mid kadadaal badan markii hore hadda.”
Nabigana waxuu yiri marki wax laga weydiiyay xujo ka dhigashada qadarta…
قال صلى الله عليه وسلم: “ اعملوا فكل ميسر لما خلق له فمن كان من أهل السعادة فسييسر لعمل أهل السعادة ، ومن كان من أهل الشقاوة فسييسر : لعمل أهل الشقاوة ، ثم قرأ
Macnihiisana yahay:
“Camalfala mid walba waa loo fududeeyay wixi loo abuuray, ruuxi ahaayna ahlu liibaan waxa loo fududeynayaa camalka ahlu liibaanka, ruuxi ka mid ahaana dadka halaagmay waxaa loo fududeynayaa camalka dadka halaagmay markaa buuna akhriyay..”
فَأَمَّا مَن أَعْطَى وَاتَّقَى، وَصَدَّقَ بِالْحُسْنَى، فَسَنُيَسِّرُهُ لِلْيُسْرَى، وَأَمَّا مَن بَخِلَ وَاسْتَغْنَى، وَكَذَّبَ بِالْحُسْنَى، فَسَنُيَسِّرُهُ لِلْعُسْرَى
(6) : قال تعالى (8) (7) [١٠[سورة الليل، الآيات: ٥ » 10) )
Aayadaha macnahooduna waa:
“Kiise wax baxsha, cabsadana, rumeeyana tii wanaagsaneyd, waan u fududeyneynaa tan fudud, kiise bakhiilo iskuna filnaado beeniyana tii wanaagsaneyd waxaan u fududeyneynaa tii adkeed “.
14. Qaadashada asbaabta
Addoonka waxaa ku dhacayo waa laba arrimood, mid xeeladi ka furan tahay, kaana kama caajisayo, iyo mid aysan xeeladi ka furrneyn, kaana kama wel welwelaayo, Alle wuu ogyahay masaa’ibta inta aysan dhicin ka hor, mana ahan cilmigiisa kan sababay dhicidda musibada ee asbaabta la xiriirta ayaa sabab u ah, haddii ay tahay sababtu gaabid ka timid dhinaca ruuxa dayacid uu dayacay asbaabti iyo wixi ka badbaadi lahaa darteed asaga ayaa lagu eedeynayaa badbaadin la’aanta naftiisa iyo inuu ka tegay asbaabti uu isku ilaalin lahaa.
Asbaab qaadashadana qadarka kama hor imaaneyso iyo talasaarashada, waaba qeyb ka mid ah, laakiin hadduu qaddarki dhaco waxaa waajib ah in raalli lagu noqdo, layiraahdana “Allaa qaddaray wuxuu doonaynna sameeyay” laakiin inta aysan dhicin ka hor waa in adoonku uu qaataa asbaabta la baneeyay ee qadarka ku celiyo qadar, anbiyadana waxey qaateen asbaabta ka ilaalineysa cadowgooda iyagoo lagu ayidayo waxyi Allena ilaalinayo, rasuulki Allana wuxuu ahaa-naxariis Alle iyo nabadi dushiisa ha ahaateesayidki tala saarta yaasha, mid qaadan jiray asbaabta, rabbigiisna talo saar adag tala saarajiray.
وَأَعِدُّواْ لَهُم مَّا اسْتَطَعْتُم مِّن قُوَّةٍ وَمِن رِّبَاطِ الْخَيْلِ تُرْهِبُونَ بِهِ عَدُوَّ اللَّهِ وَعَدُوَّكُمْ
: قال تعالى .[ سورة الأنفال، الآية: ٦٠ ]
Macnaha aayadda waxaa waaye:
“U diyaariya ayaga waxaad kartaan oo xoog ah iyo xiridda fardaha, waxaad ku cabsi gelineysaan cadawga Alle iyo cadawgiinna “.
هُوَ الَّذِي جَعَلَ لَكُمُ الأَرْضَ ذَلُولا فَامْشُوا فِي مَنَاكِبِهَا وَكُلُوا مِن رِّزْقِهِ وَإِلَيْهِ النُّشُورُ
: قال تعالى [ [سورة الملك، الآية: ١٥ » 15)
Macnaha aayadda waxaa waaye:
“Asaga (Alle) waa kii idiinka yeelay dhulka mid sahlan ee ku socda waddooyin kiisa kana cuna quud kiisa, xaggiisaana kulmisku ahaan doonnaa.”
:قال صلى الله عليه وسلم
” المؤمن القوي خير وأحب إلى الله من المؤمن الضعيف وفي كل خير ، احرص على ما ينفعك واستعن بالله ولاتعجز ، وإن أصابك شيء فلا تقل لو أني فعلت كذا لكان كا ولكن قل قدر الله ما شاء الله فعل فإن لو تفتح عمل الشيطان “
.[رواه مسلم]
Macnihiisana:
“Muminka xoogga leh ayaa ka kheyr badan Allana ka jecel yahay midka daciifka ah, kulligoodna kheyr baa ku jira, kuna dadaal waxa ku anfacaayo, Allana kaalmeyso hana cajisin, haddii ay wax ku asiibaanna ha dhihin hadaan saas samey lahaay sidaa bey ahaan laheyd, laakiin dheh Alle ayaa qaddaray waxa uu doonayna sameeyay, haddiina (dhihidda haddii aan saas…) waxey furtaa camalka sheydaanka”.
15. Xukunka qofka inkiro qadarka…
Qofka inkiro qadarka wuxuu inkiray asal ka tirsan asallada shareecada waana gaaloobay, salafka qaar ka mida baa waxey dheheen:
“Kula dooda “qadariyada” cilmi, hadday diidaanna waa gaaloobeen, hadday yeelaanna waa laga xujo badiyay”.
16. Miraha uu leeyahay rumeynta qadarka…
Rumeynta qadarka waxey leedahay miro wanaagsan iyo raad fiican, kulana soonoqoneyso ruuxa iyo mujtamaca wanaag, waxana ka mid ah:
(A) – Wuxuu dhalayaa cibaadooyin wanaagsan, sida: u kali yeelidda Alle, talasaaarashadiisa, cabsidiisa, rajeyntiisa, malada oo lagu wanaajiyo, samir iy dul qaadasho, la diriridda quusashada, Alle oo lagu raalli noqdo, Alle kaliya in lagu shukriyo, in lagu farxo fadligiisa iyo naxariistiisa, iyo in loo jajabnaado, kibirka iyo isla weyninkana laga tago, iyo in wax lagu baxsho wajiyada kheyrka oo dhan kalsooni lagu kalsoon yahay Alle darteed, geesinnimo, qanaaco, naf sarreysa, himma dheerid, dadaal, dhexdhexaadnimo ladnaanta iyo dhibkaba, ka nabad gelid xasadka, caqliga oo laga xoreeyo khuraafaadka iyo baadilka, deggenaashaha qalbiga iyo raaxada nafta.
(B) – Qofka qaddarta rumeeyo noloshiisa waxey ku soconeysaa dariiq toosan, oo nicmana ma kibrineyso musiibadana ma quusineyso, wuxuuna yaqiin sanayaa wixi asiibay oo dhib ah in ay tahay wax Alle u qoray ebtelo awgeed, mana murugoonayo ee wuu sabrayaa.
(T) – Wuxuu ka ilaalinayaa asbaabta baadida, iyo khaatimo xumida, maxaa yeelay qadarka waxuu dhalinayaa in uu ku dadaalo toosnaanta, wanaagana badiyo, macsidana ka fogaado iyo waxa halligayo.
(J) – Muuminiinta wuxuu sabab ugu noqdaa in ay uga hortagaan waxyaabaha adadag iyo musiibada, qalbi sugan iyo yaqiin dhammeystiran iyada oo asbaabtana la qaadanayo.
:قال رسولُ اللهِ صلى الله عليه وسلم عَجَبًا لأمرِ المؤمنِ إِنَّ أمْرَه كُلَّهُ لهُ خَيرٌ وليسَ ذلكَ لأحَدٍ إلا للمُؤْمنِ إِنْ أصَابتهُ سَرَّاءُ شَكَرَ فكانتْ خَيرًا لهُ وإنْ أصَابتهُ ضَرَّاءُ صَبرَ فكانتْ خَيرًا لهُ
[. رواهُ مُسْلِمٌ]
Nabigaﷺ wuxuu yiri:
“Layaab waxaa leh arrinka muminka, arrinkiisa oo dhan waa kheyr, kaasna malaha muuminka cidaan aheyn, hadday asiibto ladnaan wuu mahdiyaa kheyr baana u ahaaday, haddii ay dhibaato heshana wuu samraa sidaana kheyr ayaa ugu sugnaaday.”
[Muslim ayaa weriyay].
Halkaan ayyuu innoogu dhammaaday duruus teennii qiimaha badannaa ee Arkaanta Iimaanka, mahaddaana waxaa iskaleh Alle weyne (swt) oo inoo fududdeeyay diyaarin tiissii, waxaana Alle weyne ugu baryeynaa dhammaan walaalaha ka soo shaqeeyay oo inuu tafatiray ama si faahfaahsan innoogu qeexay inuu Ilaahay (swt) miizaan kooddii xassanaadka u saaro iyaga iyo waalliddiin toodana dembi dhaaf iyo janno uga abbaal mariyo. Aammiin.
Tusmada KitaabkaAkaanta Iimaanka
Horudhac
Mahad Allaah kaliya baa is kale, naxariis iyo nabad gelyana ha ahaato nabigeenna Muxammadﷺ dushiisa, iyo ehel kiisa iyo saxaaba diisa.
Intaa ka dib:
Fidinta culuumta islaamka waxay raad weyn ku leedahay sababna u tahay caddeynta xaqiiqada islaamka iyo sugidda arkaanta diinta iyo kor u qaadida ummadda. Hadaf kaa wanaagsan oo sharafta leh waaye kan ay u socoto sugiddiisa jaamacadda islaamka ee madiina, iyada oo u qaadeysa dhabbaha dacwada iyo tacliinta.
Sidaa darteed ayayna u istaagtay qeybta cilmi baarista ee jaamacadda in ay diyaariso mashruucyo cilmiyeeysan oo hadaf leh, waxaana ka mid ah baaritaanno sugan siffiicanna loo diyaariyay oo ku saabsan islaamka iyo wanaaggiisa, dadaal ay dadaaleyso awgiis si ayu gaarsiiso ummadaha islaamka macluumaatka kuwa ugu sugan uguna saxiixsan, kuwaas oo ku saabsan islaamka iyo caqiidadiisa iyo shareecadiisa.
Kitaab kaan ku saabsan (Arkaanta Iimaanka) waa mid ka mid ah baraamijta cilmiga ah ee qeybta cilmi baarista, waxaana diyaariyay qaar ka mid ah macalimiinta jaamacadda, kadibna waxaa dib u daraaseeyay guddi cilmiyeed ka tirsan qeybta cilmi baarista, si loo dhameystiro waxa ka dhiman, si uu ugu soo baxo kitaabkaan hab wanaagsan oo munaasab ah, iyagoo sheegaya mas’ala kasta daliiladeeda ku soo arooray kitaabka iyo sunnada.
Qeybta cilmi baarista jaamacadduna waxay uga gol leedahay daraasaddan fududeyn ay u fududeyneyso muslimiinta caalamka in ay helaan cilmi diineed nafci leh, sidaa darteed ayay u istaagtay in ay u tarjumto kitaabkaan luqadaha caalamiga ah, kadibna fidiso, gelisana internetka.
Waxaanna Allaah u weydiineynaa dowladda boqortooyada (Sucuudi Carabiya) inuu kheyr ka siiyo waxa dadaala oo ey u qabaneyso ummada islaamka iyo fidintiisa iyo difaaciisa, iyo waxa ey u qaddimeyso jaamacaddan oo gargaara.
Waxaan kaloo Allah (swt) weydiisaneynaa inuu dadka ku anfaco kitaab kaan, fududeeyana soo saaridda inta ka hartay mashruucyada ay fulineyso qeybta cilmi baarista ee jaamacadda, sidoo kale waxaan weydiisaneynaa Allah inuu na waafajiyo waxa uu jecel yahay raallina ka yahay, nagana yeelo kuwa u yeero hanuunka, xaqana u gargaara.
Naxariis Alle iyo nabad gelyana ha’ahaato nabi Muxammadﷺ dushiisa iyo ehel kiisa iyo saxaabadiisa.
Wa Billaahi Tawfiiq.
Fadlan la soco qaybta xigta waxa aynu ku soo qaadan doonaa Rukniga 6aad oo ku saabsan Rumeynta (Qadarka) Alle (swt) soo dejiyay.
Lixda Rukni ee Arkaanta Iimaanka |
Comments