Hadalo Dhaxal Gala (Qaybta: 4)
(Iimaanka, xaqiiqada nolosha, geerida, dambiga, camalka suuban, baraaruga qalbiga iyo waxyaabo kale oo u baahan in la xusuusto)
**Qormooyinkani waxay ka mid yihiin buug soo bixi doona**.
(19) Imaam Shaafici رحمه الله ayaa yidhi: “ Baqdaad ayaan ka baxay anigoon kaga tagin nin ka fadli badan, oo ka cilmi badan, oo ka faqiihsan kana taqwo badan Axmed bin Xanbal”.
خرجت مِن بغداد فما خلفت رجلاً أفضل ولا أعلم ولا أفقه ولا أتقى مِن أحمد بن حنبل
(20) Imaam Axmed bin Xanbal رحمه الله ayaa yidhi: “Waxaanu nahay masaakiin, arsaaqdayada ayaanu cunaa, ajashayadana (geerida) waanu sugaynaa”.
نحن قوم مساكين ، نأكل أرزاقنا وننتظر آجالنا
(21) Yaxya bin Maucaad رحمه الله ayaa yidhi: “ Cadowga insaanku (qofka) waa seddex: Aduunaydiisa iyo shaydaankiisa iyo naftiisa, aduunyada iskaga ilaali zuhdiga, shaydaankana iskaga ilaali inaad khilaafto, naftana iskaga ilaali inaad ka tagto shahawaatka”.
أعداء الإنسان ثلاثة: دنياه ، وشيطانه ، ونفسه ، فاحترز من الدنيا بالزهد ، ومن الشيطان بمخالفته ، ومن النفس بترك الشهوات
(22) Cumar bin Cabdulcaziiz رحمه الله ayaa yidhi: “ Haddii xuska geeridu ka baxo qalbigayga saacad kaliya wuu xumaanayaa’.
لو فارق ذكر الموت قلبي ساعة لفسد
(23) Ibraahiim bin Ad-ham رحمه الله ayaa yidhi: “Haddaad adigu mar walba eegto muraayada towbada, waxa kuu muuqanaya foolxumada sharka macsida”.
إنك إن أدمنت النظر في مرآة التوبة بان لك قبيح شر المعصية
(24) Fudayl bin Ciyaad رحمه الله ayaa yidhi “Qofkii Ilaahay ka cabsada cidna ma dhibto, qofkiise ka cabsada cidaan Ilaahay ahayn cidna ma anfacdo”
من خاف الله لم يضره أحد، ومن خاف غير الله لم ينفعه أحد
Dr.Maxamed Sh.Cabdiraxmaan kaariye

Comments