Hadalo Dhaxal Gala (Qaybta: 3)
(Iimaanka, xaqiiqada nolosha, geerida, dambiga, camalka suuban, baraaruga qalbiga iyo waxyaabo kale oo u baahan in la xusuusto)
**Qormooyinkani waxay ka mid yihiin buug soo bixi doona**
(13) Cabdullaahi bin Cabaas رضي الله عنه ayaa yidhi:
“Ha la fadhiisan kuwa hawo raaca ah, waayo la fadhiisigoodu qalbiyada ayuu cudur ku keenaa”

لا تجالس أهل الأهواء فإن مجالستهم ممرضة للقلب
(14) Haram bin Xayaan رحمه الله ayaa yidhi :
“Adoonkii qalbigiisa u jeediya xaga Ilaahay, Ilaahay ayaa qalbiyada mu’miniinta u soo jeediya xagiisa, ilaa uu ku arsaaqo jacaylkooda”
ما أقبل عبدٌ بقلبه إلى الله ، إلا أقبل الله بقلوب المؤمنين إليه حتى يرزقه ودهم .
(15) Abuu Yaziid Al-Busdaami رحمه الله ayaa yidhi :
“Ma joojin inaan naftayda u hogaamiyo xaga Ilaahay (u kaxeeyo) iyadoo ooyaysa, ilaa aan u kaxeeyay iyadoo qoslaysa”
ما زلت أقود نفسي إلى الله وهي تبكي ، حتى سقتها وهي تضحك
(16) Bishir bin Al-Xaaris رحمه الله ayaa yidhi:
“Ilaahay kama cabsan qofka jecel inuu caan noqdaa”
ما اتقى الله من أحب الشهرة
(17) Axmed bin Xanbal رحمه الله ayaa lagu yidhi:
Sidee lagu gartaa beenaalayaasha? “Wuxuu yidhi balamahooda”
قيل لأحمد بن حنبل : كيف تعرف الكذابين ؟ قال : بمواعيدهم .
(18) Xasan Al-Basri رحمه الله ayaa ydihi:
“Ka baadhbaadh (raadi) macaanka seddex dhexdooda: Salaada, akhriska Qur’aanka iyo xuska Ilaahay, haddaad kaasi hesho hore u soco oo bushaarayso, haddii kalese ogow in albaabkaagu xidhan yahay ee u shaqee furiddiisa”
تفقَّد الحلاوة في ثلاثة: في الصلاة، والقراءة، والذكر، فإن وجدت ذلك، فامضِ وأبشِر، وإلا فاعلم أن بابك مغلق، فعَالِجْ فتحَه
Dr.Maxamed Sh.Cabdiraxmaan Kaariye

Comments