Hadalo Dhaxal Gala (Qaybta: 2)
(Iimaanka, xaqiiqada nolosha, geerida, dambiga, camalka suuban, baraaruga qalbiga iyo waxyaabo kale oo u baahan in la xusuusto)
**Qormooyinkani waxay ka mid yihiin buug soo bixi doona**
(7) Imaam Axmed ayaa la weydiiyay:
Goorma ayuu adoonku heleyaa dhadhanka raaxada? Wuxuu yidhi: "Markuu janada cagta dhigo"
سئل الإمام أحمد: متى يجد العبد طعم الراحة؟ قال: عند أول قدم يضعها في الجنة.
(8) Xasan Al-Basri ayaa yidhi:
“ Mu’minku wuxuu sameeyaa daacada isagoo cabsanaya oo baqanaya, faajirkuse macsida ayuu sameeyaa isagoo aamin qaba.”
المؤمن يعمل بالطاعات وهو مُشْفِق وَجِل خائف، والفاجر يعمل بالمعاصي وهو آمن.
(9) Maxamed bin Ak-munkadir رحمه الله ayaa yidhi:
“Ilaahay ninka suuban wuxuu ku ilaaliyaa ilmihiisa, ilmaha ilmihiisa, baladkiisa iyo meelaha ku hareeraysan, oo kama zuulaan ilaalin iyo asturaad xaga Ilaahay ah.”
إن الله ليحفظ بالرجل الصالح ولده وولد ولده وبلدته والدويرات التي حوله فمايزالون في حفظ من الله وستر.
(10) Al-Awzaaci رحمه الله ayaa yidhi:
“ Ku sabirsii naftaada sunaha, istaag halkay qowmku istaageen, dheh waxay yidhaahdeen, kana joogso waxay ka joogsadeen, raac jidkii salafkaakii suubanaa, waxa kugu filan wixii iyaga ku filnaa.”
اصبر نفسك على السنة ، وقف حيث وقف القوم ، وقل بما قالوا ، وكف عما كفوا ، واسلك سبيل سلفك الصالح ، فإنه يسعك ما وسعهم.
(11) Ad-Dahabi رحمه الله ayaa yidhi:
“Cilmigu ma aha warinta badan, ee waa nuur ilaahay geliyo qalbiga, shardigiisuna waa raacitaanka iyo in laga baxsado hawada iyo bidcada.”
إن العلم ليس بكثرة الرواية، ولكنه نور يقذفه الله في القلب، وشرطه الاتباع، والفرار من الهوى والابتداع.
(12) Abuubakar Al-Waraaq ayaa yidhi:
“U kaalmayso socodka aad ugu jirto Ilaahay xagiisa inaad ka tagto wixii kaa mashquulinaya Ilaahay caza wajalla, mana jiro wax kaa mashquuliya Ilaahay caza wajalla oo la mida naftaata kugu dhex jirtaa.”
استعن على سيرك إلى الله بترك من شغلك عن الله عز وجل، وليس بشاغل يشغلك عن الله عز وجل كنفسك التي هي بين جنبيك.

Comments