Hadalo Dhaxal Gala (1)
(Iimaanka, xaqiiqada nolosha, geerida, dambiga, camalka suuban, baraaruga qalbiga iyo waxyaabo kale oo u baahan in la xusuusto)
===========================================
(1) Ibnu Qayim ayaa yidhi:
(Ma jiro xabsi ka cidhiidhsan hawa raaca, mana jiro dabar ka adag dabarka waxay naftu jeceshahay.)
لا سجن أضيَق من سجن الهوى، ولا قيد أصعَب من قيد الشَّهوة.
"الداء والدواء."
(2) Cabdullaahi bin Mascuud رضي الله عنه ayaa yidhi:
( Waxaan filayaa inuu qofku ilaabo cilmi uu bartay, dambi uu ku dhacay awgii.)
إني لأحسبُ أن الرجل ينسى العلم يعلمه بالذنب يعملهُ.
(3) Xasan Al-Basri ayaa yidhi:
(Ilaahay ha u naxariisto adoon naftiisa u bandhigay kitaabka Ilaahay, oo haddii uu waafaqo amarkiisa Ilaahay u mahad naqa, weydiistana inuu u kordhiyo, hadduu khilaafana is canaanta, oo dhakso u soo noqda.)
رحم الله عبدًا عرض نفسه على كتاب الله، فإن وافق أمره، حمد الله، وسأله المزيد، وإن خالف، استعتَب ورجع من قريب.
(4) Ibnu Rajab ayaa yidhi:
(Khaatimada wanaagsan waxa hela qofka waxa u qarsooni wanaagsan yahay, waayo marka geeridu soo xaadirto suurta gal maaha in layska yeel yeelo wanaag, xiligaana waxa soo baxa wixii ku qarsoonaa qalbiga.)
الخاتمة الحسنة لا تقع إلَّا لِمن كانت سريرتُه حسنة؛ لأنَّ لحظة الموت لا يمكن تصنُّعها، فلا يَخرج حينئذٍ إلَّا مكنون القلب.
(5) Ibnu Qayim ayaa yidhi:
( Haddii Ilaahay khayr la doono adoonka, qalbigiisa ayuu ka saaraa inuu arko camaladiisa wanaagsan iyo inuu carabkiisa kaga sheekeeyo, wuxuuna ku mashquuliyaa inuu arko danbigiisa.)
"إنَّ الله إذا أراد بعبد خيرًا، سلب رؤيةَ أعماله الحسنة من قلبه، والإخبار بها من لسانه، وشغَلَه برؤية ذنبه"
Xasan Al-Basri ayaa yidhi:
(Ma arag cibaado ka adag salaaada habeenka dhexdiisa " qiyaamu laylka", waana ficilada dadka mutaqiinta ah ee Ilaahay ka cabsada.)
ما رأيت شيئا من العبادة أشد من الصلاة في جوف الليل، وإنها لمن أفعال المُتقين
(6) Ibnu Qayim ayaa yidhi:
(Haddii qalbigu ku iftiimo nuurka iimaanka waxa dhinac walba ka soo qaabila daruuraha iyo wafdiyada khayrka, markaasuu qofkaasi u kala guuraa daacad ilaa daacad kale
Haddiise qalbigu ku mugdiyoobo mugdiga macsida waxa dhinac walba ka soo qaabila daruuraha balaayada iyo sharka, markaasuu qofkaasi u kala guura macsi ilaa macsi kale.)
"إذا استنار القلب بنور الإيمان أقبلت سحائب وفود الخيرات إليه من كل ناحية فينتقل صاحبه من طاعة إلى طاعة .
وإذا أظلم القلب بظلمة المعصية أقبلت سحائب البلاء والشر إليه من كل ناحية فينتقل صاحبه من معصية إلى معصية."
Dr.Maxamed sh.Cabdiraxmaan Kaariye
La soco qaybaha kale, lana wadaag walaalaha kale.

Comments