Dayax Madoobaadka Iyo Muranka Zanaadiqada
====================================
Dhacdadii dayax madoobaadka ee dhacday habeenkay taariikhdu ahayd 07/27/2018 , oo ahaa dayax madoobaadkii ugu dheeraa qarniga kow iyo labaatanaad,waxa ka dhex dhawaaqay codad ku rafanaya shaki iyo shubahaad dhaxalsiisay inay ku margadaan aqbalidda wararka qaybka ee ay waajibka tahay in loo rumeeyo siday ugu yimaadeen waxyiga ku dawinan Kitaabka iyo Sunaha, kana masaxday laabahooda u hogaansiga amarada Ilaahay iyo Rasuulkiisa, iyadoon laga horgaynayn muran maalaayacniya iyo doodo liita oon ku qotomin xujo iyo daliil la cuskan karo. Qaabka ay duulkan aafaysani ula falgaleen cibaadada salaadda dayax madoobaadka iyo in la ducaysto, oo ku ladhnaa jeesjees shaydaaniya, waxa runa inuu ahaa ficil tusaya siday ugu asqoobeen fitno ku dul habsatay oo dardartay caqliyadooda!
In lagu jeesjeeso shacaa’irta iyo cibaadooyinka Allaah (سبحانه وتعالى) jideeyay waa kufri iyo gaalnimo aan laga gilgilan karin ilaa laga toobad keeno, layskana fujiyo kibirka iyo islaweynida horseeday in muran asqaysan oon meelna haysan iyo doodo nacasaysan laga horgeeyo aayadaha iyo calaamadaha Allaah (سبحانه وتعالى).
قُلْ أَبِاللَّهِ وَآيَاتِهِ وَرَسُولِهِ كُنتُمْ تَسْتَهْزِئُونَ (65) لَا تَعْتَذِرُوا قَدْ كَفَرْتُم بَعْدَ إِيمَانِكُمْ ۚ
{ Waxaad tidhaahdaa ma Allaah iyo aayadihiisa iyo Rasuulkiisa ayaydun ahaydeen kuwo ku jeesjeesa, waxba ha cudurdaaranina, dhab ahaan waydun gaalowdeen ka dib iimaankanii}.
Dunida waxa ku nool mulxidiin najaasa iyo zanaadiqo diin-laawayaala oo shaki daxaleeyay quluubtooda oo haddii lagu dul akhriyo ama la tuso calaamad walba aan rumaynayn, marnabana aan ka soo laabanayn jidka baadida iyo halowga ee ay ku tageen, Allaah (سبحانه وتعالى) ayaa kuwan sheegay oo yidhi:
سَأَصْرِفُ عَنْ آيَاتِيَ الَّذِينَ يَتَكَبَّرُونَ فِي الأَرْضِ بِغَيْرِ الْحَقِّ وَإِن يَرَوْاْ كُلَّ آيَةٍ لاَّ يُؤْمِنُواْ بِهَا وَإِن يَرَوْاْ سَبِيلَ الرُّشْدِ لاَ يَتَّخِذُوهُ سَبِيلاً وَإِن يَرَوْاْ سَبِيلَ الْغَيِّ يَتَّخِذُوهُ سَبِيلاً ذَلِكَ بِأَنَّهُمْ كَذَّبُواْ بِآيَاتِنَا وَكَانُواْ عَنْهَا غَافِلِينَ
{ Waan ka leexin doonaa aayaadkayga kuwa isku weyneeya arlada dhexdeeda xaq darro, hadday arkaan aayad walba ma rumeeyaan, hadday arkaan jidka hanuunka kama yeeshaan jid, haddayse arkaan jidka baadida waxay ka yeeshaan jid, sidaasi waa inay beeneeyeen aayaadkayga, waxyna ahaayeen kuwo iyaga hilmaansan} [Suurat Al-Acraaf : 46].
Nabiga Allaah (صلى الله عليه وسلم) wuxuu inoo sheegay in cadceeda iyo dayaxu yihiin laba aayadood ama calaamo oo ka mida aayadaha Allaah (سبحانه وتعالى) , taasina ay keenayso in lagu cibro qaato, oo inagu hogaamiyaan garashada awoodaha Rabi (سبحانه وتعالى) ee ayna soo koobi karin caqliyada aadanahu.
عن ‏أبي مسعود الأنصاري رضي الله عنه ‏ ‏قال ‏قال رسول الله ‏‏صلى الله عليه وسلم: ‏إن الشمس والقمر آيتان من آيات الله يخوف الله بهما عباده وإنهما لا ينكسفان لموت أحد من الناس فإذا رأيتم منها شيئا فصلوا وادعوا الله حتى يكشف ما بكم
Abuu Mascuud Al-Badri ayaa yidhi: Rasuulka Allaah ayaa yidhi: “ Cadceeda iyo dayaxu waa laba calaamo oo ka mida calaamadaha Allaah, wuxuuna Allaah ku cabsi galiyaa adoomihiisa, uma madoobaadaan geerida qof ka mida dadka, ee markaad wax ka aragtaan tukada oo barya Allaah, ilaa laydinka faydo” [Muslim]
Weynida koonku waa mid ka durugsan haleelka caqliga aadnaha , sida uu ku qiray Dr Luke Davies qoraalkiisa ah (How Big is the universe?) ( Waa Intee Weynida Koonku?):
“Our brains struggle to comprehend how big the universe is because everything here on Earth, and even the Earth itself, is very small when compared to the immense scale of the universe” [phys.org].
“Maskaxdeenu waxay la tacaalaysaa inay fahanto inta uu le’eg yahay weynida koonku, waayo wax walba oo dhulka yaala, xataa dhulka laftiisu, waa wax aad u yar marka la barbar dhigo baaxadda cabirka koonka”.
Dhismaha baaxadda weyn ee koonka “ the universe” iyo walxaha tirada badan ee ku dhex firidhsan ee ka kooban xidigaha, meerayaasha, majarooyinka iwm ( stars, plants, galaxies etc), iyo xeerarka isku dheeliga tiran ee hagaya koonku waxay si qumaatiya oo ku lifaaqan qanaaco iimaaniya iyo daliilo cilmiyaysan inoogu muujiyaan oo ina tusaan awoodaha Allaah (سبحانه وتعالى) een qiyaasta lahayn iyo qudradiisa aan xadka lahyn.
ِAllaah (سبحانه وتعالى) wuxuu yidhi:
إِنَّ فِي خَلْقِ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَاخْتِلَافِ اللَّيْلِ وَالنَّهَارِ لَآيَاتٍ لِّأُولِي الْأَلْبَابِ
{ Dhab ahaan abuurka samaawaadka iyo dhulka iyo isbedelka habeenka iyo maalinta aayado ayaa ugu sugan kuwa caqliga leh} [ Suurat Aali- Cimraan: 190].
Kuwa caqliyada u saaxiibka ah ee nafciga iimaaniga ah ka helaya calaamadaha abuurka cirarka iyo dhulka iyo isbedelka habeenka iyo maalintu waa ayo? Natiijadada ka dhalata ee ay gaadhaana waa maxay? Ma natiijo maadiya oo cilmi saynisa oo kaliyaa mise waxa taa ka weyn inay ku cibro qaataan, ku dhaliso fikir togan, una horseedo inay Allaah (سبحانه وتعالى) xusaan xaaladadaha kala duwan ee noloshooda?
Jawaabahan waxaynu ka helaynaa qowlka Allaah (سبحانه وتعالى) ee ah :
الَّذِينَ يَذْكُرُونَ اللَّهَ قِيَاماً وَقُعُوداً وَعَلَى جُنُوبِهِمْ وَيَتَفَكَّرُونَ فِي خَلْقِ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ رَبَّنَا مَا خَلَقْتَ هَذَا بَاطِلاً سُبْحَانَكَ فَقِنَا عَذَابَ النَّارِ
{Kuwa Allaah xusa markay taagan yihiin iyo markay fadhiyaan iyo markay dhinacyadooda u jiifaan( iyagoo leh): Rabigayow umaad abuurin waxan baadil, ee adaa nazahani naga badbaadi cadaabka naarta} [Suurat Aali-Cimraan:191].
Culayska ay leeyihiin ayaadahani ayuu Nabigu صلى الله عليه وسلم la ooyay habeenkii lagu soo dejiyay aayadaha ugu dambeeya suurat Aal-Cimraan, ilaa ay ilamdu qoyasay gadhkiisa iyo dhabtiisii iyo dhulka, kuna yidhi Bilaal رضي الله عنه :
لقد نزلت عليّ الليلة آيات ويل لمن قرأها ولم يتفكر فيها:إِنَّ فِي خَلْقِ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ
“Waxa igu soo degay caawa aayado, hoog wax leh qofka akhriya een ka fakirin”.
Fikirka diinlawaha ah iyo falsafada Allaah ka cararka ah ee ku aadan garshada koonka (the universe), xeerarka fiskiska (laws of physics ) ee Allaah u dhigay koonka, iyo baaxaddiisa iyo baladhkiisa (vast size of the universe), waxa laga dhaxlaa ilxaadnimo iyo in la dafiro jiritaanka Allaah iyo awoodihiisa uu ku jirsiiyay koonka, kuna maamulo, kuna ilaaliyo.
Xaqiiqada jirtaa waxay tahay, inkastoo aadanahu qaadeen talaabooyin ku wajahan garshada koonkeena iyo xeerarka xukuma, waxna ka ogaadeen, haddana sida ay leeyihiin culimada darsa koonku suurtogal maaha inuu saynisku wax walba ka ogaan karo koonkeen “ Science we will never know everything about our universe”, culimada darsa koonku waxay sheegayaan laba arimood oo ah (1) in koonku fidayo oo balaadhanayo iyo (2) in maatarka madow iyo tamarta madow ay tahay boqolkiiba 95 dhismaha koonkeena ( Dark matter and dark energy make up 95 per cent of the universe). Labadan arimood waxay inagu aroorinayaan xaqiiqo hufan oo ah in koonku aad iyo aad u weyn yahay ( the universe is really big ).
Way adagatahay in l ogaado tirada majaraadka “galaxies” koonkeenu ka kooban yahay; “How many galaxies are there in the universe? Counting them seems like an impossible task” [Space.com]. Laakiin Mariyo Lifiyo (Mario Livio) oo ah astarofiskist ka shaqeeya macahadka “the Space Telescope Science Institute in Baltimore, Maryland” wuxuu sheegay in la qiyaasi karo inay koonkeena ka jiraan 100 ilaa 200 bilyan oo majaro.
Sida lagu sheegay mareegtada “Scienceblogs.com” ugu yaraan waxa koonka ku dhex jira 200 bilyan oo majaro “ 200 billion galaxies”, ayna suurtagal tahay inay intaa ka badan yihiin(and possibly even more).
Majaradeena uu dhulkeenu ka mid yahay oo lagu magacaabo “Milky Way” waxa lagu qiyaasaa inay ka kooban tahay ugu yaraan 100 bilyan oo xidigood, oo ay ka mid yihiin xidigo ka weyn ama ka yar cadceedeena “our sun”. Diraasaadka qaarkood ayaaba leh cadceedeenu waxay ka mida tahay 400 bilyan oo xidigood oo ku dhex firidhsan majaradeena.
Meerayaasha ku dhex jira majaradeena waxa lagu qiyaasaa ugu yaraan 100 bilyan oo meerayaal [www.nasa.gov], haddaynu ku xisaabtano in koonkeena ay ka jiraan ugu yaraan 200 bilyan oo majaro, waxaynu ka hadlaynaa in 1,000,000,000,000,000,000,000,000, oo meerayaal ku dhex firidhsan yihiin koonkeena.
Waa ka Allaah (سبحانه وتعالى) yidhi:
ثُمَّ ارْجِعِ الْبَصَرَ كَرَّتَيْنِ يَنْقَلِبْ إِلَيْكَ الْبَصَرُ خَاسِئًا وَهُوَ حَسِيرٌ
{Haddan celi daymada laba jeer , wuu ku soo noqon xaggaaga aragu isagoo dulaysan oo daallan} [Suurat Tabaarak : 4].
Madhaafaanka xaqiiqadu waxay tahay in haddii weynida koonku tahay mid aan la qiyaasi karin sida ay sugayaan culimada falagu, bal ka warama weynida , cadamada iyo jalaalka Khaaliqa (سبحانه وتعالى) Isagu abuuray ee curiyay koonkan ay caqliyada aadanuhu ku dhex dhakafaareen weynidiisa iyo baladhkiisa?
Siduu yidhi Sheekh Cali Dandaawi:
فسبحان الله! لا إله إلا الله، وما أحمق من لا يؤمن بالله
"Waxa nazahan Allaah, Alle xaq lagu caabudu oon Allaah ahayni ma jiro, yaana ka axmaqsan qofka aamini waaya Allaah”.
Waxaynu leenahay nin walba oo dafira jiritaanka Allaah (سبحانه وتعالى) iyo inuu Isagu yahay curiyaha iyo abuuraha koonka baaxaddan lihi, wuxuu ku arooray dariiqa hallowga, wuxuuna ka hadaafay jidka hanuunka garashada Rabigii (سبحانه وتعالى).
Haddaynu Muslin nahay Ilaahay baa nagu og inaanu aaminsanahay In koonka iyo waxa ku dhex jiraba Allaah (سبحانه وتعالى) abuuray, xeerarka fisikada ee sida dheeliga tiran u hagaya qaab socodka meerayaasha, oo walax walba oo dhex qotonka koonka, ama ku socota xawaare xad dhaafa kala haya inay is jiidhaan ama isku dhacaa.
***********************************************************
Dhcado Taabanaysa Caqliga:
Waxaan shaki ku jiran inay madoobaaku yahay dhacdo xoog weyn oo soo jiidanaysa caqliga aadnaha, dad badan oo daawaday dhacdadii cadceed madoobaaka kaamilka ahayd “Total Solar Eclipse” ee la arkay markay taariikhdu ahayd 8/21/2017, oo meelo ka mida gobalkan aan joogo ee “Oregon” ka mid ahaayeen meelaha lagu magacaabay “ Path of Totality”, oo ahayd goobihii laga arkay cadceed madoobaad dhamaystiran, taa awgeedna ay dad badan uga soo socdaaleen daafaha aduunayada si ay goob joog ugu noqdaan, indhahoodana ugu arkaan dhacdadaa cajiibka ahayd , waxa kuu muuqanaya sida ay dad badan oo daawanayay oon Muslin ahayni uga ficil celiyeen ammintii ahayd labada daqiiqo …ee qoraxda oo dayaxa ka weyn afar (400) oo jeer, uu dayaxu kala dhex galay cadceeda iyo dhulka, taasina keenatay inuu inaga qariyay iftiinkii cadceeda ilaa ay dharaartii isku badeshay habeen, samadana ay ka soo baxeen oo la rakay meerayaasha.
Ficil celinta ay dad badani kaga jawaabeen dhacdadan waxa ka mid ahaa in qaarkood qarin kari waayeen dareenkooda ku dheehnaa amakaag, yaab, oohin iyo qaylo ay ku dhawaaqayeen “Oh my god”, qaarna ay ku tilmaameen inay ahayd “Power full Experience” “Khibrad laxaad weyn” ama “Amizing Experience” “Khibrad Cajiiba” iyo ereyo kale oo la mida oo cabiryay raadka laxaadka weyn ee eegmada iyo fiirinta muuqaalkaa kownigu ka dhex aloosay garaadkooda.
Waxa runa in ficil celinta uu ka bixanayo qofka Muslinka ah ee aaminsan awoodaha Allaah, aaminsan inay iman doonto maalin uu qaab dhismeedka uunku is qulubaa geddiyi doono, inuu tagi doono iftiinka cadceedu, oo xidiguhu soo daadan doonaa, samaduna dildilaaci doonto, Allaahna (سبحانه وتعالى) soo bixin doono waxa xabaalaha ku jira, kuna xigi doonto xisaab iyo su’aalo dhici doona maalinta qiyaamaha, ay tahay inuu ku cibro qaadanayo dhacdooyinka noocana, naftiisa cabsi galinayso oo ay ku beerayso dareen iimaanya oo xad dhaafa.
Akhii wa ukhtii, bal hareerahaaga eeg, bal araga indhaha iyo fiirada qalbiga ku gegedi waxa walba oo ku ag maraya, ama ku ag yaala, waxa kuu muuqan doona aayado iyo calaamdo ku tusaya oo kugu hogaaminya garshada awoodaha Allaah (سبحانه وتعالى) iyo in weynidiisu ku xididaysato garaadkaaga, taasina ay qalbigaaga ka buuxiso cabsidiisa iyo khashyadiisa, indhahaagana ka soo burqiso ilamo , naftaadana ku beerto jacaylkiisa iyo u muraaqoodka la kulankiisa iyo u hilowga aragga wajigiisa quruxda badan ee kariimka ah , oo ah yoolka fog ee weyn ee muminiitu u socdaan, u halgamayaan, kuna mashquulsan yihiin siday u hanan lahaayeen una gaadhi lahaayeen, iyagoo Isaga magansanaya kana dalbaya waafajinta iyo toosnaanta.
Cilmu falagu, waa cilmiyada ugu waaweyn ee qofkii racraaca ama wax ka barta ku ridaya tubta garashada awoodaha Allaah (سبحانه وتعالى) iyo qudradiisa aan xadka lahayn, waa cilmi haddii ay qalbiga ku jirto cabsida Ilaahay u kordhinaya iimaan iyo yaqiin, khushuuc iyo hogaan loo loo hogaansamo Khaaliga abuuray koonka cajabata badan ee ka dawikhiyay kuwa darsa.
************************************************************************
Su’aal Meesha Ku Jirta:
Waxa laga yaabaa inaad is weydiiso maxaa keena in kuwo badan oo aqoontan lihi noqdaan mulxidiin diidan inay qiraan xataa jiritaanka Allaah (سبحانه وتعالى) , jawaabtu waxay tahay inay maskax leeyihiin laakiin aanu nuurka iimaanka iyo hidaayadu saldhigin qalbiyadooda uu buuxiyay shakiga, kumayna dheefin araga, maqalka iyo caqliga loo hibeeyay ,Allaah (سبحانه وتعالى) ayaa ydihi:
وَجَعَلْنَا لَهُمْ سَمْعًا وَأَبْصَٰرًا وَأَفْـِٔدَةً فَمَآ أَغْنَىٰ عَنْهُمْ سَمْعُهُمْ وَلَآ أَبْصَٰرُهُمْ وَلَآ أَفْـِٔدَتُهُم مِّن شَىْءٍ إِذْ كَانُواْ يَجْحَدُونَ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ وَحَاقَ بِهِم مَّا كَانُواْ بِهِۦ يَسْتَهْزِءُونَ
{ Waaxaan u yeelnay iyaga maqal iyo aragyo iyo quluub, waxbase kamay tarin maqalkoodii iyo aragyadoodii iyo quluubtoodii , waqti ay ahaayeen kuwa diida aayadaha Allaah, waxana ku koobay shayga ahaayeen kuwa ku jeesjeesa} [Suurat Al-Axqaaf:26].
Waakii Sheekhul Islaam Ibnu Tamiye yidhi:
أوتوا ذكاءً ولم يؤتوا زكاءً
“ Waxa la siiyay maskaxbadni, lamana siin daahirnimo”
Al-Imaam Addahabi رحمه الله ayaa isna yidhi:
لعن الله الذكاء بلا إيمان، ورضي الله عن البلادة مع التقوى.
“ Allaah ha nacdalo maskaxbadni aan iimaan lahayn, ِAllaahna ha ka raali noqdo fahma-daro taqwa leh” [Siyar Aclaam An-Nubalaa: 11/40].
****************************************************************************
Madoobaadku Ma Cadho Allaah Mise Waa cabsiin Xagiisa ah?
سئل الشيخ ابن عثيمين عن اثنين تنازعا في الكسوف : أهو غضب من الله , أم تخويف منه , فقال:
سماحته: المصيب من قال إنه تخويف ; لأن النبي – صلى الله عليه وسلم – صرح بذلك , فقال : يخوف الله بهما عباده , لكن قد يكون هذا التخويف لعقوبة انعقدت أسبابها , ولهذا أمر الناس بالفزع إلى الصلاة والدعاء والاستغفار والصدقة والتكبير.
Sheekhii Caalimka ahaa ee Ibnu Cusaymiin ayaa la weydiiyay laba qof oo ku murmay in madoobaadku yahay cadho Allaah ama cabsiin xaggiisa ah, wuxuu yidhi sheekhu: “ ka saxa ahi waa kan yidhi waa cabsiin, waayo Nabiga ayaa arinkaa Caddeeyay oo yidhi: Allaah ayaa madoobaadyada ku cabsiiya adoomihiisa, laakiin cabsiintani waxay noqon kartaa ciqaab ay sababaheedii guntameen awgeed, sidaa darteed ayaa la amray dadka inay u degdegaan salaadda, ducada, istiqfaarta, sadaqada iyo takbiirta..”
Waa tani arinka loo baahan yahay inay muminiita quluubtooda ay camirtay khashyada iyo cabsida Ilaahay ka faa’iidaan madoobaadka cadceeda iyo dayaxa, Soo maaha amarka Allaah waxa uunakani ku socdo ee uu ku taagan yahay, soo maaha amarka Allaah iyo maamulkiisa waxa beddelay qaanuunka ay sida caadadu tahay ku socdaan cadceeda iyo dayaxu, dariska laga baranayaa waxa in
Sheekha Al-imaam Ibnu Baaz ayaa isna yidhi isgaoo bayaaminaya in madoobaadyadu u dhacaan cabsiin uu Allaah ku cabsiinayo adoomihiisa iyo imtixaan uu ku imtixaamay, ayuu yidhi:
وما يقع من خسوف أو كسوف في الشمس والقمر , ونحو ذلك مما يبتلي الله به عباده هو تخويف منه سبحانه وتعالى وتحذير لعباده من التمادي في الطغيان , وحثٌ لهم على الرجوع والإنابة إليه
“Cadceed madoobaadka iyo dayax madoobaadka dhaca iyo wixii la midi ee Allaah ku cabsiiyo adoomihiisu waa cabsiin xaggiisa ah -subxaanuhu wa tacaalaa- iyo inuu adoomihiisa uga digayo inay ku sii jiraan xadgudubka, iyo inuu kuraali galinayo inay Isaga u soo noqdaan”.
Waxa kale oo Sheekhu رحمه الله yidhi:
وكونها آية تعرف بالحساب لا يمنع كونها تخويفاً من الله جلّ وعلا وأنها تحذير منه سبحانه فإنه هو الذي أجرى الآيات , وهو الذي رتب أسبابها
“Inay tahay calaamad lagu ogaado xisaabtu ma manciyayso inay tahaycabsiin xaga Allaah caza wa jalla ka timid, iyo digniin xagiisa ah subxaanuhuu, waayo Isaga ayaa socodsiiya aayadha, Isagaan dhiay sababheeda”.
*************************************************************************
Shareecadu ma diidana In madoobaadka laa sii ogaan karo :
Bal aynu eegno waxa culimadu ka yidhaahdeen masaladan ay zanaadiqada ku jeesjeestay salaada dayax madoobaadku ka dhigteen ul ay ku tukubaan, iyagoo raba inay shaki galiyaan qiimaha salaada , tucada iyo sadaqada layana amray in lala yimaado marka la arko madoobaadka.
Sheekhul Islaam Ibnu Taymiye ayaa yidhi isagoo falanqaynaya arinkan:
مسألة: في قول أهل التقاويم في "أن الرابع عشر من هذا الشهر يخسف القمر، وفي التاسع والعشرين تكسف الشمس" فهل يصدقون في ذلك؟ الجواب: الحمد لله الخسوف والكسوف لهما أوقات مقدرة كما لطلوع الهلال وقت مقدر، وأما العلم بالعادة في الكسوف والخسوف، فإنما يعرفه من يعرف حساب جريانهما وليس خبر الحاسب بذلك من باب علم الغيب

“Masalo: Hadalka kuwa jadwalka bilaha, in afar iyo tobanka bishan uu dayaxu madoobaanayo, sagaal iyo tobankana ay cadceedu madoobaanayso, miyaa laga rumaysanayaa arinkaa? Jawaabta: Allaah ayaa mahad leh, dayax madoobaadka iyo cadceed madoobaadku waxay leeyihiin waqtiyo loo qadaray, sida dhalashada bishu u leedahay waqti loo qadaray, se in cilmiga caadada lagu ogaado cadceed madoobaadka iyo dayax madoobaadk, waxa garta ciddii taqaaana xisaabta socodkooda, warka xisaabta arinkaasina kama mid aha cilmiga waxa maqan (qaybka)” [Majmuuc Al-Fataawaa: 24/256].

Waxa kale oo uu yidhi:
يمكن المعرفة بما مضى من الكسوف وما يستقبل، كما يمكن المعرفة بما مضى من الأهلة وما يستقبل؛ إذ كل ذلك بحساب، كما قال تعالى "الشمس والقمر بحسبان"
“Waa suurtagal in la ogaado madoobaadyadii ` tagay iyo kuwa soo socdaba, siday suuragal u tahay in la ogaado bilihii tagay iyo kuwa soo socdaba, hadday intuba tahay xagga xisaabta, sida Allaah caza wajalla yidhi: { الشَّمْسُ وَالْقَمَرُ بِحُسْبَانٍ } {Qoraxada iyo dayaxu waxay ku socdaan xisaab} [Majmuuc Al-Fataawaa: 35/175].
Al Xaafid Ad-Dahabi ayaa ka mida culimadii hore ee ka hadashay Cadceed iyo dayax madoobaadka, walibana sugay in garshada waqtiga ay dhacayaan iyadoo la adeegsanayo cilmi falagu sax, wuxuu yidhi رحمه الله:
وأما كسوف الشمس والقمر فشيء ظاهر يبدو قليلا قليلاً في القُرْص إلى أن يذهب نورهما ولونهما، وتظهر الكواكب بالنهار. وقد يكون كسوفا ناقصا فيبقى شطر من الشمس كاسفا، وشطرنيّراً. وأما حساب أهل الهيئة لذلك فشيء ما علمته يحرم أبدا
“Madoobaadka cadceeda iyo dayaxu waa arin muuqda, oo wuxuu ku bilowdaa si yar ilaa uu tago iftiinkooda iyo midabkoodu, oo meerayaashu muuqdaan maalinimada. Wuxuu noqon karaa madoobaad naaqisa oo ay qayb cadceedda ka mida oo kaliya ayaa madoobaata, qaybta kalana way iftiintaa. Xisaabinta falakiyiinta ee arinkaasi waa mid aanan ogayn in la xarimayo abadan” [Taariikhul Islaam: 22/48].

Alimaam Al-Quraafi ayaa ka soo guuriyay Ibnu Rushdi Al-Maaliki inuu yidhi:
Abuu Waliid Ibnu Rushdi Al-maaliki ayaa isagoo ka hadlaya “masalada eegidda xidigaha iyo cilmiga xisaabta” “مسألة النظر في النجوم وعلم الحساب” wuxuu yidhi رحمه الله:
فليس في معرفة وقت الكسوف بما ذكرناه من جهة النجوم وطريق الحساب ادعاء علم غيب، ولا ضلالة وكفر على وجه من الوجوه
“Garashada waqtiga madoobaadku sidaan u soo sheegnay dhinaca xidigaha iyo xisaabtu sinaba uma aha sheegasho cilmu qaybka, mana aha baadi iyo gaalnimo” [Al-Bayaan Wa-Taxsiil Wa : 406].
Al-Quraafi ayaa isaguna hadlakaa Ibnu Rushdi ku soo guuriyay buuggiisa “الذخيرة”.
Al-imaam Ibnu Xazam رحمه الله ayaa isaguna tilmaamay inay suuragal tahay in la ogaan karao iyadoo la adeegsanay buugta falanqaysa cilmu falag, wuxuu yidhi:
وبمطالعته كتاب المجسطي يعرف الكسوفات
“ Inuu qofku akhristu buugga Al-Majasdi ayuu ku ogaanayaa kusuufyada” [ Rasaa’il Ibnu Xazam An-Andalusi :4/69].
*********************************************************************
Hadalka Gunaanadkiisa:
Walaalka iyo walaasha Muslinka waxa la gudboon inay aayadaha Allaah (سبحانه وتعالى) ku cibro qaataan, fiiradooda qalbiguna dhaafto koonkan in kastaba ha baaxad weynaadee, oo ay ka fakiraan caalamaka aakhiro iyo janooyinkiisa laynoogu yeedhay, oo ah caalam qayba oonay ili arag, dhagi maqal, kuna soo dhicin qalbi qof banii adaana.

Comments