Dagaal Wakaaladeed Ku Wajahan Salafiyada
=====================================
Waraysi uu barnaamijka “60 Minutes” la yeeshay dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga Maxamed bin Salmaan ayuu ku sheegay in boqortooyadu ku howlanayd faafinta “Wahaabiyada” waqtiyadii Dagaalka Qabow ee cakiraadda juqraasiyaasigu “geopolitical tension” taagnayd, iyadoo fulinaysa amar kaga yimid Maraykanka oo ujeedadiiso ahayd in “Wahaabiyada “ lagu hor istaago nidaamkii Shuuciga iyo Midowgii Soofiyeedka.
Waxa ii muuqata in hadalka dhaxalsuguhu miinaysanyahay loogana jeedo in lagu qarxiyo dhaxal dacwadeed oo barakaysan iyo culimo la rabo in la sadqeeyo juhdigooda aqooneed, waa hadal la soo agaasimay oo lagu beegay waqti lagu fulinayo dano siyaasadeed, waana mu’aamarad lagu niyad jabinayo dhalinyarada ku dhex kortay dacwada salfiga ah, laysna leeyahay ku fitneeya dadweynaha badan ee u riyaaqay dacwada iyo culimada hormoodka ka ahayd, laakiin waxa dhici doonta iIlaahay caza wajalla idankii in sixirku isku rogi doono saaxirka, xadhkaha ay tidceena iyaga qoorta iskaga mari doonaan.
Waxa hadalka dhaxalsugaha Sucuudiga la booday markiiba niman qalinka iyo qowlkaba ku degdegay oo sawaxanka qayladooda laga fadhiyi waayay, kuwaasi ood moodid inay miyir beeleen, waxa soo qamaamay niman iska xooray asalada iyo qawaacidda badhitaanka cilmiga ah “al-baxsul al-cilmi”, duulkan oo uu ka leexsamay miisaanka garsoorku, kana janjeedhsantay buusalada xaqraadisku, kuna miyir beelay ashtako u raadinta culimo ayna waxba ula hadhan iyo dad islaameed oo ay ka xishoon waayeen inay ku ladhaan ceebo ayna lahayn, iyo inay ku dhiiradaan siday sumcadda uga dili lahaayeen dacwad islaamiya oo ay sida qoraxda duhurka u muuqato dheefteeda dacwadeed iyo dhaxalkeeda cilmiyeed, iyadoo aan marna la dafiri karayn inay ahayd juhdi aadami oo yeelan kara gaf iyo sax labadaba.
Xaqaa lagu arooraaye, miyayna kuwa seefaha ula baxay ee midiyaha u afaystay ..ogayn in jamaacooyinkooda, xisbiyadooda iyo culimada ay isku hayb-fikradeedka yihiin ay iyaguba leeyihiin gafaf iyo qaladaad, ee maxay ugu maman yihiin aan ka yarayn haddaynaba ka badnayn kuwa ay doonayaan inay suuqa kaga saaraan culimo loo qiray caqiido toosan iyo islaam jacayl, lana ogyahay waxay ahaayeen iyo waxay u qabteen diinta iyo ummadda?
Ilaahay caza wajalla ha fogeeyo tacusbka, imisaa xaq lagu dumiyay, imisaa dad akhyaara lagu dulmiyay, imisaa dhiig shareecadu ilaalisay lagu daadiyay, imisaa hanti diintu dhowrtay lagu dhacay, imisaa runta iyo samaha lagu hareer maray. Kollay waa aafo mixnadaysan in lagu walfo xaq darada, in sabool laga noqdo garsoorka oo loo garbo duubnaado meelkadhaca iyo , ee Ilaahay caza wajalla hayna waafajiyo xaqa.
Dulucda Qoraalka:
-------------------------
Maqaalkani wuxuu ka jawaabi doonaa doodaha laga soo diirtay hadalka dhaxal sugaha Sucuudiga iyo doodaha kale ee lagu lifaaqay ama lagaga faalooday oo ay ka mid yihiin:
1- Wahaabiyada waxa faafisay boqortooyada Sucuudiga waqtigii Dagaalka Qabow iyadoo ka amar qaadanaysa Galbeedka: Arinkani wuxuu ku lifaaqan yahay in muqafilnimo iyo dhoohnaan lagu tuhmayo culimo waaweyn oo miisaankooda lahaa, waana dood micno daran oon meelna haysan, waa la odhan karaa mowjadeeda ayay fuuleen, laakiin miyayna taasi ahayn qayb ka mida dabciga loolanka juqraasiyaadcaalamiga ah ee ay ku hirdimayaan quwado u socda fulinta danahooda iyo mashaariicdooda. Ku guulaysiga ay Muslimiintu ku guulaystaan loolankan murugsani wuxuu ku xidhan yahay kolba siday uu maareeyaan la falgalkiisa iyagoo ku qalabaysan caqliyad istiraatiijiya, islamarkaana ilaashanaya caqiidooda iyo axkaamta diintooda, kana digtoon in lagu shaqaysto ama ay qayb ka noqdaan howlo lagu wax yeelayo diintooda, dadkooda, dhulkooda iyo astaan ummadeedkooda.
Sidaan arinka u ifiyo una uurdooxo dulicdiisa waxaan ku leeyahay akhristaha xariifka ah, miyayna aafo taariikhiya iyo qalin daar aafaysan ahayn in qeexitaanka Ina Salmaan oo kale lagu sharxo howlihii culimadu ku naqdiyeen mabdi’ii Shuuciga iyo mawaaqiftii ay xarakaadka islaamiga ahi ku wajaheen dowladihii Shuuciga ahaa ee ka taliyay dunida Islaamka iyo Midowgii Soofiyeedkaba?
Bal ka waran haddii lagu doodo Sayid Qutub waxa la daldalay isagoo badhtamaha ugu jiray olole ay mukhaabaraadka Maraykanku ku hor istaagayeen Midowgii Soofiyeedka, isagana dano uu ka dhoohnaa lagu fushaday? Bal ii sheeg haddii lagu doodo inuu Sheekh Maxamed Al-qasaali qoray buuggiisa “الإسلام في وجه الزحف الأحمر “ isagoo ka war la’ isaga iyo culimidii iyo mufakiriintii kale ee qalinka iyo qowlkaba ku naqdiday falsafadda Hantiwadaaga iyo Shuuciyadda olole Galbeedku kaga caydhsanayay Midowgii Soofiyeedka dunida Islaamka?
Bal ka waran haddii halgankii iyo kifaaxii ay culimada iyo xarakaadka Islaamigi ku hor istaageen dowladihii Shuuciga ahaa ee ka taliyay Masar, Ciraaq, Soomaaliya, liibiya, Suuriya, Yaman iyo dalal kale oo Islaami uu qayb ka ahaa barnaamij ballaadhan oo uu Galbeedku ku hor istaagayay Midowgii Soofiyeedka, isagoo hub-fikradeed ka dhiganaya caqiidada Islaamka ee diidan Ilaaxaadkii Shuuciyiinta iyo mabda’oogiii ku baaqay in diintu tahay xashiishadda dadwaynaha sakhraamisa “"Religion is the opium of the people" siduu yidhi mulxidkii Kaaral Maarkis, sidaa awgeedna uu yahay mid lagu hungoobay oo meel loo raaco aan lahayn kifaaxoodii ay ku naf waayeen culimo iyo ducaad lagu daldalay jeelasha, qaarna la toogtay iyagoo lagu garba duubay tiirka toogashada, kuwo badana xabsiyaday galeen iyagoo dhlinyaro ah kana soo baxeen iyagoo gadhka iyo madaxuba cirroobay, qaar kalena ku kala yaaceen daafaha dunida iyagoo raadinaya nabad iyo xasiloono.
Waxa hubaala in waqtiyadan aan ka hadlayo uu Dagaalkii Qaboobaa laba kaclaynayay, Galbeedka iyo Midowgii Soofiyeedkuna ku lagdamayeen meelo badan oo ka mida dunida Islaamka, bal is weydii adiguba caqli baad leedahee miyuu miyir qabaa mise wax weyn baa ka siya qof halkaa la soo fadhiista dood odhanaysa shuhadadii la laayay, akhyaartii lagu jidh dilay xabsiyada, dumarkii asayda qaaday, caruurtii ogowmowday, awliyadii Ilaahay ee u dhabar adeegtay dhibta iyo rafaadka ka soo gaadhay talisyadii Hantiwadaagga ahaa, waxay qayb ka ahaayeen ajende siyaasadeed oo Galbeedku iskaga celinayay Midowga Soofiyeedka, sidaa awgeedna ay ahaayeen xaabo lagu shiday dirir ay wakiilo ka ahaayeen iyaga oo ka dhoohan xogteeda. Ilaahow hanaga qaadin caqliga.
Mid labaad aan kuugu daro, Miyayna boqortooyada Sucuudigu albaabada u furin waqtigii Dagaalka Qabow Ikhwaanu Muslimiinkii Masar, Ciraaq iyo Suuriya oo kuwo ka mida siin jinsiyadda Sucuudiga , miyayna qaar ka midi astaatido ka ahayn dugsiyada iyo Jaamicadaha Islaamiga ah ee maanta la leeyahay waxay ahaayeen qalabka Wahaabiyada, miyayna kuwo iyaga ka midi gacan ku lahayn ururada samafalka ee Sucuudiga? Maxay xiligaa inoogu sheegi waayeen shirqoolkan maanta uu daaha ka fayday Ina Salmaan siduu ku andacoonayo, kuwo Ikhwaanka ka mid ahina ay maanta ka dhigteen warmo ay ku ridayaan culimo iyo xarakaad ay wax isku khilaafsanaayeen? Talow ma aargoosi iyo wiirsi baa? Wax walba filo waqtigan uu yaraaday waracii iyo samahii.
Miyaase la odhan karaa magangalyada boqortooyada Sucuudigiu siisay Ikhwaankii Masaarida ee ku soo ququlay arlada Xijaaz iyo Najad waxay ka mid ahayd mu’aamarad uu Sucuudigu kaga aargudanayay Jamaal Cabd Naasir iyo taliskiisii oo iyaguna wayba ka war hayeen? Mise xaalku wuxuu ahaa oo kaliya in ikhwaankii tabaalaysnaa ay u arkayeen fursad iyo faraj Ilaahay caza wajalla u furay, qaybna ka ahayn mashruuca uu watay Sucuudiga iyo Galbeedku midna? Waxaan filayaa caqliguna inna siinayaa inuu arinku ahaa oo kaliya dano iska dhex gudbay iyo duruufo waqtigoodu taagnaa oo Ikhwaankuna ka faa’iideen.
Mid kalena aan kuugu seddexeeyo, ka dib markuu dhintay Jamaal Cabi Naasir ee uu taliska la wareegay saaxiibkii Anwar Saadaat, waxa taariikhda lagu hayaa in Saadaat albaabda ka furay oo soo daayay Ikhwaankii ku jiray xabsiyada Sijnul-Xarbi , Laymaan Durra iyo jeelalkii kale ee sumcadda xumaa. Diraasaadka qaarkood ayaa ku dooda inuu Anwar Saadaat tallaabadaa qaaday si uu Ikhwaanka ugu jabiyo kooxaha shuuciyiinta iyo hadhaagii Naasiriyiinta oo uu doonayay inuu daadka raaciyo kana takhuluso, markuu dantiisii ka gaadhayna iyaga ku soo jeedsaday., waa dood laysla dhex wareego oo ku qoran dhigaalada taariikheeya xarakada Ikhwaanka iyo siduu Anwar Saadaat ula dhaqmay.
Waxa dhaba in Saadaat doonayay inuu isticmaalo Ikhwaanka, iyaguna waxay u arkayeen inay hortaalo fursad ay ku hore mariyaan dacwada kulana xidhiidhaan bulshada, waa bilowgii toddobaatanada ee dacwadu caga dhigatay suuqyada, masaajidada, calankeeduna ka taagmay jaamacadaha dhexdooda, Saadaad wuxuu mar dambe ka qoomameeyay inuu Ikhwaanka ka soo saaray xabsiyada sida ay xaaskiisa Jiihaan Saadaat ku sheegatay barnaamijka la yidhaa "كل يوم
Waxa cajiiba iyana oo mudan in si gaara loo fiiriyo inuu dhaxal suguhu ku sheegay waraysi ay la yeelatay shabakadda CBS in Ikhwaanu Muslimiinku xaadinat iraab” loona baahan yahay in lage sifeeyo dugsiyada Sucuudiga waqti gaabin gudihii, hadalkiisuna wuxuu beegsanayaa in dhaxal suguhu Ikhwaanu Muslimiinta ku sheegayo inay qayb ku lahaayeen manaahijta wabarashada Sucuudiga .
Dhaxal suguhu isagoo ku talax tagaya baaqyadiisa iska hor imanaya ee ay adagtahay in lays waafajiyo ayuu ku yidhi waraysi uu siiyay wargayska Ameerikaanka ah ee Atlaantig Abril 2, 2018 , in Adeerkii Boqor Faysal uu naftiisii ku waayay isagoo isku dayey inuu is hortaago Ikhwaanu Muslimiinka, dalkiisuna taageeray Ikhwaanka waqtigii Dagaalka Qabow iyagoo fulinaya dalab kaga yimid Maraykanaka.
Isagoo Maxamed bin Salmaan sharxaya sabata uu Sucuudigu u soo dhawaystay Ikhwaanka, ayuu ku yidhi Jeferi Gooldgberg oo ah saxafiga waraysiga ka qaaday :
“Masar waxay isku bedeshay waqtigaasi dowlada noocana. Waxaanu la shaqaynay cid walba oonu isticmaali karno si aanu uga takhalusno Shuuciyadda. Kuwan waxa ka mid ahaa Ikhwaanu Muslimiinta. Waxaanu ku maal gelinay Sucuudi Careebiya. Maraykankuna wuu maal galiyay”.
Ka daroo dibi dhal ayuu noqday hadalka dhaxal suguhu markuu ku yidhi waraysigan laftiisa inuu hogaamiyaha ISIS hore uga tirsanaan jiray Ikhwaanu Muslimiinka. La garan maayo tixraaca taariikheed ee dhaxal suguhu u cuskday hadalkiisan aan meelna haysan.
Warka dhaxal suguha waa mid la daalaa dhacaya aqoon la’aan, kana arradan xaqiiqooyin taariikhiya oon muran iyo jikaar mida la galin karin, waxa uu ku aroorayaa tubta dacaayadaynta xarakada Ikhwaanka ee boggaga dahabiga kaga jirta taariikhda Islaamka ee casrigan, hormoodkana muddo dheer ka ahayd dacwada, wacyi gelinta iyo baraarujinta shucuubta Muslimiinta.
Sababta aan hadaladan Ibnu Salmaan u soo xigtay maaha inaanu ku waafaqsanahay, ama aanu ku wiiqno xarakada Ikhwaanka oon qirayo inay tahay xarako weyn oo wax badan u qabatay ummadda Islaamka, sidoo kale ay naf iyo maalba u hureen Ilaahay dartii, ayna soo saartay rag Islaamka u istaagay oon ka xishoonayo inaan isku dhereriyo, aanan rajaynayo in raggaasi intooda aduunyada ka tagtay ay ku hooydeen ooy rarka dhigteen janada, imaam Yaxya bin maciin ayaa yidhi: “إنا لنطعن في أقوام لعلهم قد حطوا رحالهم في الجنة من أكثر من مائتي سنه”, laakiin waxay ujeedadu tahay inaan runta u sheegno kuwo ku abtirsi xarakeed iyo mid fikradeedba la leh Ikhwaanka ay gafeen marakay tuhun madalufsan oo heehaaba u kiileen dacwada salafiyada iyo culimideed markuu dhagahooda ku soo dhacay warka dhaawacan ee dhaxal sugaha Sucuudigu ku sheegay in la istcmaalay.
Cilaaqadda ka dhaxaysay jamaacada Ikhwaan Muslimiinta iyo Sucuudiga waxa lagu tilmaami karaa mid dhextaal u ahayd isbahaysi iyo colaad sida uu dhigay qoraal ku soo baxay barta Al-Jaziirah ee internetka oo cinwaankiisu yahay السعودية والإخوان ...علاقة تأرجحت بين التحالف والتخاصم. Waxay gaadhay marxalad iyo waqti uu boqor Faysal markuu ahaa amiirka ku tilmaamo Ikhwaanu Muslimiinka “Ikhwaanku waa geesiyo jidka Ilaahay ugu jihaaday nafahooda iyo xoolahooda الإخوان أبطال جاهدوا في سبيل الله بأموالهم وأنفسهم, waxayna ku dambaysay in boqrtooyadu cadow u aragtay Ikhwaanka kuna astaysay urur argagaxiso ah.
Waayihii uu bilowday hoos u dhaca saaxiibnimada iyo cilaaqada Sucuudiga iyo Ikhwaanku ayuu wasiirkii hore ee arimaha dibadda ee Sucuudigu Naayif bin Cabdul Casiis ku sheegay waraysi uu siiyay Wargayska laga leeyahay dalka Kuwayt ee As-siyaasa sanadkii 2002 in Ikhwaanku yihiin wuxuu ugu yeedhay asalka balaayada “ أصل البلاء” .
Ka dib markuu kursiga boqortooyada Sucuudiga ku fadhiistay Salmaan bin Cabdilcasiis ayay boqortooyadu cagaha u yar dhigtay oo dejisay xiisaddii ka dhex taagnayd iyada iyo Ikhwaanka, Dalka Sucuudiga ayaa lagu martiqaaday Sh.Yuusuf Al-qardaawi, Raashid Al-qanuushi iyo Khaalid Mishcal oo lagu tiriyo Ikhwaanu Muslimiinka.
Madhaafaanka runtu waxa weeyi in aanay boqortooyada oo ka amar qaadanaysa Galbeedku ayna shookaanta u hayn geeddi socodka dacwada salfiga ah, culimada dacwadan barkaysanna ahayn muqafaliin wax lagu shubtay, laakiin ay dhici karto in hirkeeda lays raaciyay, layskuna dayey in lagu dhex beero ashkaas lagu adeegsanayo, labadaa ixtimaalna qolana kama badbaadin Ikhwaankana ha noqotee sidaan is leeyahay, waana dhacdooyin lagu yaqaan sirdoonka caalamiga ah iyo kuwa goboleedba, dhacdooyinka shuqulkanna waxaad ka dhex daalacan kartaa haddaad wax ka akhrisato shaxada ay isku degi jireen sirdoonka Galbeedka iyo Midowgii Soofiyeedku waqtigii Dagaalka qabow.
Shaki kuma jiro in haddii la aqbalo aragtidan uu ka dhalanayo sharax taariikhiya oo ku qeexaya geedi-socodka xarakaadka Islaamiga ah iyo fatwaada culimada inay ahaayeen kuwo dagaal wakaaladeed ugu jiray socodsiinta ajendayaal shisheeye, waxana hubaala in qeexitaanka noocani la jaanqaadayo rabitaanka Galbeedka ee mar walba ku howlan siduu sumcadda uga dili lahaa Culimada iyo dadka ku howlan dacwada waxtarka u leh diinta iyo dadka islaameed. Waxa kale oo aragtidan ku lifaaqan in dhaawac nafsaaniya la gaadhsiiyo Muslimiinta, kaasi oo ku dhaliya niyad jab wiiqa doonistooda ku wajahan siday wax uga badeli lahaayeen axwaashooda, ugana madax banaanaan lahaayeen quwadaha shisheeye ee gacanta ku dhigay kuna amarku taagleeya siyaasadaha lagu hago dunida Islaamka.
Hadaba, si aan indhaha looga ridin sooyaalka dhacdooyin muhiima oo ku xardhan taxanaha taariikhda Islaamka waxa loo baahan yahay in la sugo laba arimood oo xaqiiqo ah:
Kow: Jiritaanka iyo Mustaqbalka Salfiyadu caqiido ahaan iyo manhaj ahaan uma dabrana xukuumado iyo dowlado.
Laba: Dacawada Salafiga ahi kumay dhalan, kuma kobcin doonista iyo rabitaanka Galbeedka, mustaqbal ahaana iyagu shookaanta uma hayaan geedi socdkeeda, sidaa awgeed ma weecin karaan mana leexin karaan, taana waxa kaaga daliila inay tahay midda ay ugu neceb yihiin maanta, ee ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen siday u hantaaqi lahaayeen, ugu been abuuran lahaayeen, kuna fakirayaan siday dhidibada ugu saari lahaayeen.Hadalkan iskamaanu odhan ee waa hadal cuskanaya diraasaad ka ay soo saareen xarumaha Galbeedka ee diraaseeya .daba galana muuqaalada xarakaadka iyo culimada Islaamka. Waxa kale oo taageeraya hadalkan sida Galbeedka iyo talisyada ay ku adeegtaan ugu mashquulsan inay manaahijta waxbarashada ka saaraan kana masaxaan xaraf iyo sadar walba oo ku ka anbaqaadaya caqiidada iyo manhajka salafiga ah.
Hadal iyo dhammaantii, waxaan dhigaalkan ku soo afjarayaa kuna khatimayaa in caqiidada Islaamka ee ku dhisan fahan salafiya oo si cad u muuqadaa “العقيدة الإسلامية بمفهومها السلفي الواضح” ay tahay dhagax ay ku dul burbureen duullaanada fikradeed ee maanta lagu soo qaaday caqiidada iyo shareecada, lamana dafiri karo in culimadeedu ay yihiin kuwa wali ku jira dhufaysyada qowlka iyo qalinka ee lagu difaacaya diinta, dhufaysyadaa oo ay ka yaaceen qabqablayaasha manhajka “Dimuqraadiyeenta Islaamka” iyo xerta fikirka “ libiraaliyeenta Diinta”.
Ayaan lagu marmasiyoon niman culimaa'u salaadiina oo salafiya sheegta, laakiin dawaaqiidda ugu hiilaya fataawadooda iyo mawaaqiftooda dullaysan, fallaadhina gelgelasho kaagama go’dee waar nimanka ku hillaaban salafiyo nacaykow hadalka mariya dowgiisa, garani Ilaahaybay taqaanaaye nala qira inay salafiyadu tahay nuxurka diinta. Sheekaduna maanta ma taagna jamaaco hebla iyo xisbi hebel, balse colaadda fikradeed ee laynagu hayaa waxay beegsanaysaa caqiidada iyo diint ee aynu fahano.
Dr.Maxamed Sh.cabdiraxmaan Kaariye

Comments