Al-Caalim Sheekh Ibnu Cusaymiin oo inoo sheegay sababta keentay in jinku si aada u galo dadka maanta
===================================
Waxaad maqlaysaa uun baryahan jin baa hebel iyo heblaayo galay, waa run siday tahay caqiidada ehlu sunuhu inuu jinku galo dadka, waxana dafirtay Muctazilada. Laakiin su'aal baa meesha ku jirta oo ah: Muxuu arinkani u batay waayahan dambe? Bal ila eeg Fadiilatul Sheekh Maxamed bin Cusaymiin oo arinkaka hadlay, wuxuu sheekhu yidhi
Fadiilatul Sheekh Maxamed wuxuu yidhi:
ولمَّا غفل النَّاس عن الأوراد الشَّرعية كثرت فيهم الجنُّ الآن، وتلاعبت بهم
"Markay dadku moogeen (hilmaameen) awraadda sharciga ah (adkaarta la akhristo) ayuu jinku ku dhex batay, kuna ciyaaray" [Liqaa Al-baab Al-Matuux: 197].
Waa maxay jinku? Siduu u dhibaa dadka? Sidee looga hortagaa dhibtiisa?
Jinku waa makhluuq qaybiya oo laga abuuray dab, abuurkooduna wuu ka horeeyay abuurka dadka, waxa ka mida gaal iyo muslin, mid Allaah adeeca iyo mid caasiya, jinka gaalki naarta ayuu galayaa, kooga muslinkina janada ayuu galayaa.
Jinka waa ka xaaraan inuu dulmiyo aadanaha iyo inay iayagu is dulmiyaan, iyadoo sidaasi ah ayuu hadana jinka qaarkii dulmi kula kacaa dadka, sida dadka qaarkoodba u dulmiyaan jinka, waayo waxay ku istinjoodaan lafaha iyo saalada . Sida Nabigu صلى الله عليه وسلم inoo sheegay markii jinku weydiiyay cunadooda sida ku timid xadiiska u soo weriyay Ibnu Mascuudرضي الله عنه :
لكم كل عظم ذكر اسم الله عليه، يقع في أيديكم أوفر ما يكون لحماً، وكل بعرة علف لدوابكم
"Waxaad leedihiin laf walba oo lagu xusay magaca Allaah oo gacantiina ku soo dhacda iyadoo hilib badan, saalo walbana cuno ayay u tahay xoolihiina" [Muslim].
Jinkuna wuu ku gardaroodaa oo dulmiyaa dadka iyagoo waswaas ku shubaya quluubtooda, sidaa awgeed ayaa Allaah سبحانه وتعالى ina amray inaynu Isagana ka magan galno.
waxa kale oo jinku ugu gardarooda bani aadanka inuu ka baqadsiiyo oo quluubtooda ku rido cabsi, khaastan haddii dadku kaalmaystaan oo magan galaan jinka.
Waxa kale oo jinku ugu gardaroodaa dadka inuu galo, oo xataa miyirka ka qaado oo suuxiyo.
[Hadalka kor ku xusan waxaan ka soo gaabiyay hadal uu Sh.Maxamed Bin Cusaymiin kaga hadlay masaladan].
Dawo iyo Iska Ilaalin;
------------------------
Sh.Maxamed رحمه الله wuxuu yidhi:
Galiinka jinka ee noocana waxa lagaga badbaadi karaa (1) ka hor tagid iyo (2) isdaweyn.
Wuxuu Sheekhu رحمه الله yidhi isagoo ka hadlaya sidaa looga hortagi karo jin ku gala:
فأما الوقاية: فتكون بقراءة الأوراد الشرعية من كتاب الله تعالى، وصحيح سنة رسول الله صلى الله عليه وسلم وبقوة النفس وعدم الجريان وراء الوساوس والتخيلات التي لا حقيقة لها، فإن جريان الإنسان وراء الوساوس والأوهام يؤدي إلى أن تتعاظم هذه الأوهام والوساوس حتى تكون حقيقة.
" Ka hortagiddu waxa weeyi :in la akhristo awraadda (adkaarta) sharciga ah ee ku sugan Kitaabka Alaah تعالى, iyo sunaha saxa ah ee Rasuulka Allaah صلى الله عليه وسلم ,iyo adkaysi iyo inaan lays raacin waswaaska iyo wax-is-tuska aan dhabta ahayn, waayo hadduu qofku israaciyo waswaaska iyo waxyaabaha aan dhabta ahayni waxay keenayaan inay waxyaabhaa aan dhabta ahayn iyo waswaasku ula muuqdaan sidii wax dhaba".
Sidaa akhii wa ukhtii kudadaal awraadda sharciga ah oo akhriso, si aad uga badbaado qooqa, gardarada, dulmiga iyo waxyeelka jinaga daalimiinta ah.
Dr.Maaxamed Sh.CabdiRaxmaan Kaariye.

Comments