Skip to main content

Wax Kabaro Ururada Shaydaan Caabudka Ah Ee Dunida Ka Jira Iyo Awoodahooga Q:2aad






2
479

Assassin ama Hashashin, waxa ay kamid yihiin bulshooyinka qarsoon ee dunida ku abuura cabsida ugu badan, waxa ujeedadoodu tahay inay beegsadaan dadka ay rabaan ama ka so horjeesta intii u dhaxaysay 1090 ilaa 1256
hashashin_1448369535
waxa soo maray 8 Grand Master kuwaas oo xukumayey waxaanay hawlgalo ka fuliyeen gudaha Mangoli Iran iyo Syria. kadib waxa ay isku fidiyeen galbeedka iyo Yurub, sanadkii 1272 boqorkii Mamluk Sultan Baybars ayaa waxa dhicitankiisii ka danbeeyey kooxdan. Intooda badani maalintii waa beeroolayaal halka ay habeenkii noqdaan niman dilaayo ah oo aan baqan.
7.Ku Klux Klan
ku klux klan_1448369573
kooxda maraykanka ah ee Ku Klux Kalan ama KKK ama the Klan waa xarakada garabka midig maraykankii hore iyo ka maanta. Kooxdan ayaa waxa ay ku sifoobeen dilalka qorshaysan ee ka dhaca daafaha dunida waxaanay sababeen dagaalo argagax leh oo dunida ka dhacay.
Dhaqdhaqaaqan ayaa waxa la aasaasay sanadihii 1865-1870kii, halka qaybta caanka noqotay dib loo dhisay 1915-1944 kii halka qaybta sadexaad ee imika jirta la sameeeyey 1946kii iyada oo ilaa hada jirta waxa lagu qiyaasaa tiradooda 3-6 million oo qof iyaga oo ku kala nool 5-8 kun oo magaalo.
8.Illuminati
illuminati_1448369611
Waxa caan ka dhigay buugii uu qoray qoraagii caanka ahaa ee Dan Brown, The Da Vinci Code, kooxdan ayaa ah kooxda ugu caansan uguna horumarsan kooxaha jira wakhtigan, illuminati ayaa ka timid magac giriig ah oo macnihiisu yahay iftiimin, waxa la aasaasay May 1,1776 waana koox diimeed caabuda Ibliiska waxa ay dunida ku faafinayaan nidaamka cusub ee New World Order iyaga oo meel walba oo dhaqaale laga heli karo ka samaysta dad iyaga ka tirsan. waxa ay inta badan hoosta ka maamulaan madaxda maraykanka jilayaasha fanaaniinta iyo dadka caanka ah intooda badan iyaga oo qofka ka hor yimaada ay ceebeeyaan kadib dilaan ama xabsi u taxaabaan, waa kooxda ka danbaysay dilka madaxweynihii John F. Kennedy.
9.Ashoka’s Nine Unknown Men
nine-unknown-man_2014_9_16_143711_1448369653
kooxdan ayaa ah kooxda kaliya ee ka dhisan Hindiya waa koox qadiim ah waana kooxda dunida waxay doonto ka badali karta, Waa kooxda dunida ugu awooda badan maxaa yeelay waxa ay ka kooban yihiin kaliya 9xubnood. Boqor Ashokihii haystay boqortooyadii Maurya sanadkii 270 BC ayaa u talin jiray kooxdan. waa dadka qoray ama sameeyey cilmiga Phsiologiga waxaanay caan ku ahaayeen faafinta beenta iyo Propogandada yaga oo u isticmaali jirey hab psychological ah waxaanay gaadheen heer qofka ay ku waali karaan mudo kooban oo saacado ah isaga oo aan la jidh dilayn laakiin hadal kaliya lagu waalayo iyaga oo maskaxdiisa toos u weeraraya. waxa ay sameeyeen 9 cilmi oo buugaag laga qoray oo kala ah
Propogandada oo la faafiyo iyaga oo psychology isticmaalaya
ka labaad waa ka hadalka Physiology iyo sida dadka loogu dilo taabasho kaliya
kan 3aad waa Biotechnology iyo microbiology
ka 4aad oo ah la macaamilka birta nooc walba
ka 5aad waa habka isgaadhsiinta
6aad waa dhisida dayax gacmeedyada iyo gantaalahooda
7aad waa sirta wakhtiga
8aad waxa lagu bartaa sida loo maamulo iftiinka si loogu isticmaalo baahiyaha aadamaha
buuga u danbeeyaa waa Sociology.