Waa kuwan kuwii waalaa! ( Fadlan Si Gaar ah Dhalinyarada Soomaaliyeed Qoraalkan ha u Akhriyeen )
===================================================================
Habeen dhoweyd anoo akhrinaya Olilihii suuqgeynta shirkada Apple Computers sannaddii 1997-kii ee Halkudhegiisu ahaa u feker si Kale “Think different” ayuun baan ku fekeray maad u fekertid si Kale! maad la wadaagtid Quruxdan bahda akhriska iyo qoraalka.
“u feker si Kale” waa mid ka mida Olalayaasha ugu caansan cilmiga Suuqgeynta aadna ugu Weyn dadka suuqgeynta ka ag dhow Cilmi iyo Camalba. Bilado badan oo caalamiya ayuu ku guulaystay fikirkan suuqgeyneed. waa Olole Magac (Brand) laga xaragoon Jiray u bedelay magac lagu xaragoodo. Waa olole shirkad sii dhimanaysay bakhti afuufay oo u bedelay mid ka mida shirkadaha dunida ugu Caansan…heer gaarsiisan in Labaatan Jirrada maanta ee reer Mareykan lagu naaneyso “The Apple Generation”
Shirkadda Apple waxay olalahan isticmaalaysay Shan sano (1997-2002) Mudadaas oo uu ahaa Halbowlaha dhaqaajiya hawlgalada Apple oo dhan.
Nuxurka ololaha wuxuu ka Sheekaynaayey 17 Qof oo ka mida Haldoorkii qarnigii 20-aad. Shakhsiyaadkaas oo ay u bixiyeen kuwii Waalaa (The crazy ones) waana runtoode gidigood waxay ahaayeen shakhsiyaad aan Caadi ahayn oo Qayrul caadiya (Extra ordinary)
Waxay ahaayeen shakhsiyaad u fekeri jiray si ka DUWAN dadkii ay isku faca ahaayeen, sababtaa awgeedna Bulshooyinkoodu doqon ama qof WAALAN bay u haysteen ilaa markii danbe ay HALYEEYADOODII Noqdeen! Maya aan halkaa ku noqdo ilaa markii danbe ay halyeeyadii DUNIDA noqdeen!
Waxay ahaayeen Shakhsiyaad qaabeyayaal ah, ilaahay ka Sokowna in badan u sababa Nolosha Qarniga 21-aad siday u egtahay maanta. waxay ahaayeen Injineero, Hogaamiyaal, Fekerayaal, Ganacsedayaal iyo xorriyad u dirir Bulshooyinkoodii xoreeyey. Qaar badan oo ka mid ahina sida Thomas Edison oo kale Hal-Abuuristu (Innovation) iyo wax cusub keenistu waxay ka mid ahayd Nolol maalmeedkooda!
Ololuhu wuxuu ka hadlayey dad ay ka mid yihiin Mahatma Gandhi, Albert Einstein, Thomas Edison, Martin Luther King, Richard Branson, Mohamed Ali, Buckminster Fuller, Ted turner, Pablo Picasso iyo Foolaad kaloo Farshaxano u badan, Badankoodu waxay ahaayeen shakhsiyaad wax aan weli Jirin ka fekeri Jiray isna weydiin jiray maxay u JIRI WAAYEEN! Ka dibna ku mashquulay ta danbe—maxay u Jiri waayeen?
Sababtaa awgeed waxa sugan Thomas Edison markuu dadka kala hadlo Electric Light ama Nal ayaan sameynayaa ama Cod duube ayaan sameyn rabaa dadku intay qoslaan ayay ka dhaqaaqi jireen…waar muxuu ahaa kan waalani!!
Mahathma Gandi sidoo kale Aabihii xornimo doonka reer Hindiya markuu yiraahdo Anoon Dagaalamin ayaan Dalkayga xoraynayaa waxa dadka caadiga ahi oran jireen waar heedhe waa sidee ninku miyuu waashay!
Ololaha Wuxuu isugu Jiray dhowr Nooc waxaase ugu caansanaa qeybtiisa xayeysiinta ama iidhehda ee TV-yada laga sii daayo ((TV Commercial) waxay ahayd hal daqiiqo oo wax badan sheegaya….wax Buugaag laga qori karo sheegaya, Aragtidii shirkada Apple dadku ka haystayna bedeshay gebi ahaanba.
Wadnaha ololahan wuxuu ahaa Qoraal uu qorey nin la yidhaahdo Rob Siltanen oo uu Codeeyey Steve Jobs Laftiisa, Marna Richard Dreyfuss Qoraalkaas oo la yiraahdo Waa kuwan kuwii Waalaa (Here’s to the Crazy ones) Hadaan turjumis isku dayo wuxuu u dhiganyahay sidan:
“Waa kuwan kuwii waalaa, Gooni socodyaddii, Jabhadyaddii, Rabshadoolayaashii, Kuwa halkan madaxyadoodu ku meegaaranyihiin. kuwa Ashyaada sida duwan u arka. Kuwani maaha qaar la jaala shuruucda, wax ixtiraam ahna uma hayaan xaalada joogta. Waad ku halqabsan kartaa, ka fikir duwanaan kartaa, Weyneyn kartaa, amaba Cambaareyn kartaa, waxa QUDHA ee aanad sameyn karin waa in aad iska indha tirto. waayo WAXBAY BEDELAAN, waxay horumariyaan insaankaa, halka dadka qaar u arkaan kuwii waalaa, Waxaanu aragnaa Abqariyiin. Waayo dadka waalidoodu gaarsiisantahay ku fekerista in ay dunida bedelaan ayuunbaa bedela dunida!”
Ka dibna waxa lagu soo Afmeeri jiray waxaan qalabka u sameynaa dadkaasoo Kale, u feker si kale iyo tufaaxii dhinaca laga hudhay ee Apple caanka ku ahayd.
Marka haldooradan xadaarada Aadamaha laga sheekeeyo waxa fariin kasta mid TV, mid dhegeysi iyo tu Qoraalba lagu soo Afmeeri Jiray Waxaan Qalabka u sameynaa dadka noocaasa….u feker si kale.
Faa’iidooyinka Apple ka heshay ololaha Think Different Campaign
Waa ta koobaade, Ololahani waxaa lagu tilmaamaa Aabaha iyo hooyada mid ka mida hantiyaha ugu waaweyn ee hadda Apple Inc leedahay: Caanimada Magaceeda (Brand Awareness).
Waa ta labaade, Berigaa 1997 waxaa soo noqday oo Apple Horjooge (CEO) ku meel gaar ah ka noqday Aasaasihii shirkada ee Steve Jobs ninkaas oo ahaa nin Aragti dheer, Aadna caan ugu ahaa Hal-abuurka iyo hindisidda walxaha cusub (Product Innovation) si uu Shirkadda dhaqankeedii Hal-abuurista ugu soo celiyo wuxuu u baahnaa in uu macmiilka mar kale baro Apple, fekraddan oo Cilmiga suuqgeynta la yiraahdo (repositioning Strategy). Ololahani Fursadaas ayuu siiyey waxaana si Abqarinimo leh uga faa’iideeyey fursadaa shirkadda Suuqgeynta ee TBWA/Chiat/Day oo u maamulaysay Apple Olalahan.
Faa’iidada Dhalinyaradda Soomaalidu kala Bixi karto Ololahan Nuxurka iyo ujeeda halku dhega….u feker si kale!
Dhibaatada Apple heysatay 1997 iyo ta dhalinyarada Soomaalida Heysata maanta wax badan bay Wadaagaan, waxaan u baahanahay in aan mar kale Dunida is Barno si taasi u suurtowdo Waxaan u Baahanahay Shakhsiyaad waalan (Crazy ones)!! dabcan si maangal ah u waalan!
Steve Jobs mar la wareystay ayuu wuxuu ku tiraabay hadalkan Cajiibka ah.
"Markaad soo koraysid, waxaa laguu sheegi doonaa dunidu waa Sidan ay Hadda tahay (Saasaa loogu talogalay) dawrkaagu waa in aad sida ay tahay uun ugu Noolaato.....LA
AKIIN, Noloshaasi waa mid AAD u kooban; Noloshu intaa way ka balaaran kartaa, HADII aad ogaato HAL xaqiiqo oo aad u sahlan: ‘In shay kasta oo kuu dhow iyo waxkasta oo kugu xeeran oo marka la isu geeyo aad ugu yeerto Noloshaadii ay sameeyeen dad aan kaa Caqli badnayni; Aadna Bedeli kartid, Saameyn kartid, amaba aad dhisi kartid fekero iyo waxyaalo aad adigu iska Leedahay oo dadka kale isticmaali karaan! markaas ayaad burburinaysaa gidaarka mirirka badan ee Aduunka sidaa aad ugu timid uun ugu Noolow waxaana ku soo geleysa neecawda: Nolosha si diiran u soo dhowee, wax ka bedel, wax ku biiri, horumari, Saameyntaadana ku xaradh dunida! Marka aad intan danbe barato sidaadii hore weligaa ma noqonaysid; waxaad tahay qof cusub"
Ugu danbeyn waxaan u baahanahay in aan dad cusub noqono oo aynaan hal-abuurista ka biqin wax cusubna keeno waayo Nolosha caadiga ahi waa caajis…caaajis…caaaaajis
Qoraalkan waxaan u hibaynayaa qofkasta oo fikrad waali u eg ka dhex guuxayso in uu tijaabiyana ku Fekeraya.
Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.
Qalinkii: Shafici M Colaad — M.A PPM, BBA-Marketing, CMA
Tixraac
Rob Siltanen (Dec 14, 2011). "The Real Story Behind Apple's 'Think Different' Campaign". Forbes Magazine, Forbes.com
Geekologie.com (7 October 2011) "Touching: Steve Jobs Voicing One of Apple's Iconic 'Think Different' Campaign Commercials"
Tom Hormby (8 October 2013) Think Different': The Ad Campaign that Restored Apple's Reputation.
Jobs (2013), a Hollywood movie Produced by Joshua Michael Stern, featuring Ashton kutcher as Steve Jobs
# xigasho abdulahi nur colombo