Skip to main content

Socodka Gammaanka

SOCODKA GAMMAANKA

Socodka farduhu waa kala duwan yahay sida marka ay taagan yihiin, markay daaqayaan, marka la fuushan yahay, marka lagu dabbaal degayo, Iwm, waxaana ka mid ah kuwaan;
  1. Taxaash ~ waa marka farasku daaqayo ama si caadiya u soconayo, kolkaan lama saarna waa caddaysan wax salab ahna ma saarna.
  2. Taxaab ~ Waa marka faraska la hoggaaminayo, waxaa saarnaan kara Koore waxaase khasab ah jaraha.
  3. Goros ~ Waa marka farasku taagan yahay, oo uu lugna ku istaago lugna laabto, tan waxaa ka siman gammaanka oo dhan.
  4. Kadle ~ Waa socodka marka faraska la fuushan yahay ee uu sida deggan u socodo. Wuxuu u dhow yahay taxaash waase la saaran yahay kan.
  5. Xawaare ~ Waa orod dhex-dhexaad ah, oo aan ahayn kii ugu dambeeyey ee socodkiisa, waase socod cadow aan dheerayn looga baxsan karo, waana kan geela lagu dhaco.
  6. Xawli ~ Waa socodka ugu dambeeya ee dheeraynta, socodkaan waa kan cadowga looga baxsado, ugaadhana lagu soo qabto.
  7. Dakaan ~ Waa socodka uu faraska ku daalay lana istaagay daal aawadiis, waxay isu dhow yihiin kan hoose;
  8. Laabciir ~ Waa in farasku suu u ordayo oo horay ama gees-gees u dhaco, tani waa kufidda faraska.
  9. Hardaf ~ Waa kolka uu farasku afar qaadlaynayo, oo labafa jeenina mar qaadayo labada lugoodna mar qaadayo.
  10. Raqle ~ Waa socodka farasku afartiisa addinba midba mar qaadayo, wuxuu soo shaabbahaa kadlaha raqlahaase dheereeya.
  11. Jeelag/Jeefag ~ Waa socodka farasku dheeraynayo haddana uu gooladaynayo ama leexleexanayo. Socodkaan waxaa adeegsada fardaha tabcooyinka dagaalka sida hufan loo baray kuna dhaari qaatay.
  12. Dooyo ~ Waa marka farasku tartiib u soconayo, lana fuushan yahay oo lagu raaxaysanayo ama lagu xarragoonayo.
  13. Gurdan-raac ~ Waa socodka fardaha kale lagu dhaco inta la dhex galo fardaha la didsado laguna dhaco faras la fuushan yahay.
  14. Gaaddo-buur ~ Waa socodka faraskoo ordayo lagu soo dhufto jaraha oo lagu soo jiido xakamaha, kolkaasna uu bariiqdo.
  15. Hawalis ~ waa jeeraaraha ama wareegaysi socodka, kan waxaa la adeegsadaa xilliyada dhoolla-tuska, iyo dabbaal degyada arooska iyo caleemo saarka salaaddiinta.
  16. Kabtin ~ cayrin xawaaraha ka hooseysa, waa marka jarehayuhu inta qotinka hore bogga ku nabo asaga iyo faraska la kala garan waayo intuu rikaabbada faraha lugaha fooddooda surto.
  17. Qaatimayn ~ waa marka farasku durduriyo, ay ka tahau cayaar iyo barwaaqo dar la’.
Gabay : Sayidka
Xawaariyo, kabtiyo, raaxo iyo xawli iyo jeelag !!
Ciddii taqaan noocyo kale oo socodka fardaha ah, way nagu biirin kartaa wixii qaldanna waa la iga sixi karaa.