MEERAYAASHA SOOMAALIDA
Qoraalkaan hoose waxa aan ka soo guuriyey buugga qaddiimka ah ee uu qorey Muuse Ismaaciil Galaal ee “Xiddigaha, Xilliyada iyo Cimilo-gooreedda” Bulshada reer Miyiga ah ee Soomaalida (Halkaan kala deg). Dhab weeye in Soomaalidu ay kala taqaanno xiddigaha, mana ahayn cilmi ay gooni la yihiin uumiyaha samaystay qalabka Fagaare-meerka ah iyo kuwa soo dhaweeya walaxaha hawada sare ku callaqan.
Ninka Soomaaliga ahi isaga oo aan haysan qalabkaas yuu haddana xiddigaha u lahaa garasho xeel dheer, isaga oo beeg u jiifa yuu ku dhahayaa yuu garan karaa xiddigo ka laalan iyo saameynta ay ku leeyihiin isbeddelka cimilada iyo cimilo-goereedda dhulka Soomaalida sidaas waxaa kuu caddaynaya in ay leeyihiin xiddiga ay mid kasta ula baxeen magacyo ka gaar ah, kuwa ay adeegsadaan uumiyaha kale.
Kuwani waa meerayasha (Xiddigaha qaybtood) iyaga oo aan isu barbar dhigayno qaabka Laatiinka galbeedka iyo kan Soomaalida.
- Qorrax = Sun
- Dusaa, Hurjub, Cuddaar iyo Dhayl-guduud = Mercury
- Waxaro-xir, Sukhra, Sahra, Xiddig-waaberi = Venus
- Dhul = Earth
- Saxal, Saxal-guduud = Mars
- Farraare, Mariikh, Mariikh-dhiigle = Saturn
- Cirjeex, Madho, Mushtar, saxal-cadde, Dhool-mare = Jubiter
- Tarbiico = Uranus
- Docey, Doco, Dawaar = Neptune
- …….. = Pluto (Soomaalidu ma aragto, mana xisaabsato).
Gabaygaan hoose waxaa mariyey Faarax Caytame hilaaddii 1890-aadkii, waxa uu ku xujaysanayey rag ay gabay isku jiireen Silsiladdii Halac dheere, wuxuu na yiri;
Cirka madaxyadiisii haddaan meetan ka xisaabo Xaggee buu dawaarku u maraa falagga meeraaya? Madhadii xaggee bay tahoo ma aad taqaaniin dheh? Ayaanta iyo manaasiisha iyo magac siyaaliinta Mid, mid say ugu waafaqaan ma aad taqaaniin dheh? Ma ekeyne saacaduhu way is garab maraayaane Meelaha dharaartii badnaa ma aad taqaaniin dheh? Midka coogaaga, meecaadda iyo godinta meegaaran Kobta qaalibkeed ka maro maalintii axada Masal gaab haddiinnaan ahayn ma aad taqaaniin dheh? Mushtarkii Mariikhii hadduu meelaha ka khilaafo Macnahay Tarbiica u noqdeen ma aad taqaaniin dheh? Maalin arbaco ah iyo muqaabila bal kobtay Aljuus uga marmaan ma aad taqaaniin dheh? Casha mira dayuxu waa maraa naaf madoobahe. Saxalkuna wax badan buu marxalo bilo u maaxaaye Orodkoodu waa na isku mide a aad taqaqaniin dheh. Warmaha iyo arlada kii badnaa ma aad taqaaniin dheh Miyaad iyo cishaar waa midkee magac dhawaayeene Midba xaajadaa loo qabsado ma aad taqaaniin dheh?Faarax Caytamo Eebbow u naxariiso, gabaygaan haddii uu san ka tegin waxaa la oran lahaa Soomaalidu waa juhalo aan falagga sare wax ka ogeyn, haddase waxa aan la tartamaynaa kuwa aqoonta is biday.
TALO
Walaalle haddii aad adeegsatid sida ay Soomaalidu u taqaanno meerayaasha sare ayaa ka sugan sida ay u adeegsadaan uumanaha kale, sababta oo ah waa Af Soomaali, ay kuu sheegeen Soomaali.