Skip to main content

MAASOONIYADA

ILLUUMINAATI (Q.1)

SHAYAADDIINTA AADANAH!
Waa magac guud, oo la mid ah “Iftiimin“. Waxaa loo qayaannaa kooxo gaar ah, qaarkoodna dhab yihiin, kuwo kalena la isku xuuxiyo. Hal ku dheggoodu waa; “Bulshada dahsoon” – [The secrete society]. Magacaan asal ahaan waxa uu ka yimid Bavarian Alluuminaati – Oo la miisaan ah, Ibofurayaashii reer Bafaariya. Bulshada dahsoon waxaa la aasaasay 1-dii, May, 1776, oo ku beegnayd abbaarihii labo bilood ka hor xorriyaddii dalweynaha Maraykanka, waxaa dhidibbada loogu aasay gobolka gaarka isu maammula ee Bavaria kana tirsan dalweynaha Jarmalka. Ujeeddadii ka dambeysay ee loo unkay waxa ay ahayd salguurinta Sixirka, Qarsoodida, saameynta diinta ee noloshada maalinlaha ah ee daweya, iyo ku takrifalka awoodaha dowladda. 6-dii Feebaraayo, 1748 waxaa ismaammulka Bavaria  (German: Kurfürstentum Bayern) ku dhashay nin nolosha aadanaha kusoo kordhiyey islahaansho  dadban kaas oo shicaarkiisu yahay; “Maammul, kuna takrifal adiga oo aan qabsan“, waa ninkii soo rogay sharciga maanta lagu maammulo in badan oo ka tirsan dunida iyo dadka ugu saameynta badan sida; Madaxweyneyaasha, siyaasiyiinta, hooballada, ganacsatada iyo cid kasta oo awood ku leh deegaanka ay ku nool yihiin xataa odey dhaqameedyada, sharcigaas oo la dhaho “Amarka Maalinta” – “The order of the day” – oo la too’ ah in qorraxdii soo baxda ba ay la soo baxdo cibaaro aan ka geddisayn middii horey loo qorsheeyey! Awooddaas eebbe oo qur ah ayaa iska leh, waa se sida ay damaceen, wax se waa uga fuleen! – wixii rag u kaco, rabbina aqbalo waa rumoobaan. 
Waa shayddaan caabudkii weynaa, ahaa Faylosoofarkii ugu aragtida dheeraa 1700-aadkii, waa kii ka amar qaadan jirey wiilkii uu dhalay shayddaanka weyn ee Satun (Ibliis), kaas oo maammula quluubta in badan oo beri ka noqotay in ay talada u hoos fariistaan uumaha uumanaha Eebbe baa isagaa ceeb iyo caarya ba ka korrane. Ninkaas waa alhuumigii timaha duuduubnaa ee Adam Johann Weishaupt. 4 jir isaga oo ah ayuu agoontoobay, luxudkana la dhigay aabbihiis Joohaan. Waxaa wakiil ahaan ula wareegay awoowehiis Freiherr Von Ickstatt. Awoowihiisani waxa uu ahaa Barafasoor Jaamacadeed, kana tirsanaa khusuusiyiinta waaweyn ee Jaamacadda, waxa uu saameyn qalbi taabad ah ku yeeshay koritaanka maskaxeed ee wiilka uu aabbihiis jeclaa. Wiilkii agoonka ahaa waxa uu waxbarashadiisii aasaasiga ahayd ku bilaabay isaga oo aan dhaafsiisnayn da’da 7 sano, ugu dambaynna waxa uu jaamacadda ka baromoosay isaga oo jira 20 sano sannadki 1968, waqti kama uu san lumin sannadkii ku xigay waxa uu rabdadda u koray Afra Sausenhofer, oo ahayd xaaskiisii koowaad, in badanna kalgacayl iyo haasaawe ay isku il-lahoodsanayeen.
1773 waxa uu noqday barafasoor dhanka sharciga ah [1] shaqadaan wax badan kuma sii caano maalin 1775-tii wuu ka ruqsaystay, isla xilligaas oo uu bilaabay in  uu wax ka barto falsafadda caqlaaniyada [2] – waa falsafad tibaaxaysa in aqoontu ba ku timaaddo dareenka iyo khibradda qofka oo keli, haddii labadaas lagaa helo waxa aad tahay aqoon yahay! Ninka sidaas ahi waxa uu 1776-dii dhidibbada u aasay bulshada dahsoon ee Alluuminaati. Waa koox uu isaga u yagleelay in ay dunida ku faafiyaan caddaaladda, dabargoynta sixirka, sinnaanta iyo xorriyada ka tifo qaadda bulshada dhexdeeda, balse noqon wayday, waxayse noqotay mid sidaan lidkeed u adeegta!
Waa kooxdii dahdoosnayd ee ka amar qaadanaysay wiilka Ibliis ee Lutisfeer. Ibliis waxa uu dhalay labo nacladane oo la kala dhaho “Dheemman iyo Lutisfeer”. Dheemman waxa uu si gaar ah u maammulaa jacaylka macdanaha iyo dhagxaanta qaaliga ah, halka Lutisfeer uu yahay kan dunidaan ku faafiya wax allaala wixii xumaan ah sida; dilka, xanta, furriinka, sinada, sixirka, waa kan ay ka amar qaataan gaardileyda tuman dhul ka hooseeya badaha adduunka, maqrib kasta lagu fayliyo, lana wayddiiyo waxa ay adduunka maanta ku soo kordhiyeen, lagana doorto mid reer Islaam ah soo dumiyey! Waa qaabeeyeyaasha xumaanta adduunka korkiisa ka idibilatay, waa faafiyeyaasha sixirka, islahaanshaha dahsoon iyo fikirka alle diidnimada.
Qormadani waxa ay noqon doonta mid aan ku lafo guri doono siyaalaha silloon ee Alluuminaati iyo qaababka dahsoon ee ay u maammulaan dadka awoodaha leh ee adduunka sida; madaxweyneyaasha, Fiilasoforrada, siyaasiyiinta iyo cid kasta oo ilqabad bulsho leh. Waxa aad ogaan doontaa sirta ka dambaysa in ay dadka u maammulaan sida ay rabaan, in ay qarsoon yihiin, iyo ujeeddada ka dambaysa jiritaankooda. Kama marnaan doonaan dadka caanka ah ee ka midka ah Kooxda Alluuminaati, meesha ay deggan tahay, iyo shirqoollada ay fuliyeen qarnigii 20-aad iyo ka hor ba.
Waxa aad baran doontaa cashar adiga ku anfici doona haddii aad sii gudbisana badbaadin doona kuwo nolosha adduunyada qawadsanaa, waxa aan kuu sheegi doono waxa ay yihiin waa tilmaamaha saxan ee Alluuminaati, kooxda qaska iyo jaahwareerinta uumiyaha. Astaamahooda waa kuwo cad cad, lana garan karo. Taliyeyaasha dahsoon dunida maanta!
Mahadsanid, Mudane
Xoosh Docol Curdan 
#KannaBaro
Xcurdan@gmail.com


ILLUUMINATI (Q.2)

Advertisements
Waxaa jira gudbeynayaal na tusinaya daahana ka faydaya xaqiiqooyin ka qarsoon indhaha dadka caadiga ah, waa caddaymo bal ka cad utunnadana u aasaya falal liddi ku ah nolosha caadiga ah ee aadanaha, hadda waxa aan ku jirnaa soohdimaha iyo xayndaabyada lama galaanka ah ee Illuuminaati – Shayaaddiinta Aadanaha.
WAYDDIIMO U BAAHAN WARCEL.
Illuuminaati yey aamminsan yihiin?
Waxa ay adeegsadaan calaamado ka gaar ah kuwa caadiga ah, waa calaamado aysan ku dhicin in ay adeegsadaan dadka caadiga ah, Waxa ay calaamad ahaan  u adeegsadaan Guumeysta. Waxa ay adeegsadaan magacyo qarsoon si ay uga fogaadaan aqoonsi. Haddii dadka muuqda adeegsadaan darajooyinka; Taliye, Suldaan, madaxweyne, malaaq iyo hoggaamiye iyagu ka anshi duwan waxa ayna adeegsadaan sida; Ilaahadda, Ilaaha, Layliga, Gaammure, Waxyi, Kii la ifiyey iwm, kuwaasi waxa ay kala sooheen awoodaha Illuuminaati. Sida la xaqiijiyey Illuuminaatiga ka sarreeya derejada 30 cid ma ay aamminsana, maxaa yeelay kuwaasi waxa ay noqdeen kuwo jidkood bannaan ah. Darajada 30 waxaa gaara oo keli rag u carbisan la wareegidda hoggaanka sare 33.
Waa ay adag tahay in la aqoonsado dhaqammadooda balse waxa keli ah ee ay ku caan baxeen ayaa ah Khayaano iyo basaasnimo gabowday si loo qariyo aqoonsiga saxda ah ee qofka ka mid ah. Waxaa se mararka qaarkood dhacda in madaxweyneyaal, siyaasiyiin iyo hooballo lagu sandulleeyo in ay muujiyaan calaamadaha gaarka ah ee lagu garto kooxdaan, xilliga ay sidaasi dhacayso shirqool la rabo in loo dhigo qofkaas. Sidoo kale dadka ay ka muuqdaan calaamadaha la yaabka leh ee Illuuminaati waxa lagu gartaa in ay yihiin dad u dallacay heer caalami.  Illuuminaatigu waxa aad ugu dhow yihiin dadka kacdoonnada huriya marka loo eego madaxdooda, iska gara oo waxa ay marti u yihiin wax kasta silloon!
Illuuminaati adduunka miyey maammulaan?
Aniga oo eebbe aamminsan ma dhihi karo, kafaro tagtay oo kaadi ku dhaashaday yaa adduunka maammula, balse waxa aan dhahayaa kooxaha ugu awoodda roon ee adduunka waxaa ka mid ah kooxda il-maqabatada ah ee Illuuminaati. Waxaa in badan marag laga ahaa dilal iyo shirqoollo aan cidna sheegan balse ay markii baaritaanno qotodheer la sameeyey lagu ogaaday in ay ka dambeeyeen kuwii sharka iftiinsada! Ilaa iyo hadda waxaa la ogsoon yahay in ay yihiin kuwo daaha gadaashiisa ka maammula madaxweyneyaasha ugu awoodda sarreeya sida; Ruushka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Maraykanka. Waxaa marag ma doonto ah in ay dhidibbada u aaseen heer sarena gaarsiiyeen madaxda shirkadood sida; Google, Microsoft, Alibaba iyo McDonald. Shayga keliya ee u sahlaya in ay qofka gaarsiiyaan heer uu san ku riyoon abidkiis waa in ay leeyihiin xargo isugu xiran oo ay qofkaas u furaan markii hawli ku adkaataba. Waxa ay maammulaan haayada lacagaha adduunka, Qarammada midoobay, waxa aad si wacan u fahmaysaa markii aad aragtid bahda reer Rockefeller oo ah bahda adduunka ugu taajirsan, waxa ay haystaan kaydka ugu badan ee dahabka!
Yeelashada awood qayaxan oo aad ka heshid Illuuminaati waxa ay xiriir togan la leedahay aamminaadda aad iyaga ka haysatid, haddii aad aamminsan tahay siyaasadahooda iyo dhaqammadoodu in ay yihiin kuwo soo dirriyey waxa suurogal ah in ay kuu furaan albaabbo adiga kaa xidhnaa! sidee? – bal adigu tan soo baar.
Maxay u qarsoonyihiin Illuuminaati?
Waxaa dhacday in la laayey, la takooray, la xasuusay lana mamnuucay. Waxaa dhacday in gobolkii laga aasaasay laga mamnuucay laguna laayey sannadkii 1785-tii, waa gar! way se garaysteen mana aysan kusii jirin noloshii takoorka ahayd waxa ayna go’aansadeen in ay ka mid noqdaan bulshda dahsoon ee caalamka. Xogo laga helay guryaha ragga ugu sarreeya Illuuminaati sida ninka loo yaqaan Xavier von Zwack waxa ay ahaayeen malo-awaallo cabsi abuuraya sida; in ay aamminsan yihiin in ay adduunka mar uun la wareegi doonaan maalintaasna ay noqon doonaan kuwa muuqan doona! Waa maalintee? – adigu u dhabbo gal. Dukumiintiyadaasi waxa ay marin habaabinayeen xogta rasmiga ah kooxda, waxaa na ku qornaa faro shayddaaniya ah oo aysan jirin cid fahmi karta!
Sida saxan ee dad badan aamminsan yihiin waa in ay isku mid yihiin Maasooniyada iyo Illuuminaati. Waxa aad se si fudud uga ogaanaysaa adiga oo si xog dheer u baara calaamadahooda. Waxaa se la aamminsan yahay in Illuuminaati tahay heerarka hoose ee Maasooniyada.
Haddii aan baaro xogo ku saabsan  miyaa la i dilayaa? 
Maqaal ay Raytors ka qortay kooxdaan, waxa caddaysan baaritaan dheer ka dib in haddii magacooda aah ku qortid baraha wax laga baaro si dhaw laguula socdo. Tan keliya ee u sahlaysa in ay ogaadaan xogtaada waa shirkadaha iyo website-yada leh goobaha aad wax ka baaraysid ay xubin sare ka yihiin kooxdan Illuuminaati.
Wax badan ayaa laga ogyahay meesha aad joogtid, shayga aad isticmaalaysid, xogtaada iyo gobolka aad ku sugan tahay, si gaar ahna kombuyuuterkaaga ayaa aad loo soconayaa iyaga oo kusoo daynaya “Siraqaadyada” ama “Cookies” xogtaada dhan u xawilaya gooabaha ay xogaha ku keydsadaan. shayga keliya ee aad ugu badbaadi kartid waa adiga oo adeegsada qariyana “IP-address-ka” Kombuyuuterka adiga oo isticmaalaya softiweerka caanka ah ee VPN, laga se yaabe in ay isaga leeyihiin. xog kama aan hayo.