DUMARKA SOOMAALIDA
Udbo, weylaalis, lool, qobtol/abjad, Ilaxir, geeddi, Jil, dhig, Saan, Gar, bayd, Xig/yeel, Gog/Qumbe, Lammo/derin, Duubashi, raro/hararo/raar, karbaash, Cayn, dermo, abxad, dhiil, xaarin, doobi, bire/mure/gaawe, sibraar, saytuux, tebbad, fandhaal, dheri, qudde, xurbo, shiike, subagga, haamaha, weymbaarrada, dawlisyada, Catir iyo kuwo kale waxa ay ahaayeen qalabkii ay dumarka Soomaalidu samayn jireen xilliyadii kala duwanaa ee nolosha miyiga.
Dumarka Soomaalidu waxay awood lama maammiyaan ah ku lahaayeen wax soo saarka dalka marka laga soo tago dhasha ay beerayaan taas oo ka dhignayd in dumarka Soomaalidu sameyn jireen badi weelka dalka laga isticmaalo.
Iyagoo samaynaya weelka hayana agaasinka guriga iyo xoolahaba ayey soo saari jireen heeso iyo hawraaro maaweelo ah oo badi la isku dhaafiyo xaaladda shaqo ee markaas taagan ama kuwa cabbiraya xaaladda ay markaas ayada, ciyaalkeeda, xoolaha, dalka ama ba ninkeedu ku sugan yahay.
Heesaha iyo hawraaraha caanka ah ee “HUWAADA, RARADA, KEBEDDA, BURAANBURKA, GOOGGAALAYSIGA, CARRAB JALQINTA, MAQASHA, XEEDOWGA, HAANTA IWW”, waa kuwo ay soo saareen dumarka Soomaalidu curintoodana ay iyagu gaar u lahaayeen. Heesahaas iyo hawraarahaasi badi waxa ay ahaayeen kuwo lagu hagayo, dhisayo, barbaarinayo ama lagu hogotusaalaynayo dhallaanka oo ah mustaqbalka loo harjadayo.
Kuwaasi waxay ahaayeen dumarka miyiga, dumarka magaaladu in yar ma ahane tallaabada kama yaraystaan kuwa miyiga, waxse hubaal ah dumarka miyigu in ay yihiin laf dhabarta wax soo saarka dalka dhan walba.
Aniga doorrankaygu yahay dumarka miyiga, kuwa magaaladu meelo ay ku san yihiin waa ay jiraan waxse hubaal ah in aysan joogin heerkii dumarkeennii hore. Soomaali baa hadal soo ururisay oo tiri; “Abaar waxaa ka baxa nin, awr ama oori wanaagsan leh”.
Xilliba xilliga ka dambeeya dumarka Soomaalidu waa sii qiima beelayaan iyada oo ay saamayntiisa leedahay is beddelka maaddiga ah ee ka socda adduunka kuna wajahan uumanaha badidiis. Waxyaabaha sii qiima riday dumarka qaar waxaa ka mid ah; sadcaalka badan, maanguurka, tiknoolojiyadda, dawooyinka la marsado, caadooyinka soo dhex galay bulshada Soomaalida, xishood yari iyo “Waa caadi – caadi ceebi kama horreyb!”.
Hadda ba ma u baahannahay in aan soo celinno doorkii ay dumarka Soomaalidu ku lahaayeen dhiska bulshada si uu u soo laabto qiimigoodii, sidee se kula tahay in loo soo celin karo?