QISO ANFACAYSA NAFTAADA
Nin dhalinyaro muslim ah ayaa maalin gaari ama baabuur uu lahaa kaxeystay si uu u usoo booqdo rag axsaabtiisa ah,dabeedna waxaa dhacday inuu shil galay intii uu wadada kusii jiray waxaana loola cararay cusbitaalka isagoo miir daboolmay ama "coma" galay waxaana xaaladaas uu ku jiray mudo afar maalmood
Maalintii shanaad ayuu wiilkii koomada kasoo baxay iyadoo ay la joogaan waalidkiis iyo walaalahiis waxaana ay ku farxeen inuu koomadii kasoo baxay.
Waxaa hadaba dhacday in wiilkii markii uu miirka usoo noqday uu dareemay inuusan wax arkayn keliyana uu maqlayo hadalka waalidkii iyo walaalahii.
Wiilka oo 24 jir ah nimcada araga waa uu haystay mudadaa laakiin shilka marka uu galay ka dib waa uu waayey aad ayuuna u ilmeeyay isagoo ka xun arag la'aanta ku dhacday.
Aabihii ayaa ku yiri wiilkeygiyow iska samir aduunku waa imtixaan Allahii ku siiyay ayaa kaa qaaday araga iyadoo wiilku uu ilmadii ama ooyintii uu sii watay, waxuuna yiri Aabo lama ooynayo indho la'aanta oo 24 sano ayuu Eebe iigu nimceeyay,laakiin waxaan la ilmaynayaa oo ka shalaynayaa 24 sano oo aan wax arkayey Masaajidka ma tegi jirin, waxaanan indhaha ku daaweyn jiray filimada xun xun iyo wax uusan Alle ka raali aheyn.
Hadaba wiilkan dhalinyarada ah goorma ayuu ogaaday nimcada ay indhahu leeyihiin ? waa markuu waayay nimcadaas.
Walaal nimcooyinka aan xadka laheyn ee Alle ku siiyey ku shukri, maanta Rabbi indho ayuu ku siiyay ha ku daawan wax uusan raali kaaga aheyn, dhego ayuu ku siiyay ha ku dhagaysan wax uu illaahay raali kaaga aheyn,lugo ayuu ku siiyay hala aadin meel xaaraan ay ka socoto.
Maanta waad awoodaa inaad kitaabka quraanka aqriso,maanta waad awoodaa inaad khayrka dhageysatid,maanta waad awoodaa inaad meelaha khayrka leh iyo masaajidka aad aado.
Dadku badankood ma xasuustaan nimcooyinka alle siiyay ilaa ay waayaan.
Allaah ku shukri caafimaadka ku siiyay,ummad badan oo nimcada aad haysato aan haysan baa jira.
Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qisadan.
Xigasho.. Abdullahi Nur Colombo
Comments