NIN U SOO ISLAAMAY KALIYA INUU HURDO HELO ( Qiso Cajiib Ah! )

Barnaamij ka baxa ama laga sii daayo Telefishinka la yiraahdo Al-raxma ayaa caalim lagu magacaabo Sheekh Maxamed Xasan oo u dhashay dalka Masar kana mid ah culumada waa weyn ee caanka ka ah dunida ayaa ka hadlay qiso cajiib ah oo ka waramaysa nin u soo islaamay kaliya inuu hurdo helo waxaana sheekhu isagoo arimahaas ka hadlaya uu yiri sidan:

Nin u dhashay wadanka Ingiriiska ayaa isagoo aqalkiisa jooga waxaa uu daaqada ka arkay nin muslim ah oo beer ku taalla meel aan ka fogayn gurigiisa seexday oo hurdo la dhacay.

Ninka muslimka ah ayaa si daggan inta uu gacmihiisa madaxa ka hoos mariyay iska seexday isagoo u muuqday qof hurdo aad u macaan la dhacay, waxaana intii ninka muslimka ah uu seexanayay oo idil dusha sare kala socday ninkan gaalka ah oo dariishad uu daganaa ka daawanayay,dabeedna waa uu ka soo dagtay gurigiisii waxa uuna u soo dhawaaday ninka muslimka ah ee jiifa, ka dibna waxaa uu arkay inuu hurdo dheer gashaday oo uu khuurinayo.

Aad iyo aad ayuu u yaabay wuuna ka kiciyay hurdadii, markaasuu weydiiyay ‘Ninyahow Adigu yaa tahay?’ ninkii muslimka ahaa ayaa ugu jawaabay ‘waxaan ahay muslim..!’ ninkii gaalka ahaa ayaa weydiiyay ‘Muslimku ma sidan fudud ayuu u seexdaa?!’ ninkii muslimka ahaa ayaa jawaab ka siiyay, iyadoo sheekadoodiina ay sii socotay.

Ninka gaalka ah ayaa u sheegay ninka muslimka ah inuu muddo raadinayay si uu hurdo ku helo, waxaa uuna u sheegay inuu dawooyin badan u isticmaalay sidii uu u hurdo ku heli lahaa awgeed.

Ninkii markii uu xaaladaas la kulmay ka dib ayuu aaday Markaz Islaami ah,waxaana halkaas uu kaga dhawaaqay Kalimadda Diinta Islaamka lagu soo galo ee Shahaadateynka, iyadoo halkaas lagu baray sida loo tukado.

Habeenkii ayuu seexday Markazka waxaana la tusiyay ama la baray qaabka muslimiintu u seexdaan oo ah in dhanka midigta loo seexdo, ducooyinna la aqriyo, intaa markii loo dhameeyay ayuu la dhacay hurdo aad u macaan.

Waxaa dhacday in loo kiciyay Salaaddii Subax, markaas ayuu ku yiri ‘Maya..maya ha i kicinina..!’ waxuuna dadkii kiciyay u sheegay inuu ka cabsanayo ama ka baqayo inuusan mar dambe hurdo helin haduu kaco, balse raggii kicinayay ayaa ku yiri ’Waad seexan doontaaye kac, hadda waxaa la joogaa xilligii salaadda..!’.

Sidii ayuu ku kacay oo Salaaddii ku tukaday, balse markii Salaadda uu tukaday ayuu damcay inuu seexdo,waxaa lagu yiri ‘sug sug waxyar waxaa inoo dhiman inaan ducooyinka Subaxda aqrisanno, kadibna Shuruuqda aan u fariisanno, kadib ayaad hurdo dheer seexaneysaa Insha’allaah..!’.

Qisadan ayuu Sheekh Sheekh Maxamed Xasan oo u dhashay dalka Masar waxa uu ku soo gaba-gabeeyey sida Diintu qiimaha badan noogu leedahay ayna sababtay in hurdo oo qura nin gaal ahi uu ku soo islaamo. 

Xigasho: Abdullahi Nur Colombo

Comments