• MAAHMAAHYO:
  • Aadme la aragyaaba, dhib la arag.
  • Aan wada hadalno waa aan heshiinno
  • Aan wada hadalno waa aan heshiinno.
  • Aan wada hadalno waa aan heshiino.
  • Aar qoyey dacawo la mood.
  • Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar.
  • Abaal raaga rag baa leh, mid baaqdana haween baa leh, mid soo dhakhsadana xoolaa leh.
  • Abeesada taan sanqarta iyo tan aammusan, tan aamusan baa la qaatay.
  • Abeesana dhul u eki bay wax ku dishaa waadaadna dad u eki.
  • Abkeey dooli diloow, dad nool maas u dahaa
    • Aburku intaanu kugu tufin, baa lagu tufaa.
    • Abuur iyo waano abuur baa horreysey.
    • Adduun i khatal.
    • Adduunyo ka kabo li'id, aakhirana u salaad li'id.
    • Adhi been wuu didaa beense ma dhutiyo.
    • Adhi magantii ma barriiyo.
    • Adhi shidho laga daayo.
    • Adhi-jiri ma kala abaal weydo.
    • Adin waa la dhibaa, ilna waa la dhawraa.
    • Adoo nabad u balawaara, beloy kaalay lama yari.

Comments