Guurka Iyo Islaamka '''
Muxuu yahay guur?
Marka loo cuskada Diinta Islaamka, guurku waa heshiis xalaal ah oo dhaxmara lammaane/a/o is-cajabiyey oo is-calmaday calafna u hiiliyey. Guurku wuxuu ka ambaqaadaa nikaax/ninkaax ama caqdi, laakiin, Soomaalidu waxey dhahdaa, "Meher", afka Carabigana ku ah "Mahar" oo loola jeeda maal gabadha la-guursaday la siiya kaasoo lacag, xoola-nool iyo waxkalaba noqon kara, go'aankiisana ay gabadhu leedahay balse ay ragga Soomaaliyeed kula gorgortamaan; saddaxdan erayba waa Carabi, Carabiguna waa luuqadda rasmiga ah ee Diinta Islaamka. Alle Subxaanuhu Wa Tacaalaa wuxuu guurku ku sheegay, "Is-afgarad Adag - heshiis xooggan." Guurku wuxuu leeyahay wadiiqooyin loo mara kuna cad axkaamta Islaamka. Waxaa saldhig u ah kalsoonida labada is-guursanaya ugu yaraanna waa in la hela laba rag ah oo marag ah meheriyahana waaba waajib - qumaatiga ayuu qaayibaa qodbasiradana Culimadaa noo qeexi, balse laga qiimo badan dhaqan ahaan iyo diin ahaanba - anshaxa-diineed.
Maxey Tahay Ujeeddada Guurka?
Nabi Muxamed (Naxariis iyo Nabadgalyo Dushiisa Ha Ahaatee) Wuxuu yidhi, "Guurku waa dhaqankeyga qofkastoo ka dheeraadana igama mid aha." Dulucda Suubbanaha, nabiga, (NNKHAT) waxey na tusaaleyneysaa sida guurku ugu sharfan yahay Diinta Islaamka mudnaan iyo meeqaam miigganNa Muslimiinta ugu leeyahay. Ujeeddooyinka ugu waaweyn ee guurku waxaa ka mid ah kuwan hoose:
1 - Sugidda keydinta iyo korarka jiritaanka isirka Aadanaha.
2 - Unkidda sharciga ah ee naf ahaan aasaaska qoyska, Muslimka ah.
Labadan waa kuwa saldhigga u ah guurka, balse, waxey leeyihiin laammo iyo faraqyo ay u sii kala baxaan una kala baahaan. Guurku wuxuu xannaaneeyaa sharafta is-guursadayaasha iyo wadar bulshada ay ku dhax-noolyihiin waa haddii guurkoodu salka ku haya caashaq iyo is-calmasho dhab ah ayna iska filayaan ku-jecli iyo ku-jantay joogta ah kana imaneysa beer uu hiloowga laba-geesoodka ah,naf-qeybsadayaasha - gabadha iyo wiilka, buuxiyey oo uu bisleeyey hadal-macaan iyo hawraarsanna ku dhisan kalsooni iyo kalgacalna huwan oo ku hubeysan.
Guurku wuxuu xakameeyaa oo xaaraanta ka weeciyaa xalaashana ku dhiiriyaa dareen-galmeedka iyo kulka loo aayo ugxaanta ubadkana - minida, ama aan dhahna shahwada uu Rabbi ku beeray noolaha lab iyo dhaddigba. Sida dhaqanka Diinteenna, Islaamka, ku cad, guurku waa dhisaha iyo dheefiyaha bulshada dhawrsoon balse, hadda waxaad mooddaa iney bulshadeennu, Soomaalida, dhaawacyo ba'an oo xagga dhaqanka ah milan-dhaqameedka shisheeyaha laga soo minguuriyey la tabaaleysan tahay tubti ay kaga badqabi laheydna si baraad-laan ah uga dayoowday. Ujeeddada guurka wuxuu Alle noogu qeexay aayadda odhaneysa/oraneysa, " Dhar ayey idiin yihiin idinkana dhar ayaad u tihiin." Waxaan ognahay in qof bad iyo baraad qaba uusan dhar-la'aan socon karin.
Maxaa Looga Baahan Yahay Marwada iyo Mudanaheeda?
Waxaa looga baahan yahay iney macnaha aayadda Quraanka ah ee sare ku suntan raacaan oo ay noqdaan kuwa inta nolosha uga harsan nabad iyo nagaadi ku qeybsada jaceylkooda, iskagana sokeeya af iyo gacan. Waxaana aasaaska wadajirkooda dhaxtaal u ah: Kalsooni, xurmo iyo xaqdhawr, wadatashi iyo istusaaleyn, isutanaasulid iyo iskaashi joogta ah. Waxaan qabaa inuu jaceylku yahay mara-cad oo uskagga aan u adkeysan karin una baahan joogteynta daryeel wadajir ah haddii kale dag-dag ayuu ku daranyoobaa diiftana dul iyo duud midna uma laha.
Maxaa Sababa Inuu Ninku Naag Kale U Hanqaltaaga?
Walaashay Kaltuum Sheekh, waxey gabbaadsatay dooddeedana ku suugeysay iney nimanku ku andacoonayaan iney hal naag ah kaafin karin. Kaltuum waxey tidhi, "Waxey rabaan caruur badan. In ay hal naag ku filnaan karin qooqooda awgiis." Waxey kaloo tidhi, "Kuwaan waxey isku tilmaameen in ay yihiin 'super men'." Talow ma ku doodi karnaa in dhanki gabdhaha gaabis ka yimid oo ay gacaliyahooda gogol-wadaagga ah - saygooda, hanan waayeen?
Haddaan aragtideyda kaashada, waxaan aaminsanahay in ninku uusan si fudud naag kale ugu hiloobi karin haddii ay marwadiisa koolkoollisa farxad kula seexata farxadna kula soo toosta oo aysan noqonin magaan laga caalwaayey iyo tii qumeeyada aheyd dariskuna isku warsan wadiiqooyinka iyo wadda-sheekaadka. Ninka iyo naagta isqaba waa in aysan kala noogin oo aysan is-dhibsan marka ay wada joogaan, marka ay kala maqan yihiinna waa in ay qalbiyadoodu isku ooyaan abboowe iyo abbaayo uu afku jaceylka barayna halqabsigoodu ahaada weero naxariistu la-daris tahayna ay marwalba is-dhaafsadaan saacaduhuna ku yaraadaan qosol iyo manqaxna wehel iyo walaal-kalgacal isugu noqdaan, nafta iyo noloshana ay u wadaagaan sida labada wabi ee niilka-dheer.
Haddii mid ka mid ah lammaanaha uu kan kale gogosha ku cuna ganuunac aan siba loo gareysan karinna uu ula goob-yimaada, talo fara ka haadday jaceylkuna goraygaa ka hadaafay, ogoow oo aqoonso arrinina gurracantay.
Haddii hab laysku ogyahay layskuna aaminsan yahay uu salbasalbeeya, bal aqoonsa in gabaahiir iyo lama-gudbaan, geerigo'an iyo gondagooye uu gabbalkii jaceylku ku dhacay dabaqabashana ay god-dheer ku duuftay danina moodday meelaan laga dayi laheyna doonnina kula dagtay daadka naca iyo naxalkuna uu si-daran ula dakeeyey. Markan oo kale, waxaa birta asladay astaantii jacaylka bahda jaceylkana kala bokootay.
Goormuu Ninku Naagtiisa Ka Niyad Jabaa?
Raggu waa kala baabe, balse, waxey sidan dhacdaa marka ay ooridu noqota bullaac-jiif iyo boodh-kamakacda - noqota arraajo ama areebo - basari. Waakii gabayaagii la oran jiray: Saahid Qamaan Cali uu xaaskiisa ku lahaa, "Uskag naag leh waan necebnahaye, yuusan kugu oollin." Haddii xaaska lagu barta daryeel-la'aanta gurigeeda, gankeeda iyo gogol-wadaaggeeda, waa in ay isku diyaarisaa garoobnimo labaduna ay galoofiyaan. Waxaa kaloo musiiba-anshaxeed ah gogoldhaafka oo ah cudur aan dawo-laheyn sida caateeyaha - AIDS-ka. Xanuun-galmeedkan waa midka ugu xun ee reerka la-darsa islamarkaana dumiya qofkii uu haleelana sharaf-dila.
Maxaa Dhaliya Hiinaasaha?
Nin hiinaasay ama maseeray waxaa dhaanta naag hiinaastay. Inta badan dumarka waxey ka hiinaasaan naag kaloo uu ninka la-guursada. Waloow diinta Islaamka ay ragga afar naagood u banneysay, haddana waxaa jira xad iyo xudduud ay diintu tilmaantay - caddaaladda iyo sinnaanta ninka looga baahan yahay inuu xaasaskiisa u xaqsoora. Marka aan nafteyda ka hadla, waxaan aaminsanahay in sida aan hal naf ah u leeyahay hal qalbi jaceylka ugu yeelan kara, saas ahaan waxaan ka soo horjeedaa xaasaska badan, sababtoo ah ma garanayana waxa qoorta ii galinaya xil ay adagtahay gudashadiisa. Waxaana akhristayaasha u sheegayaa in talada Kaltuum la-tixgaliya. Hiinaasaha ragga waxaa keena shaki oo wuxuu daarran yahay murtida oraneysa, "Ceydhin-cune calooshiisuu ka shaki qabaa." Sikale haddaan u dhigna "Maseerroow ahaana mooyaanee masaar nin wataa I soo maray."
Macnaha ninkasta oo macsiyada joogteeya ayaa hiinaasaa. Hadduu ninku hiinaasana waa in ay gabadhu iska furtaa waayoo, nafteeda ayaa halisgaleysaa. Hadduusan dilinna, waxaa hubaal ah iney haaraan la-darsi daa'inkeed.
Gunaanad.
Waxaan qormadeyda maanta ku soo koobayaa in Alle laga cabsada xil-guur oo aan laga soo dhalaali karinna layska dhawra. Soomaalida si aan abaabulneyn ayey u guursadaan una kala guuraan, waxaana maanta gayiga Soomaalida ku badan guur qarbaqarba ah iyo furriin aan ka fiirsi laheyn lagana fiican yahay; sidaas darteed guurka aan jaceylka rasmiga ah ka billaabanin waa boog bulshada Soomaaliyeed beerka kaga taalla ee dawo ha loo hela.
Gabdhaha garcaddaaga laga gadayana hallaga waantooba, dookha lammaanahana halla tixgeliya. Afartan sifood ee hoosana yaan lagu sinnaan: Gabadh garoob doon ah, garoob lacag doon ah, wiil gablan doon ah iyo gabow guur doon ah.,,, thnks

Comments