Fadliga Baytul Maqdis Iyo Masjid Al-Aqsaa

Shaki kuma jiro inaynu rumaysanahay in magaalada Baytul Maqdis tahay magaalo Muslimeed, ayna waajib tahay in dareenka Msulimiinta lagu soo celiy maqaamkeeda sare iyo maamuuska ay inaga mudan tahay.

Qormadan waxa ku tibaaxan waxyaabo ka mida fadligeeda iyo buugaaga laga qoray fadligeeda iyo maqaamkeeda.

1- Ilaahay سبحانه وتعالى ayaa ku sheegay Qur'aanka oo yidhi inay barakaysantahay:

سُبْحَانَ الَّذِي أَسْرَ‌ىٰ بِعَبْدِهِ لَيْلًا مِّنَ الْمَسْجِدِ الْحَرَ‌امِ إِلَى الْمَسْجِدِ الْأَقْصَى الَّذِي بَارَ‌كْنَا حَوْلَهُ

Al-Qusuna waa wixii ah hareeraha masjidka, sidaa awgeed way barakaysan tahay.

2- Ilaahay سبحانه وتعالى ayaa ku tilmaamay inay Muqaddas tahay Isagoo ka waramaya Nabi Muuse oo yidhi:

يَا قَوْمِ ادْخُلُوا الْأَرْ‌ضَ الْمُقَدَّسَةَ الَّتِي كَتَبَ اللَّـهُ لَكُمْ



3- Waa qibladii kowaad ee Muslimiinta, sida ku timid xadiiska uu soo weriyey Al-Baraa bin Caazib رضي الله عنه oo yidhi: ((Nabigu صلى الله عليه وسلم Baytul Maqdis ayuu u tukaday lix iyo toban biloob ama todoba iyo toban bilood)) Bukhaari iyo Muslim.

4- Waxa ku yaala Masjid Al-Aqsaa

Buugaag badan ayaa laga qoray fadliga Baytul Maqdis iyo Masjid Al-Aqsaa, Ustaad Sihaabul Allaah ayaa ku sheegay buuggiisa " معجم ما أُلف في فضائل وتاريخ المسجد الأقصى والقدس وفلسطين ومدنها" boqol iyo labaatan dhigaal oo laga qaoray mowduucan.

5- Dajaal Acwar ma geli doono sida xadiisku sheegay:

وإنه سيظهر على الأرض كلها إلا الحرم وبيت المقدس

Waxa weriyey Imaam Axmed, waxana yidhi waa saxiis Ibnu Khuzayma iyo Ibnu Xibaan.

6- Dajaal Acwarna meel Baytul Maqdis agteeda ah oo la yidhaa Al-Lud ayuu ku dilo doona Al-Masiix Ciisa bin Maryam عليه السلام, sida ku timid Xadiiska:

يَقتل ابنُ مريم الدجالَ بباب لُدّ

(Ibnu Maryam ayaa Dajaalka ku dili doona Baabu Lud).

7- Nabigeena صلى الله عليه وسلم ayaa loo dheeliyey habeenkii Al-Israa wal Micraaj , sida Ilaahay سبحانه وتعالى yidhi:

سُبْحَانَ الَّذِي أَسْرَ‌ىٰ بِعَبْدِهِ لَيْلًا مِّنَ الْمَسْجِدِ الْحَرَ‌امِ إِلَى الْمَسْجِدِ الْأَقْصَى

8- Nabigeena صلى الله عليه وسلم ayaa nabiyadoo dhan salaad ku wada tukiyey habeenkii Al-Israa Wal-Micraajka, sida uu yidhi xadiis dheer oo imaam Muslim ka soo weriyey Abuu Hurayra :

فحانت الصلاة فأممتهم

(Salaaddii ayaa soo gashay markaasaan tukiyey).

9- Masjid Al-Aqsaa wuxuu ka mid yahay seddexda masjid ee iyaga wax aan ahaan loo safri karayn iyadoo la rumaysan yahay fadli ku gaara sida ku timid xadiiska Bukhaari iyo Muslim ka soo wariyeen Abuu Hurayra رضي الله عنه

لا تشد الرحال إلا إلى ثلاثة مساجد المسجد الحرام ومسجد الرسول صلى الله عليه وسلم ومسجد الأقصى

Al-Xaafid bin Xajar ayaa yidhi isagoo sharxaya xadiiskan (Al-Fatax 3/65):

في هذا الحديث فضيلة هذه المساجد ومزيتها على غيرها لكونها مساجد الأنبياء ولأن الأول قبلة الناس وإليه حجهم، والثاني كان قبلة الأمم السالفة، والثالث أسس على التقوى

"Xadiiskan waxa ku sugan fadliga masaajiddan iyo waxay kaga duwan yihiin masaajida kale, oo ah inay yihiin masaajidii nabiyad, oo ka hore waa qiblada dadka iyo in xaggiisa uu yahay xajkoodu, ka labaadna waa qibladii ummadihii hore, ka seddexaadna waxa lagu asaasay taqwo".

Qoraaladan ku saabsan Baytul Maqdis iyo masjid Al-Aqsaa waxay bilaabmeen qarnigii sedexaad ee Hijriga, taasina waxay inoo caddaynaysaa ihtimaamka weyn ee culimadii Islaamku u hayeen Al-Aqsaa, iyo maqaamka sare ee uu agtooda ku lahaa.

Waxay cilmi baadhayaashu sheegeen in buugii ugu horeeyey ee ina soo gaadhay ee laga qoray mowduucani yahay buugga la yidhaa "فضائل بيت المقدس" oo uu qoray Maxamed bin Axmed Al-Waasidiyi, iyo buugga la yidhaa "فضائل القدس والشام", oo uu qoray Abuu Macaalii Al-Maqdsiyi.

Waxa kale oo culimada taariikhdu sheegeen in qoraalada ku hadlaya fadliga Baytul Maqdis iyo Masjid Al-Aqsaa aad iyo aad u kordheen markay Saliibiyiintu qabsadeen Magaalada Baytul Maqdis (583H-1187M) iyo intii ay socdeen dagaaladii Saliibiyiintu, ilaa markii uu Halyeygii weynaa ee Salaaxuddiin Baytul Madis ka xoreeyey Saliibiyiintii reer Yurub, kuna soo celiyey gacanta Muslimiinta.

Qoraaldana ka hadlaya fadliga Baytul Maqdis iyo Masjid Al-Aqsaa ma istaagin, waayo qadiyada Baytul Maqdis waa arin ku slayasan caqiidadeena iyo diinta, waxa waajiba in laga fogeeya inay tahay tahay qadiyad khusaysa ama ku gaara carabta iyo reer Falatiin.

Buugaagtan waxa ka mida:

1- فضائل بيت المقدس
00 uu qoray Abuu Faraj Cabdulraxmaan Ibnu Al-jawzi , oo dhintay 597 H.

2- الفتح القسي في الفتح القدسي
Oo uu qoray Al-cimaad Al-Asfahaani oo dhintay 597 H.

3- الجامع المستقصى في فضائل المسجد الأقصى
Oo uu qoray Al-Qaasim Hibatullaah bin Casaakir Ashaaficyi, oo dhintay 527H.

4- فضائل بيت المقدس

Oo uu qoray Al-xaafid Maxamed bin Cabdulwaaxid Al-Maqdisiyi Al-Xanbali, oo dhintay 643H.

5- باعث النفوس إلى زيارة القدس المحروس

Oo uu qoray Burhaanu Diin Ibraahiim Al-Fasaariyi oo dhintay726H.

6- مثير الغرام إلى زيارة القدس والشام

Oo uu qoray Shihaabu Diin Axmed bin Maxamed Al-Maqdisiyi Ashaaficiyi, oo dhintay 765H..

7-إتحاف الأخصا بفضائل المسجد الأقصى

Oo uu qoray Maxamed bin Shihaab Adiin As-Suyuudiyi Ashaaficiyi, oo dhintay 880H.

8- الروض المُغرّس في فضائل البيت المقدس

Oo uu qoray Taaj Ad-Diin Cabdul Wahaab bin Cali Al-Xusayni Ashaafiici oo dhintay 875H

9- الأنس الجليل بتاريخ القدس والخليل

Oo uu qoray Abu Yamen Mujiir Ad-Diin Cabdulraxmaan bin Maxamed Al-Maqdisi Alxanbali, oo dhintay inii u dhexaysay 927-928.

Qalinkii:  Dr.Maxamed Sh. CabdiRaxmaan Kaariye

Comments