Casharada Siyaasadeed Ee Lama Ilaawaanka ah

Hogaamiyihi Midowga soofiyeeti Ruushka ee ku Caan baxay cadowtinimada iyo xasuuqa Basharka ama aadamaha Joseph Stalin ayaa maalin Maalmaha ka mid waxa uu damcay in uu la Dardaarmo golihisii Hantiwadaaga isaga oo isugu yeeray Shir deg-deg ah.

Sida joogtada ahayd waa lawada Baqsan yahay ama la wada cabsanayaa oo qof waliba waxa uu istaalin ka qabaa baqasho joogta oo xad-dhaafa Maalin kasta waxa uu siiyaa Cashar aad Qaraar oo Xambaarsan digniino siyaasadeed iyo in uu tuso in aan qofna u Babac dhigi karin Manaxaankan wax waliba ka Suuroobaan.

Si Kasta oo ay tahayba Markii shirki la isku wada yimi ayaa waxa lagu arkay Miiska shirarka digaagad ama dooro saaran oo stalin jaleecayo mar walba.

Digaagadii xageedi ayuu u kacay stalin isaga oo ka jabiyey labadi baal ee ay Miciinsan jirtey ka dib waxa uu jaleecay Golihiisi isaga oo ku yiri " bal u fiirsada digaadan hab dhaqankeeda iyo Casharka ay xambaarsan tahay, digaagadi oo xanuunka la rafaadsan ayaa waxa uu soo qaadey haruur dabadeedna u yaaciyey isaga oo mar walba talaabo talaabo u soconaya iyana daba joogta si ay haruurkaas u quudato".

Stalin oo hadana jawaab celinaya ayaa yiri waxa jira aduunkan aynu ku nool nahay dadyow sida digaagadaas ah oo dhib iyo xanuun kasta oo aad u geysatid sidii inaan waxba idin dhex marin kaa raali ah.

Hadaba ujeedada hadaan u daadego igu kaliftay waxa weeye in dardaarankaas hogaamiyahaas ma naxaanka ahaa ee dalka Ruushka madaxda ka ahaan jirey Joseph Stalin si toos ah maanta inoo ku dabaqmayo hadaynu nahay dadyowga ku Abtirsada Muslimiinta ee Duliga iyo dar xumada ku raali ah. waxaadba mooda in hadalkaas uu inoo la jeedey in kastoo aynu dheer nahay inagu in aynuba isu horseedno dulimada iyo gumeysiga la ina ku hayo ilaa Maantadan Joogtada ah. 


Xigasho: Cali Daad Cawaale.
 

Comments