Skip to main content
- Aduun wey ki amoodeey ogaaw.
- Af aamusani marti ma sedo.
- Af aanad lahayn lama qabto.
- Af daboolan dahab.
- Af Daboolan, Dahab waaye.
- Af hadlaaba aamus.
- Af jabtay sideedii ma noqoto.
- Af jooga looma adeego.
- Af macaan gacan macaan baa dhaanta.
- Af nooli waa hadlaa Eyna waa ciyaa
- Af waa kane, maxaa lagu aamaa
- Af wax cunay xishoo.
- Af-ka nool abooto mudac.
- Afar gacmood abaar ka daran (Hunguri weyni waa cudur).
- Afar layskuma daro: Waan guuri; Waan guursan; Geel baan qaadi; Geenyaan gadan.
- Afar waa afar: Noloshu waa Niyad; Naftu waa qaali; Nacaybku waa olol; Nabsigu waa qaraar.
- Afkaad goojaamo kaga keentay kula hadal.
- Afkii dab yiri ma guban.
- Afxumo nabadna kaa wadday, colaadna wax kaagama tarto.
- Ag-joog, Ninkii xilo doonayowna Xamaro agjoog
- Alif kaa xumaaday Albaqra kaama haro.
- Alla aamin ma iisho.
- Alle watow wehel uma baahna.
- Allow aqoon xumo hannagu dilin eexona hannooga tegin.
- Allow nin aan wax ogayn ha cadaabin.
- Allow nin aan wax ogeyn ha cadaabin.
- Ama afeef hore lahow ama adkaysi danbe.
- Ama faro dufan leh ku qaad ama faro dac leh.
- Ama waa la muuqdaa ama waa la maqanyahay.
- Ammaan lama dhu-dhumiyo.
-
Comments