Munaafaqada Galbeedka
==================
Ma u malaynaysaa in Galbeedku ka aqbali doono Muslimiinta inay samaystaan qaanuun laga soo xigtay mid ka mida afarta mad-hab ee Xanafiga, Maalikiga, Shaaficiga ama Xanbaliga? Suura gal ma tahay inuu Galbeedku hakiyo dagaalka fikradeed ee uu kula jira dunida Islaamka hadday Muslimiintu tixraac fiqiya ka dhigtaan qaar ka mida kutubta asaaska u ah madaahibta afarta ah sida “al-Fataawaa al-Hindiya” ee Axnaafta ama “al-Minhaaj” ee Shaaficiyada? Galbeedku miyuu marna aqbali doonaa xukunka shareecada? Galbeedku miyuu wali ku doodi doona in ay Islaamka boobeen kooxo raba in ay Qur’aanka u fasiraan qaab qalafsan, shareecadana ku macneeyaan sharax xag jira?
==================
Ma u malaynaysaa in Galbeedku ka aqbali doono Muslimiinta inay samaystaan qaanuun laga soo xigtay mid ka mida afarta mad-hab ee Xanafiga, Maalikiga, Shaaficiga ama Xanbaliga? Suura gal ma tahay inuu Galbeedku hakiyo dagaalka fikradeed ee uu kula jira dunida Islaamka hadday Muslimiintu tixraac fiqiya ka dhigtaan qaar ka mida kutubta asaaska u ah madaahibta afarta ah sida “al-Fataawaa al-Hindiya” ee Axnaafta ama “al-Minhaaj” ee Shaaficiyada? Galbeedku miyuu marna aqbali doonaa xukunka shareecada? Galbeedku miyuu wali ku doodi doona in ay Islaamka boobeen kooxo raba in ay Qur’aanka u fasiraan qaab qalafsan, shareecadana ku macneeyaan sharax xag jira?
Jawaab u raadinta su’aalahan ayaa wax badan inooga sheegi doona muranka ku sal haya munaafaqada ee ay mufakiriinta, suxfiiyiinta , siyaasiyiinta iyo xarumaha cilmi baadhista ee Galbeedku ku andacoodaan mar walba oo ay doonaan in ay la xaajoodaan rabitaanka cirka isku shareeray ee ay Muslimiintu ku baadi goobayaan siday ku heli lahaayeen qaab iyo hab ay ku fuliyaan xukunka shareecada iyo hirgelinta axkaamta Kitaabka iyo Sunnaha.
Galbeedku si fiican ayuu u ogyahay in aanay dani waqtiga la joogo ughu jirin inuu si badheedha u hujuumo Imaamyada waaweyn ee madaahibta afarta ah ee Abuu Xaniifa, Maalik, Shaafici iyo Axmed, ama uu weerar ku bilaabo kutubta iyo buugaagta fiqigooda, waayo wuxuu og yahay inuu ku fashilmayo dagaalkaasi, dariiqa loo maraana miinaysan yahay. Waxase cajiiba in dagaal fikradeedka uu ku soo qaaday Islaamku uu beegsanayo axkaamta caqiidada iyo shareecada oon ka baxsanayn madaahibtooda, kuna tibaaxan kutubtooda ama kuwa asxaabtooda iyo culimada madaahibtooda.
Shaxadan uu Galbeedku u dagayo Muslimiintu waa mid ay qaarkood ku suldaarmeen, kuna fashilmeen garashada xeeladdeeda, sidaa awgeed ayaa loo baahan yahay in jahligan la faydo, lana qeexo xaqiiqada amuurtan muhiimka ah, Ustaad Maxamed Qutub ayaa runta abaaray markuu ydihi hadal macnihiisu yahay “Jahliga Muslimiinta kaga jira diintoodu, cadow ayuu u yahay Islaamka”. Bal ka fakir sida Galbeedku uga faa’iidaysto shaxdan iyo xeeladaha uu adeegsanayo oo raadeeyay qaybo ka mida dadweynaha Muslimiinta? Bal ka fakir sida qaybo Muslimiinta ka midi (haba yaraadeene) ay sacabka ugu tumayaan Galbeedka marukuu axkaam ka mida diinta ku astaynayo qalafsani iyo xag jirnimo, inkastoo ay sugeen culimada madaahibta ay ku dhaqmaan fatawaadooda iyo fiqigooda?
Galbeedku isagoo iska xayuubinaya wax walba oo akhlaaq iyo asluub ku abtirsada ayuu ka anboqaadayaa caqliyad gumaysi oo dardaran, wuxuuna moodayaa inuu Muslimiinta u sharxi karo caqiidadooda iyo diintooda, si uu mashruuciisa u taabbo galiyo ayuu doonayaa inuu isbeddel ku sameeyo qaybo ka mida caqiidada iyo axkaamta shareecada Islaamka. Waanu hubnaa inuu Galbeedku ku fashilmi doono damaciisa gumaysi, taayaraduna ka banjari doonaan mashruuciisa dulmiyaysan.
{إِنَّا نَحْنُ نَزَّلْنَا الذِّكْرَ وَإِنَّا لَهُ لَحَافِظُونَ }
Waxa jira arimo badan oo soohdimeeya isbedelka Galbeedku la maagan yahay diinta Islaamka, kuwaasi oo taabanaya asalada caqiidada iyo axkaamta shareecada oo Galbeedku u arko inay lid ku yihiin lana jaanqaadi karin unugyada fikirka libiraaliga Galbeedka “مكونات الفكر الليبرالي الغربي”, waxana ka mida aslada caqiidada, axkaamta fiqiga, hirgalinta shariicada, xidhiidhka ay diintu la leedahay siyaasadda iyo dowladda, mowqifka Islaamku ka taagan yahay dimuqraadiyadda iyo mabaadiida ay ku shaqlantahay, xuquuqda dumarka iwm, oo intuba ah amuuro uu Galbeedku ku howlan yahay siduu uga tirtiri lahaa garaadka Muslimiinta, ama ugu samayn lahaa qeexid cusub, si looga fogeeyo xayndaabka iimaanka, camalka iyo ku dabiqidda nolosha Muslimiinta ee maanta joogta.
Sida dharaarta cad ayay u muuqata in Galbeedku yool iyo hadaf ka dhiganayo siduu u gilgili lahaa rumaynta Muslimiinta ee ku wajahan sharcinimada asladan iyo axkaamtan, eegitaanka ku dhisan dabagalka iyo raadraaca ayaa inagu qasbaya in aynu ku qanacno in aanu arinku ku koobnayan baadhitaan cilmiya, daraasaad akaadiimiya iyo barnaamijyo lagu qoro ama laga baahiyo ilaha warbaahinta, balse uu arinku intaaba ka sii durugsan yahay kana khatar badan yahay, waayo waxa jira dowlado, hay’ado iyo ururo caalamiya iyo jimciydo daakhilya oo ku howlan meel marinta fikradahan ku baaqaya in fiiro-celin lagu sameeyo tafsiirka Qur’aanka iyo Sunaha si ay caqiidada iyo axkaamta fiqiga Islaamigi ula heshiiso fikirka libiraaliga ee Galbeedka.
Waxa iyana xusnaan mudan in la tibaaxo in Galbeedku aanu ka waantoobayn inuu ereyda ay ka midka yihiin xoriyad, xuquuqul insaan, xuquuqda dumarka, dowlad, qaanuun iwm ku qeexo kuna sharxo tafsiir la midaysan dhismayaasha fikirkiisa arkaya inay xadaaradiisa iyo taariikhdiisu tahay mid caalmiya, kuna hadraya in qiyamkiisa iyo dhaqankiisu ka fiican yihiin kuwa shucuubta kale oo dhan, sidaa awgeedna ku walfay inuu dulaysto shucuubta kale, kuna dul baahiyo awoodihiiisa militari, dhaqaale, dhaqan iyo fikirba.
Marnaba ha seegin in Galbeedku is ilowsiinayo in waxa uu isagu u arko xoriyad qayrkii u arko shirki, fuxshi iyo fisqi, Muslinku wuu u hiloobaa xoriyadda wuuuna higsadaa laakiin waa xoriyad waafaqsan diintiisa , waxa uu Muslinku higsanayaa caddaalad bulshadeed oo ku dayran axkaamata fiqiga Islaamak, dumarka Muslinkuna xaq bay u leeyihiin xuquuqdooda laakiin waa xuquuq aan ka faquuqnayn shareecada iyo xukunka Ilaahay caza wajalle.
Hadaba, siduu Galbeedku u hirgelin lahaa ujeedooyinkiisa ayuu ku mashquulsan yahay inuu ku qasbo qiyamkiisa “values” iyo qaab nololeedkiisa dadweynaha dunida Islaamka isagoo kaalmaysnaya heshiisyada ka soo baxa Qaramada Midoobay oo maanta u gacan gashay libiraaliyiinta iyo femeniiska xag jirka ah ee ay raadaysay qiyamka shirkiga, faajirnimada iyo fuxshigu. Heshiisyadan oo ay saxeexeen talisyada ka taliya dunida Islaamku, loona sameeyay xeerer maxlliya ama daakhiliya oo u noqday kaabayaal qaanuuniya oo waardiyeeya, waxa intaa dheer in manaahijta waxbarashada ee dunida Islaamka lagu dhex walaaqay laguna daray fikrado sumaysan oo tabinaya qiyamka calmaaniyada iyo libiraaliyada Galbeedka.
Waxa habboon in aan mar kale celiyo in Galbeedku isku dayayo siduu Muslimiinta u dul saari lahaa tusaalihiisa ilbaxnimo iyo taxanaha fikirkiisa si uu u adkeeyo una waariyo gumaysigiisa ay maanta la taag dareeyeen isaguna qaalibka ku noqday, sidaa awgeed ayey in badan oo ka mida hogaanada fikirka istaraatiijiga iyo kuwa ay taladu ka go’do ee dalalka Galbeedku ay arkaan in diinta waafaqsan dhidibada ilbaxnimada Galbeedka, lana socon karta qiyamkeedu yahay diinta loo baahan yahay inay Muslimiintu qaaatan waqtigan aynu joogno. Si loo fal galiyo howshana waxay u yeedhanayaan manhaj u qeexaya Qur’aanka iyo sunaha si waafaq san dhidibada fikirka iyo unugyada qiyamka Galbeedka.
Saamiwiil Hantingtoon “ Samuel Huntington” oo ah mufakir Ameerikaana laguna tiriyo kooxaha Galbeedka ee calanka u sida colaadaynta Islaamka ayaa ku yidhi buuggiisa (The Clash of Civilizations and the Remaking of World Order ) : “Mushkiladda Galbeedku ma aha asalraaca Islaamka, balse waa Islaamka laftiisa”.
Waana tani sababta iyada awgeed ay xarumaha cilmibaadhista iyo diraasaadka mustaqbaliga ee Galbeedku ugu baaqayaan Islaam casaraaniya “Moderate Islaam” iyagoo adeegsanaya warbaahintooda itaalka weyn una isticmaaliya meel marinta mashruucan. Sidaa awgeedna waxaynu leenahay Galbeedku wuxuu doonayaa inuu inoo keeno diin waafaqsan hawadiisa iyo damaciisa iyagoo ku andacoonaya in xal u raadinta mushkiladaha caalamka Islaamku ay ku xidhintahay in calamaaniyada iyo qiyamka libiraaliga ah lagu beero dalalka Muslimiinta, marka arinka dhinacaa laga fiiriyana waxa inoo soo baxaya inuu Galbeedku qaatay istiraatijiyad khatara oo ku wajahan Islaamka.
Istiraatijiyadini waxay Islaamka ku haysaa dagaal caqaa’idiya ama diiniya oo Galbeedku ugu yeedho dagaal fikriya, sidaa awgeed ayey kuwo badan oo ka mida mufakiriinta, siyaasiyiinta, saxafiyiinta Galbeedku u arkaan in diinta Islaamka lafteedu u baahan tahay isbedel, ilaa ay qaarkood yidhaahdeen mushkilada Galbeedka ee ku aadan Muslimiintu waxay tahay Qur’aanka laftiisa ee kuma koobna Muslimiinta. Qaab fikirka noocana ayey ku qanceen in badan oo ka mida mufakiriinta ee Galbeedku oo rumaysan in dagaal fikradeedku run ahaantii ku wajahnayn waxay ugu yeedhaan iyagu asalraaca islaamiga ah, balse uu ku wajahan yahay diinta Islaamka oo ah waxa hortaagan calmaaniyada libiraaliyada Galbeedka ee ku salaysan Ilaah nacaybka iyo diin xoorka, kuna baaqaysa kala saaridda diinta iyo dowladda.
Sidaa awgeed, waxa jira sababo badan oo nagu qasbaysa inaanu rumaysano in Islaamka uu Galbeedku doonayo inuu wax ka bedelo, una socdo inuu dooriyaa yahay Islaamka diidan inuu aqbalo diinta turxaamaysan, ogolaadana inuu isku dhiibo hogaanka libiraaliyada calmaaniga ah, kuna gacan saydhaya qeexidda galbeedaysan ee ku wajahan asalada caqiidada, axkaamata shareecada, xuquuqda dumarka, xuquuqda aadanaha, xoriyadda hadalka, xidhiidhka ka dhexeeya diinta iyo dowladda. Waa Islaamka u yeedhanaya ee soo ceshenaya manhajka Ehli Sunnaha ee daliil baadhista, arkana in shareecdu awoodi karto xal u helidda mushkiladaha waqtiga iyo la falgalka dhacdooyinka taagan , ha ahaadaan mushkilado xukun, dhaqaale, siyaasadeed ama bulshaba.
Hadalka guntiisu waxa weeyi, Galbeedku marna ogolaan maayo xukunka shareecada Islaamka, xataa haddii la soo hor dhigo Kitaabka al-Um ee Imaam Shaafici oo laga masaxay cinwaanka iyo magaca imaamka , waxaan hubaa in Galbeedku ku astayn lahaa axkaamta uu imaam Shaafici ku tibaaxay buuggiisa inay yihiin axkaam qalafsan, buugguna uu shareecada ku qeexayo qaab xag jira oo ka fog waaqica maanta taagan. Hana ilaabin inay inagu dhex jiraan kuwo magacyo islaameed leh oo wajiga iyo midabkana inooga eeg laakiin axkaamta shareecada ka taagan mowqif la mida ka Galbeedku ka taagan yahay.
Waxaan filayaa, Ilaahay idankii, inaan wax kaaga bidhaamiyay ama kaa tusay dhinaca ay u jeedo iyo yoolka ay haysato buusalada dagaal fikradeedka uu Galbeedku ku hayo Islaamka iyo dadkiisaba.
{وَاللَّهُ غَالِبٌ عَلَى أَمْرِهِ وَلَكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ}
Dr.Maxamed Sh.Cabdiraxmaan Kaariye
Comments