Inaga Ayuun baa Walaalo ah
=========================
=========================
Inkasta oo aynu kala irdhowno ama kala fogaano inagaa walaalo ah, inkasta oo laysku keen diro ama layna kala fitneeyo inagaa walaalo ah, wax walba oo ina dhex maraba inagaa walaalo ah, haddaynu is khilaafno ama is waafaqnaba inagaa walaalo ah, haddaan ku diido ama aad i diidaba inagaa walaalo ah, haddii aynu isku baasaboor nahay ama kala baasaboor nahay inagaa walaalo ah, haddii aynu kala qabiil nahay ama kala midab nahay inagaa walaalo ah, haddaynu kala “land” nahay ama isku “land” nahay inagaa walaalo ah,haddii aynu isku federaal nahay ama kala federaal nahay inagaa walaalo ah. Akhii wa ukhtii haddaynu si walba oon diinta iyo caqiidada ahayn u kala jaad nahay ama u kala duwanahay inagaa walaalo ah, adigaa walaalkay iyo walaashay ah.
Inagaa walaalo ah, waayo waxa iskugu keen xidhan xadhiga walaanimada Islaamka, oo ka qiimo badan midda dhulka iyo dhoobada, midda tolka iyo qabiilka, midda qowmiyadda iyo isirka. Miyaad walaal ilowday in aynu isku diin nahay, Rabi caza waajal wada caabudno, Nabi Maxamed inoo wada Rasuul yahay, isku qiblo nahay, Ilaahay ha u naxariistee Sayid Qutub ayaa yidhi jinsiyada Muslimku waa caqiidadiisa “ جنسية المسلم عقيدته”, waana runtii Sayidka oo waa caqiidada iyo diinta cilaaqada ugu weyn ee ay ku kulmaan, ku midoobaan iskuna bahaystaan Muslimiintu meel walba oo ay dunada ka joogaan.
Sababtan awgeed ayuu gumaysiga Galbeedku isku taxalujiyay ilaa maalintii ugu horaysay ee uu cagaha soo dhigay dunida Islaamka, siduu garaadka Muslimiinta uga masaxi lahaa caqiidada walaaltinimada Islaamka ee ka mida guntimaha iimaanka, isla markaana uu maleegay ololayaal lagu shirqoolayo walaaltinimada Islaamka, looguna cimri dheereeyo walaatinimada ku dhisan wadaniyada, qabiilka, isirka, iwm.
Gari Ilaahay bay taqaanaa, ee waxa aan la dafiri karayn in gumaysiga Galbeedku ku dadaalayo siduu u xagal daacin lahaa mashruuc walba oo lagu soo noolaynayo walaaltinimad islaamka, isagoo u dhaqmaya sidii wax miyir beela . Nin weyni wedkiisa waa yaqaan ee waa hubaal in dirka gumaysigu dareemayo in dhalashada walaaltinimo dhaba oo ku dhisan caqiidada iyo diinta oo dhex marta Musliminntu ay soo afjari doonto kala qoqobka siyaasadeed iyo nidaam dowladeedka ku dhisan soohdimaha laga dhaxlay dirkii gumaysiga, ee laagu kala faquuqey, lagu kala qaybiyey, laguna kala takoorayo.
Hadaba walaalkay iyo walaashayey, Ilaahay caza wajala ayaan inooga baryayaa inuu inagu kulmiyo janatu Firdowsa inagoo walaalo dhaba, oo quluubteenu isku fayow qabto, ee waxaan ku leeyahay ila fahan oo ila ilaali walaatinimada inaga dhaxaysa ee ka qaalisan ta nasabka, qabiilka, midabka, qowmiyadda, wadaniyadda, iyo isirkaba.
Aynu hufno , aynu saxar tirno, aynu ka sifayayno wixii dhooqaynaya, aynu ka wada shaqayno wixiii kobcinaya, aynu iska caabinno wixii duminaya, aynu ka xorowno xayndaabyada la inagu kala xereeyay, aynu goyno dabarada gumaysiga ajnabigu inagu xidhay, aynu jarno katiinadaha la inagu qoolay, aynu kiintaalada la inagu xambaaray ee ka buuxa firkadaha iyo mabaadiida horarka ku ah walaaltinimada diinta iyo caqiidada mar uun qabax ka siino oo iska ridno.
Aynu diidno in qori iyo rasaas iskala hornimaadno, aynu ka weynaano in aynu cadowgeena iyo gumaysiga ajnabiga ah isku soo kaxaysano, aynu isku soo dhawaano, aynu isku soo hilowno, aynu is weheshano, aynu isku tudhno, aynu midowno, aynu isku damqano, aynu iska war hayno, aynu isku hiilino, aynu meel ka wada soo jeedsano, aynu xaqiijino walaalnimada Ilaahay inagu waajibiyay, Nabiga aynu jecelnahayna ina amray, aynu ku faano diinteena, aynu darajaysano caqiidadeena oo aynu ku midowno caqiidadada iyo islaamnimada.
Walaaltimamada Islaamka ee saxarka tirani waa darajo sare, waana ta ugu adag guntimaha iimaanka, aakhira waxa lagu gaadhaa darajooyin aad u sareeyo, oo saxaabadii u malayeen darajooyinka nabiyada iyo rushuah ilaa Nabigu u cadeeyay inay tahay darajooyin rag iyo dumar xaqiijiyay walaatinimada ku salaysan diinta iyo caqiidada, iskuna jeclaaday Ilaahay dartii.
Lakiin hubsiimaa hal la siistaaye, walaaltinimadani waxay leedahay shuruud la inaga filayo xaqiijinteeda, waxay ka saxar tiran tahay xigaalka qabiilka, waxay u badhax tiran tahay Ilaahay dartii, kuma jaan goysna xeer beegtida tolka iyo reerka, kuma slaysna dustoorka daaquutka, kuma soohdimaysana nidaam dowladeed ku dhisan wadaniyad jaahiliya oo takooraysa muslin walba oon la isrir iyo wadaniyad ahayn dadka ku midoobay qaab-dhismeedka dowladeed ee Muslimiintu ka dhaxleen gumaysiga Galbeedka ka dib burburkii Khilaafada Islaamka, kuna xadaysan soohdimihii Sasysbiko iyo kuwo la jahaada lana nooca oo ay uu dajiyay Shisheeyaha Galbeedku.
Ibnu Jawzi ayaa yidhi:
واعلم أن المعنى الجامع بين المسلمين الإسلام، فقد اكتسبوا به أخوة أصلية، ووجب عليهم بذلك حقوق لبعضهم على بعض
“Ogow in macnaha kulmiya Muslimiintu uu yahay Islaamka, isaga ayay ka heleen walaalnimada asalka ah, sidaana waxa ku waajibay xuquuq ay isku leeyihiin.”[At-Tabsirah: 273].
Madhaafaanka arinkan ee loo baahan yahay in uu fahmo qof walba oo Muslini waa in walaaltinmada Islaamigi tahay ballan sharciya عقد شرعي oo ayna Muslinka u banaanayn inuu ka baxo ku taxnaanteeda, ama baajiyo ka qayb galkeeda, ama ka gaabiyo xuquuqdeeda iyo waajibaadkeeda lagu caddeeyay Kitaabka iyo Sunnaha. Xuquuqdan iyo waajibaadkani ma aha kuwo la isku sasabayo, ama la isla durraamanayo ee waa waajib sharciya iyo faral diiniya oo Muslim walba qoorta u sudhan.
Haddiise aynu isha ku daalacano, ama fikirka la raac raacno xaaladaha Muslimiinta ee maanta taagan, waxa aynu sida dharaarta cad u arkaynaa in la dayacay walaaltinimadii Islaamka, waxa inoo muuqanaya amuuro ishu la ilmayso, qalbiguna la murugoodo, tiiraanyo iyo walbahaarna ku soo xoomiya kashka iyo laabta!
Waxa aynu arkaynaa Muslim shirqoolaya Muslin kale, Muslim aan biyo u kabanayn inuu qudha ka gooyo Muslim kale, Muslim ku faraxalanya dhiiga Muslimiinta, Muslim la safanaya gaalo gumaadaysa Muslimiinta, Muslim lagu fushanayo qorshayaal lagu xasuuqayo Muslimiinta, Muslim hoojinaya walaalkiisa Muslinka ah, Muslin gaalada arxanka daran u dhiibaya Muslim kale, Muslim aan hadh u jiidayn walaaladii, iyo muuqaalo kale oo naxdin badan.
Intay xaaladuhu sidan yihiin waynu ka dheernahay higsigeena ku wajahan xaqiijinta walaalnimo ku salaysan islaamnimada oo midaysa Muslimiinta oo dhan, waxase dhaba inay maalinteeda iman doonto, calankeedu taagmi doono, laakiin waxay tahay su’aasha ku wajahan qof walba oo Muslina oo maanta nooli miyay walaaltinimadani ku weyntahay qalbigaaga? Miyaad walaaltinimadan kula dhaqantaa Muslimiinta kugu xeeran ama kaa ag dhow adigoon qofna ku faaquuqayn kuna takoorayn midabkiisa, qabiilkiisa, wadankiisa, isirikiisa iyo cilaaqooyinka jaahiliga ah ee maanta lagu ibtileeyay Muslimiin badan? Adoo wadaad sheeganaya miyaad hoos ula shirtaa tolka iyo qabiilka adigoo ka qayb qaadanaya qorshayaal shar iyo dhib loogu maleegayo Muslimiin aad kala qabiil tihiin? Miyaad qaadhaan xaaraana ku bixisaa guluf iyo colaad tolkaa ku kicinayo Muslimiin aad kala qabiil tihiin?
Islaamku ha noolaado, Muslimiintu ha guulaystaan, walaalnimada islaamku ha waarto, dunida Islaamku ha midowdo.
Dr.Maxamed Sh.Cabdiraxmaan Kaariye
Comments