Soo Islaaminta Dadka Habawsan(Kitaabka Nuurka Islaamka)
Waxaan halkaan idiinku soo gudbinaynaa kitaab cilmi ah oo qoraagiisu uu ku soo bandhigay aqoon badan oo ay u baahan yihiin guud ahaan muslimiintu gaar ahaan jaaliyadaha ku nool dalalka gaalada oo u baahan inay diinta islaamka ugu yeeraan bulshooyinka ay la nool yihiin oo aad ugu ooman diinta xaqqa ah ee Alle inaku hanuunshay.
Si Loo Islaamiyo Qof Gaal ah Waxaa Loo Baahan Yahay…
- In lagu qanciyo in aysan xaq ahayn waxa uu diin ahaan u aaminsan yahay,
- In laga qanciyo qaladka uu ka aaminsan yahay diinta islaamka iyo fikradaha been-abuurka ah ee cadawga islaamku faafiyeen,
- In si cilmi ah loogu qanciyo xaqnimada diinta islaamka.
Taasina waxay u baahan tahay in daacigu aqoon u leeyahay mabda’a ama caqiidada uu aaminsan yahay qofka uu xaqa ugu baaqayo, shubhooyinka iyo cuqdadaha uu ka qabo islaamka, iyo Mabaadi’da iyo Tiirarka Aasaaska u ah Diinteena Macaan.
Qoraagu wuxuu kitaabkiisaan xoogga ku saaray arrintaan ugu dambaysa, sidaa darteed qof kasta oo doonaya inuu soo islaamiyo dad gaalo ah waxaan u soo jeedinayaa in uu ugu horrayn barto tiirarka waaweyn ee islaamka, usuushiisa iyo mabaadi’diisa guud, ka dibna uu fikrad wacan ka qaato waxa ay aaminsan yihiin dadka uu xaqa ugu baaqayo iyo fikradaha qaldan ee ay islaamka ka rumaysan yihiin. Intaa marka uu isla helo waxaa u dhiman inuu ka baaraandago habka ugu habboon ee qofka lagu qancin karo iyo meelaha ugu mudan ee laga abbaarayo.
Aniga oo ka faa’iidaysanaya munaasabadda soo bandhigidda kitaabkaan waxaan si weyn farta ugu fiiqayaa ahmiyadda ay leedahay faafinta diinta islaamka iyo soo hanuuninta uunka Alle oo badankoodu ka habawsan jidka Alle. Rabbigeen wuxuu dadka iyo jinka u uumay ina isaga kaliya caabudaan; si taasi u hirgashana wuxuu soo diray rusul dadka ugu baaqda cibaadada Alle, wuxuuna u soo dajiyay kutub ay ku caddahay in la ina ka doonayo inaynu Alle kaliya caabudno, sida aynu u caabudayno iyo waxyaabaha lagu caabudayo.
Rusushaas waxaa ugu dambeeyay Rasuulkeena Muxammad ah (scw) oo loo soo diray in uu uunka oo dhan gaarsiiyo diinta isaga iyo ummaddiisu. Mar haddii nabigii geeriyoodayna xilkii wuxuu si gaar ah u saaran yahay inta markaas nool oo ummaddiisa ah. Tan kale in dadka diinta Alle loogu yeero waa shaqadii nabiyaasha, waxaana ku jira ajar weyn.
Waxaa kaloo muhiim ah in qofka muslimka ahi ka qeyb qaato wax u qabadka diinta iyo ehelkeeda, isla marakaana uu kordhiyo tirada iyo tayada muslimiinta. Waxaan meesha ka marnayn in qofkii dacwada ka qeyb qaata uu ka badbaadayo (Ilaahay idanki) in isaga la duufsado oo uu baadiyoobo; maxaa yeelay nin daaci ah cidi diin baadil ah ugu yeeri mayso, umana sahlana inuu xumaan galo illeyn isagaaba ka digayee.
Waxaa xusid mudan in innaga (Soomaali) si gaar ah xil inoo saran yahay; sababtoo ah waxaa dhulalka gaalada inoo ka lumay (baadiyoobay) dad badan oo ay tahay inaynu badalkoodii meesha ka helno. Tan kale marka dadku iyagu dacwo wadaan oo dad kale soo kaxaysanayaan hanweyni ayaa galaysa oo lumitaanku wuu yaran.
Haddaba waxaan soo jeedinayaa in culimada iyo ducaaddu u qabtaan dhallinyarada wiilal iyo gabdhaba koorsooyin aqoon kororsi ah oo lagu baranayo siyaabaha loo soo islaamiyo gaalada ama loo soo hanuuniyo Muslim qalloocan, maraakista islaamiga ah eek u yaal dalalka gaalada laftooda xil weyn baa arrintaas ka saaran.
Waxay si gaar ah ugu baahan yihiin dadka wax soo islaminaya fahamka diintooda islaamka illeyn labo qaawani isma qaaddee, ka dibna inay fikrad guud ka qaataan diinaha ay dadkooda musliminayaan gaar ahaan Kirishtaanka oo ah dadka ugu badan ee loolanka diimeed inaka dhexeeyo.
Waxaa iyana muhiim ah in si buuxda loo barto luqadaha dadka loo yeerayo, dhaqan koodana wax laga fahmo. Habka loo doodo ama dadka loo qanciyo laftiisu waa fan u baahan in aqoon loo leeyahay. Intaa ka horna usuusha dacwada, hababkeeda, wadiiqooyinkeeda iyo turaanturrooyinkeeda waa in la darso. Waxaan kaloo soo jeedinayaa in la unko hay’ado qaabilsan soo islaaminta gaalada iyo waxbaristooda, iyo waliba in loo sameeyo website-yo arrintaa u qaabilsan, ayna ducaadda iyo dadka maalqabeenka ahna kaga qeybqaataan aqoontooda, khibraddooda iyo maalkooda.
Waxaa si gaar ah hawshaas wax uga tari kara ardayda iyo macallimiinta oo iyagu si joogto ah ula dhaqma dad gaar ah oo ay isku shaqo yihiin ama wax wada bartaan. Kama marna meesha in dadka iyana xiriirka joogtada ah la leh bulshada ay xilkaasoo kale qaadaan, sida: kuwa ku shaqaysta Taxi-yada oo si joogto ah u qaada dad kala duwan oo laga yaabo in qaarkood saacado la socdaan. Waxaa hawsha fududayn kara in loo helo dadkaas kutub ku qoran afka ay ku hadlaan, cajalado diini ah oo afkooda kaga hadlaya islaamka iyo waxa ka soo horjeeda.
Waxaan ku talinayaa in aan marna la fududaysan qofka muslimka ah ee lagu aamino wixii Alle ka dalbay oo waajibaad ah, sida dacwada. Waana la ogaado in Rasuulkeenu (scw) yiri: iga gaarsiiya (dadka) aayadba Allaha ka dhigee. Tan kale dadka diinta loogu eerayo ma wada aha aqoonyahan codkar ah ee waxay u badan yihin dad diimaha iska sheegta oo aan waxba ka aqoon, waxaase meesha ku jirta in aysan dhallinyaradu la doodin culimada gaalada iyagoon aqoon badan lahayn.
Waxaan kaloo ku talinayaa in aan iyana la xaqirin dadka la islaaminayo; maxaa yeelay qof kasta wuu u baahan yahay hanuunka Alle, xaqna wuu inoo ku leeyahay inaynu wadada saxan tusno. Tan kale Ilaahay baa yaqaan kan diinta anfacaya oo Alle khayrka la doonay. Rasuulkenu (scw) wuxuu u yimid wiil yaroo Yahuud ahoo sakaraad ah, wuxuuna u bandhigay diinta, markuu islaamayna wuxuu yiri: waxaa mahad leh Allihii sababatayda naarta kaga badbaadiyay.
Waxaa xusid mudan in laga faa’iidaysto kutubta iyo cajaladaha culimada arrintaan aqoonta dheer u lahayd ee juhdiga badan galisay, sida: Sh. Axmed Diidaat oo ku caanbaxay kashifida khaladaadka kirishtaanka iyo la doodista culimadooda. Eeg boggaan iyo kuwo kale oo la mid ah: aswatalislam.net/DisplayFilesP.aspx?TitleID=50016.
Maraakista islaamiga ah, masaajidda, maktabadaha iyo goobaha waxbarasho ee Muslimiintu ku leeyihiin Dalalka Gaalada xil gaar ah ayaa saran, waxaana loo baahan yahay inay qeybo u xilsaaran soo islaaminta dadka sameeyaan, ayna keenaan maktabadohooda kutub iyo cajalado dacwada gaalada anfacaya. Waxaan ku soo gabagabaynayaa in maraakista islaamigu u qabtaan ducaadda hawshaan ku jirta tartan xaafadeed ama magaalooyin oo lagu tartmayo hababka dacwada iyo qolo walba tirade ay soo islaamisay iyo say wax bareen.
Waxaa kaloo habboon in wiilasha iyo gabdhuhu ku tartamaan say u kala dacwo fiicnaadaan. Waliba waa in Culimada, Ducaadda, Macallimiinta, waalidiinta, qaraabada, dariska iyo saaxibaduba isku boorriyaan dacwada, ubadkoodana ku dhiirrigaliyaan.
Axmed C/samad
Email: alwaqaar@hotmail.com
Email: alwaqaar@hotmail.com
نور الإسلام
حوار بين عمر وجورجتأليفد. علي بن سعد العصيميالأستاذ المساعد بقسم القضاء بجامعة امّ القرى, و مدير مركز الدعوة والإرشاد بالطائف سابقاترجمه إلى الصوماليةعبدالرحمن يوسف آدمبمراجعة عبد القادر أخي
Nuurka Islaamka
Waa Dood dhex mari Cumar iyo Joorji
Waxaa Allifay: Cali binu Sacad Al-Cusaymi
Waxaa af Soomaali u Tarjumay: Sheekh Cabdi Raxmaan Yuusuf Aadam
Waxaa dib u saxay: Cabdul-Qaadir Akhii
Waxaa af Soomaali u Tarjumay: Sheekh Cabdi Raxmaan Yuusuf Aadam
Waxaa dib u saxay: Cabdul-Qaadir Akhii
بسم الله الرحمن الرحيم
Mahad dhamaanteed Allaah subxaanahu watacaalaa ayey usugnaatay, Nabi muxamedna nabadgalyo iyo naxariis aan buugan yar lagu soo koobi karin dushiisa Allaah haka yeelo, saxaabadii nabiga iyo eheladiisiina Allaah ha ka raali ahaado, aniga iyo sheekha kitaabka turjumay iyo kii qoray iyo inta towxiidka qabsatayba jidkii suubanaha Allaah ha nagu sugo, inta jidkiisa ka leexatayna Allaah ha soo hanuuniyo.
Intaa kadib sheekheena sheekh C/raxmaan (Allaah ha xifdiyee) wuxuu ku guuleystay inuu turjumo doodii dhexmartay Cumar iyo Joorji, taasoo sabab unoqotay in Allaah kusoo hanuuniyo joorji islaamka xaqa ah, kadib markuu cumar adeegsaday cilmi iyo caqli. Dood cilmiyeedku waa asluub qadiim ah oo dad badan Ilaahay kusoo hanuuniyey, qaar kalena ka madax adeygeen, waana wado ufuran axad kasta oo doonaya inuu islaamka u adeego, gaar ahaan aqoonyahaynka jecel in islaamku faafo.
Buugani waa mid kamida himilooyinkii uu sheekh C/Raxmaan ku taahaayey mar aan kula kulmay Xajka, mar kalena Xaramka sharafta leh, waana siduu ubilaabay Inshaa-Allaah ta’liifka iyo tarjamada kutubta dhaxalgalka ah ee umaddeenu ubaahan tahay, mana ahan markii ugu horeysay oo uu sheekh cabdi raxmaan kutub dhaxalgal ah inoo soo bandhigo, waxaana ka lee yahay jasaahullaahu kheyran wa nafacahu bil muslimiin..
C/Qaadir Sh.Maxed Akhii.
Email: Akhii_1968@ hotmail.com
Email: Akhii_1968@ hotmail.com
بسم الله الرحمن الرحيم
:مقدمة المترجم
:الحمد لله والصلاة والسلام على نبينا محمد وعلى آله وصحبه وسلم تسليما كثيرا أمابعد
فإن هذا الكتاب صغير حجمه , خفيف وزنه , بيد أنه كبير ثقيل محتوىً ومرمىً , فقد بيّن بالأدلّة المقنعة مبادئ الإسلام , ومحاسنه , ومميزاته . فهو دين العقيدة الصافية , والأعمال الصالحة , والأخلاق السامية , وهو دين الرب الواحد , والإله الواحد, والأمة الواحدة , دين جميع الأجناس والأزمان والأماكن , دين الفرد والجماعة , الدين الخاتم , فلا دين بعده, ولا نبي بعد نبيه , ولا كتاب بعد كتابه , دين العقل والعلم, دين الحجة والدليل , دين الروح والجسد , دين العزّة والسعادة , دين الدنيا والآخرة , دين لا يقبل الله من أحد سواه , ولا يصلح أمر العالم إلاّ به , ولا نجاة من النار إلا به , ولا فوز برضا الله إلا عن طريقه , ولا يزيغ عن هداه إلا شقيّ هالك , مآله التهاوي في أعماق الهاوية …. وقد صبّ المؤلف – جزاه الله خيرا – حول هذا المعنى في أسلوب حواريّ نقيّ وقور مقنع , أجراه بين مسلم فقيه في دينه , راغب في نشره , متصف بالحكمة والوداعة في عرضه , هو (عمر ), ونصرانيّ ظمآن إلى الدين الحق , باحث عنه, راغب عن دينه , اقتنع في النهاية بأن الإسلام هو الدين الحق الذي كان يبحث عنه , فهدى الله إليه , فنطق بكلمة الحق : { اشهد ان لا إله إلا الله وأشهد أن محمدا رسول الله } , فأنقذه الله من النار بفضل كلمة التوحيد, فأصبح عضوا في الجماعة الإسلامية – وهو (جورج
ومع أن الناطقين باللغة الصومالية مسلمون, فإن كل مسلم يحتاج إلى هذه المعلومات القيّمة الواردة في الكتاب , وإلى مثل هذا الأسلوب الهادئ المتواضع النيّر , الذي يفتقر إليه الكثير من العلماء الدعاة إلى الإسلام. وهذا هو الأمر الذي دفعنا إلى القيام بهذا العمل
عبدالرحمن يوسف آدم
Hordhaca Tarjamaha
Mahad iyo ammaan dhamaantood Allaa iska leh, naxariis iyo nabadgelyana Nabigeena korkiisa ha ahaadeen, iyo Ehelkiisii, iyo Asxaabtiisii, nabadgelyo badanna ha nabad geliyo.
Intaa ka dib:
Kitaabkan xajmigiisu wuu yar yahay, misaan kiisuna wuu fudud yahay, laakin waxaa wayn oo culus macnihiisa iyo ujeedadiisa, sidaa awgeed buu kuugu caddayn daliilo wax qanciya islaamka mabaadi’diisa, wanaagiisa iyo wax yaalaha uu la soocan yahay, oo waa diinka caqiidada saafiga ah, acmaasha saalixa ah, iyo Akhlaaqda sarraysa, waa Diin Rabbigii mid yahay, Ilaahii mid yahay, ummadiisuna mid tahay, dhammaan ajnaasta, azmaanta, iyo amaakinta diinkooda weeye, waa diinka fardiga iyo jamaacada, waa diinka diimaha khatimay oo ayna diini ka danbaynin, Nabigiisuna Nabiyada khatimay, kitaab kiisuna kutubta khatimay, waa diinka caqliga iyo cilmiga, waa diinka xujada iyo daliilka, waa diinka ruuxda iyo jasadka, waa diinka cizziga iyo liibaanta, waa diinka adduunyada iyo Aakhirada, waa diin uuna Alle cidna ka aqbalayn waxaan isaga ahayn, arrinka caalamkuna uuna ku hagaagaynin waxaan isaga ahayn , waxaan isaga ahaynna aan naar lagaga bad-baadaynin , raali ahaanshaha Rabbina aan lagu helaynin waxaan jidkiisan ahayn, hanuunkiisana uuna ka leexanaynin waxaan ahayn shiqi halaaksami, oo aayihiisu yahay inuu ku qalwado haawiyo gunteeda.
Dhab ahaan , mu’allifku– Alle khayr ha siiyee– macnahan wuxuu ku shubay usluub doodeed nadiif ah , oo deggen oo wax qanciya , oo ka dhax samaysmay nin muslim ah oo diintiisa fahamsan faafinteeda raba, kuna tilmaaman xikmad iyo dabacsanaan, uu wax ku soo bandhigo waa (CUMAR) iyo nin Nasraani ah (Kirishtaan) oo diinka xaqa ah u ooman, daydaygiisana ku jira, diinkiisiina ka biyo diiday, oo ugu dambayntii ku qancay inuu islaamku yahay diinkii xaqa ahaa oo uu deydeyayey, Allana ku hanuunshay, kuna dhawaaqay odhaahdii xaqa : (Ash-hadu allaa-ilaaha illallaahu , wa ash-hadu anna Muxammdan rasuulullaah ), sidaa darteed ayuu Alle kelimadan tawxiidka awgeed kaga bad-baadiyey naarta, ahaadayna xubin ka mid ah jamaacada islaamka, waa (JOORJI).
Haddaba, inkasta oo dadka afsoomaaliga ku hadlaa ay muslimiin yihiin, hadanase Muslim waliba wuu u baahan yahay aqoontan qaaliga ah ee ku soo aroortay kitaabkan iyo usluubkan dabacsan ee mutawaadica ah, ee iftiimaya oo ay culima badan oo diinta faafisaa baahi badan u qabaan, arrinkaasaa nagu riixay inaan howshan uqunno.
C/raxmaan Yuusuf Aadam
Hordhaca Mu’alifka
مقدمة المؤلف
Ammaan iyo mahadiba Allaha caalamiinta Rabbigooda ah bay u suganyihiin, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkiisa, amiinka ah kor- kiisa ha ahaadeen.
Intaa ka dib, Aqriyaha sharafta lahow, aad ugu kalsoonow inaan adduun iyo aakhiraba kula jeclahay khayrka iyo liibaanta oo ka mid ah naxariista iyo isu qalbi nuglaanta, islaamku ku booriyay (atbaac diisana)[1] uu faray inay dhaqan geliyaan. Siday dadka qaarkood ismoodsiin, Islaamku ma aha iska suuraysi khaldan, iyo xukunno dugaagnimo ah, iyo wax yaabo kale, oo Islaamka la iskaga tuhmaysto. Waxaanse ogahay inayna waxaas oo kale ka iman meel madhan, oo in badani afkaartaa sumaysan ee Islaamka ka soo horjeedda ay u qaateen inay Islaamka suuradiisa dadka hortiisa ku fool xumeeyaan , si looga cararo .
Haddaadse, midkood ku tidhaahdo : war macluumaadkan miyaad ka heshay ruux islaamka aqoon fiican u leh , si wacanna uugu dhaqma , jawaabtiisu (MAYA) ma gudubteen. Waxaa hubaala in caaqil waliba takhasuska tixgeliyo , oo kii wadnaha laga hayaa uuna u tegaynin dakhtarka indhaha.
Sidaas oo kale miyayna toosnayn in Islaamkana laga xogsado kuwa xogtiisa haya , kol hadduu yahay diinta Xaqa , Caddaaladda iyo Hiddaayadda , una yimid inuu dadka ka saaro gudcurrada[2], baadiyowga, makhluuq caabudka , dulliga iyo dar xumada , una saaro Nuurka Hiddaayadda , Rabbi qudha caabudka , Caddaaladda iyo Liibaanta . Sidaa darteed baan kuugu soo hadiyayn kitaabkan yar, anoo ku tiirsan usluubka dood wadaag {waydiin iyo war celin}, si aad Islaamka u barato , aniga oo Alle baryi inuu Xaqa innagu hagaajiyo.
Dr. Cali binu Sacad al-Cusaymi.
[1] Kuwa raacsan.
[2] Mugdiyada.
[2] Mugdiyada.
Kitaabka
Nuurka Islaamka
نور الإسلام
(Nuurul-islaam)
Alle wuxuu leeyahay:
يا أهلَ الكتابِ قد جاءَكم رسولُنا يبيّنُ لكم كثيراً مما كنتم تخفون من الكتابِ ويعفوا عن كثيرٍ قد جاءَكم من الله نورٌ وكتابٌ مبينٌ * يهدي به الله من اتبع رضوانَه سُبل السّلامِ ويخرجُهم من الظّلماتِ إلى النّورِ بإذنِه ويهديهم إلى صِراطٍ مستقيمٍ
(المائدة (15-16)
“Ahlu kitaabow1, dhab ahaan waxaa idiin yimid Rasuulkannagii oo idiin caddayn wax badan oo Kitaabka2 ka mid ah oo aad qarin jirteen, qaar badanna iskaga aamusi, waana hubaal inuu xagga Alle idiinka yimid Nuur3 iyo Kitaab4 wax qeexa, oo kuwa raaca waxa Rabbi raalli geliya, uu Kitaabkaa awgii Rabbi ku hanuunin waddoyinka badbaadada, idankiisana uu kaga saari gudcurrada, Nuurkana u saari, jidka toosanna ku Hagaajin).”
[Suuradda (5aad) al-Maaidah, Aayadda 15-16].
Waxaa Billaabmi Doodii
Dhex Maraysay: Cumar iyo Joorji
J: Cumarow, ahlan.
C: Joorjiyow, ahlan.
J: Iska warran?
C: khayr Alxamdulillaah.
J: Isu kay sheeg?
C: Waxaan ahay reer Makka al-Mukarrama.
J: Oo maxaad u raacisay tilmaantan (al-Mukarrama)?
C: Illayn, Allaa karaameeyay, oo dhex dhigay baytkiisa xurmada leh, ee uu Nabi Ibraahim asaaskiisa koryeelay dhulka oo dhanna iyaduu uugu jecel yahay, midhaha addunkana iyadaa loo soo qaadaa, ruuxii galaana amni buu helaa, waana wadnaha caalamka, Nabigeennana iyadaa lagu dhalay ,lagana soo diray, Islaamkuna iyaduu ka faafay, waana hooyada Magaalooyinka, iyo Caasimdda Islaamka, Alle wuxuu leeyahay:
إنّ أوّلَ بيتٍ وُضِع للنّاسِ لّلذي ببكّةَ مُبارَكا وهُدى للعالمين
(آل عمران (96
“Baytkii uugu horreeyey ee loo dhisay inay dadku Alle ku caabudaan, waa ka Bakka5 ku yaal, isagoo la barakeeyay, Caalamkana hiddaayad u ah,”
[Suuradda (3aad) Aali Cimraan, Aayadda 96].
J: Goormaa Muxammad la soo diray?
C: Waqti laga jooga in ka badan Kun iyo afar boqol oo Sano.
J: Bal Islaamka iiga sheekee?
C: Ma jeceshahay inaad Islaamka barato?
J: Haahey, si buuxdaanan uugu riyaaq-sanahay inaan ka barto dad yaqaanna , maadaama ayna ruuxa ku habboonayn inuu shayga ka qaato dad aan ehel u ahayn inaad Caasimadda Islaamka ka soo jeeddana waxay ka mid tahay wax yaalaha ii sii xiisa gelin inaan warkaaga dhagaysto.
C: Ma ka war haysaa inuu Islaamku yahay Diinta Cilmiga Xujada iyo Daliilka?
J: Oo sidee ah?
C: Islaamka laguma aqbalo xugun ama aqoon aan ku tiirsanayn Xujo iyo Daliil adag
J: Kani waa wax wanaagsan oo qurxan!!
C: Mala socotaa inay Islaamka asaaskiisa ka mid tahay inuu faro wax alla wixii masloxo ku jirto, diidana wax alla wixii wax-yeello ku jirto.
J: Waa arrin wacane, BAL Islaamka iiga sheekee?
C: Laakiin, waa inaan horta labo arrimood isla meel dhigno.
J: Maxay yihiin?
C: Inay ujeeddadu ahaato in xaqa la gaadho, wxuu Daliilku sugana la raaco, oo aan la helaynin haddii aan laga xoroobin tacasubka iyo dhinac u xaglinta, hadal kasta ood maqli amaa aad aqriyi waa in loo bandhigo caqliga saxiixa ah, iyo fitrada fayow, illayn xaqu waa waxa naftu ku xasisho, daliilkuna sugo, ee haddaba adigu arrinkaa ma waafaqsan tahay?
J: Haaheey, welibana farxad buuxdo.
C: Bal sidaa u jalleec waxa hareereheenna ah: dhirtan bilicda san, shinbirahan hawada ku shareeran, webiyadan qulquli , bal dhugo uunkan baaxadda wayn ee buuxiyay cirka, iyo dhulka, iyo habeenka, iyo dharaarta is waydaaran, makhluuqa sidaa u wayn, ee sidaa u fara badan dhalliili ka dheeraa ka uumay ee sidaa u sanceeyay ?!!!!
J: Oo yaa waxaa uumay, danteese laga lahaa samayntooda?
C: Kow 1: Ma daahna in shay walba samayntiisa dan uun laga leeyahay,oo -Masalan- miiska waa in wax la saarto , kursigana lagu fadhiisto , qalinkana lagu qorto , kabahana in cagaha dhibka lagaga dhowro , wax walbaana waa sidaas oo kale, intuu doona ha liitee. Aadamiga oo haddaba waxaas oo dhan ka meeqaan wayna, kana muhimsan maxaa loo uumay, Adduunka loo keenay, uunkii kalase loogu adeejiyay?!!!!!
J: Nacam, waa sax in badan baan waydiintaa jawaabteeda ka fikiray, kumase aanan guulaysan inaan jawaab u helo, laga yaabee inaan madax wareer uun ka qaado, ee iiga warran ujeeddada Aadamiga loo uumay, haddaad wax jawaaba hayso?
C: Innaga ciyaar la innooma uumin , bilaashna la innaguma dhaafin , waxaase la innoo uumay arrin wayn , iyo ujeeddo cad oo qudha , oo ah : inaan caabudno Allihii innaga iyo uunkan oo dhanba abuuray , intaynu adduunka joognana aynu ku howlanaanno waxa isaga raalli gelin , innagana innoo xaqiijin liibaanta adduunyo iyo ta aakhiraba , taasaana ah arrinta la inna faray .
Labo 2: Wax yaalaha la ogyahay ee aan inna wax dooda aqbalin, waxaa ka mid ah in wax kasta oo jiraaba leeyahay wixii jirsiiyay, oo Kolkaad aragto gaadhi qurxan, ama qalab si wacan loo farsameeyay, ama saaruukh, ama dayaarad, ama aad gasho meel lagu soo bandhigi sancooyinka cusub, su’aasha uugu horraysa ee laabtaada ku soo deg-degi waxa weeye: waxan yaa sameeyay, muxuuse u sameeyay?
J: Nacam, waa su’aal meesha ku jirta, illayn nafta iyo caqligaba waxa ku sugan inay lama huraan tahay, in albaabku lahaado najaar qottonshay, dhismuhuna shaqaale dhisay, kanaana ah caqli galka dabiiciga ah.
C: Laakin, Kolkaad beerta xayawaanka gasho eed daawan uunkan kala duwan, ee cajiibka ah, goortaad jalleeci daaqa, ubaxa , geedaha , ama aad eegi buuraha iyo badaha, ama aad dhugan qorraxda, dayaxa iyo xiddigaha, ama cirkan iyo dhulkanba, Kolkii ay goobahaas oo kale kula soo gudboonaadaan, miyaadan iswaydiinaynin su’aalahan: yaa waxan uumay, yaa sidaa u hannaanshay, yaase sidaa u qurxiyay ? Yaa habeenka iyo dharaarta u yeelay nidaamkaa yaabka leh ee ay ku socdaan.
Bal haddana, naftaada ku soo naqo oo ka fakir, oo iswaydii: yaa kuu abuuray maqalka, araga, qalbiga, dhadhanka, iyo urinta? Miyaadan ka koobnayn jidh iyo ruux? Ka fakir qalbigan had iyo goor hiraanhiri6 ee intaad nooshahay aan mar qudha istaagaynin, ka fikir xubnahan kolba dhinac u dhaqaaqi, haddana ka fikir ruuxdan kugu jirta, yaa abuuray?
Shakki malaha in ka waxaas oo dhan abuuray uu yahay Rabbiga Khaaliqa ah, ee Raasiqa ah, ee wax nooleeya, waxna dila.
Waxaana hubaala in fitradu7 tustay Khaaliqaa jiritaankiisa, illayn ruux walba waxaa lagu uumay rumaynta Rabbi, iyadoo ayna tacliin iyo tafkiir hore midkoodna jirin, caqliguna sidaas oo kale ayuu u tusay jiritaanka Rabbi, Kol haddii uunkan: kiisa hore iyo kiisa danbaba ay lama huraan u tahay inay Khaaliq lahaadaan, suuragalna ahayn inay iyagu is ahaysiiyeen, ama ay iskaba ahaadeen.
Rusushii Rabbi Iyo Kutubtiisiina, waxay ka wada hadleen Rabbigan Khaaliqa ah, ee Raasiqa ah ee wax nooleeya, ee wax dila.
Haddana BAL ka fikir waxa ay yihiin Rabbigaa tilmaamihiisu?
Ma macquul baa in Makhluuqaadkan jaahil abuuray?
- J: Maya, ee Makhluuqaadkan sidaa u cajiibka ah, ma abuuri karo mid aan cilmi badnayn, oon xog-ogaal ahayn
- C: Ma macquulbaa inuu caajis8 abuuray?
- J: Maya, ee ku wax walba Kara.
- C: Ma macquulbaa inuu dhegoole abuuray?
- J: Maya, ee ku wax maqla.
- C: Ma macquulbaa inuu ammuume9 abuuray?
- J: Maya, ee ku hadla.
- C: Ma macquulbaa inuu indhoole abuuray?
- J: Maya, ee ku wax arka.
- C: Ma macquulbaa inuu daciif dulli ihi abuuray?
- J: Maya, ee mid wayn oo awoood badan.
- C: Ma macquulbaa inuu abuuro uunkan yaabka leh mid meel uun naqsi kaga jiro?
- J: Maya, ee uunkan sidaa u hagaagsan, ma abuuri karo mid aan ku tilmaanayn waynaan iyo ebyanaan10 waase kuma?
- C: Isagu waa Alle – Subxaanahu wa tacaalaa – isagaana ah ka wax uuma, arsaaqa, nooleeya, ee dila.
Dabadeed ka fikir sida uu Quraanku uuga warramay arrinkan oo haddana aqri odhaahdan Alle {Subxaanahu-wata caalaa}:
“ولئن سألتهم من خلق السّماواتِ والأرضَ وسخّر الشّمسَ والقمرَ ليقولُنّ الله فأنّى يُؤفكون * الله يبسطُ الرّزقَ لمن يشاءُ من عبادِه و يقدرُ له إنّ الله بكلّ شيءٍ عليم * ولئن سألتهم من نزّلَ من السّماءِ ماءً فأحيا به الأرضَ من بعدِ موتِها ليقولُنّ الله قل الحمدُ لله بل أكثرُهم لا يعقلون * وما هذه الحياةُ الدّنيا إلّا لهوٌ ولعبٌ وإنّ الدّارَ الآخرةَ لهي الحيوانُ لو كانوا يعلمون
العنكبوت (61-64).
“Wallaahi haddaad mushrikiinta waydiiso: Yaa samaawaadka iyo dhulka abuuray, oo qorraxda iyo dayaxana sakhiray, waa hubaal inay odhanayaan {ALLAAH} ee sidee baa xaqa looga leexin. Alle unbaa risqiga u waasiciya ruuxuu rabo. Ee addoomadiisa ka mida, kuu doonana ku cidhiidhya, Allana waa wax walbo oge, wallaahi haddaad waydiiso mushrikiinta: yaa samada roobka ka keenay oo ku nooleeyay dhulka, intii uu dhintay kadib, waa hubaal inay odhan: ‘Allaah’ ee dheh: Alxamdulilaah, badankoodse garan maayaan. Nolosha aduunyaad madhaafsana ciyaar iyo maaweelo, daarta aakhiro unbaana ah nolosha dhabta ah, hadday garanayaan.”
[Suuradda (29aad) al-Cankabuut, Aayadda 61/64].
Qodobka Sadexaad
J: Uunkan yaa leh oo ku tasarrufa? Ma mid mise in kabadan?
C: Waxaan ku su’aali: ma suura gashaa in laba hogaamiye, oo dhinac walba ka simani ay wada hogaamiyaan dayaarad, ama doon, ama dawlad nimo?
J: Hubaal, maya.
C: Oo maxaa iman lahaa haday taasi dhacdo?
J: Dayaaraddu way baydhi lahayd, doontuna way qarriqmi lahayd, dowladnimaduna way dumi lahayd.
C: Haddaba, haddii uunkani laba khaaliq yeelan lahaa, dhul iyo cirba way fasaadi lahaayeen. Haddaynase, arrini sidaa ahayn oo caalamka idaylkii arrimihiisu suganyihiin oy nidaamsanyihiin, waxay taasi ka mid tahay daliilalada ugu waawayn ee cadaynaya in uu caalamka u taliyo rabbi kaliya, malik kaliya, ilaah kaliya, ee uuna lahayn ilaah iyo Rabbi aan isaga ahayn, sida ayna fitrada iyo caqligu u oggolayn in uu caalamku lahaado laba rabbi, oo, isu dhigma oo wax wada abuura, ayayna u ogolayn laba ama seddex ilaah, oo wada mudan in lacaabudo, illayn cibaadada ka mudan unbaa lasiiyaaye, ka mudanna waa rabbiga khalqay, ee maamula uunka, aadmigu kamid yahay, ee wax arzaaqa, sidee baa haddaba cibaadada looga weecin kii mudnaa, loona caabudi ku aan mudnayn?
Sidani waa kas-yari, iyo ku aan kuu nicmayn oo lagu shukriyo kii kuu nicmeeyayna lagu kufriyo oo ah rabbiga iyo ilaaha aan isaga mooyee, ilaah kale iyo rabbi kale midna jirin, macnaha saxa ah ee muslimka caqiidadiisa ku sugan waa {لا اله الا الله}, oo macnaheedu yahay:
(Ma jiro wax xaq lagu caabudo oon Alle ahayn).
Macnaheedu waxa weeye oo kale, in noocyada kala duwan, ee cibaadada isaga oo kaliya loo weeciyo sida tawxiidka, salaadda , soonka , zakada, iyo qaybaha kale ee cibaadada, waa in haddana lagu kufriyo waxaan alle ahayn ee la caabudo sida: sanamyada, geedaha, dhagxaanta, xoolaha, wax yaalaha naftu rabto iyo hawooyin keeda, iyo wax kasta oon Alle ahayn.
Kol haddaad ogaatay in ka uunkan abuuray ee mulkiya, ee dhul iyo cirba u taliyaa, uu rabbi qudha yahay, hadana ogow inuu yahay ilaaha kaligii mudan in la caabudo, waana rabbiga caalamiinta, ee kolkaad doonto inaad Alle caabudo waxa waajib kugu ah inaad kaligii caabuddo, oo aadan wax kale la caabudin.
BAL haddana dhegayso wuxuu Alle Qur’aanka ku yidhi ee arrinkan ku saabsan:
وَمَا أَرْسَلْنَا مِن قَبْلِكَ مِن رَّسُولٍ إِلاَّ نُوحِي إِلَيْهِ أَنَّهُ لا إِلَهَ إِلاَّ أَنَا فَاعْبُدُونِ
.(الانبياء(25)
“Muxammadoow (sallalaahu calayhi wa salam) – ma jiro Rasuul aanu hortaa soo dirnay, oo aanaan u waxyoonin: Ilaah xaq lagu caabudo oon aniga ahayni ma jiree aniga I caabuda.”
[Suuradda (20aad) al-Anibiya, Aayadda 25]
Wuxuu Alle leeyahay oo kale:
ذَلِكَ بِأَنَّ اللَّهَ هُوَ الْحَقُّ وَأَنَّ مَا يَدْعُونَ مِن دُونِهِ الْبَاطِلُ وَأَنَّ اللَّهَ هُوَ الْعَلِيُّ الْكَبِيرُ
.(لقمان (30)
°Wuxuu Alle aayahadan idiinku muujin si aad ugu daliishataan inuu yahay jiraaga xaqa ah, iyo ilaaha xaqa ah, waxay caabudayaan ee kalana inuu baadil yahay, isna yahay sarreeyaha wax walba ka sarreeya, iyo waynaha wax walba ka wayn.°
[Suuradda (31aad) Luqmaan, Aayadda 30]
____________________________
[1] Yahuud iyo Nasaaro.
[2] Injiil iyo Tawraat
[3] Nabi Muxammad.
[4] Qur’aanka kariimka.
[5] Makko.
[6] Bood-boodi.
[7] Fitra (الفطرة) garashada Alle, tawxiidkiisa, iyo jacaylkiisa ruux kasta oo la dhalo naftiisa ku uuman.
[8] Awood laawe.
[9] Hadal makare.
[10] Kaamilnimo dhamaystiran.
[2] Injiil iyo Tawraat
[3] Nabi Muxammad.
[4] Qur’aanka kariimka.
[5] Makko.
[6] Bood-boodi.
[7] Fitra (الفطرة) garashada Alle, tawxiidkiisa, iyo jacaylkiisa ruux kasta oo la dhalo naftiisa ku uuman.
[8] Awood laawe.
[9] Hadal makare.
[10] Kaamilnimo dhamaystiran.
Qodobka Afraad
4 رابعا
C: Ma waxaynu Alle ku caabudi siday nafteeno dooni iyo rabitaankeenna, mise siduu isagu dooni oo uu jecel-yahay?
J: Maya, ee siduu raaliga ka yahay, uuna jecel-yahay, sidee baynuse u garan dariiqa uu Alle rabo jecelna-yahay?
C: Alle -sarreeye- rusul buu soo diray, kutubna wuu soo dajiyay, si uu adoomada u tuso wuxuu jecelyahay, raalina ka yahay, iyagana maslaxo ugu jirto.
J: oo waa kuwama rususha uu Alle addoomaha u soo diray?
C:Rusul iyo nabiyaal badan ayuu Alle soo diray, oo ay ka mid yihiin:
- Aadam,
- Nuux,
- Ibraahiim,
- Isxaaq,
- Yuusuf,
- Yuunus,
- Zakariyaa,
- Yaxyaa,
- Muusaa,
- Ciisaa, iyo
- Muxammed, (salawaatullaahi wasalaamuhu calayhim jamiican)…
Kulligoodna dadka waxay uugu yeedheen inay Alle oo kaliya caabudaan, wax Alle wixii ka soo hadhayna ay ka hadhaan, waana addooma Alle, oon la caabudaynin iyo rusushiisii oon la beeninaynin, ruuxii midkood beeniyana, islaamka wax nasiiba kuma laha, xukunkanina Qur’aankuu ku sugan yahay, oo Alle wuxuu leeyahay:
آمَنَ الرَّسُولُ بِمَا أُنزِلَ إِلَيْهِ مِن رَّبِّهِ وَالْمُؤْمِنُونَ كُلٌّ آمَنَ بِاللَّهِ وَمَلائِكَتِهِ وَكُتُبِهِ وَرُسُلِهِ لاَ نُفَرِّقُ بَيْنَ أَحَدٍ مِّن رُّسُلِهِ وَقَالُواْ سَمِعْنَا وَأَطَعْنَا غُفْرَانَكَ رَبَّنَا وَإِلَيْكَ الْمَصِيرُ
(البقرة (285)
“Rasuulku wuxuu rumeeyay wixii rabbigii looga soo dajiyay, mu’miniintuna way rumeeyeen, mid waliba wuxuu rumeeyay Alle iyo mala’igtiisa iyo kutubtiisa iyo rusushsiisa, iyagoo leh cid rususha ka mid ah kala qaadi mayno, oo waanu wada rumaysannahay, waxay dheheen oo kale: ku maqalnay oo ku adeecnaye Rabbaw, noo danbi dhaaf, Adiga unbaana dib loogu soo noqon doonaaye).”
[Suuradda (2aad) al-Baqarah, Aayadda 285].
J: Kumaa rususha ugu danbeeyay?
C: Nabi Muxammad (sallallaahu calayhi wasallam).
J: Muxammad waa kee?
C: Waa Muxammad binu cabdillaahi, oo Quraysha oo caraba, Makka oo jaziirada carbeed ku taalla joogi jiray, hadana Al-Madiina -almunawwarah dagay, Allana soo diray, si uu dadka oo dhan uga saaro mugdiyada, uuna saaro nuurka.
J: Ma carabta unbuu rasuul u yahay?
C: Maya, ee adoomada oo dhan buu rasuul u yahay, oo carab iyo cid kale, ku cad iyo ku madaw, intoodaba waa loo soo diray. Alla wuxuu yidhi:
قُلْ يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنِّي رَسُولُ اللَّهِ إِلَيْكُمْ جَمِيعًا
(سورة الأعراف) (158)
“Ku dheh: dadyahaw, Rasuul Alle, dhamaantiin u soo diraan ahay.”
[Suuradda (7aad) al-Acraaf, Aayadda 158].
J: Oo maxaa u daliila Nabinimadiisa?
C: Way badan yihiin daliilada cadaynaya nabinimadiisa.
Waxyaalaha la ogyahay waxaa kamida inuu xaqu sugnaado siina jiro, baadilkuna tago uu sii tirmo, soo bixidii Nabiga, 1400 oo sano in kabadan ayaa ka soo wareegtay, walina diintii loo soo dhiibay way xoog badantay, aadna way usii fiddaa. taa waxaa u sii wehelisa inuu ahaa agoon ku koray degaan faqiira, oo jaahila oon xadaarad iyo horumar midna lahayn, wuxuu ahaa oo kale ummi, aan wax aqriyin oon wax qorin, oon madraso galin, jaamacadna kasoo bixin, isagoo sidaas ah ayuu la yimid nidaamkan cajiibka ah , ee hagaagsan ee sugan, ee uu aduunka ku xukumay, aadamiguna ku badhaadhay, atbaacdiisiina ay noqdeen kuwa adduunka u hogaamiya halka ay dantu ugu jirto oo la helay caddaalad iyo horumar aqooneed iyo tu anshaxeedba, heer fogna laga gaadhay. Miyay haddaba inna caqligal tahay inuu waxaas oo idil iska suuraystay, ama iska mala awaashay?
J: Suura gal ma aha inuu isaga uuni iska keentay.
C: Waxaa inna hor taala qiso sugan oo uu warinayo nin la yidhaahdo Abuu Sufyaan, oo kamid ahaan jiray kuwii Nabiga ugu cadawsanaa , lana dagaalamay ilaa uu Alle islaamka ku hadeeyay, dabadeedna waakan qissada innoo billaabi ee leh :
Muddadii annaga iyo Nabiga heshiisku1 Na dhex yiilay ayaa anigoo Shaam2 jooga waxaa Hiraqle oo ah -Boqorka ruum- soo gaadhay qoraal uuga yimid rasuulka. Kolkaasuu Hiraqle yidhi:
Meelaha ma joogaa wax la tol ah ninkaa Nabinimada sheeganaya? Kolkaasaa layidhi: haa. Dabadeedna loo yeedhay koox Quraysha oon ku jiro, oo aniga boqorkii la i horfadhiisiyay, intii kalena gadaashayda la dhigay, Boqorkiina tarjumaankiisii u yeedhay, oo asaxaabtaydii ku yidhi: haduu run ii sheego u rumeeya, haduu been ii sheegana ku beeniya. Abuu Sufyaan wuxuu yidhi: haddaanan ka yaabaynin in been la iga soo guuriyo, wallaahi inaan been sheegi lahaa.
Kolkaasuu Boqorkii turjumaan kiisii ku yidhi: waydii sida uu nasabkiisu dhexdiina ku yahay?
Abuu Sufyaan: dhexdanada waa ku nasab.
Boqorkii: Aabbayaashii wax boqor noqday ma ku jiray?
Boqorkii: Aabbayaashii wax boqor noqday ma ku jiray?
- A: maya.
- B: Intuuna waxan odhan been, maku tuhmi jrteen?
- A: Maya.
- B: Ma dadka sharafta leh mise ducafada raaca?
- A: Ducafada.
- B: Ma siyaadaan mise way nuqsaamaan?
- A: Maya ee way siyaadaan.
- B: Majiraa ruux diintiisa galay oo nacayb uga noqday?
- A: Maya.
- B: Ma la dagaalanteen?
- A: Haa
- B: Sidee buu dagaalkiinu ahaa?
- A: Kolba midkanaa gacan sareeya.
- B: Ballanka maka baxaa?
- A: Maya, haddase heshiis baa Na dhex yaala aanan ogayn wuxuu fali doono.
- B: Hadalkan ma looga horeeyay?
- A: maya
B: Waxaan ku waydiiyay nasabkiisa? Waxaanad ii sheegtay inuu dhexdiina nasab ku yahay, rusushuna waa sidaasoo qoomkooda nasabkiisaa laga soo diraa.
Waxaan ku waydiiyay: Aabayawgii boqor maku jiray, waxaanad I tidhi: maya, oo waxaan is idhi: Hadday taasi jiri lahayd waxaan odhan lahaa: waa nin daba jooga boqortooyadii aabayaashii.
Waxaan ku waydiiyay: atbaacdiisu ma ashraaftaa mise waa ducafada? Waxaad iigu jawaabtay: waa ducafada, kuwa rususha raacaana waa iyaga.
Waxaan ku idhi: Horay been ma ugu tuhmi jirteen? Waxaad ku jawaabtay: maya, oo waxaan ogaaday inayna ka dhici Karin, inuu dadka been ka sheegi waayo, Alle ka been sheego.
Waxaan ku su’aalay: ruux diintiisa galay oo nacayb dartii uga baxay ma jiraa? Jawaabtaaduna: maya bay noqotay, iimaankuna waa sidaas kolkuu dheeho farxadda quluubta.
Waxaan ku waydiiyay ma siyaadaan mise way nuqsaamaan? Oo waxaad ii sheegtay inay siyaadaan, iimaankuna waa sidaa oo kale ilaa uu ka taam noqdo.
Waxaan ku idhi: Ma la dagaalanteen, waxaad tidhi: waan la dagaalanay, oo kolba midkannay guushu raacdaa, sidaas oo kalaana rususha loo imtixaanaa, kadibna iyagaa aayaha yeesha.
Waxaan ku waydiiyay ballanka ma ka baxaa? Waxaad ku jawaabtay: maya, rusushuna waa sidaasoo kale, oo ballanka kama baxaan.
Waxaan ku idhi hadalkan hortii ma la yidhi? Oo waxaad tiri: maya, oo waxaan is-idhi: hadii hortii hadalkan la yidhi, waa nin ku dayan hadal looga horreeyay.
A: Kolkaasuu boqorkii yidhi: muxuu idin amraa? Wuxuu yidhaahdaa: Alle oo kaliya caabuda, wax kalana halla caabudina, aabayawgiin waxay leeyihiin iskaga taga, wuxuu na amraa oo kale salaada, zakada, sadaqada, dhawrsoonaanta, is-xidhiidhinta.
Kolkaas ayuu boqorkii yidhi: waxaad ka sheegi haduu xaq yahay, waa nabi, waanan ogaa inuu soo bixi, mase aanan moodayn inuu idinka yahay, haddaan ogahay inaan gaadhi karana, la kulankiisaan jeclaan lahaa, hadaan agtiisa joogana, cagahaan u maydhi lahaa, mulkigiisuna wallaahi inuu soo gaadhi doonaa meesha aan cagaha ku hayo .
Kolkaasuu boqorkii amray in la keeno kitaabkii uu rasuulku [sallalaahu calayhi wa sallam] u soo diray oo la aqriyay, waxaana ku yiillay:
بسم الله الرحمن الحيم
من محمد ابن عبد الله ورسوله إلى هرقل عظيم الروم : سلام على من اتبع الهدى أما بعد: فإني أدعوك بدعاية الإسلام أسلم تسلم يؤتك الله أجرك مرتين, فإن تولّيت فإنّما عليك إثم الأريسيين.
Qoraalku wuxuu ka socdaa Muxammad oo ah addoonkii Alle iyo Rasuul kiisii, wuxuuna ku socdaa Hiraqle oo ah cadiimka3 reer ruum nabad galyo korkiisa ha ahaato ruuxii hanuunka raaca, intaa kadib: waxaan kuugu yeedhi dicaayada4 islaamka, islaam waad badbaadiye, Allana ajrigaaga laba mar buu ku siini, haddaad jeedsatana, raciyaddaada danbigeeda uunbaa korkaaga ahaan}.
Kadibna aayada macnaheeda…
قُلْ يَا أَهْلَ الْكِتَابِ تَعَالَوْا إِلَى كَلِمَةٍ سَوَاء بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمْ أَلاَّ نَعْبُدَ إِلاَّ اللَّهَ وَلاَ نُشْرِكَ بِهِ شَيْئًا وَلاَ يَتَّخِذَ بَعْضُنَا بَعْضًا أَرْبَابًا مِّن دُونِ اللَّهِ فَإِن تَوَلَّوْا فَقُولُواْ اشْهَدُواْ بِأَنَّا مُسْلِمُونَ
.(آل عمران ( 64)
“ku dheh: ahlu kitaabow, u kaalaya odhaah aynu annaga iyo idinku u simannahay, oo ah inaynaan caabudin waxaan Alle ahayn, oo aynaan cidna cibaadada la wadaajin, qaarkeena uuna qaar ka dhigan rabbiyo Alle qayrkii la caabudo, oo hadday jeedsadaan waxaad tidhaahdaa: marag ka ahaada inaanu annagu muslimiin nahay.”
[Suuradda (3aad) Aala Cimraan, Aayadda 64].
Boqorkii kolkuu yidhi: wuxuu yidhi: ee uu kitaabkii aqriyay ayaa waxa agtiisa ka bilaabmay buuq iyo sawaxan, oo nala bixiyay kolkaasaan ku idhi raggii ila socday: wallaahi ninkan arrinkiisii wuu waynaaday, waxaaba ka cabsan boqorkii ruume, ninkana waxa uu ula jeedaa nabiga (sallaalhu calayhi wa sallam) Qisadii saas ayay ku dhammaatay.
Alle wuxuu leeyahay:
(32) اتَّخَذُواْ أَحْبَارَهُمْ وَرُهْبَانَهُمْ أَرْبَابًا مِّن دُونِ اللَّهِ وَالْمَسِيحَ ابْنَ مَرْيَمَ وَمَا أُمِرُواْ إِلاَّ لِيَعْبُدُواْ إِلَهًا وَاحِدًا لاَّ إِلَهَ إِلاَّ هُوَ سُبْحَانَهُ عَمَّا يُشْرِكُونَ
(32) يُرِيدُونَ أَن يُطْفِؤُواْ نُورَ اللَّهِ بِأَفْوَاهِهِمْ وَيَأْبَى اللَّهُ إِلاَّ أَن يُتِمَّ نُورَهُ وَلَوْ كَرِهَ الْكَافِرُونَ
“Axbaartoodii5 iyo raahibiintoodii6 iyo Al masiix binu maryama, ayay ka dhigteen rabbiyo ay Alla qayrkii caabudaan, iyaga oon la amrin inay caabudaan wax aan Ilaah qudha ahayn, mana jiro ilaah xaq lagu caabudo oo aan isaga ahayn, Allana ka hufnaa waxa ay la caabudayaan. Waxay doonayaan inay nuurka Alle, afafkooda ku bakhtiiyaan, Allana wuu diidi waxaan ahayn inuu nuurkiisa taam yeelo, haba karheen kaafiriintuye).”
[Suuradda (9aad) Attawbah, Aayadda 31-32].
Taa waxaa wehelisa inuu layimid mucjizaad cadcad, oo sugi nabinimadiisa, oy ka mid tahay mucjizadan waartada ah, illayn mucjizaadkii lasiiyay nabiyadii kale, waxay ahaayeen kuwo ku xiran munaasabado gaara, tan Muxammad lasiiyayse {sallallaahu calayhi wasallam} waa tu waarta , waana mucjizada Qur’aarka.
Qodobka Shanaad
(Qur’aanka)خامسا : القرأن
J: Waa maxay Qur’aanka kariimka ihi?
C: Waa kalaamkii Alle, ee uu isagu ku hadlay –subxaanahu- Jibriilla u soo dhiibay, si uu Muxammad ugu waxyoodo (sallalaahu calayhi wasallam)
J: Muxuu Qu’aanku la gaar yahay?
C: Kalaamka Alle la mid ma aha hadalka dadka, ruuxii maqla ee u fiirsadaana, wuxuu yaqiinsan inaan aadami isaga oo kale keeni Karin. Carabtu, iyaga oo ah dad loo hibeeyay fasaaxad iyo balaaqad, ayuu hadana Alle ku careeyay7 inay Qur’aanka oo kale keenaan ama toban, ama hal suurad oo isaga la mida, illayn makhluuqu waligii keeni kari maayo hadalka khaaliqa oo kale. Dhab ahaan Qur’aanku wuxuu ku soo degay afcarabi si wacan wax u qeexa, awood wayna ku leh nafta, oo xitaa kuwa aan af carabigaba aqoonin, qaarkood waxa ku habsata haybad iyo cabsi kolkay Qur’aanka maqlaan, oo aniga qudhaydu qaar aan la kulmay, oon carab iyo muslimiin midnaba ahayn, oo aan Qur’aanka wax ka waydiiyay, waxay igu yidhaahdeen: cabsi iyo khushuuc baa na hantida goortaan Qu’aanka maqalno, qaar kalana waxayba sheegeen in timuhu haybaddaa awgeed isla taagaan kolkay Qur’aanka maqlaan.
J: Maxaad haddana Qur’aanka ka odhan?
C:Waxaa kale oo Qur’aanka mucjisnimadiisa caddayn inuu Alle kafaalo qaaday ilaalintiisa, oo Qur’aankii Nabiga lagu soo dajiyay (1400) oo sano ka hor, uu yahay kay muslimiintu maanta ku aqriyi bari iyo galbeed iyo meel walba, isagoon xaraf qudhihi iska beddelin, arrinkuna sidaas ayuu sii ahaan doonaa ilaa qiyaamada, laakin kutubtii hore oo dhan waxbaa laga badalay, oo ma jiro kitaab kaliya ,oo ku jooga sidii uu Alle kusoo dajiyay, sidaa darteedbaa la arkaa hal kitaab oo leh nuskhado (koobiyo) is wada khilaafsan, Qur’aankuse arrintaa wuu ka badbaaday, oo musxafka iyo laabtaba waa lagu xifdiyay, oo dad badanbaaba korka ka haya, oo haddii uu midi khalad aqriyo, durba waa lagu celin oo loo sixi, xitaa hadii uu salaadaba ku jiro.
J: Muxuu Qur’aanku ka warrami?
C: Wuxuu ka warrami kuwii innaga horreeyey, oo ah nabiyadii iyo rusushii iyo ummadihii, laga soo bilaabo Aadam ilaa soo bixiddii nabi Muxammad ( calayhim al-salaatu wassalaam), wuxuu ka warramaa aakhiru zamaanka waxa dhici doona, qiyaamada, xashriga8, jannada iyo naarta, wuxu ka warramaa kala xukminta dadka, iyo dariiqa loo maro, iyo cibaadada iyo siyaasada iyo dhaqaalaha… iwm.
Wax walibana Qur’aanka asal buu ku leeyahay, aqri aayadaha soo socda:
مَّا فَرَّطْنَا فِي الْكِتَابِ مِن شَيْءٍ
(الانعام (38)
“Ma jiro wax aanaan Qur’aanka9gudihiisa ku sheegin.”
[Suuradda (6aad) al-Ancaam, Aayadda 38]
(9) إِنَّ هَذَا الْقُرْآنَ يَهْدِي لِلَّتِي هِيَ أَقْوَمُ وَيُبَشِّرُ الْمُؤْمِنِينَ الَّذِينَ يَعْمَلُونَ الصَّالِحَاتِ أَنَّ لَهُمْ أَجْرًا كَبِيرًا
(10) وَأَنَّ الَّذِينَ لاَ يُؤْمِنُونَ بِالآخِرَةِ أَعْتَدْنَا لَهُمْ عَذَابًا أَلِيمًا
(الإسراء (9-10)
“Qur’aankani wxuu dadka ku hagaajin jidka ugu fiican, mu’miniinta camalka saalixa ah falana, wuxuu ugu bishaarayn inay ajri wayn leeyihiin, kuwa aan aakhiro rumaysnayna cadaab xanuun kulul baanu u diyaarinay.”
[Suuradda (17aad) al-Israa, Aayadda 9-10]
كِتَابٌ أَنزَلْنَاهُ إِلَيْكَ مُبَارَكٌ لِّيَدَّبَّرُوا آيَاتِهِ وَلِيَتَذَكَّرَ أُوْلُوا الأَلْبَابِ
(ص (29)
“Kani waa kitaab aanu kuu soo dajinay oo la barakeeyey, si ay aayaadkiisa uga fikiraan, kuwa caqliga lihina ugu waantoobaan.”
[Suuradda (38) Saad, Aayadda 29]
Wuxuu u jeedaa heshiiskii Nabiga iyo quraysh ku dhexmaray Xudaybiyah oo Makko duleedkeeda ah sanadkii 6aad ee hijrada.
[2] Waa magac hore oo loo aqoon jiray degaan ay ka mid yihiin halka ay dhacaan lubnaan iyo suuriya iyo falsdhiin ………
[3] Kay ruumku wayneeyaan
[4] Erayga islaamka uugu yeedha oo ah ash-haadada
[5] Culimada Yahuuda
[6] Saahidiinta nasaarada
[7] Ku yidhi car keena Qur’aaanka oo kale
[8] Isu keenidda dadka maalinta qiyaamo
[9] Kitaabka lawxul-maxfuudka waa lagu fasiray kitaabkaa .
[4] Erayga islaamka uugu yeedha oo ah ash-haadada
[5] Culimada Yahuuda
[6] Saahidiinta nasaarada
[7] Ku yidhi car keena Qur’aaanka oo kale
[8] Isu keenidda dadka maalinta qiyaamo
[9] Kitaabka lawxul-maxfuudka waa lagu fasiray kitaabkaa .
Qodobka Lixaad
(Rususha)
سادسا:الرسل
J: Rususha guud ahaan, Ciisana gaar ahaan, maxay muslimiintu ka caqiidaysanyihiin?
C: Muslimiintu waxay ka caqiidaysanyihiin inuu Alle soo diray rusul iyo nabiyo, Aadam ugu horreeyay Muxammadna uugu danbeeyay (calayhim assalaatu wassalam)
Waxay rumaysanyihiin oo kale in kulligood xagga Alla laga soo diray, basharna yihiin ,nabi walbana qoomkiisii loo diray, Muxammad oo dadka oo idil loo diray mooyee (Sallalaahu calayhi wasallam), illayn isagaa khatimay nabiyadii, diinta islaamka ee dadka oo dhan loogu soo dhiibayna, diimahaa lagu khatiamy, wuxuuna Alle ka dhigay diin ku habboon goor walba iyo goob walba. Ciisana waxay u caqiidaysan- yihiin inuu yahay addoon Alle, oo guta waajibka cibaado ee lagu leeyahay, iyo inuu yahay rasuul Rabbi nasaara u soo diray, Injiilla ku soo dajiyay, ahna bashar Alle ka uumay hooyo qudha, oo aaba la’aana, mana aha arrin lalasii fajaco, kolkii la garab dhigo Aadam (Calayhi salaam) oo aan hooyo iyo aabo midna kasoo jeedin.
Waxay muslimiintu rumaysanyihiin oo kale, in hooyadii Maryama ay tahay daahir oo ayna zinaysan, oo kii waxaa caqiidaysanna ay muslimiintu u arkayaan inuu kaafir yahay, maadaama Qur’aanka kariimka ah uu Alle kaga waramay daahirnimadeeda iyo dhawrsoonaanteeda, mana banaana in la beeniyo hadalka Alle iyo ka rasuulka midkoodna.
Allana waxa uu Qur’aanka ku leeyahay isaga oo ka hadli xaqiiqada Ciise:
(59) نَّ مَثَلَ عِيسَى عِندَ اللَّهِ كَمَثَلِ آدَمَ خَلَقَهُ مِن تُرَابٍ ثُمَّ قَالَ لَهُ كُن فَيَكُونُ
(60) الْحَقُّ مِن رَّبِّكَ فَلاَ تَكُن مِّن الْمُمْتَرِينَ
{آل عمران (59-60)
“Waa dhab in Ciise Alla agtiisa kula masaal yahay Aadam, Aadanna wuxuu Alla ka abuuray carro, kolkaasuu ku yidhi: ahaw, wuuna ahaanayaa. Xaqu rabbigaa buu ka yimide, ha kamid noqonin kuwa shakisan.”
[Suuradda (3aad) Aala Cimraan Aayadda 59-60]
J: Waxad sheegtay inuu Muxmmad Nabiyada khatimay, diinta islaamkuna diimihii kale khatintay, maxaa u daliila?
C: Rusushii idilkood way ka warrameen Muxammad, Atbaacdoodiina waxay amreen inay raacaan, wuxuu ku yaalaana Tawraat iyo Injiil iyo kutubta samaawiga ah, intii aan labadalin, qissiisiinta iyo raahibiinta qaarkoodna, arrinkaa way ogyihiin, Ciisana banii israa’iil wuu ugu bushaareeyay aqri aayadan:
وَإِذْ قَالَ عِيسَى ابْنُ مَرْيَمَ يَا بَنِي إِسْرَائِيلَ إِنِّي رَسُولُ اللَّهِ إِلَيْكُم مُّصَدِّقًا لِّمَا بَيْنَ يَدَيَّ مِنَ التَّوْرَاةِ وَمُبَشِّرًا بِرَسُولٍ يَأْتِي مِن بَعْدِي اسْمُهُ أَحْمَدُ فَلَمَّا جَاءَهُم بِالْبَيِّنَاتِ قَالُوا هَذَا سِحْرٌ مُّبِينٌ
(الصف (6)
“Xus goortuu Ciise binu Maryama yidhi: ilma israa’iilaw, anigu Rasuul uu Alle idiin soo diraan ahay, Tawreedii iga horraysayna rumaysan, kuna bishaarayn Rasuul bacdigay iman doona, magaciisuna Axmed yahay, kolkii uu mucjizaadkii ula yimidna waxayba yidhaahdeen: kani waa sixir cad.”
[Suuradda (61) As-Saf Aayadda 6]
Taa waxaa wehelisa inuu Muxammad {sallalaahu calayhi wasallam} Nabi yahay nabiguna been ma sheego, wuxuuna innoo sheegay inuu Nabiyada khatimay, islaamkuna diimaha khatiamay, haddana bal eeg: goortuu Nabigu soo daahiray, mudda dheerbaa ka sokaysay, ee wali ma la hayaa wax Nabi ah oo soo baxay, oo run lagu ogaaday, oo diintuu sheegtay u hirgashay, oon ahayn beenaalayaw waxay sheegteeni dharabtii 1ku bakhtiday, Diinta islaamkuse waa (caanbax2) una suubata zaman walba iyo makaan walba, oo sii jiri ilaa qiyaamada, jacaylka Rasuulkuna nafta wuu ku xooganyahay, sidaa owgeed bay muslimiintu u caqiidaysan yihiin inuu Muxammad {sallalaahu calayhi wasallam} Nabiyada iyo Rusushaba khatimay oo Alle wuxuu leeyahay:
مَّا كَانَ مُحَمَّدٌ أَبَا أَحَدٍ مِّن رِّجَالِكُمْ وَلَكِن رَّسُولَ اللَّهِ وَخَاتَمَ النَّبِيِّينَ وَكَانَ اللَّهُ بِكُلِّ شَيْءٍ عَلِيمًا
(الاحزاب (40)
“Ma jiro axad ragiina ka mid ah, oo uu Muxammad {sallalaahu calayhi wasallam} aabbo u yahay, waase rasuul Alle iyo kii Nabiyada khatimay, Allana waa wax walba oge,”
[Suuradda (33aad) al-Axzaab, Aayadda 40]
Sidaa darteed bay haddana u caqiidaysanyihiin inuu Islaamku meel walba iyo zaman walba u suubado.
Qodobka Todobaad(Tiirarka Islaamka)
سابعا: اركان الاسلام
J: haddaba, waa maxay tiirarka islaamka iyo usuushiisu?
C: Tiirarka islaamku waa shan:
- In laqiro inuuna jirin wax xaq lagu caabudo, oon Alla ahayn, Muxammadna uu rasuul Alla yahay
- In salaadda la oogo
- In zakada la dhiibo
- In ramadaanka la soomo
- In ruuxii awoodaa ku xajiyo Al-baytal xaraam.
J: Iiga sheekee Salaadda?
C: Salaadu, islaamka waxay ku tahay xidhiidhka u dhexeeya addoonka iyo rabbigii, muslimkuna si toos ah, ayuu Alle cibaadada ugu gudan, oo uma baahna inuu u sii maro sheekh, imaam,qissiis, ama raahib…
J: waa maxay cibaadadan, ay muslimiintu sax u arkaan, alla agtiisana lagu aqbalo?
C: cibaadadaasi laba shardi bay leedahay:
- In Alla oo qudha dartii loo guto, oo aan inna loola jeedin ha lagu arko, ama ha lagu maqlo, cibaadadana aan laga dhaxaysiinin Alla iyo cidkale, arrintaasoo shirki ah.
- Waa inay waafaqsanaato dariiqii rasuulka ( sallalaahu calayhi wasalam ), oo aan laysaga gudanin kolba sidii larabo, ama naftuba doonayso, oo la eego siduu nabigu jideeyay, ee uu Alla ku caabudi jiray, laguna raaco, kol haduu Alla- subxaanahu- sidaa faray raalina ka noqday .
J: Waa laba shardi oo qurxoon, immisa marbayse waajibtaa salaadu, habeenkii iyo maalintii?
C: Shan mar, wayna u fududahay qofkuu Alla u fudeeyo, halkii salaad waxay qaadan shan ilaa toban daqiiqo, isu gayna waa wax ka yar hal saac, oo Alla leeyahay, mana badna kolkii loo eego hawl maalmeedka, loo qoondeeyay adduunyada, ee saacadaha badan loo huro, ee sidee buu ruuxu rabbigii ugala bakhayli xooggiisa.
J: Salaadu maxay tartaa?
C: Horta waa cibaado muslimku guto, oo uu Alle abaal wayn kaga helayo, wax tar wayna waa laga helaa, oo naftaa ku dahiranta, laabtaa ku faydanta, xaalkuna wuu ku samaadaa, faa’idooyin kale oo badanna way leedahay, layaabna malaha oo naftu khaaliqeeda iyo mawlaheeday ku xidhmi, oo salaadda iyo iimaanka iyo cibaadaduba guud ahaan, quud bay ruuxda u yihiin.
J: Maxaa loola jeedaa quudka ruuxda?
C: Jirku baahi wayn buu u qabaa cunno iyo cabidba, waase inay labaduba fayawyihiin, oo haddii jidhka la siiyo quud sumaysan, ama waqtigiisu dhacay wuu ku sumoobaa, kuna dhibboodaa, kuna dhintaa.
Sidaasoo kalay, arwaaxduna ugu baahantahay quud fayaw, illayn haddii la siiyo quud xumaaday, aad bay ugu rafaadi. nafa badan oon baran quudka fayaw ee ruuxdu ubaahantahay ayaa ku nool walwal, silic, iyo ruux maran, in badanna waxay isku dayaan inay nafta la cidloobaan, oo ay bal ka fikiraan aayahooda iyo halkuu ku danabayn doono, iskuse dayi maayaan inay ka fikiraan bacthiga3 iyo nushuurka4. Iyo maalinta aakhiro, oo saacada dhaadheer oo dhib iyo hawla, ayay adduunyada galin, haduu waqti usoo hadhana, waxay ku buuxiyaan wax runta ka dheer, oo ah khamro cabbid iyo inay iska muquurtaan danbiyo kale oo xun-xun, haddanase wali ruuxdii way sii haawan, kolkaasaa waxa ku habsan walaac iyo qaadiro, gaarsiisa xaalad daran, oo uu geerida ka door bido nolosha, qudhana iskaba jaro.
Ibtiladani waxay ku badan tahay duulka aan Alla rumaysnayn. Ruuxda quudkeeda saxa ahi waa in Alla –subxaanahu- lagula xiriiro cibaadada, maadaama qofka raaxadiisu iyo nafta deggenaanshaheedu ku yimaadaan cibaadada, xiriirinta dadka, ixsaanka, dhawrsoonida, waxa san samaytiisa iyo waxa xun dayntiisa, oo salaadda iyo ku xirnaanshaha Alle nafta waxay ka dhigi inay noolaato iyadoo liibaansan, dhimatana iyada oo ammaanan, laguna soo bixiyo xaaladda ugu fiican.
J: Muxuu ruuxu fali kolkuu doonayo inuu tukado?
C: Dahaarada iyo nadaafadu waa u lama huraan salaadda, nadaafada iyo nijaas iska jiriddaba islaamku wuu ku booriyay, nadaafaddu waa laba nooc: mid macnawi ah iyo mid xisi ah. Ta hore waa inuu qalbigu ka dahirnaado shirkiga, nifaaqa, naca, xasadka iyo karaahiyada loo hayo kuwa Alle jecel yahay.
Ta xisiga ahina waa in badanka (jidhka) iyo dharka, cunnada iyo cabbidu nadiif wada yihiin, oo islaamku wuxuu amray waysaysi, oo ah in la dhaqo wajiga, gacmaha, cagaha iyo madaxa oo si gaara loo masaxo, sidaasoo kale waa inuu iska dahiro kaadida iyo saxarada, oo ah inuu labada jid-ee wax soo maraan ku nadiifiyo biyo ama warqad daahir ah, ama labadoobaba uu isku daro, (ama wixii kalee u eg) si dahaarada loogu feejignaado, waa inayna wasakhdaasi dharkiisa gaadhin, si uu ugu jiro xaaladda ugu daahirsan.
Haddana islaamku wuxuu ku dhiiri galiyay in loo qabaysto salaadaha jimcada iyo labada ciidood, wuxuuna waajibiyay in laga maydho jimaaca iyo soo bixidda manida iyo xaalado kale, illayn sidaasaa nashaad iyo daahirnimo badane. Islaamku wuxuu diiday in la cuno wax nijaas ah, illayn jirkuu dhibaa, cudurrana dhaxal siiyaaye, wax walbaana inuu daahir ahaado ayuu islaamku ku dhiirigaliyaa.
J: Hadana maxaa salaadda loo shardiyaa?
C: Muslimiinta oo dhan, waxa ku waajib ah inay qiblada usii jeedsadaan kolakay tukanayaan, qibladuna waa in loo sii jeedsado kacbadii Ibraahiim iyo wiilkiisii Ismaaciil ay aasaaskeeda kor yeeleen (calayhimaa as-salaam).
Sidaa darteed kacbadu waa qiblada muslimiinta halkay doonaanba ha joogeene, xitaa kolkay ku tukan (Masjid Al-Xaraamka ) ee Makka ku yaalla, dadku kacbaday dhinac walba iskaga soo weegaari, iyadayna wada qaabili, maadaama alla sidaa amray, oo ilaahoodu waa waaxid, qibladooduna waa waaxid, salaada faralka ah kolkay iimaamka ku daba tukanna, rukuucdooda, sujuudooda, sara joogooda iyo fadhigooduba- intaas oo idil waa waaxid xittaa, waqtiga xajka iyo habeenada ramadaanka, baytkan wayn waxa isugu iman in ka badan laba milyan oo muslimiin ah, oo salaadda si qura u wada gudan: taagnida, fadhiga, rukuucda, sujuudda, Qur’aan akhriska iyo xuska Alle. Arrinkaasoo caddayn sida islaamku uugu dadaali in acmaashu isugu timaado daacadda, la iskuna baraarujin inay habboontahay inay quluubta iyo niyadu ahaadaan kuwa isugu yimaada daacadda Alla.
Qodobka Sideeddaad
(Zakada)
ثامنا:الزكاة
J: Kani wuxuu ahaa tiirkii labaad ee islaamka ee waa maxay ka saddexaad?
C: Waa in zakada la dhiibo, oo ah qayb xaddidan oo ka mid ah xoolaha qaniga in la siiyo fuqarada, arrintaas oo Alle ku caabuda, naftuna raali ku tahay
J: Intee in le-eg buu qanigu xoolihiisa ka siin fuqarada?
C: Qaddarku wuxuu ku kala duwan yahay sida xoolahu ukala duwan yihiin oo -masalan- dahabka iyo fiddada (qalinka) iyo wixii lacag ah, kolkii shuraada la helo waxa ka waajibi 2.5%, wixii beeraha kasoo baxa iyo midhahana 5%, hadii qalab lagu waraabsho, haduu roob waraabshana 10%, waana wax uu qaddaray Allaha wax walba og xogtiisana haya, sidaa darteed, waa qaddar aan xoolaha qaniga culays ku ahayn, faqiirkana u gudaya danihiisa lama huraanka ah, waana nooc ka mid ah iskafaala qaadka bulsheed, ee lagu faral yeelay muslimka qaniga ah, oo la yiraahdo: ZAKO, arrintuna iyadan uun kuma koobnee waxa kale oo islaamku faray sadaqo, aan iyadu waajib ahayn oo haddii la falo ajri laga heli, haddii kalana aan la isu ciqaabaynin, sida zakadana aan qaddarkeeda la cayimin, hase ahaatee kolkii jidadka khayrka wax lagu sii bixiyaba ajrigaa sii waynaan. Iskafaala qaadka bulshadeed, qaniga wuxuu ka dhigi inuu faqiirka u naxariisto, faqiirkana inuuna karaahiyad u qaadin qaniga, iskuna dayin inuu dilo, ama xado, ama dhibaato kaleba u gaysto, maadaama uu ka helay walaalkiisa hodanka ah naxariis iyo qalbi nugayl (jileec).
Zakada iyo cibaadaadka kalaba muslimka waa ku waajib, halla helo dawlad islaam ah oo amar ku hir galisa, ama yaan la heline, oo la mid maaha nidaamyada adduunyaad, ee meel marintoodu ku xiran tahay dawlad jiritaankeed iyo awooddeed, taana waxaa keenay inuu muslimku leeyahay damiir ku riixa inuu falo wuxuu rabbi faray, ka joogsado wuxuu ka reebay, goor kasta iyo xaalad kasta uu ku jiro, haba ka maqnaato ilku haynta dawladnimo, oo wuxuu ogyahay in Alla ilaalinayo, waxwalbana ogyahay, dhaqdhaqaaqiisa iyo xaaladihiisa oo dhanna daalacanayo.
Islaamku wuxuu ku dadaalay inuu dhaqaaluhu isu dheelli tirraado, jid qurux badanna arintaa wuu u qaaday, oo wuxuu diiday nidaamka hanti wadaagga ee maalka ka xanibay kuwii wax ikhtiraacay, mufakiriinta iyo kuwa wax soo saaraayay, ee uuga dhaartay inay kasabkooda ka siiyaan wax dhaafsan waxay siiyaan shaqaalaha daciifka ah ee baliidka ah, dabeedna dabaqadii wax xukumaysay, ayaa wax walba iskala kaliyoobi, halkaana waxa kasoo baxay shacab wayne, silic iyo saxariir u dhiman, iyo dabaqad sare oo dhereg iyo barwaaqo ku nool. Haddaba, xaggee bay cadaalad iyo garsoor uuga iman kuwaasoo kale.
Sidaas oo kale ayuu islaamku uugu gacan saydhay nidaamka hanti goosadka ah ee jid walba maal ka kasoo xayuubsanaya ,haba ahaadeen jidad qaloocan oo xaaraan ah, oo keena in shaqaalaha la dulmiyo, dabaqad gaar ahina siday doonto xoolaha uugu tasarruto, intii kalena ay dhib iyo baahi ku cadaabanto, sidaa awgii itijaaha nidaamka hanti goosdka ihi, waa in hantiiluhu sii hodmo, faqiirkun sii faqiiro, taasoo dhalisay inuu faqiirku colaad daran uqaado qaniga, iskuna dayo inuu xoolihiisa si uun u hantiyo: tuugo, khiyaano, iyo sidii kale ee uu ku heli karo, ama inuu dilaba, qaniguna wuxuu ku dadaali inuu kaba maarmo gacan aadami shaqaynteed, oo wuxuu bilaabay inuu shaqaalihii in yar inyar uuga takhaluso, isaga oo halkoodii soo gashan qalabkii badali lahaa, arintaasina waa damac iyo hunguri wayni darteed iyo inaan ruuxna la wadaagin xoolaha, taasoo keentay in mujtamicii laba qaybood u kala dilaaco: qayb si daran u xoolaysata , iyo qayb si laga argagoxo u faqiirta, oo waxaa meesha ka baxday dabaqadii dhexe ee asaaska u ahaan lahayd isu dheeli tiranka dhaqaale ee mujtamaca guduhiisa ah.
Dulmigani kuma koobna afraada hanti goosadka ah oo qura, ee wuxuuba usii gudbaa heerka duwalka hanti goosad ka ah, oo aad isugu hawla sidii ay uuga faa’idaysan lahaayeen duwalka faqiirka ah khayraadkooda, hantidoodana qiima jaban uugu qaadan lahaayeen, ama bilaashba. Aaway hadaba, cadaaladda ay ku hadaaqaan, had iyo goor? Aawayse xuquuqda insaanka ee ay ku andacoodaan?
Islaamkuse, dhab ahaan wuxuu ruuxa u ogolaadaa inuu hanti yeesho, waase inay kasoo gasho jidadka sharcigu ogolyahay, sidaa darteed baana loogu diiday waxyaalaha dhibaatada u keeni maslaxada guud iyo ta gaarba ee sabab u noqon in mujtamaca ka dhex dilaacdo dabaqiyadda lanecbyahay. Islaamku wuxuu ku waajibiyay muslimka inuu maalkiisa ka bixiyo xaqa faqiirka oo ah zakada lagu faral yeelay, si loo helo iskafaala qaadasho bulshadeed, wuxuuna dhiiri galiyay oo kale bixinta sadaqada, oo ajri loo yeelay, si uu ruuxu uugu dadaalo inuu wax baxsado, Allana ajri uuga fisho, kaasaana lagu heli isu dheeli tiranka dhaqaale, umuuruhuna si habsan uugu socon, faqiirkuna uuna wax nacayb ah uugu qaadaynin qaniga.
Mushkilaadka dhaqaale ee xirxiran ee maanta caalamka ka taagan, xalkeedu wuxuu ku yimid islaamka, 1400 oo sano ka hor.( alla may tolkay taa ogaadaan)….
[1] meesha ilmaha la dhigo markuu dhasho
[2] Meel walbay gaadhay lagana maqla
[3] Soo saaridda dadka maalinta qiyaamo
[4] Soo saaridda dadka maalinta qiyaamo
[2] Meel walbay gaadhay lagana maqla
[3] Soo saaridda dadka maalinta qiyaamo
[4] Soo saaridda dadka maalinta qiyaamo
Qodobka Sagaallaad
(Soonka Ramadaan)
تاسعا: صوم رمضان
J: Tiirarkii islaamka, sadexbaan ka haynaaye, ka afraad waa maxay?
C: Tiirka afraad waa ramadaanka oo la soomo.
J: Bal nooga sheekee soonka ramadaan
C: Ramadaan waa magaca bisha sagaalaad, oo ka mida bilaha dayaxa lagu xisaabsado, oo Alla soonkeeda ku waajibiyay muslimiinta. Soonkuna waa cibaado muslimiinta loogu faral yeelay, sidii loogu faral yeelay ummadihii ka horeeyay iyo diimihii samaawiga ahaa.
Allana wuxuu yidhi – subxaanahuu watacaalaaa:
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ كُتِبَ عَلَيْكُمُ الصِّيَامُ كَمَا كُتِبَ عَلَى الَّذِينَ مِن قَبْلِكُمْ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ
.(البقرة (183)
“kuwii Alle rumeeyow, sidii kuwii idinka horeeyayba, soonka loogu faral yeelay, ayaa idinkana la idiinku faral yeelay, si aad Alle uuga cabsataan.”
[Suuradda (2aad) al-Baqarah, Aayadda 183]
J: Sida uu soonku muslimiinta agtooda ku yahay, bal tilmaan iga sii, maxayse ka soomaan?
C: Soonku waa in la daayo cunnada, cabidda iyo jimaaca, laga soo billaabo waaga dillaaciisa ilaa gabbal dhaca, goortaas oo wixii loo diiday oo idili u banaanaan, ilaa uu haddana waagu ka dillaaco, oo wixii oo dhan laga joogsado.
J: laakin muxuu soonku taraa?
1. Horta waa daaco iyo cibaado iyo camal uu muslimku Alla uugu dhawaan, xagiisana uu ajri wayn kaga heli, kol haduu Alla dartii u daayaye cunnadiisii, cabbiddiisii iyo waxay naftu rabtay, oo wuxuu Alla jecelyahay ka hor mariyay hawadiisa iyo waxay naftiisu jeceshahay, sidaa awgeedna soonku waxaa muslimka uugu jira in lagu tababarayo, laguna edbinayo inuu waxa Alla jecelyahay ka hor mariyo waxa naftiisu jeceshahay
2. Soonka iimaanka iyo taqwadaa ku siyaada, maadaama ay ruuxdu ku dahirmayso soonka
3. Naftana sabir iyo adkaysi ayuu u caadeeyaa
4. Muslimka soomani, kolkuu dareemo oonka iyo gaajada xanuunkooda, wuxuu xasuusan fuqarada iyo masakiinta dhibaatada haysata, taasoo ku riixi inuu u naxariisto, lana dareen wadaago.
5. Faa’idooyin badan oo waawayn oo dhinaca caafimaadka ah iyana waa laga helaa soonka, oo calooshii iyo nidaamkii dheefshiidka, ee sanadka oo dhan, shaqada joogtada ah ku jiray, waxay u baahanyihiin inay helaan waqti ay kaga nastaan shaqada ku dheeraatay, cunada iyo cabidda oo laga joojiyaana wax tar wayn bay utahay, waxaa iyana jidh ka kabixi suntii iskor-kortay, arimahaasna waa waxay sugeen addibbo (dhakhaatir) aan muslimiinba ahayn
6. Soonku wuxuu kamid yahay muuqaalada, laga arko midnimada muslimiinta iyo sinaantooda: qanigooda iyo faqiirkooda, xaakimkooda iyo maxkuumkooda, kabiirkooda iyo saqiirkooda, labkooda iyo dhaddigooda, oo Allay u wada soomanyihiin, danbi dhaaf wada waydiisanayaan, hal waqtibay cuntada ka wada joogsan, hal waqtina way wada afuri, maalintii oo dhanna ka simanyihiin gaajada iyo oonka, oo soonku mujtamaca sooman, wuxuu ka dhex xaqiijin: hadaf mida, shucuur mida, damiir mida, aaye mida, iyo caqiida mida.
Caqiidaddu waxay suura dhab ah ka dhiibi midnimada uugu wayn ee ummadda dadkeedu kasimanyihiin, intay doonaan ha ku-kale duwanaadeen jinsiga, midabka iyo wadanka. Haddaad arrintaa daliilkeeda dontana, bal si fiican baytul-xaraamka uuga daawo shaashaadka warbaahinta, si aad u aragto boqolaalka kun, iyaga oo markaliya wada afuri, salaada isu taagi, oo wax walba kamidaysan: rukuucda, sujuuda… ilaa salaada laga baxo. Hadaba majiraa muuqaal midnimo muujin oo ka cad muuqaalkan quruxda badan?!
- Soonku dagannaasho dhinaca nafta ah ayuu xaqiijiyaa, lagdanka nafta gudaheeda ku dhex mari waxa sharka kiciya iyo waxa khayrka keena waa joogto, soonkayse awooda khayrku ku guulaysan, oo amnigu nafta gudaheeda ku faafi, hadana u gudbi xubnaha, oo iyana ku nicmaysan amnigaa iyo daganaanshahaa, kolkaasuu khayr oo dhammi u dhaboobi muslimka sooman
- Soonku niyaduu xoojiyaa, akhlaaqda fiicanna wuu dhaliyaa, wuxuu kordhiyaa ruuxa muslimka ah dareenkiisa ah inay jirto ilaalin Alle.
J: Ilaahaw waa wax bilic iyo wanaag badan!!!
Qodoka Tobonnaad
(Xajka)
عاشراً : الحج
J: Haddana nooga sheekee tiirka shanaadee islaamka.
C: Waa inuu muslimka awooda u lihi u xajiyo baytul-xaraamka. Xajka macnihiisuna waa in Makka loola qasdo gudashada acmaasha xajka, ee kale duwan , sida dawaafka, sacyiga….waana ku waajib ruux kasta oo muslima , oo oofsaday shuruuda xajka , oo ah inuu xajka uhelo awood: dhinaca maaliyada iyo dhinaca badankaba, illayn nafna Alla kuma kallifo wax awoodeeda kasareeyee, oo waa ka Alla leh- subxaanahu watacaalaa:
لاَ يُكَلِّفُ اللَّهُ نَفْسًا إِلاَّ وُسْعَهَا
.(البقرة (286)
“Alla nafna kuma kallifo waxayna awood uhaynin.”
[Suuradda (2aad) Al-baqarah, Aayadda 286]
يُرِيدُ اللَّهُ بِكُمُ الْيُسْرَ وَلاَ يُرِيدُ بِكُمُ
.(البقرة (185)
‘’Alla fudayd buu idinla dooni, oo cidhiidhi idinlama doonaayo.”
[Suuradda (2aad) al-Baqarah, Aayadda 185]
J: Cibaadadan muuqaaladeedu waa maxay?
C: Muslimku, markuu ku soo dhawaado Makka wuu isdaahirin, isna nadiifin, maydhanna is cadrin, ninku labisan dharka ixraamka: oo ah go, iyo qayd (gunti hoose) cad- cad, oo nadiifa, haweenayduna labbiskay rabto ayay qaadan, laakin daahira, xishmo iyo xishood iyo asturaadi ka muuqato, dabadeed baytkay dawaafi, Safaa iyo Marwa ayay dhex socon, bisha xajka sagaalkeeday Carafa istaagi, habeenkeedana (10ka bisha) muzdalifa ayay u hoyan, Ayaamu-tashriiqana (11-12-13bisha) Mina ayay ku nagaan.
Cibaadadaasay wada gudan, iyaga oo uuna inna wax farqi ihi u dhaxaynin: qanigooda iyo faqiirkooda, madawgooda iyo cadaankooda, carabkooda iyo cajamigooda, oo labiskoodu waa mid, meesha la is taagi waa mid, meesha la baryi waa mid, halka lagu nagaan waa mid, waxa lafali waa mid, qibladu waa mid, diintu waa mid, illayn rabbigaa ah ilaah qudha, oo kaligii mudan in lacaabudo.
Intaa dabadeed, islaamku waakan atbaac diisa ku tarbiyayn isu imaatinka, isku duubnaanta, isjacaylka, walaalaynta iyo sinaanta. Waxaa muslimiinta maanta hayaana, sababtiisu waxaa weeye oo kaliya inay ka hadheen ku dhaganaantii diintooda, haday si dhab ah u qabsadaanna way liibaani lahaayeen, cizzoobi lahaayeen, oy guulasanlahaayeen!!!!!
Qodobka Kow & Tobonnaad
(Iimaanka)
الحادي عشر:الإيمان
J: Soo ogaanay shantii tiir ee islaamka ee ma wax kalaa haray?
C: Haa, waxa haray inaad barato tiirarka iimaanka
J: Waa maxay iimaanku?
J: Waa maxay iimaanku?
C: Iimaanku waa rumayn carrabka laga rumeeyo, ictiqaadka qalbigana laga rumeeyo, camalka xubnahana laga rumeeyo.
Iimaanku wuu ziyaadaa wuuna nusqaamaa, oo goor walba hal heer oo qudha ma taagna, oo kolkuu qofku rabbigii ugu dhawaado daacada iyo cibaadada wuu kordhaa, kolkii uu ka fogaado, ee uu macaasi iyo dunuuubta xuluushana wuu dhinmaa.
J: Haddaba tiirarka iimaanku waa maxay?
C: Iimaanka tiirarkiisa waa lix:
TIIRKA KOWAAD
Alle oo la rumeeyo
(الإيمان بالله)
Waa inaad Alla rumayso ood caqiidayso inuu isagu wax walba uumay, uu mulkiyo, uu arzaaqo, uu nooleeyo uuna dilo, mudanyahayna in kaligii uun la caabudo, oon wax kale lala caabudin, Allana waxaad ku baran adoo ka fikira aayadahiisa, makhluuqaad kiisa, wuxuu rususha u soo dhiibay iyo kutubta uu soo dajiyay, waana inaad rumayso magacyadiisa iyo tilmaamihiisa oo ah inuu yahay:
الله, الملك, القدوس, السلام, المؤمن, المهيمن, العزيز, الجبار, الرحيم
Allaah, Al-malik, Al- qudduus, Assalaam, Al- mu’min, Al- muhaymin, Al -caziiz, Al -jabbaar, Arraxiim, ……….) oo wuxuu leeyahay magacyada ugu wanaagsan iyo tilmaamaha ugu sarreeya.
TIIRKA LABAAD
Malaa’ikta oo la rumeeyo
الإيمان بالملائكة
J: Oo waa maxay Malaa’igtu?
C: Waa makhluuq Alle makhluuqaadkiisa ka mid ah, oo nuur laga abuuray, una wakaashay inay uunka acmaal ka qabtaan, Allana aan ku caasiyin wuxuu faray, ee fala waxa la amro, waxaana ka mid ah jibriilka waxyiga loo aaminay, ee kalaamka Alla rususha soo gaadhsiiya.
Tiirka Saddexaad
Rususha oo la rumeeyo
(الإيمان بالرسل)
J: Oo rusushu waa Ayo?
C:Rusushu basharkay ka mid yihiin, oo waxbay cunaan, waxbay cabbaan, suuqyaday iska maraan, Allaase ku gooni yeelay risaaladiisa (diintiisa), kuna kallifay inay shareecadiisa faafiyaan, iyagaana basharka ugu fadli badan, ugu daahirsan, uguna nadiifsan, wayna badan yihiin, oo waxaa ka mid ah kuwaynu horey usoo xusnay, ee uu Aadam ugu horreeyay, Muxamadna ugu danbeeyay ( calayhim assalaatu wassalaam ), muslimkuna wuu rumeeyaa, wuuna jecel yahay, fadligoodana wuu caqiideeyaa, Allana diin qudhuu u soo dhiibay oo ah in dadka loogu yeedho in Alle kaligii la caabudo, oo nabi waliba qoomkiisa wuxuu ku yidhaahdaa:
يَا قَوْمِ اعْبُدُواْ اللَّهَ مَا لَكُم مِّنْ إِلَهٍ غَيْرُهُ
(هود( 50)
“Qoomkayow, Alle caabuda, cid xaq lagu caabudo oo kale ma lihidine.”
[Suuradda (11aad) Huud, Aayadda 50]
Ha iskuba khilaafsanaadeen rusushu cibaadaadka iyo axkaamta tafaasiishooda e, rasuul walbaana qoomkiisii uunbaa loo diray, Muxammad oo dadka oo idil loo diray mooyee (sallalaahu calayhi WA sallam).
TIIRKII AFRAAD
Kutubta oo la rumeeyo
الإيمان بالكتب السماوية
J: Kutubta samaawiga ihi maxay tahay?
C: Kutubtaa waxa loola jeedaa tii uu Alla ku ayiday nabiyadiisa iyo rusushiisa (calayhim assalaam), oo Alla rasuul walba wuxuu ku soo dajiyay kitaab qeexa tawxiidka, xalaasha iyo xaaraantana kala sooca, muslimkuna wuxuu rumaysan yahay Alle iyo kutubtiisa iyo rusushiisa, kutubta lasoo dajiyayna waxaa ka mid ah: {Tawraad, Injiil, Zabuur, Suxufu Ibraahiim…..} wuxuu rumeeyaa oo kale {Qur’aanka} lagu soo dajiyay Muxammad (sallalahu calayhi wa sallam).
TIIRKA SHANAD
Aakhira oo la rumeeyo
الإيمان باليوم الاخر
J: Oo maalinta aakhiro BAL ii sharrax?
C: Waxa weeye inaan rumayno in ay geerida dabadeed jiri doonaan nolol, soo bixin, janno iyo naar, oo mu’minku wuxuu rumaysan yahay in dadka la soo bixin doono, haddana la xisaabayo iyo inay halkaa jirto janno Alle ugu tala galay addoomadiisa mu’miniinta ah, oo laga helo waxaan ili arag, dhegi maqal, qalbi banii aadamna kusoo dhicin, iyo inay jirto naar ololi oo uu gali uun ka ugu shaqisan ee beeniyay kalaamka Alle iyo diinta Alle iyo rususha iyo kutubta, amarkii Allana ka madax taagay, xaqana kasii jeedsaday, iyo in ehlu naarka oo ah kaafiriinta iyo mushrikiinta lagu waarin doono naarta, laakin muslimka isku badhxay camal saalix ah iyo ku kale arrintiisu Alley u taalaa, oo hadduu doono wuu u danbi dhaafi, hadduu doonana naarta ayuu ku cadaabi, kadibna intuu ka soo bixiyo ayuu jannada gelin.
TIIRKA LIXAAD:
Qadarka oo la rumeeyo
الإيمان بالقضاء والقدر
C: Alle –Subxaanahu – uunka maqaadiirtiisu qaddaray, wax walbana intuuna dhicin buu ogaaday ,hadana qoray, kadibna intuu doonay ayuu abuuray, oo mu’minku wuxuu ogyahay in wixii asiibay uuna ahaadeen ku seega, wixii seegayna uuna ahaadeen mid asiiba, oo wuxuu rumaysan yahay qaddaha Alle iyo qaddarkiisa, oo wuxuu doonaa ahaanaya, wuxuuna dooninna ma ahaanayo, kolkay muslimka musiibo hesho wuu sabraa, Alle agtiisuuna ajrigeeda ku kaydsadaa, maadaama uu ogyahay inuu Alle waxan ku qaddaray, waxan la neceb yahayna uu ku imtixaanayo, oo haddii Alle agtiisa ajrigeeda sii dhigato Allaa ka sawaabin, ajri waynna ka siin, haddiise uu is xanaajiyo, uu argagaxo waxba kama badalo musiibadii heshay, danbina wuu u soo hoyan, illayn qaddarkii Alluu caaridaye, imtixaankiina wuu ku dhacaye.
Wuxuu muslimku caqiideeyaa oo kale in haddii ummadu isugu tagto si ay wax ugu anfacdo, ayna ku anfacaynin, waxaan ahayn wuxuu Alle u qoray, hadday isugu tagto inay wax yeelaana, ayna yeelaynin waxaan ahayn wuxuu Alle ku qoray, oo qadarka, khayrkiisa iyo sharkiisaba wuu rumaysan yahay iyo inuu mid waliba xagga Alle ka yimid, ka dhibta fayda, dheeftana keenaana Alle oo kaliya yahay, inayna jirin meel Alle laga magan galo oon isaga ahayn, kolkaas ayuu iimaankiisu xoogoobi naftiisuna dagi.
Alla wuxuu leeyahay:
(22) مَا أَصَابَ مِن مُّصِيبَةٍ فِي الأَرْضِ وَلا فِي أَنفُسِكُمْ إِلاَّ فِي كِتَابٍ مِّن قَبْلِ أَن نَّبْرَأَهَا إِنَّ ذَلِكَ عَلَى اللَّهِ يَسِيرٌ
(23) لِكَيْلا تَأْسَوْا عَلَى مَا فَاتَكُمْ وَلا تَفْرَحُوا بِمَا آتَاكُمْ وَاللَّهُ لا يُحِبُّ كُلَّ مُخْتَالٍ فَخُورٍ
.(22-23) الحديد)
“Majirto wax musiiba ah oo dhulka hesha ama nafihiinaba oon ku oolin kitaab intaanaan musiibadanba abuurin, kaasina waa wax Alle ku fudud, waxaana sidaa loo yeelay inaydaan ka murgin wixii idin seegay, kuna farxin wuxuu Alle idin siiyay farax1 , Allana majecla qofkasta oo faan iyo kibir badan.”
[Suuradda (57) al-Xadiid, Aayadda 22-23]
J: Maxaa laga helaa qaddaha iyo qadarka rumayntooda?
C: Wax badan baa laga helaa:
Caqiidadan saxiixa ah oo sidaa loo qaato ajribaa Alle lagaga heli.
Muslimku ma quusto, khayr seegayna naftiisu iskama daba riddo, ee wuxuu caqiideeyaa inaan looba qorin oo uuna marnaba heleen, awood kasta haku bixiyee, oo waxaas oo kale u shallaayi maayo, kana murgi maayo, illayn tiiraanyadu cudurray nafta u keentaaye, oo haddii ay qofka seegto fursad ganacsi, ama shaqo ama uu ka geriyoodo ruux qaraaba ah, ama uu jecelyahay, wuxuu ogaan inuu waxaas oo dhammiba qalle Alle iyo qadarkii ku dhacay, kolkaasuu sabri, Alle agtiisana ajri wayn ka sugi.
Muslimka dhabta ihi, kolkuu khayr soo gaaro uu – masalan – tijaaro ku ribxo, ama shaqo helo, ama jago sare, ama khayr kalaba ma kibro, addoomaha Allana iskama wayneeyo, oo wuxuu ogyahay inuuna waxaasi ku imanin fadligiisa iyo fariidnimadiisa, uuse ku yimid fadliga Alle ee khayrka u qadaray, sababtiisana u diyaarshay, kolkaas ayuu ku shukriyi Alle, addoomihiisana u tawaaduci, waxaa khayrka ah ee uu helayna sabab uuma ahaanayo inuu is qaruufiyo, ama isqaad-qaado.
J: Ruuxa aan muslimka ahayni, kolkuu doono inuu islaamo waa maxay nidaamka laga doonayo inuu sii maro?
C: Wax nidaam ah oo la raaci iyo wax ducooyin ah oo ruuxa muslimi laga rabo, midna majiro oo ka baxsan inuu ku hadlo odhaahdan:
.(أشهد أن لا إله إلالله وأشهد أنّ محمّدا رسول الله)
J: Oo waa maxay macnaheedu?
C: Waa inuu ruuxu qiro, kana marag kaco inuuna jirin wax xaq lagu caabudo, oo aan Alle ahayn, una tukanin waxaan Alle ahayn, una sujuudin, waxaan isaga ahayn, oo waxa cibaadada loola qasdo uuna u falin aan Alle ahayn , uu ku adeeco wuxuu faray, u rumeeyo wuxuu ka warramay, ka fogaado wuxuu u diiday, kuna caabudin waxaan ahayn wuxuu sharciyeeyay. Wuxuu qiri oo kale inuu Muxammad yahay addoon Alle iyo rasuulkiisii, dadka oo dhanna Alle u soo wada diray. Kolkuu ruuxu odhaahdaa yidhaahdo, qalbigiisana ka caqiideeyo waa muslim.
J: Maxaa ka dhalan odhaahdan uu yidhi iyo islaamka uu galay?
C: Kolkuu ruuxu Alle run kula macaamilo, odhaahdanna ku hadlo, waxay keenina ku camal falo, Islaamkaa uu galay ayuu jannada ku geli, danbiyadiisii uu horay u galayna xasanaad baa loogu beddeli.
Alle wuxuu leeyahay:
(70) إِلاَّ مَن تَابَ وَآمَنَ وَعَمِلَ عَمَلا صَالِحًا فَأُولَئِكَ يُبَدِّلُ اللَّهُ سَيِّئَاتِهِمْ حَسَنَاتٍ وَكَانَ اللَّهُ غَفُورًا رَّحِيمًا
(71) وَمَن تَابَ وَعَمِلَ صَالِحًا فَإِنَّهُ يَتُوبُ إِلَى اللَّهِ مَتَابًا
.(الفرقان (70-71)
“Laakin ruuxii ka tawbad keena danbiyadii lasoo sheegay: Shirkiga -naf xaq darro lagu dilo – zinada….. Oo Alle rumeeya, camal saalixana fala, kuwaas Alle danbiyadoodii wuxuu uugu beddeli xasanaad, Allana waa danbi dhaaf badane, naxariis badane. Ruuxii tawbad keena, ee camal saalixa fala, tawbada Alle wuu ka aqbali.”
[Suuradda (25) Al furqaan, Aayadda (70-71).
Ruuxii islaamka soo gala, wuxuu geli nolol cusub oo u damiinata nolol uu ruuxa muslimka ihi dadaal iyo nashaad uugu hawl galo aduunyadiisa, aakhiradiisana uu uugu shaqaysto ikhlaas iyo yaqiin, oo wuxuu garan kii abuuray, wuxuu garan kii arzaaqay , wuxuu garan xaguu usocdo, wuxuu garan wuxuu aayihiisu yahay, wuxuu garan rabbigii iyo khaaliqii iyo raaziqii, wuxuu garan cibaadada iyo ka mudan in lasiiyo, wuxuu garan liibaanta, daganaanshaha iyo raaxada, kolkuu khayr soo gaadho wuu shukriyi, kolkuu shar helana wuu sabri, wuu niyo iyo go’aan adagyahay, geerida uugama cabsado sida ay kuwa kale uuga cabsadaan, oo wuxuu ogyahay in waxa Alle musliimiinta Aakhiro uugu diyaarshay ka khayr iyo raagitaan badayihiin aduunyadan.
Muslimku waa inuu cilmi doonto, kol haddii islaamku sidaa amray. Islaamku wuxuu ku dhiiri gelin in la iktishaafo wax alla wixii faa’ida ku jirto, ee aan ka hor imanayn xaqaa’iqda cilmiyeed, oo waliba mucjiznimada cilmiyeed ee Qur’aanka ku jirtaaba ah daliilka uugu waynee arrintaa cadaynaya, waxaana dhab ah inuu Qur’aanku si wayn oo kifaaya ah, oo lagu caafimaado, u caddeeyay xaqiiqooyin badanoo ku saabsan: cilmiga, taariikhda, dhaqaalaha, siyaasada, iyo dhinaca bulshada, iyo sharciga.
Waxaanu dadka uugu yeedhi waa risaaladdii Rabbi, si aanu dadka uuga samato bixinno mugdiyada, dulmiga, shirkiga, addooma caabudka, ciriiriga aduunyada, xad gudubka suldaanka, oo loo saaro nuurka, cadaaladda, tawxiidka, waasicnimada aduunka, cadaaladda islaamka, iyo in la caabudo adoomaha rabbigooda.
J: Maxaa ku sugnaaday muslimiinta naftooda?
C: Muslimka dhabta ihi wax badan buu garan: wuxuu garanna waxaa ka mid ah :
Yaa inna abuuray? Oo muxuu innoo abuuray? Oo xageen u soconaa? (Waydiimahaa jawaabtoodana wuu garan). Wuxuu muslimku ogyahay in wixii asiibay uuna ahaadeen wax seega, wixii seegayana uuna ahaadeen wax asiiba, illayn qadarkuu rumaysan yahaye. Wuxuu ogyahay xaqa Alle ku leeyahay addoomada, iyo xaqa addoomadu Alle ku leeyihiin, oo xaqa Alle ku leeyahay addoomada waa inay caabudaan, oo ayna wax kale la caabudin, xaqa addoomadu Alle ku leeyihiinna waa inuuna cadaabin ruuxii aan wax kale la caabudin.
جوج: هذ ا الدين الذي كنت أبحث عنه : أشهد أن لا إله إلا الله وأشهد أن محمداً رسول الله.
(Kani waa diinkii aan daydayi jiray: waxaan qiri inuuna jirin waxaan Alla ahayn oo xaq lagu caabudo, waxaan qiri oo kale inuu Muxammad Rasuul Alle yahay) .
عمر: الحمد لله الذي أنقذك بي من النار
(Ammaan idaylkeed waxaa leh Allaha sababtayda naarta kaaga badbadbaadshay).
:جورج
الْحَمْدُ لِلَّهِ الَّذِي هَدَانَا لِهَذَا وَمَا كُنَّا لِنَهْتَدِيَ لَوْلا أَنْ هَدَانَا اللَّهُ لَقَدْ جَاءَتْ رُسُلُ رَبِّنَا بِالْحَقِّ
.(الأعراف ( 43)
“Ammaan idaylkeed waxaa iska leh Allaha Kan nagu hadeeyay, mana aanan ku hanuuneen, haduuna Alle nagu hanuunin, wallaahi inay rusushii Rabbi xaq layimideen.”
[Suuradda (7aad) al-Acraaf, Aayadda 43]
وفي الختام/ اعلم ان المسلم الصادق يحب الخير لكل الناس: قريبهم وبعيدهم, ويحب ان يشاركوه في السعادة
الحقيقية في الدنيا والاخرة, ففي الدنيا بدخول الا سلام وفي الآخرة بدخول الجنة
(Khitaamka/ ogow in muslimka dhabta ihi, dadka oo dhan khayrka la jecelyahay: kooda dhaw iyo kooda dheerba, wuxuuna u jecelyahay oo kale inay adduun iyo aakhiraba liibaanta kula wadaagaan, liibaanta Adduunyadu waxaa lagu helaa Islaamka geliddiisa, ta Aakhirna jannada geliddeeda.
.نسال الله- تعالى- ان يرينا الحق حقا ويرزقنا اتباعه, ويرينا الباطل باطلا ويرزقنا اجتنابه اللهم أمين
(Allaanu baryi- sarreeye- inuu xaqa xaq noo tuso, raacidiisana nagu arzaaqo, baadilkana baadil noo tuso, ka fogaanshihiisana nagu arzaaqo, Allaw aamiin (ajib).
.وصلى الله على نبينا محمد و على آله وأصحابه و أتباعه وسلم تسليما كثيرا
Wasallalaahu calaa Nabiyinaa Muxammadin, wa calaa Aalihi, WA Asxaabihi, WA Atbaacihi, wasallama tasliiman kathiiran.
Alla ha u naxariisto Nabigeeni Muxammad ahaa, iyo Ehelkiisa, iyo Asaxaabtiisa, iyo Atbaacdiisi, nabagelyo bandanna ha nabad geliyo.
[1] Faraxkibir baa loo jeedaa.
Comments